Gudoomiyaha Xisbiga Tayo Maryan Qaasim Oo Maanta Muqdisho Soo Gaartay


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Gudoomiyaha Xisbiga Tayo Maryam Qaasin ayaa maanta soo gaartay magaalada Muqdisho iyadoona siweyn loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Maryam Qaasin ayaa markii ay soo gaartay magaalada Muqdisho waxay la hadashay warbaahinta waxayna ka hadashay xaalada uu marayo wadanka Soomnaaliya, iyadoona sheegtay in loo baahanyahay in la helo isbadal.

Gudoomiyaha Xisbiga Tayo ayaa sidoo kale waxay sheegtay in ay muhiim tahay in la helo hogaamiyaal cusub si wadanka uu kagaga xaalada uu haatan marayo, oo ah mar xalad adagh.

“wadanka sida aad la wada socotaan wuxuu ku jiraa marxalad kala guur ah, waxayna sheegtay in loo baahanyahay qofwalba oo damiir ah in ay u soo jeestaan xaalada wadanka.

Xisbiga Tayo ayaa waxa qayb ka ah Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, kaasi oo haatan ah musharax u taagan xilka madaxtinimda Soomaaliya.

20-bisha ayaa waxaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu qabto doorasho madaxtinimo oo ay ka qayb galayaan musharixiin badan oo u taagan xilka madaxtinamada ee Soomaaliya.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

6 Responses for “Gudoomiyaha Xisbiga Tayo Maryan Qaasim Oo Maanta Muqdisho Soo Gaartay”

  1. daljirka says:

    TAYO : welcome, waxaan qabaa xisbigan iyo hiil qaranba in lagu aamini karo masiirka umada somaaliyeed., ayna ilaalinkaran, dadka iyo dalkaba….. Waxana u rajaynayaa soomalida hogaan u qalma .

  2. qarandhise says:

    soo dhawoow dotoreeso laakiin farmaajo maya sababtoo ah waa nin qabiil hadana lagu sheegay tuuganimo..

  3. somalijecel says:

    Xisbiga sidiisa kale ma xuma laakiin dad islam ah ayaynu nahay dumar diintaa ino diiday in ay na hogaamiso marka gabadha cayaalkeedii iyo odaygeedii hala joogto jalle armaajo isaga ayay tahay inuu ymaado fagaaraha

  4. ceel-ciid says:

    soo dhawoow eedo mansha alh waxa kaa muuqda suurad muslim iyo muuqaal wanagsan allah haku dhowree

  5. cawaale says:

    farmajo uu tartami doonaa asaga iyo gaas ninka somali rabtaana soo bixi doona farmajo tuug ku noqon maayo hadalka gaas quf soomaaliyeed ooaan qabiil kadhalana majiro marka ´xisbiga tayo maahan dad laka ladooran karo, waa ninka kaliye ee helay shacabka soomaaliyeed quluubtooda iyo caqligooda. long life farmaajo soomaali aday kuu baahantay hadhinteen qabyaad kunoolaada soomaliya kadhigay kantoona loolamaya, ooraba in ay soomali kuxukumaan figrad qabiil ooqaawan

  6. HIIRAN BOY says:

    WAAAAW SOO DHAWOOW DR MARAN QAASIM ADIGA IYO XISBIGAADA
    IYO XOGHAYAHIISA WAX BADAN AYAAN IDIN SUGAYNAY ANAGA REER HIIRAAN OO DHAN HIIL IYO HOO INTABA WAAN IDINLA GARAB TAAGANHAY FARMAAJO IN UU MADAXWAYNE NOQDO AYAAN RABNAA

Leave a Reply