Gen. Dhaga-Badan: Al-Shabaab Deegaano Oo ka Tirsan Shabeelaha Hoose Ayay ka Qaateen Matooradii Ceelasha Biyaha


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio)  Abaan duulaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya Gen. C/kariin Yuusuf Dhaga-badan oo warbaahinta la hadlay ayaa wuxuu ku eedeeyay kooxda Al-Shabaab in deegaano badan oo ka tirsan shabeelaha hoose ay kala baxeen Matooradii Ceelasha.

Dhaga-Badan ayaa wuxuu sheegay Markii Al-Shabaab ay ogaadeen in ciidamada dowlada ay ku soo wajahanyihiin deegaanka Lanbar Konton iyo deegaano kale in ay bilaabeen in ay rartaan matooradii loogu talagalay in ceesha biyaha looga dhaliyo oo ku yaalay deegaanadaasi.

Wuxuu sheegay Abaan duulaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya in xiligaan ay dhibaatooyin badan oo biyo la’aaneed ay ka jiraan deegaanadaasi, dadka iyo duunkayada ku noolna ay haraad badan qabaan.

Abaan duulaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya Gen. C/kariin Yuusuf Dhaga-badan ayaa wuxuu sidoo kale ugu baaqay dowlada KMG iyo hay’adaha samafalka in ay xiligaan ka soo gaaraan dadka ku nool deegaanka Lanbar konton iyo deegaanada kale ee gobalka Shabeelaha hoose.

Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMSIOM ayaa waxay dhowaan la wareegeen deegaano horleh oo ka tirsan gobalkaasi, waxaana deegaanadaasi horay ugu sugnaa kooxda Al-Shabaab.

Kooxda dowlada ka soo horjeeda ee Al-Shabaab wali haatan waxay gacanta ku haysaa oo ay maamushaa deegaano badan oo ka tirsan gobalkaasi oo ay ku jirto caasimada gobalka Marka.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Leave a Reply