Golaha Ammaanka QM Oo Fadhi Ka Yeeshay Arrimaha Soomaaliya


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

New York [Radio RBC] Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa kulan ka yeeshay xaaladda Soomaaliya, iyagoona soo saaray warbixin ay uga hadlaayaan halka ay wax marayaan.

Warbixinta golaha ammaanka QM ayaa lagu soo dhaweeyay ansixinta dastuurka Soomaaliya, oo qeyb ka ah dhameestirka xiliga KMG a, kaddib markii golaha ansixinta ay meel mariyeen dastuurka cusub ee uu dalka yeelanayo.

Goluhu waxa uu baaq u diray saxiixayaasha Roud-Mapka, oo ay sheeegeyn in loo baahan yahay in hubiyaan soo xulista baarlamaanka cusub ee soo socda.

Warbixinta Golaha Ammaanka QM ayaa lagu sheegay muhiimada ay lee yihiin guddiga farsamadda ee su xulaya baarlamaanka cusub.

Goluhu waxa kaloo uu soo dhaweeyay, wax yaabaha la qabtay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ee sannadkan, iyo horrumarka laga sameeyay nabad-galyada ammaanka caasimada Soomaaliya.

Ugu dambeyn warbixinta golaha ammaanka QM ayaa lagu ammaanay howsha ay hayaan ciidanka nabad ilaalinta midowga Africa ee AMSIOM,

RBC Radio
—————————
Xafiiska Wararka Nairobi

Share

Tags:

Leave a Reply