Guddoomiye Ku-Xigeenka Gobalka Shabeelaha Dhexe Oo Ka Badbaaday Qarax Miino


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Balcad [Radio RBC] Sida uu saxaafadda u sheegay afhayeenka Gobalka Shabelaha Dhexe Daa’uud Xaashi Ciiro, waxa xaley maqribkii xaafada suuqa Xoolaha ee gobalkaas qarax miino lagu weeraray kolonyo uu la socday guddoomiye ku xigeenka G/Shabeelaha Dhexe Axmed Yuusuf Cabdulle

Qaraxa oo laga maqlay degmada Balcad, ayaa waxa haleelay gaari nooca dagaalka, waxana ku dhintay seddax ka tirsan ciidanki la socday, iyadoo askar kale iyo Taliye ku xigeenkii ciidamada Balcad ay ku dhaawacmeen qaraxaas.

Wuxuu sheegay afhayeenka in qaraxa lala damacsanaa in lagu khaarijiyo guddoomiye ku xigeenka, balse uu ka badbaaday oo uu bad qabo sida uu hadalka u dhigay.

Qaraxa markii uu dhacay, ayaa la sheegay, in ciidamada dowladda ay baaritaano sameeyeen, iyadoo dhowr qof ay soo qabqabteen, laakin aan wax faah-faahin aan laga heynin.

Ma ahan markii ugu horreysay ee qarax lala bartilmaameesto saraakiisha ciidamada dowladda tan iyo markiii qeybo ka mid ah gobalka Shabeelaha Dhexe laga qabsaday ururka Al-Shabaa.

RBC Radio
————————-

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

2 Responses for “Guddoomiye Ku-Xigeenka Gobalka Shabeelaha Dhexe Oo Ka Badbaaday Qarax Miino”

  1. [...] Taken from: Guddoomiye Ku-Xigeenka Gobalka Shabeelaha Dhexe Oo Ka Babaaday Qarax Miino [...]

  2. [...] See the original article here: Guddoomiye Ku-Xigeenka Gobalka Shabeelaha Dhexe Oo Ka Badbaaday Qarax Miino [...]

Leave a Reply