Gudiga Amniga Qaranka oo soo saaray go’aanno [Warsaxaafadeed]
Thursday, August 9, 2012 12:36 PM
Press Release:
(Mogadishu, Somalia, Aug, 09, 2012) Kulan ay guddiga amniga qaranka maanta ku yeesheen xarunta madaxtooyada oo uu shir guddoominayay madaxweynaha dowladda Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa laga soo saarat go’aanno ku saabsan ammaanka dalka iyo marxaladda dalku marayo.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka C/samad Macalin Maxamuud oo ka hadlay shir jaraa’id oo gabagabadii kulanka lagu qabtay xarunta madaxtooyada ayaa ka warbixiyay shaqaaqo ay laba qof ku dhinteen oo maanta ka dhacday agagaarka taallada Sayidka ee magaalada Muqdisho, wuxuuna yiri.
” Sayidka Dumar iyo carruur ayaa isugu soo baxay, kabacdi baabuur ayaa dhex gashay, kaddibna meesha xabado ayaa ka dhex dhacay, ciidamada amniga ee isku dayay inay joojiyaan mid ka mid ah ayaa ku dhintay iyo qof kale oo dumar ah”. Sidoo kale wuxuu sheegay wasiirku inaan magaalada Muqdisho aan hub sharci darro ah lagu heysan Karin.
Wasiirka Difaaca ahna R/wasaare ku xigeen Xuseen Carab Ciise ayaa dadka musharraxiinta ah uga digay inay siyaasadda u adeegsadaan ciidamada qalabka sida oo uu tilmaamay inay yihiin kuwo u taagan waajibaadka qaran ee dalkooda ka saran, isla markaana aysan jirin cid si gaar ah u adeegsan karta.
“Waxaan idin ogeysiineynaa ciidamada XDS iyo kuwa qalabka sida oo dhan inay ciidamo qaran yihiin oo marna aan la siyaasadeyn Karin, ayna joogto yihiin ayagu, waxaan rabnaa in la ogaado inay yihiin kuwii dalka xoreeyay ayna u dhaxeeyaan dadka oo dhan” ayuu yiri Xuseen Carab Ciise.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa soo dhaweeyay musharraxiinta u taagan madaxweynenimada ee badanaya, hase yeeshee wuxuu ugu baaqay inay ka fogaadaan wax kasta oo amniga qalqal galin kara, isagoo tilmaamay in dowladdu ay ammaankooda sugeyso.
“Waxaan soo dhaweynayaa murashax kasta oo u tartamaya xilka madaxweynenimada, waxaan rabnaa laakin tartankaasi inuusan abuurin dhibaato soo gaarta shacabka, dowladda dhinaceeduna waxay qaadaneysaa inay xaqiijiso dadkaasi amnigoodu inuu sugan yahay” ayuu yiri madaxweynuhu.
Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa tilmaamay in qofkii doonayaa in laga caaciyo dhinaca ammaanka ay dowladdu u diyaarisay qorshe ay fulineyso wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka, isagoo yiri “Cidiiaan ka maarmeynin in gacan laga siiyo amniga waxaa diyaar loola yahay in laga caawiyo gaar ahaan wasaaradda arrimaha gudaha ayaa u xilsaaran inay fuliso howshaas”.
Madaxweynaha ayaa sheegay inaan oggolaan doonin in musharraxiintu ay ciidamada dowladda ilaalo ka dhigtaan, ayadoo aan la ogeyn, taas oo keeneyso in ciidamadu aysan waajibaadkooda u gudan sidii loo qorsheeyay.
” Waxaa la isku dayaa in si gaar ah looga faa’iideysto dhallinyarada askarta ah, Dowladdu waxay habeen iyo maalin u soo jeedday in aan qofna dhimman, dadku qofka ay rabaan way taageeri karaan laakin amnigu ka gorgortan ma laha” ayuu yiri madaxweynaha dowladda Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed.
—Dhammaad—-
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia
media@presidency.gov.so











[...] ku dhintay iyo qof kale oo dumar ah”. Sidoo kale wuxuu sheegay wasiirku inaan magaalada Muqdisho aan hub sharci darro ah lagu heysan [...]
SHARIIIF ISAGAABA ISKU QIRAY INUU DADKII MAANTA LAAYAY
kkkkkk shariifku ma wxu rabaa ciidamo in ay ka codsadaan musharixiinta dalka waa riyooneysaa dheh miyuusan ogeeyn ninka la iska ilaalinayo in uu asaga yahay manta wxaa magalada muqdisho ku dhintay shacab oo mudaaharaad sameynayy wxnu sheegtay in uu asagu ka danbeeyo dhibki dhacay manta Raali ahoow shariif waqtigaagi waa dhamaaday umada hawada u banee ha kaa naacowsadeene
waxaa loo sheegayaa ninka sheeganaya wasiirka gaashaandhiga iyo kan arimaha gudaha in aad ogaataan ciidankaan waxaa aas aasay oo kalsooni siiyay waa FARMAAJO sidii uu isagu usiiyayay kalsoonidaa ayay ugu istaageen waana waa jib in ay ilaaliyaan nabad qabkiisa isagoo ahaa ninkii xoreeyay xamar. Tankale sida shariif iyo cabdiwali yugaadha lacag kuma bixiyo ee waa soomaali ay nabadiisa sugaan soomaali kale. Tankale hadii shariif iyo tarsaa ay kawalwalayaan in Farmaajo uu kuguulaysto doorashada waa caadi yaa dhaxal idiinsiiyay mise in aad dishaan ayaad qorsheenaysaa,
ASC Radamdaan Kareem All Musliminta ,, Waxan idin sheegaye Ninka Waasiirka arimaha gudaaha iyo Gaashandhiigu Ma xukumada abdiwali ba Mise waxay ka tirsan yhin madxatoyada aniga yaab caajiib