Garaad Jaamac Garaad Cali: Guddiga Farsamada ee Xulista Baarlamaanka Waxay Ku Xadgudbeen Dhaqankii Soomaaliyeed


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka ee odayaasha dhaqanka ayaa maanta eedeyn kulul u jeediyey guddiga farsamada ee loo xilsaaray qabashada magacyada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya isagoo sheegay in guddiga ay meel uga dheceen sharaftii dhaqanka Soomaaliyeed.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo wariyaasha kula hadlay xarunta odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadkii ay soo xuleen odayaasha qabiiladuay soo diideen guddiga farsamada oo sida uu sheegay aanan wax awood ah u lahayn inay kala takooraan dadka.

“Annagu dhaqan baanu nahay oo soo jireen ah in dadkii odayaashu soo qoreen ee loo arkay inay ugu mudan yihiin oo la soo marsiiyey hubin tacliin iyo shuruudaha inay ka bixi karaan in wiilal dhowr iyo toban ah oo Nairobi laga keenay ay yiraahdaan ma yeeleyno, wax aanqaadan karno mahan” ayuu yiri Garaad Jaamac Gaarad Cali.

Garaadku wuxuu sheegay in cabasho ay ka soo gaartay odayaal dhaqameed fara badan kuwaasoo xildhibaanadii ay qabiiladooda soo qorteen la soo celiyey, isla markaana uu garan waayey wax sababab ah oo dadkaasi lagu diiday, sida uu sheegay Garaadku.

“Illaa hadda wax ay noo cadeeyeen oo sabab ah ma ay jirto” ayuu yiri Garaad Jaamac oo ah guddoomiyaha guddi qaabilsan xallinta khilaafaadka.

Eedeynta Garaadka ayaa timid iyadoo in ka badan konton xubnood oo ka soo jeeda beelo kala duwan lagu celiyey magacyadooda odayaasha dhaqanka kadib markii sida la sheegay loo arkay dad aan buuxin karin shuruudaha u degsan mudanayaasha cusub ee baarlamaanka, hase yeeshee odayaasha dhaqanka ee qabiilada dadkaasi la celiyey ka soo jeedaan ay ku doodayaan in si khalad ah ay guddiga farsamada wax u maamulayaan.

Dhanka kale waxaa markii ugu horeysay xubnaha guddiga farsamada ee xulista xildhibaanadu ay sheegeen inay dhameystireen 2/3 (saddex meelood labo meel) tirada baarlamaanka, iyadoo dhanka kale ay weli dood ka taagan tahay magacyada qaar ee la soo celiyey. Waxayna guddigu xalay shaaciyeen liis ka kooban 202 xubnood oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka cusub.

Maalinta berito oo ah maalinimo Ciid ah ayaa la sheegayaa in xubnaha baarlamaanka cusub kuwaasoo maalinta Isniinta ee 20-ka Agoosto yeelan doona kulankii ugu horeeyay ee baarlamaanka cusub.

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

22 Responses for “Garaad Jaamac Garaad Cali: Guddiga Farsamada ee Xulista Baarlamaanka Waxay Ku Xadgudbeen Dhaqankii Soomaaliyeed”

  1. Runsheeg says:

    SOMALIA OO MUGDI GASHEY OO LAKALA GATEY PARLAMAN KU SHEEGA AY SOO DIRSATEY CIA,FBI,MUSAAD,OO AY KU JIRAAN RAGGA U SHAQEYA JAWAASIISTA ADUUNKA MARKA MEESHA WAXBA KAMA JIRAAN ISKA DAAYA SOMALIYA WAXEY GASHEY GACAN MAXALI AH

  2. SUULDHABAALE says:

    Wiilkaan warkiisa waan fahamnay. Ma waxuu doonayaa in cali khaliif loo ansixiyo, iyadoo la ogyahay xoolihii uu ummadda ka dhacay oo ku maqan, war wadaadyahow raali ahow ayaan oran lahaa, hana dambaabin!!!

    Haku karaama seegin colaad, ilaah oo wax yeela mooyee aadane looga baqi waa!!!

  3. wadani says:

    garad binti wuu washey alow xaqa ku tus

  4. Sade says:

    Garaad Jamac asagaa bilaabay inuu xaqdaro wax ku qaybiyo sida Beesha Sade ugu kala eexday oo uu siiyay Sade koonfur 10 xubnood Sade Barina 4 xubnood . Beesha Sade Bari waxay soo saaraysaa bayaan ay ku dhaleecaynayaa sida foosha xun ee ay gudi ku sheega khilaaf bixinta oo uu gudoomiye ka yahay Garaad Jama waxayna ka fiirsan doonaan inay xiriir toosan iyo mid dadban dhex maro maamulka Qaatumo

    Waad mahadsantihiin.

  5. adan says:

    dadkaan geel lama raaxsananyo ee dalbay sharci u samaynayaan sidaa darteed damiin iyo danbiile midna lama rabo dadkana waa lakala miirayaa ruux walbow la soco dig iyo ham iyo darbi jabis waa dhamaatay hadyna bilaabatay qofkii sharaf iyo shaqa rabooow is ilaaali be fair and balance

  6. Puntland boy says:

    Gudiga farsamada faraha halaga qaado Waxay hayaan Shaqo adag, Odayaashaana Hadalka badan joojiya Meesha geel Lagu kala qaadan maayee Hadaad Qiima lee dihiin wadanku Saas ma ahaadeen 20 sano & Kabadan Warlord ka wax badan ma dhaantaane ,Shaqadooda ha qabsadaane Faraha kala baxa ,Gudoomiyaha Technical group Sifiican baan u aqaanaa Waa Nin Soomali nimadu ku weyn tahay ogna in Dad aan wax garaneyn loo ahaa hostage Aad buuna ugu dadaa layaa in Soomaaliya Yeelato Parliament quality leh Shariifka Parlamanka Ayaa meesha gee yay hadana Isaguu ugu neceb yahay, Viva Puntland & Soomaalia

  7. Ciise says:

    Garad Binti Xaqdaradii aad sameeysay baa adiga manta ku haysata’ God dheer ha qodin hadii aad Qodina ha dheereeyn koleeyba ku dhici doontiyaa mooyee baa haysata Odaygaan,

  8. cawaale says:

    sxb garaadka ha aflagaadayn beesha sedena haa ugafin, beesha sade waxay isku haystaan ayagaa ku kala bixi doonaa lakiin ka jooji jareexada beelaha iyo odayaasha, ninka kale waxaan oran lahaa hadii lacag iyo tuugnimo wax cid loogu diidayo maa sakiin wax loodiido iyo ina gaas liska dhexday kaga jiraan wax yar oocaqli ah isku daya sxbyaal

  9. abdirahman-laaso says:

    @ Sade: Inkasta oo ay baryahan iska jiraan dad magacyadda beelaha kumaxaafsadda haddana aan wax macno ah ku hadal, adiguna waxaad Kala garan la,dahay Shaqada uu Garaadku Hayo Iyo Maamul Khaatumo. Sade iyo Khaatumo-na adigoo kale kama dhexfaaiidaysto, ee ka edebso Haybadlaha Soomaaliyeed ee garaad jama garaad cali garaad jama. @ Wadani : garaadka Aflagaadada Kadaa, Xanuun ubaahan dhakhtar Geyn ayaa kuhaya, waa mas,uul Qaran, Hawl Qaranna Kufoogan. Malaha waxaad ka gam,i la.dahay magaca uu puntland ugu yeedho ee pintiland. Haa waa pintiland,waayo Wakhtigii La odhan jiray puntland waa lasoo dhaafay. @SUULDHABAALE: Mawaxay Kula tahay inta Cali Khaliif Galaydh ladiido In Sheekh shariif iyo Gaas Kaqaadanayo. Annagu mahayno waxaad sheegayso,lkn raggii lacagtii qaranka lunsaday oo monotring group ay eedaysay waa gaas iyo sxbadii ee mindhaa kuwa uu kudhacay xanuunka ina galaydh ayaad tahay. Garaadkuna Galaydh uma doodayee inta ladulmay buu uhadlayaa laga yaabee in ay beeshaaduna kujirto kuwaa ladulmay ee uu hadlayo. Mahadsanidin

  10. Garaadku waa saxan yahay !
    Gudiguna wa khaldan yihin !
    Sade iyo garaadkuna waa brothers
    ciyaal afkaa qoyan u hadlayaana wax kasoo qaad malaha, sade kuma jirtid adigu ciyaalka arin siyasi ayad tabatay . Waa qoladan marya calastaaa ee kale.

  11. Wiil Garsoor says:

    Garaad Jaamac xafiduhulaah, waxaa uu muujiyay, mas’uuliyad isimnio ay ku guuldaraysteen qaar kamid ah ISIMADA kale. Dadka aflagaadada soo qoraya waa wax magarada PUNTLAND oo rabta in ay Isimadu ilaaliyaan danahooda qaldan ee qorsha xaafadeedka ah. Reer KHAATIMO ilaashada isimkiina wanaagsan ee adinka iyo Somaliba wax ku oolka u ah, haddii kale, xaalkiinu wuxuu noqon kii Garsoor oo kale oo Faroole Gaas baa idiin dooran Gaabane oo kale.

  12. Waa mahad san yahay xurmadale garaad jaamac garaad cali gudoomiyaha xalinta khaalaafaadka odoyaasha soomaliyeed.

    @ sade

    Sxb dib ugu laabo odoyaashada garaadka iyo maamulka khaatumo state waxba kaama hor istaagin laakiin waxaa jira khilaaf dhexdiina ah mida labaad arintan way ka madax banaan tahay siyaasad waa arimo dhaqan.

    Faroole wuxuu isku dayey inuu bililiqeysto kuraasta maamulka khaatumo balse taas waxaa hal bacaad lagu lisay ka dhigay garaadka guud ee beesha khaatumo state xurmadle garaad jaamac garaad cali iyo odoyaasha dhaqanka khaatumo ee xamar jooga.

    Garaadku magac ayuu la helay pintiland waa dhulkii dumarka kkkkkkkkk.

  13. Hargeysa:Hoyga Suugaanta says:

    kkk garadku la yaab malaha oo wuxuu ka yimi dhul Salaadinta iyo madax dhaqameedka laga qadariyo , ee waxaanu leenahay meeshan mooryaan iyo ugaasyada kolba kii awoodla sareeya , dadkana talyaani ayaa burburiyey dhaqankoodii oo odayaasha bilaa karaamo ka dhigay.
    haday odoyaal dhaqan oo laga danbeeyaa jiraan ma 20 san ayuu dagaalku socon lahaa , maalinkasta waxaad maqlaysaa dad madax dhaqameedkooda caayaya ! xagee lagu arkay waxaasoo kale .

  14. zack-london says:

    garaad,sultaan,ugaas……………….way kutunteen magacyaashaas sharafta leh……………garaad Jaamac..lacag ayaa luguu laabey………………markaa iska aamus

  15. Burgoosoole says:

    @ Sade

    Magaca noo dhig mooryaanyahow sheegatada ah oo isku dirka badan. Ruufyaanimadaa kula gashay in aad dad islaameed magacooda ku qaraabatid.

    Anagaa ah Gobolka aad leedahay Waa laga eexday waana beentaa lagama eexan. Waxa aad Garaadka u jaaifeynaysid oo isugu soo qabanaysid Khaatumo iyo arrimo aan meesha oolin waa Ruufyaanimo iyo naara afuufnimo.

    Hadaba ha isdaalin naara afuufnimadu kuu socon maysee, magacaanna ha maxaabsan ee iska dhig dadka leh ha ka wasakheyne.

  16. sool-Man says:

    Waxaa meesha ka dhacay musuqmaasiq tii ugu weyneeyd ,waxaana ka danbeeya Sharif sakiin iyo faroole(c/wali Gaas)… Meesha shaqaala Ethiopia sida faroole/gaas iyo shrf sakiin oo wax isdaba mares ku caan baxay ka dhixmooqdan waa halaagi soomaali Ethiopia lahoosgeneyo… Aaway ragi wadaninimda lahaa sida farmaajo iyo madaxweyne sharif ,aaway wadaadadi fiicnaa ? Kuli meesha waalaga saaray iyadoo Ethiopia luu dananyo , raga Ethiopia uu shaqeeya sida faroole ,sakiin iyo gaas ayaa fadeexadan iyo musuqmaaseqan ka danbeeya.

  17. Khaatumawi says:

    Garaadka Garaadda ilaahay haku xifdiyo. Walee Soomaalida dhaladka ah koonfur iyo waqooyiba taladaad goyso ayey ku qanacsan yihiin

  18. sanaag bari says:

    waxaan leeyahay hadii dad wax dhacay laleeyahay waxbay dhaceen dr cabdiweli baa udanbeeyey ee taas ogaada dawlad soomaaliyeed oomajaraha qabiil uqabtana waa habeen xalaytegey GARAADKA GUUD EE BEELAHA SOOMAALIYEED HADII UU QALAD GALO RASUUL MA AHA OO WAA QALDAMIKARAA ? LAAKIIN MEESHA WAXAA ISKU DHEX DHUUMANAYA OO MEESHA II GAMUUQDA HEESTII BERISAMAAD EE ogoow dhuumashada qaar uu dhabarku muuqdaa waa dhib iyo hadimee ;;;;; iyo khaatumostdna waa one faameli oo xaqiiqa ah waana habeen xalay tegay IN LAYSKUXOQAA OO WAXAAN HUBAA HADUU GARAADKU QALDAMAY IN AYJOOGAAN GACANTIISII MIDIG IYO GACANTIISII BIDIX EE WAXBA YAAN ””BAAN ISKUNAHAY MAADHOW ANIGA NAARTA II WADINA WADIIFADA TOLKAY ….waxba dhaafsanmaayoo wadiifada //// anaan diidin weligeeye luuf luufe doqonana anaan doonan weligeeye MIIDAANKA DIINTIYO ANAA RAACAY NEBIGIIYE ANAA DOONAY INAAN DERIS NOQDAA DHAMAAN ASXAABTIIYE ADIGUNA DHUNKAAL IYO XINJIRO BAAD KUFAANTAAYE ISKADAAYA GARAADKEENA OO MIDKALE HAWRIYAAQINA HADIIKALE ISLAAN AANAN QABIN BAAN HAGOOLAYNE ISKANA HUBIYA ILMA MAXAMEDOOW HADALKA AAN MEERSHAY

  19. jilbis says:

    Garaadka isaga iyo faroole yaa raayey

  20. Pintiland says:

    War heedhe Garaadku hadee reer pintiland hada ma ahee wax haysku khaldin boowe.

  21. samiir says:

    garaad jaamac garaad cali garaad jaamac nooloow mudane waxaad tahay garaadka umada soomaaliyeed, dad badan waxaa muuqata in aysan fahmin shaqadaada, war garaadku khilaafka ayuu ka hortagayaa ee isagu beelaha xildhibaanadooda masoo xulayo taas ogaada.

  22. dervish boy says:

    alayle meshaan intii adhiga ahaa ayaa comments ka bixiyey garaad jaama garaad ali aabaha adayaasha dhaqanka wuxuu ku kala maamulayana waa aqoonta uu leeyahay waxaadna u doodaysan oday geed hoosta jooga iyo yar lacag qaatay oo dadka kala shandhaynaya oo u shaqaynaya dad bilaa aqoon ah marka afkiina ilaashada garadada iyo madaxda ali qaliif wax haka sheegina edaab iyo anshax baydan lahayne

Leave a Reply