Guddiga Farsamada Xulista Baarlamaanka Cusub oo Raxanreeb Ay La Yeelatay Wareysi Xiiso Badan (Dhageyso)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Xaliimo Ismaaciil Ibraahim “Xaliimo Yarey” gudoomiyaha labaad ee guddiga farsamada xulista baarlamaanka

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

Muqdisho (RBC) Gudoomiyaasha guddiga farsamada ee xulista mudanayaasha baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo maanta sjir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wareysi gaar ah oo ay la yeelatay Shabakada Raxanreeb waxay kaga hadleen halka ay mareyso xulista baarlamaanka cusub iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan in boosaska baarlamaanka lakala iibsanayo.

Wareysigan oo si wadajir ah aanu ula yeelanay labada gudoomiye ee guddiga farsamada xulista baarlamaanka oo kala ah Prof C/laahi Cali Cismaan iyo Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa waxaan ugu horeyn wariyaha Raxanreeb uu weydiiyey waxa ka jira wararka sheegaya in liiska xubnaha baarlamaanka ay qabteen iyadoo xildhibaanada qaarna ay keensadeen siyaasiyiin.

“Magaalada warar badan baa yaayacaya, waxaa la leeyahay guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka waxay qabteen magacyada baarlamaanka, Anagu illaa hadda wax liis rasmi ah oo aan qabanay ma jirto , si guud waxaan u qabaneynaa berito [Axadda]…” ayey tiri Xaliimo Yarey oo su’aashaasi ka jawaabtay.

Mar aan wax ka weydiinay in guddigu yahay mid ka madax bannaan cadaadiska siyaasiyiinta waxay ku adkeysteen inay yihiin guddi ka kooban beelaha Soomaaliyeed kuna saleysan 4.5 (afar iyo bar) isla markaana tiradoodu ay dhan tahay 27 xubnood.

Shuruudaha lagu xiray baarlamaanka cusub

Prof C/laahi Cali Cismaan, gudoomiyaha guddiga xulista baarlamaanka Soomaaliya

Gudoomiyaasha guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka waxay wareysiga ku sheegeen inay uga digayaan odayaasha dhaqanka inay soo xulaan dad aan buuxin karin shuruudaha loo dejiyey xildhibaanada cusub, kuwaasoo kala ah;

1- Waa inuu ahaadaa muwaadin Soomaaliyeed
2-Waa inay da’diisa u dhexeysaa 25-75 sano.
3- Waa inuu heystaa shahaadada dugsiga sare [ugu yaraan].
4- Waa inuusan horey dalka iyo dadka dembi uga gelin.
5- Waa in dhimirkiisu buuxo.
6- Waa inuu yahay qof dhowraya dhaqanka Islaamka.
7- Waa inuu leeyahay waayo aragnimo ku haboon.

YAA DEMBIILE AH SOOMAALIYA?

Waxaan weydiinay Xaliimo Yarey “yaa ah dambiile maadaama aysan jirin maxkamad illaa hadda qaaday dembiyada ka dhacay Soomaaliya?”

“Waxaa jirta maxkamad dadka ah oo waa la yaqaanaa kii dadka dili jiray, dadku waa yaqaana kii wax xadi jiray, waa laga wada marqaati kici karaa, maxkamad waxaa jirta dadka ay u dhan yihiin oo ay leeyihiin HEBEL iyo HEBEL.. saas iyo saasuu ahaa, .. odayaasha waxaan u sheegeynaa arimahaas la wada og yahay inay ka digtoonaadaan” ayey tiri gudoomiyaha guddiga xulista baarlamaanka.

Waxay labaduba sheegeen in baarlamaanka cusub laga horjoogsan doono dad aan lahayn aqoon digsi sare ama dembiyo ka galay wadanka, iyagoo sidoo kalena ballanqaaday in dadka laaluushka bixinaya aaney u ogolaan doonin ka mid noqoshada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Prof C/laahi iyo Xaliimo Yarey waxaysheegeen inay saxaafadda ku martiqaadayaan goobta ay ku qabanayaan liiska baarlamaanka cusub si ay wax walba u cadaadaan maalmaha soo socda.

 

AMA HALKAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA

________________________________________________________________________________

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Share

Tags: , ,

12 Responses for “Guddiga Farsamada Xulista Baarlamaanka Cusub oo Raxanreeb Ay La Yeelatay Wareysi Xiiso Badan (Dhageyso)”

  1. Sama_Kataliye says:

    Horta waa marka horee ninna danbiga wuxuu ku galay qori ninna danbiga wuxuu ku galay qalin marka waa run in wax layiraahdo maxakamad liyaahdo “Public Opinion Court” in ay jirto laakiin taas wax soomaaliya kama ahan sababtoo ah soomaaliya dadka badankii diintii iyo dhaqankii wanaagsaa waa ka fogaadeen waa mida kalee dadka soomaalida ah wax oraah ah kuma lahan process-ka siyaasadda ee soomaaliya ka socda. Tusaale, waxaa meelo badan lagu qoray surveeyo laga qaaday dadka soomaalida ah boqolkiiba 75% – 80% in ay ka soo horjeedsadeen dastuurka ku meel gaarka ah laakiinse cidna dhag jalaq noomasiin. Tusaale labaad, TFG-da waxay tiri dastuurka haddii la paasiyo iyo haddii aan la paasinba waa lagu dhaqmi doonaa.

    Marka walaalayaaloow anaku xoolo ma nihin ee hana laka daayo khiyaamada foosha xun oo nala ku hayo haddii aan nahay ummadda soomaaliyeed.

    Mida kale, anigu waxaan daawaday video laga duubay shariif sakiin oo uu leeyahay waxbarasho waxaan ka gaaray elementary school, marka waan arkaynaa meesha shariif sakiin ku danbeeyo laakiin waxaan ogahay nin walba uu shahaado forgery ah samaysan doono.

    ugu danbayntii waxaan dhihi lahaa walaalahay prof. C/laahi iyo xalimo yarey ilahayna ka baqa xaqa ummaddana dhowra sidii qowlaysatada dowladda sheeganaysa oo kalena hanoqonina soomaalina waxay ku maahmaahday wax la cayrsho been baa u orod gaaban. W.T

  2. dibusocod says:

    mogaamiayaasha kooxaha hadii ay magacyada soo bedeshaan wejiyadana masoo beelan doonaan kkkkkkkkkkkkkkkk 275 denbi laawayaal ah far ayaa kugodan xulashadaas warjiraabase dhiiltaruu imaan

  3. Ciise says:

    Wey iska hadlayaan – Car yaan la arkin ayadoo WARLORDS aysan ka buuxin.. – YALAXOOW, CISMAAN CAATO, IWM

  4. [...] ooo shuruud looga dhigay qofka raba inuu MUDANE baarlamaan ka noqdo golaha baarlamaanka cusub, [Halka ka Akhri] kuwaasoo kala [...]

  5. ssc says:

    Waaryadheheen anigu waxaan taaganahay hal mar ayaa dowlad na siiya iyo nabadgelyo sababta oo ah dadkaan beri dhow way iska tegeyaan because doorasho ayay isu soo taagidoonan! Mise weligeen ku meel gaar Ayaan ku jiri doonaa? Haddii aan kumeel gaar ku jirodoono ma sheegin,laakin haddii aan Ka baxno dadkaan waan isk diraynaa.weliba maxkamad ayaan soo taagaynaa! Sidaa darteed illahay dowlad ha ina siiyo!! 2020 dadkan oo dhan waynu la xisaabtamaynaa xataa shariifyada faroole silaanyo riyaale caalin godane ali Dheere warlords iwm.inshallah iska samra Samraa sedkiisa waa helaa.

  6. kingfaysal says:

    Asc warka ah in aan danbile la soo doran waa arin fiican, ariintasna waa arin mudan in la tagero, lakiin waxa aan la yabay in ay maantay tagerayaan ilma [[[[[ nin dad kale iska dhafe ;;;;;; danbi ka galay kaas oo ah Gagaab ninkii yiri markii /// dhawocoda yalay xafada garsoor iyo muqdisho waxa la layay waa argagixiiso

  7. mohamed says:

    Gudigaas farsamada xulista baarlamaanku aad bay u shaqaynayaane ha loo daayo shaqadooda. Haddii cid walba dhaliil loo yeelo waxba hagaagi mayaan. Waxaa hadda soo baxay in Yuusuf Garad uu u yimid in uu talooyinkii lagu kala cayrin lahaa guddiga farsamada xulista baarlamaanka uu hadda xamar u yimid uuna sheeganaayo khabiirka qabaailka soomaaliyeed. Talo bixintiisuna waxay ku salaysan tahay haddaan guddi cusub la dooran waxba hagaagi mayaan. waxay ahayd in uu taageero cad siiyo guudi waqlba oo waxqabanaaya. waxa u la shaqayndoona ciddi asaga u balanqaadaysa prime Minister.what ?

  8. [...] ay u suurtagashay inay la hadasho ayaa sheegay inay cuskadeen shuruudo illaa toddoba qodob ah [Akhri shuruudaha] oo ay u adeegsadeen kala shaandheynta xildhibaanada baarlamaanka kuwaasoo horey loogu soo dejiyey [...]

  9. Waayoarag says:

    waxaa ayaan daraa qodobka 6-aad waxaa la yiri waa inuu yahay qof dhaqanka islaamka dhawra taas macneheedu waa inuu qofku gaal iyo islaam kuu doono ahaadaa laakiin uu dhaqanka islaamka dhawraa?? cajiib taasi soo markhaati cad uma aha waxa umadda loo maldahayaa inaysan diin islaam shaqo ku lahayn war hooyo ilaahiin ka yaaba qolyaha waxaas umadda sharci uga dhigayoow ma ogidin wakhti naftiinu gaari doonto allaahna waa idinkala xisaabtamayaa waxaad qalinka ku khayaanaysaan oo dadka waxmagaratadda ah aad u hoos galinaysaan allaah wuu ogyahay waxaad qarisaan iyo waxaad muusiyaan iyo wixii naftiinu isugu sheekaynaysaba wabilaahi tawfiiq.

  10. yaa RABBI naga soogaar waad aragtaan qodabada lagu dooranayo muwaadinka soomaaliga ah ee baarlamaanka ka mid noqonaya kuma jirto in uu yahay MUSLIN waxaa meesha ku qoran in uu yahay qof dhawraya diinta islaaamka soomaliyyey waad u jeedaan meesha ay dalkii iyo diinteenu marayso anaguna wax misqaala daratiyaan kafakaraynaa walaalayaalaw aan ka hadalno arintaan xataa waa kujiraa DASTUURKEENA qodobkaan sheegaya in uu noqdo qofka mid diinta islaamka dhawraya ee aan lagu xirin in uu noqdo muslim.

  11. [...] ay u suurtagashay inay la hadasho ayaa sheegay inay cuskadeen shuruudo illaa toddoba qodob ah [Akhri shuruudaha] oo ay u adeegsadeen kala shaandheynta xildhibaanada baarlamaanka kuwaasoo horey loogu soo dejiyey [...]

  12. muna says:

    @Waayo arag waxkasta meel lagama fiiriyo qodobka kale maad aragtid uu leeyahay qofka waa in uu ahaadaa muwaadin somaliyed war dadka ayagoo Islaam ah imisa ayaa ku tumato dhaqanka Islaamka mala awaalka waa laga fiican yahay

Leave a Reply