Guddoomiye Ku-xigeenkii Xisbiga UDUB ee Somaliland oo iska casilay xilka uu hayey


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Hargeysa(RBC):- Guddoomiye ku-xigeenkii Xisbiga mucaaridka ah ee UDUB oo muddo talada Somaliland soo hayey Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyey inuu iska casilay xilkii uu UDUB ka hayey.

Axmed Yuusuf Yaasiin oo ah Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland wakhtigii Daahir Rayaale Madaxweynaha ahaa, isla markaana ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga UDUB oo uu Guddoomiye u yahay Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu ku dooday inuu is-casilay markii Raggii Xisbiga ku jiray caddaalad-darro uga yaaceen, isla markaana ku biireen Xisbiyada UCID iyo KULMIYE.

Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu is-casilaaddiisa ku shaaciyey shir Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Hargeysa. “Maanta oo ay taariikhdu tahay 23/August/2012, aniga oo Axmed Yuusuf Yaasiin ah muddo dheerna Guddoomiye ku-xigeen ka ahaa Xisbiga UDUB, inaan ka dego Kursiga si ugu yaraan Xisbiga loo badbaadiyo.” ayuu yiri Axmed Yuusuf Yaasiin.

Axmed Yuusuf Yaasiin waxaa uu sheegay inuu shan bilood ka hor go’aansaday inuu iscasilo, hase ahaatee, ay masuuliyiinta Xisbiga ee Garabkiisa ka tirsanaa ka diideen. Waxaanu intaa ku daray inuu Guddoomiyaha UDUB Daahir Rayaale Kaahin, isagoo arrintaa ka hadlaayana waxa uu yiri; “Mar dambe oo aan la shiray Daahir Rayaale Kaahin Guddoomiyaha UDUB bil iyo badh ka hor waan u sheegay si isaguna  taasoo kale uu u yeelo, isagu wuxu yiri waxaan ku noqonayaa wada-tashi, welina wada-tashigii buu ku maqan yahay.”

“Asbaabaha igu kallifay maanta kursiga inaan banneeyo waxa ugu weyn Xisbiga muddo dheer oo aannu soo dhisaynay waa la banjariyey, Raggii aannu ku kicinaynay Xisbiga ee aannu doonaynay inay soo saaraan Xisbiga maaddaama oo uu Urur noqday oo jid cusub la bilaabay waxa ka faa’iidaystay labadii Xisbi ee kale KULMIYE iyo UCID.” ayuu yiri Axmed.

Axmed Yuusuf Yaasiin oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yiri; “Faysal Cali Waraabe wuxu gartay wixii uu Daahir Rayaale garan waayey oo Jamaal Cali Xuseen iyo Raggii la socday wuu soo dhaweeyey oo qalbiguu gashaday, weliba Xisbigii buu u kala jeexay oo badh dhan ayuu Xisbigii ka siiyey, kaasi waa Faysal, waana caynkaas siyaasaddu.”

“Fulintii Xisbiga UDUB Rag badan oo ka tirsanaa waxay u tageen KULMIYE, kuwaas oo ahaa Raggii ugu mucaaridka badnaa KULMIYE, markay u tageen KULMIYE Guddoomiyaha KULMIYE iyo Madaxweynuhu-ba caloosha ayaa la soo gashaday oo lama eegin wixii kala gaadhay ee hore, waxa laga fikirayaa waqtigan xaadirka ah Xisbi kastaa Urur buu noqday ee inuu Ururka ka gudbo ayaa loo baahan yahay, Rag-na waa la dhaqdaa.” ayuu yiri Axmed Yuusuf Yaasiin.

Wuxuu sheegay in caddaalad-darro badani ka dhex-jirtay Xisbiga UDUB, taasina ay sababtay Raggii Xisbiga u soo halgamay inay ka faa’iidaystaan Xisbiyada KULMIYE iyo UCID oo ay ku kala biireen dhawaan.

Xisbiga UDUB oo khilaaf ba’ani kala qaybiyey bilawgii sannadkan 2012, ayaa gaadhay heer ay Maxkamadda sare dacwad ay u gudbiyeen laba Garab oo UDUB u qaybsamay go’aan ka gaadho. Waxaana khilaafkaasi ka dhashay musharraxnimada jagada Madaxweyne ee Xisbiga oo 23 xubnood oo Guddiga fulinta UDUB ka tirsanaa u doorteen Jamaal Cali Xuseen.

Hase-yeeshee, markii la isku seegay musharraxnimada Jamaal Cali Xuseen, waxa uu Jamaal u wareegay Xisbiga mucaaridka ah ee UCID oo uu hadda ka yahay Musharraxa ugu taagan jagada Madaxweynaha, halka Siyaasiyiin kale oo UDUB ka tirsanaana intii Ramadaan lagu jiray ku biireen Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE.

 

RBC Radio

Xafiiska wararka ee Hargeysa.

Share

Leave a Reply