Guddiga Farsamada ee Xulista Baarlamaanka oo Waqti u Qabtay Qabashada Liiska Xildhibaanada Cusub Kana Digay In Dad Dembiyo Galay Lagu Soo Daro (SAWIRO)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Guddoomiyaasha guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho

Muqdisho (RBC) Guddiga madaxa bannaan ee xulista baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo ka kooban 27 xubnood oo metela beelaha Soomaalida ayaa maanta shaaca ka qaaday in maalinta berito ee Axadda oo ku beegan 5/08/2012 ay tahay maalinta ugu dambeysa ee beelaha ay soo gudbisan karaan liiska dadka ay u doorteen baarlamaanka cusub.

Prof C/laahi Cali Cismaan oo ah Gudoomiyaha guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka iyo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim oo iyaduna ah La gudoomiyaha guddiga ayaa shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen waxay ugu baaqeen odayaasha dhaqanka ee qabiilada Soomaalida inay liisaskooda keenaan maalinta berito ah laga bilaabo 9:00 subaxnimo, beeshii keensan weydana aysan waqti dambe heli doonin.

Shirkan jaraa’id kadib ayaa Shabakada Raxanreeb waxay wareysi la yeelatay labada Gudoomiye ee guddiga xulista baarlamaanka waxaan wax kaga weydiinay wararka sheegaya in liisas xildhibaanada cusub ka mid ah oo ay wataan madaxda DKMG ah loo soo gudbiyey.

“Illaa hadda ma jiraan wax liis xildhibaano oo aan qabanay, waa jiraan in meelaha lagu qorqorayey laakiin waxaan kuu cadeyneynaa in illaa hadda wax xubin baarlamaanka oo aan beel ka qabanay ma jirto” ayuu yiri Prof C/laahi Cali Cismaan oo ah La Gudoomiyaha guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka.

Waxaan weydiinay in guddigoodu uu u madax bannaan yahay hubinta dadka ka midka noqonaya baarlamaanka cusub maadaama ay jiraan siyaasiyiin doonaya inay xildhibaano ay iyaga wataan ku darsadaan baarlamaanka cusub.

“Waxaan nahay guddi madax bannaan oo ka kooban 4.5 beelaha Soomaaliyeed oo dhan, waxaana nagu jira labo xubnood oo Qaramada Midoobay ka socda oo aan wax cod ah ku lahayn guddiga laakiin nala hubin doona magacyada ay qabiilada keensanayaan, ma jiri doonto cid aan buuxin shuruuda oo loo ogolaanayo inay baarlamaanka soo gasho xitaa hey madaxda dawlada wataan” sidaasi waxaa ku jawaabtay Xaliimo Ismaaciil Ibraahim oo ku magac dheer “Xaliimo Yarey” oo ah La Gudoomisada guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Xaliimo Ismaaciil Ibraahim gudoomisada guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka

Shuruudaha baarlamaanka

Guddigan farsamada waxay noo xaqiijiyeen in shuruudaha lagu xulanayo baarlamaanka cusub ay yihiin sidan soo socota:

1- Waa inuu ahaadaa muwaadin Soomaaliyeed
2-Waa inay da’diisa u dhexeysaa 25-75 sano.
3- Waa inuu heystaa shahaadada dugsiga sare [ugu yaraan].
4- Waa inuusan horey dalka iyo dadka dembi uga gelin.
5- Waa in dhimirkiisu buuxo.
6- Waa inuu yahay qof dhowraya dhaqanka Islaamka.
7- Waa inuu leeyahay waayo aragnimo ku haboon.

Digniin loo diray siyaasiyiinta

Xubnaha guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka ee maanta shirka jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho waxay digniin u jeediyeen siyaasiyiin ay sheegeen inay faraha kula jiraan hawlaha odayaasha dhaqanka kuwaasoo raba in dad iyaga u ololeynaya ay ku soo daraan baarlamaanka cusub, taasoo guddigu sheegeen inaysan marnaba aqbali doonin.

Cabdullahi Cali Cismaan, Gudoomiyaha guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka

Waxay sidoo kale odayaasha beelaha u soo jeediyeen inaysan sharaftooda ku tumanin oo aysan keenin dad ay lacago ka soo qaateen oo hadhowna ay dhici doonto in dib loogu soo celiyo maadaama dadka qaar aysan shuruudihii soo buuxin karin.

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

12 Responses for “Guddiga Farsamada ee Xulista Baarlamaanka oo Waqti u Qabtay Qabashada Liiska Xildhibaanada Cusub Kana Digay In Dad Dembiyo Galay Lagu Soo Daro (SAWIRO)”

  1. cawaale says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk , alahayaw soomaalia adaa umaqan oo odayaashiina xitaa laaluush bay qaadanayaan miyaa, waxaa caddatay soomali inaytahay dad wax qiyam ahba lahayn, ilaahbaad leedahay waankaygaw iyo dadkakatgaw,

  2. khadija says:

    naagta iyo nikaas hadlaya mala hubaa ineysan laaluush qaadan mase lahubaa iney daacad iyo soomalinimada ka dhab tahay miyeysan ahayn kuwa ay soo xusheen ragii lixda ahaa ee saxiixayaasha.

  3. wixii somali neceb hajabaan. says:

    to- cawaale; saaxib kaa qusul ma ahee wa caro ay kaa soo yeertay waa xili ramadaan waxaadan wax ba ka ogeena ha iska qor qorin noocaaga oo kale waan ku dan baabeynaa walaahi, soomaali waa dad horey usocda oo wadani ah la aqoosan yahay .marka iska ooya wax kale oo aad sameeyni kartaan majiree.soomaali hanoolaato .soomaali aduun koodhan bey qiimakaleedahay .dagaal na wadan waliba wuu soomaraa weyna ka waan too baan wayna isu imaaadaan oo iscafiyaan,,.marka taas baan kusoconaayee .idinku iska ooya aqoon si baan ubaahanahay la war wareegaoona la oo ooya meel waliba .wadan walibana oo hintiina wuu idinku nacey….soomali waxey kumaah maahdey sxb ninkii caytama af kiisa ayuu kuyaalaa. ninkii soomali ah ayaa fahmaaya …

  4. faroole says:

    hala soo xuloxildhibaano tayo leh iyado laracayo hashiski garoowe

  5. somaliyeey ila eega qodobka 6 xaad ee shuruudaha laga rabo qofka baarlamaanka noqonaya waa sidatan (Waa inuu yahay qof dhowraya dhaqanka Islaamka ) waa qodob si cad oo aan leexlees lahayn diinta islaamka iyo manhajkeena suuban u dhaawacaya
    hadii aan faalo kabixiyo qofka baarlamaanka noqonaya waa in uu dhawraa diinta islaamka macna heedu waxaa weeye haduu rabo ha haysto diin kale laakiin waa in uu ixtiraamaa oo dhawraa diinta islaamka
    war wadanka somaliyeed ma sida masar iyo sudanti waynad ee hada kala go.daybaa ee bulshadu ay diimo kala duwan haysataa ? waa maya waa wax lala yaabo wadamada reer galbeedka ayaa xataa sidaas oo kale dasaatiirtooda ku qorta oo waxay dhahaan qofka baarlamaanka ah waa in uu diimaha ixtiraamaa
    luguma qasbayo in uu diin gaara haysto
    somaliyeey qodobkaas ila arka oo faalo ka bixiya fadlan waad mahadsantihiin

  6. cali says:

    WAA INUU YAHAY QOF DHOWRAYA DHAQANKA ISLAAMKA ?!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
    YAAB BADANAA MAXAY TAHAY WAXAAN

    WAA IN UU QOF MUSLIM AH YAHAY (MAXAA MEESHA LOOGA SAAREY)

  7. keerow says:

    KUWAAN ISKU SHEEGAAYO GUDDIGA FARSAMADA SOW MA AHAN KUWII AY SOO MAGACAWDEEN LABA XARIIF ?

    MARKA WAA MAXEY MICNAHA AY YEELAN KARTO WAR-MURTIYEEDKOODA ?

    SOMALIDU WAXEY KU MAAH MAAHDAA ” HAL BOOLIYA, NIRIG XALAAL AH MA DHASHO”, KUWAAN IYAGAABA AY LABA XARIIF U SOO MAGACWDEEN INEY U SAHLAAN MUSUQ MAASUQA IYO IS-DABA MARINTA HAWSHAAN XAARAANTA AH.

  8. rooraaye says:

    war anigu waa yaabey ka waran sxb hadii mar qura la hello wax layiraahdo dowlad la yiraahdo oo qofkuu rabo madaxweyne noqdo taas ayeey naga taagan tahay waxaa soomaali fahmi la, yihiin aan xataa dowlad uun noqono ka dib wax walibaa waa imaanayaan in la la dagaalamo musuqmaasuq wadanka xuduudihiisa la soo celiyo bad beri hub ka dhigis la sameeyo xisbiyo la sameeyo baarlamaan dowlada la dooda la sameeyo raiisal wasaare xor u ah shaqadiisa la helo dadku ay wadankooda dhistaan dhamaan kala danbeyntii soo noqoto waxay doonaysaa waqti marka piease siiya waqti dadkaan shaqeynaya sxbayaal waxaad la soo boodaysaan sidii in wax welibaa beri la sameyn karo cid walibaa wey jeceshahay wax walibaa hada caadi noqdaan laakiin waxaa jira caqabado badan oo u baahan in laga gudbo loogana gudbo siyaasad degan taageero dhab ah cidwalboo wax wadaa la mucaaradin ee loo hanbalyeeyo wax fahma sxb

  9. Waayeel75 says:

    KU:Xisbiga Tayo Part iyo Keeroow.
    Saaxiibayaal u kaadiya xaajada oo hubsada ujeedada meesha ku jirta.An idiin sheegee dhaqanka soomaalidu waa diinta Islaamka iyo wixii soo raaca oo wanaagsan.Dhaqankeedu waa ku dhaqanka diinteena sharafta leh.Tan kale ee la raadinayaa waa tuu sheegay Jaalle Rooraaye ee ah war waxaa maanta muhiim noo ah in hal mar la helo dawlad wax kala saarta oo so celisa qarankii dumay.Saaxiibayaal maanta xaalkeenu waa (sos) qaylo dhaan,saas darteed waxkasta oo mar an wax u dhimayn diinteena oo noo so celinaya midnimadii naga luntay way banaan tahay in la isticmaalo.

    Wakhtigii Nabi Muxammad (scw) baa mar asaxaabtii weydiiyeen su’aal ahayd Rasuul (scw) Alloow wadan muslim iyo dadkiisa ma xukumi karaa qof gaal ah.Waxaa la yiri Nabigii in yar buu aamusay oo misna yir HAAH,Waase haddii uusan wax dhiba u geeysan diinta Islaamka iyo dadkeeda.
    Ugu dambeyn kuwa laaya dadka soo raadsaday guryahoodii iyo Shabaab iyo Yahuud noo keenta Galeey baartay waxaa noo roon kuwa nookeenay cunada.Kuwaasu maxay soomaalinimo kugu tarayaan.

  10. Waayeel75 says:

    Soomaaliyeed yaan loo gafin cidna.Markastaba ma banaana xumaantu.Waliba hadda waa xili Ramadaan.Shariifyo iyo Gaas yaan lagu dambaabin.Midna an idiin sheego oo ah in ay tageen dagaal oogayaashii.Insha Allaah markii wakhti loo helona la hor keeni doono maxkamad an naxariis lahayn.

  11. mohamed shiikh saciid[suniyo] says:

    ssssssssssss waaa waalin tihiin

  12. [...] Last week the technical selection committee of Somalia’s new parliament which consists of 27 representatives from Somalia clans and two representatives from the international community, has warned that all the new members of the parliament should meet with the criteria set by the six signatories, but that seems rather fading. [...]

Leave a Reply