Guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo Beeniyey In Samsam Iyo Maxamed Ay Iska Dhiibeen Ingiriiska
Muqdisho (RBC) Guddiga Olombikada Soomaaliyeed “GOS” ayaa manta beeniyey in labada ciyaaryahan ee Soomaaliyeed ee kala ah Samsam Maxamed Faarax iyo Maxamed Xasan Maxamed “Tayow” ay iskadhiibeen dalka Britain kadib markii shalay labadooda ay shaaciyeen in amaan darri darteed aysan ugu laaban Karin Muqdisho.
Labada orodyahan ee Soomaalida ee kala ah Samsam iyo Maxamed ayaa kadib kulan ay shalay la qaateen wasiirka dawlada Ingiriiska u qaabilsan arimaha Afrika Henry Belingham waxay shaaciyeen in hanjabaado loo soo diray intii ay joogeen magaalada London oo ay kaga qeybgaleen ciyaaraha olombikada adduunka.
War saxaafadeed manta ka soo baxay guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in labada ciyaaryahan ee Soomaalida ee hadda ku sugan London ay ka hadleen dhibaato dhanka amniga ah oo ka soo wajahday dalkii laakiin aysan go’aansan inay isdhiibaan.
“Guddiga Olombikada Soomaaliyeed waxa uu caddaynayaa in orodyahanada Soomaaliyeed ee Maxamed Xasan iyo Samsam Maxamed ay labaduba ku sugan yihiin gudaha tuulada olimbikada ee magaalada London halkaasoo ay si Soomaalinimo leh ugu matalayaan dalkooda” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray Shabakada Raxanreeb maanta.
War saxaafadeedka wuxuu kaloo ka hadlay kulankii shalay dhexmaray ciyaartoyda Soomaalida, madaxda GOS iyo wasiirka arimaha Afrika ee dawlada Britain kaasoo lagu sheegay casuumaad wasiirka uu u fidiyey ciyaaryahanada Soomaalida.
“Ujeedada kulankii shalay oo ka dambeeyay casuumad uu wasiirka arrimaha Afrika ee ingiriisku u fidiyay ciyaartoyda Soomaaliyeed waxaa ay ahayd in uu uga mahd celiyo dadaalka ay muujiyeen iyagoo kusoo barbaaray meel dhibaato amaan darro oo aad u xoogani ay ka jirto shaqada ay hayeena ay halis mar kasta ku muteysanayeen” ayaa lagu sheegay war saxaafadeedka.
Wareysi ay wadajir u bixiyeen shalay labada ciyaaryahan ee kala ah Samsam Maxamed Faarax oo ahayd gabadhii ku oroday 400Mitir iyo Maxamed Xasan Maxamed oo orday 1500Mitir ayey ku sheegeen inay cabsi ka qabaan ku noqoshada dalka maadaama sida ay sheegeen hanjabaado ay u soo direen dad aysan garaneyn. Waxay labada ciyaaryahan codsadeen in meel amaan ah la geeyo ama ay iska joogi doonaan wadanka Ingiriiska.
Dawlada Ingiriiska kama hadlin arinkan, sidoo kalana wasaaradda ciyaaraha DKMG Soomaaliya ayaan ka hadlin hadalka ka soo yeeray.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho











Ceebtii hore miyey ceewbkale nogusiidaren illahona astur
kkkkkkkkkkk waa in la caliyaa sida ugu dhaqsaha badan ileen waxey ka yimaadeen waddan dagan oo viso lagu siyey mooryanta sheekda ay keeneen bal fiiriya waa naloo hanjabey waa been mana joogi karaan UK oo waa ay baxsadeen oo Bristol ayaa laga soo qabtey waan la calinayaa ogaada vivvo
Run iyo been abuur way kala caddaanaysaa.
Laakiin waxaan kula talin lahaa Wiilka iyo Gabadha waxaad sharaf iyo magac ku helaysaan adinka oo laabta.
Visa ayaad helaysaan mar kastana Waad soo bixi kartaan ee Karaamada ha ka qaadina dalkiinna iyo dadkiinna.
Xataa.mustaqbalka dibadda cayaartooygeenna aadaya ayaad magaca ka dilaysaan.