Gudiga Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku Xigeenadiisa Oo Sheegay ilaa iyo Sadax Musharax in ay Haatan Haayaan


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Gudiga doorashada gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya iyo waliba ku xigeenadiisa ayaa sheegay in ay haatan socoto diiwaan galibnta xubnaha isku soo sharaxaya gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Cismaan Libaax oo ah afhayeenka gudiga dorshada oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in ay haatan jiraan xubno si toos ah isku soo diigaan galiyay kuwaasi oo u sharaxan gudoomiyaha baarlamaanka.

Afhayeenka ayaa sheegay in ilaa iyo hadda inay hayaan seddex musharax oo gudoonka baarlamaanka doonaysa kuwaasi oo uusan shaacin inay sharuudihii soo buuxiyeen,laakiin uu sheegay inay araajida soo gudbiyeen.

Sidoo kale wali wuxuu sheegay in ay socoto qabashada araajida isla markaana ay soo dhowaynayaan musharax kasta oo soo buuxiya shuruudaha laga doonayo.

Doorashada gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya iyo waliba ku xigeenadiisa ayaa waxaa lagu balansanyahay in la qabto 26-bishaan oo ay haatan labo maalmood oo kaliya ay ka harsantahay.

Xubnaha ilaa iyo haatan ku dhawaaqay in ay u sharaxan yihiin xilka gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah Prof. Jawaari Cali Qaliif Galayr, iyo C/risaaq Jurille.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

10 Responses for “Gudiga Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku Xigeenadiisa Oo Sheegay ilaa iyo Sadax Musharax in ay Haatan Haayaan”

  1. [...] See original article: Gudiga Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku Xigeenadiisa Oo Sheegay ilaa iyo Sadax Musharax in… [...]

  2. HANAD says:

    K.k.k.k xilkaas laguma jacsana markaan fiirino sida ay diciif utahay soo gud binta araajida iyo waqtiga dhawaantiisa.

  3. ali says:

    Jurile ayaa la qaatay marka loo eego eygaan cuqdada qaba ee calibeesateen ah alla ku qaad liitee.

  4. Hussein --Minnesota says:

    Cali khalif ayaan u doori lahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka, laba sababood awgood. 1) waa nin aqoon ku filan iyo waayo aragnimo siyaasadeed oo qoto dheer leh. 2) waa nin waqooyi iyo koofurba dhaqankooda garanaya. Juriile marnaba ma doorteen, aqoonta aan u leeyahayna waxaa sheegaysaa in uu yahay nin garashadiisu gaaban tahay oo inta ishiisu qabato mooyee aan wax ka shisheeya arkin, (micnaha shilimaad uu jeebka ku shubto ayaa kala weyn mustaqbalka soomaaliya) bal eeg sunta lagu shubay Baddeena, iyo dhowr assasination oo laga fuliyey gudaha Wadanka.

  5. Galmudug says:

    Pro Cali Khaliif ayaa kuleh hadey noqoto aqoon, wadaniyad, siyaasad, aftahanimo iyo geesinimo. Kuwa kale waa wada jaahiliiin aan Hal qof qancin karin iska daa Soomaali kalee.
    Galmudug hadaan nahay waxaan u rajeyneynaa Mr Galeydh guul inshalah viva Somalia

  6. iftiimiye says:

    cali khaliif wadan ka ma inuu gado ayuu rabaa lacaktii uu dowladii dhexe ee somaliya ka dhacay ba wali kumaqan mida kale hadii wax qaban karo away khaatumadii uu dhisay hunguri ayuu usocdaa ee hala iska ilaaliyo

  7. ASC sxb cayda ha la daayo cidkastoo isu soo sharaxdo gudoonka baar lamaanka oo soomali ah waa sodhawaynaynaa kii kuguulaystana waa lashaqaynaynaa mida kale anigu waxaan dooran lahaa brf jawaareey ama brf galayr juriile waa danbiile maxaayeelay qashinka reergalbeedku iska daadiyaan ayuu ku aasay dhulka somaliyeed ee udhaxeeyo garoowe iyo boosaaso wadada labadeeda dhinac sidaas daraadeed ma ahan wadeni ee hala ogaado w/w/w

  8. xasan says:

    Hussien nin buka garaadkiisa ayuu hadlaa….Cali khaliif dowladii siyaad bare lacag buu kala baxsaday wuuna ku jasaarey dowlda Somali land wuxuu ka ahaa ra-iisul baarlamaan wuu ku jasaaray dowladii cabdiqasim wuxuuu ka ahaa ra iisal wasaare wuuna ku jasaaray dadkii dagaal qabiil buu galayey colaad xaga somali land iyo puntland waa danbiile dabci uu dad kula heshiiyo maleh juurlie waa nin dabeecad wanaagsan =====—— iyo ===== iyo raxanwween inta wuu la dhaqmi karaa dadka ayuu isu keni karaa dacaayada vrqaiiska jooji ninkan dakeda bossaso iyo wadada laamiga iyo washada sonkorta iyo warshada baraawe iyo kuwa kale isaa dhisay mashruucyadaas asaga ayaa ka soo dhameeyey Yurub dadka lama xasdo xaasaid ma liibaano

  9. Boossaso bariweyn says:

    REER bari- weyn iyo faroole ee uu barooranaayey gaal- Meles iska jira soomaalay dhamaan. Juurile wuxu lamid yahay faraskii ” le cheval de troyes” ee Giriigi hore wakhtigii niiki la dhihijiray Ulysse. Oo faroole ayaa raba inu Xamar kusoo galo ee Take care. Waa salaamtihin ” la patrie ou la mort” vive la grande somalie.

  10. Ali khalif ayaa ku leh

    Yarkan reer bosaaso ee jurile waa yar u soo riixayo dr tagsiile faroole oo ku fashilmay siyaasadii somaliya caalamkuna ku caleemadiyeen spoiler qaswade.

    Guuuul ayaan u rajeynaynaa profka cali khalif.

    Waxaan hubaa hadii la doorto in siyaasada tuulada garoowe less than a one day uu ku soo xidhayo waxadna arki doontaan dr tagsiile faroole oo hoos yimaada prof ka isagoo gadhka haya waliba oo leh seediyoow iyo hartinimo.

    Viva khaatumo state viva somaliya viva galmudug.

Leave a Reply