Guul darada Galayr iyo Saamaynta Somaliland
Guul darada Galayr iyo Saamaynta Somaliland
Idiris Suldaan Axmed Dooxa-Joog
Dooxajog5@hotmail.com
Falanqeeye Idman
Agoosto 30 2012

Idiris Suldaan Axmed Dooxa-Joog
Dadki hoos imaan jiray gumasytihi Britain ka hor xor-noqoshadi dadka ku nool dalka haatan loo yaqaan Jamhuuriyada Soomaaliya ee ay dawladi Britian ugu magac daray Somaliland [dhulka Soomaalida] ayaa iyaggu noqday dadki ugu horeeyay oo Soomaali ah oo dareema xornimada ama noqda dal madax badaan taariikhdu markay ahayd 26-june-1960 ,Muddo 4 maalmood ah ka dib Somaliland waxa ay la midoowday Somali Italiano oo ah qaybti Soomaaliyeed ee uu haystay Gumaystihi Talyaanigu , qiiro wadaniyadeed ayaa markaas ay la noolaayeen dadka Soomaaliyeed intooda badan shacabku , Balse Siyaasiyiinta ayaa kuwooda Somali Italiano ahaayeen marka aan Sooyaalka dib u milicsado aragtidaydana ku cabiro kuwo iyaggu doonayay ka sadbursiga Soomaalida Britian Gumasanaysay ee Somaliland ula baxday, dhanka Siyaasiyiinta Somaliland ka socday waxaan oran karaa waxay ahaayeen kuwo xamaasad wadaniyadeedku haraysay kana fog u fiirsashada walaalaha kale ee ay midoobeen waxaana oran karaa iswaydiimaha awoodqaybsi siyaasadeedka ee siyasaasiyiinti Somaliland xiligaas waxaa ka qaaday ku faraxsanaanta dad Soomaaliyeed oo xor ah iyo bilashada Jamhuuriyad Soomaaliyeed oo calankeedu caalamka ka dul heehaabo.
Waxaa la dhisay dawlad Soomaaliyeed , haddaba dhismahaas waxaa ka soo muuqday in ay siyaasiyiinti dalki Somaliland la oran jiray ka socday aysan ku soo bixin sadexda xil ee ugu sareeya dawlada Soomaaliya ,sidoo kale waxay noqotay Caasumadi dalka cusub ee jamhuuriyada Soomaaliyeed Muqdisho oo ah Magaallo ku taal dhulki uu Talyaanigu gumaysanaayay ee 4-ta Casho ka dambeeyay Xornimo qaadashada Somaliland ,dhacdo siyaasadeedkaas awood qaybsi ee cadaaladda ka fog cabiridayda Waxaan oran karaa waxay ku dhacday wadaniyad madax martay siyaasiyiinta Somaliland ayna ku mudan yihiin amaan, sababta oo ah dareenka ay Soomaalidu la soo noolayd ee qabyaaladu ma ahayn mid ku jira Siyaasiyiintaas Somaliland xiligaas , dhanka kale waxaan oran kara waxay arintaanu qayb wayn ka tahay bilaabashada cadalad daro dareemida dadka Somaliland , waxayna abuurtay dareenka ilaa maanta taagan ee ah in Somaliland ay dib ula soonoqtay madax banaanideedi waloow aysan muuqan in ay suurtoobi karto in dareenkaasu dhaboobo sidaan qabo.
Waan wada naqaan wixi dhacay inti u dhaxaysay, Somaliland qofka soo jeedaa waxa uu xilalka sare qabtay marki Madaxwayne C/Rashiid Cali Sharmarke [AUN] ku guulaystay xilka madaxwayne-nimo June 10, 1967 uuna R/wsaare usoo magacaabay Maxamed Ibraahim Cigaal [AUN] , dawladaas mudo laba sanno ah ka dib waa la dilay Madaxwaynihi , Waxaana dalka la wareegay seefti Kacaanka iyo Sahminti Hantiwadaag ku dhaqmida ,dabcan samaayski Jabhadaha , iyo inti Burburka ahayd waan ka wada dhargasanahay anniga oo rabba in aysan ila dheeraan aan usoo dhaadhaco Falanqaynta dhacdadi maanta ee ahayd doorashadi ka dhacday hooyga lagu magacaabo General Kaahiye ee uu ku soo baxay Maxamed Sheekh Cusmaan [Jawaari] uuna ka guulaystay la tartamihiisi ku soo xigay Cali Khaliif Galeyr ee isaggu ah nin leh Sumadda Somaliland-nimo marka laga taggo 4.5-ta mudadaan saami qaybsiga Siyaasada soomaaliya ku kala go,aysay.
Guul darada Galayr:

Cali khaliif Galayr
Cali Khaliif Galayr waxa uu saadaaliyay muddo sanad laga joogo in uu ku fakaro samaysashada Maamulka loogu magac daray Khaatumo State uuna u arkay in uu yahay mid uu la tagi karo goob cayaareedka Siyaasada Soomaaliya Aqriste samaynta Galayr ee Khaatumo ma ahan arin u gaara ma jiro Maamul lagu dhawaaqo oo laga leeyahay danta Galayr ka lahaa Khaatumo mid ka durugsan dhamaan State Hebelkaas aad maqashay waa mid xogtiisa dhabta ah ee ka dambaysaa tahay sidaan kursiga kuugu tagaa , kursigaas oo qofba meel u jooga [ximin iyo Xeeg Awdal State ,Puntland , Raascasayr Iwm] Mid walbi miisankeed iyo wax gooynteed siyaasi-geeduse duulaan tag Shacabkeeduna ku Raascasan ilayn dareen qabali ah ayaa lagu nool yahay oo xornimo u fakarida shacabku waa mid 7% Somalia ka ah hadaysan ka yarayn .
Galayr saadaashiisa guulaysasho iyo isu gaysashadiisa siyaasadiisa oo meel marta waxa ku dhiira galiyay Cali Khaliif waxa uu R/wsaare ka noqday DKMG ee bilatay Aug 13, 2000 kana dhalatay Shirki ka furmay Tuulada Carta >May 2, 2000 , Galayr oo markaas eegaaya siduu ugu soo baxay xiligaas DKMG isagga oo aan markaas wax deegaan ah ku tiirsanayn ayaa Sooyaal siyaasadeedkiisu ku dhiiriyay in markaan aan la-liicinayn waa siyaasi iyo saadaalinta guul filashadiisa , balse Galayr waxa uu Ilaaway in Shirki Carta uu ahaa mid ay ku loolamayaan adraydi XKHS oo laba garab ah , Cabdiqaasim Salaad Xasan , Cali Khaliif Galayr ,Boqor Cabulaahi King kon iyo qaybta xulufadooda asxaabti Ex Curubo iyo Liido xasuuso aan guuri leh dhacdooyin kharaar iyo kuwo macaanba laga dhex heli karo waa xiligi Hantiwadaagee, , Cabdulaahi Axmed Cadoow , Xasan Abshir Faarax , Aadan Maxamed Cali iyo asxaabtooda ardaynimo ee Kacaanki oo dhinacooda ah , Ragaanu waa kuwa labada dhinac kala ahaa xiligaas waana ardo ka aflaxday Falsafadi Jaalle Maxamed Siyaad Barre [AUN] Loolanki Cartana waxaa guulaystay Kooxdi Cabdiqaasim iyo Galayr sidaas ayuuna Galayr ku noqoday R/wasaare.
Madal walbiba xiligeed wakhti kastina qaab dagaal gal siyaasadeedkiisa Galayr guul darada Maanta waxaan oran karaa waa dagaal siyaasadeed lagu hardamo iyo sugida natiijadiisa , balse nuxurka guuldarada Galayr ayaa ah mid aad saamayn ugu yeelanaaya Sooyaalka siyaasada Soomaaliya waxa uuna noqonayaa arin ka sheekaynteed mudan sababta oo ah xiligan waxaa jirta in la inoo sheegaayo in Soomaaliya Soo kabanayso oo isfahan siyaasadeed dhalanaayo , Balse sidaan qabo Guul darada Galayr maanta waxay noqonaysaa mid dadka Reer Somaliland ku darsadaan dagitaanki awoodqaybsi siyaasadeed ee ay koonfurtu caadaysatay , dabcan xiligaan oo dareenka qabyaalad ku noolaashaha shacabka Soomaaliyeed iyo soo badashada siyaasi , siyaasadiisa ku meel marsada innaga daggan ay cirka isku sii shareerayso maalinba maalinta ka dambaysa, Balse Reer Somaliland-[Reer Waqooyi] dhibaato uma aragkaan madaama 60-ki la dagay xiligaan ma filanayaa tanaasul u samayn iyo bal ku eegid jagooyinka sare dad Reer Waqooyi ah oo dadka Reer Koonfureedku sameeyaan Balse goobta isku adkaynta afka Reer Waqooyigu waxa uu noqon ma 60-ki ilaa maanta malaha maba garowsan.
Dhanka kale waxaa dhacdadaanu cadaynaysaa in Khaatumo ama Maamul kale oo waqooyi ka jira sida Awdal State oo kaligiisi ahi uusan Muqdisho waxba ka gooyn karin , balse Reer Waqooyi midaysani yihiin kuwo la xisaabtan awood qaybsi oo dhaba samayn kara , ku adkaysashada Somaliland inaysan siyaasada Somaliya ka mid ahayn wax badan in ay goyn karto ayaan qabaa balse Hargaysa , oo aan laasacaanood , Laasqoray iyo Lughaya wadan dhacdadaan guul darada Galayr iyo salaankiisa Khaatumo kama duwanaanayso haday Muqdisho kalinimo ku aado Reer Koonfureedkuna halkeedi soo jireenka ahayd kala helaan.

Cali khaliif Galayr waa macalin Siyaasadeed qiimayntayda xiligi burburka Afar nin ayaa qabaa in ay yihiin kuwa ugu miisaanka cuslaa masraxa siyaasada [AUN] Cabdulaahi Yusuf , Daahir Riyaale Kaahin , Cali Khaliif Galayr , Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isaggana maanta dheel siyaasadeedku dhankiisa ku liicday balse aan ahayn nin hara aanna ka filan karo Prof Jawaari sanad ka dib intay Shariif Xasan Baarlamaanka cusub iska baranayaan in uu booska ka taqantaqeeya sida uu maalmo tagayba sameeyay Masraxa Siyaasadeed ee Soomaaliya dhacdooyin aad tiraahdo tanuna ma dhici kartay ka fillo , hadaan ku daro inkasta oo uusan wali ku balaarsan Siyaasada Shariif Sheekh Axmed Balse waxa uu usoo egyahay mid furfuran cid walba siday rabto ula dhiga inkasta oo guulihiisa siyaasadeed ee sooyaalkiisa dhowaanta soo ifbaxay loo aaneeyo ka soo hoos dhalasho Wadaadka mayalka adag ee mudada mititka ahaa Sheekh Xasan Daahir Aways iyo Shariif Xasanka Maanta ka horow aan loodin , Dabcan ragaan aan xusay waa siyaasiyiin ma ahan in aad iswaydiiso ma xal ayay wadaan/Wadeen mise xal daro , taas Sooyaalka Soomaaliya ka dheeho, Balse waa kuwo siyaasada jirta ku ah macalimiin / ku ahaa Cabdulaahi Allaha [AUN]
Galayr ayaan ku jiraaye aan yara Tusaaleyo aqristayaasha ku xeel dheeraanta Siyaasada ee Galayr, Galayr weerarkiisa afka ah ee Puntland iyo u dhimrintiisa Somaliland waa tusaale Siyaasadeed siyaasi halkay ku jirto yaqaan , isku soo biimayn la,aanti gabarsi ka doonid deegaan[Khaatumo] xiligi Cabdulaahi ee Puntland iyo Riyaale ee Soomaaliland waa tusaale kale oo tilmaamaya in Galayr laacib wayn yahay dhanka siyaasada , maanta Galayr waxba lama harin balse Reer Koonfureed iyo caadadood dheh inay isu garabsadaan Reer Waqooyiga .
Saamaynta Somaliland:
Maamulka Somaliland ee ah dareenka ay la nool yihiin Shabacka gobollo ka mid ah Somaliland ee ah aragti siyaasadeed salka ku haysa SNM [ Somali National Movement] ayna tahay xogta ka sii dambaysa SMN dareen qabyaaladeed u gaar ah qaybo ka mid ah Siyaasiyiinti Reer Waqooyi , wuxuuna dareenkaanu bilowday xilligi Jabhad samaysashada ee lagu dhisaayay qabyaaladda looguna macab Bixinaayay Soomaalinimada ku suntan seejinta taladda dalka Kacaanka dhiig miiradka ah waa siday ugu yeerayeen Siyaasyiinta Jabhadaha hogaaminaysaye , sidoo kale waxaa jira siyaasiyiin ku jira Maamulka Somaliland ee goooni isu taaga 22 -sanno ka hor ku dhawaaqday oo ka soo gallo Maamulkaas Gobol waqooyi ka tirsan Balse Shacabka ku dhaqan Goboladaas Dareenkoodu yahay mid Villa Soomaaliya ka naawilaaya isbadal , Sidaan in dadku kala ahaadaan ku noolaanshada Hab fakarka Dhimirka wax u dhima ee Soomaaliya dadkeeda afeeyay waa qabyaaladee ayaan oranayaa , Ma jiraan cid si gaara ugu eedaysan waa saf mar marka laga reero dadka la nool Dareenka Xarakada Shabaab Almujaahidiin ee ah Shareecada ayaa mudan in loo xakuntamo Caqli bini ,aadam oo ciqaab dambiile dadeed curiya warkeed daa [Caqlaawiyad] , Shacabku Dareenkaan qabyalaadda ku dhiban Siyaasiguna ku dheefsay waa kiisa 4-tiisa sanno ay beesha Calaamka isbartaane .
Hadaba Somaliland waxay ku yeelanaysaa Saamayn siyaasadeed waxaa dhici karta in siyaasiyiinta Gobolada aan Shacabka ku nool Somaliland-nimadu ku duxin ay ku soo bataan ama mabaadii ka dhigtaa Somaliland , taageero siyaasadeed ayaan oran karaa oo halki hore ka yara xoojisa Somaliland ayaa ka dhalan karta , Aqriste in Somaliland dal Noqonayso ma qabo annigu sababta oo ah ma saara dhabaha dal gaara noqoshada haday noqon lahayd shacabka ku dhaqan kala duwanaanta oday kooxeed aminsanaantooda[ Qabiil] iyo iyadda oo aaysan Somaliland hayn dariiq caalami ah oo dal laba uga kala qaybsamo lana ictiraafo dalkaaas cusub ee dunida ku soo siyaaday.
Waxaa kale oo aay u tahay Nafaqo Siyaasad qabyaaladaysan Shacabka Somalilander-nimada aminsan oo muddo kula xifaaltama Shacabaka kale ee reer waqooyi ee Villa Somalia ku xiran ay kaga helaan Golle xifaaltanka War inaysan reer koonfureedku sadbursi ka waantoobayn marnaba garoowsanayn bal in markaan si xalka loo raadiyo kuraasta sarsare la innoo dhiibo kaftan dhablaha Shacabka dawlad la,aanta la darsay 22-ka Sanno weeye intaanu .
Waxaan ku soo idlayn falanqaybtayda guul daradi doorashadii Galayr iyo saamaynta Somaliland dhankayga ma qabo in Kuraasta Soo hartay waa madaxwaynaha iyo R/wasaaraha ay heli karaan midkood qof reer waqooyi ahi , Madaxwayne qof Muqdisho ama Shabeelooyinka ka soo jeeda ayaan isleeyahay sabababo la xiriira waxaan loogu yeero sifaynta Shabaabka oo mudada soo socota siyaasada Ajnabiga iyo abaanlayaasha Soomaalidu u dhigteen in la wado arinta ay ku macneeyaan xoraynta balse aanan garan waxa Soomaali looga xoraynaayo dhulka oo Amisom u qabsanayso Lakiin aan ku oran karo Halka caalamku u badan yahay oo dhamaan dadka Dunida lala rabo dheh [Cilmaaniyad] R/wasaraaha Puntland yaysan kalsoonida Villa Somalia kala laabane sii, ilayn reer Waqooyi waa kuwo xaafad xaafad u weerar tagaayee miisaan culus wakhtigaan ma leh oo midnimo la,aantooda ayaa diiday .
Hadaba Aqriste haddi Galayrku soo bixi lahaa waxay noqon lahayd aragtidayda mid saamayn ku yeelata saaxada Siyaasada waa marka koowaade waxaa meesha ka bixi lahaa in Afhayeen-ka baarlamaanku koox odayeedkaas [Qabiil Sida Soomaalidu u taqaan] ayuu u xiran yahay, dhanka kale waxay saamayn ku yeelan lahayd Siyaasada Somalilander-nimada ku socota oo ay wiiqi lahayd xalkuna waa ka soo dhowaan lahaa , waa in Maamulka Hargaysa la qanciyee , balse dhigeeda waxaa ahaan lahaa oo laga yaabi lahaa In Puntland markeeda 20-sanno oo soo socda iyanna Shacabka ku dhaqan Goboladaas ku hayso Sanadkaan weeye kii Ictiraafku , Siyaasada Soomaaliya iyo murugsanaanteeda weeye wax innagu cusub ma noqoteen, Haddaad aragtay , Cabdulaahi xiligiisa Puntland a[AUN] oo leh dawladi carta ma shaqaynayso , Cabdulaahi oo Madaxwayne noqday iyo dadka Muqdishaad oo wada Sahbaaboobay , Somaliland oo aan calankeedu dhicin 22-tan kaas sanno heeso kala daran iyo isu soo baxyaduna aysan kala go,in Puntland inay iyanna markeeda sii jeesan lahayd waa mid la fisho, Haddaba oo aysan cayaar siyaasadeedku dhamaana dhici karta.
Idiris Suldaan Axmed Dooxa-Joog
Email- Dooxajog5@hotmail.com
Facebook-www.facebook.com/idiris.dooxajog
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY FALANQEYNTAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY KUSOO BIIRTO FALANQEEYAYAASHA IDMAN WAXA AY CODSIGOODA KUSOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM AMA RAXANREEB@GMAIL.COM












[...] Read More: Guul darada Galayr iyo Saamaynta Somaliland [...]
dooxa joog sxb waad ku mahadsantahay fikirkaaga dheer balse somaliland taageero kagama helaysid mr galayr oo laga dhigo gudoomiye paarlamaan sababtoo ah wa mide galayr deegaanadaas khaatumo ayuu ka aas-aasay wa mida labaade galayr ayaga waxa uu u xisaabsan yahay nin faqash ah marka dee hadaad oran lahayn nin hargaysa kasoo jeda ama burco haloo dhiibo wa caqli lakin waxan kale oo dhan uma arko wax caqli ah oo soconaya xita hadii dadka boorama dega xillkaas loo dhibi laha reer woqoyi way mucaradi lahayeen marka miisaanka ay doonayan wa nin reer hargaysa ah ama reer burco kursiga hala geeyo marka runta laga hadlo ee mahaan miisaan deegaan marka hadaad rabtid inay reer waqooyi soo dabcaan cidda ay talladu ka go’do raadi oo target garee meesha wax ka socon karaan lakin ninkii khaatumo dhisay aya taageero keenaya wa waali anyways thnks for the article
Mr: idriis
Horta waad ku mahadsantahay maqaalkan,runtii way yaryihiin inta somalida xaqiiqada ka sheegta taariikhda wixii dhacay , laakiin nin waliba wuu ogyahay tanaasulka iyo somali jacayl wax walba u huray , iyo wixii loogu abaal guday.
Any way , kuguma raacsani inuu cali galaydh siyaasi culus yahay , sababtoo ah wuxuu garanwaayey intaa aad adigu garatay ee ah _ isku duubni aynu wax ku doonano _.
Ta labaad , nin walba wuu garanayey in aanu shaqaynayn maamul la col ah somaliland iyo puntland…dagaal iyo colaad la bilaabo 2012 waxay ahayd caqli xumo iyo siyaasad liidata…cali galaydh waxaan kula talinlahaa…adeer iskaga noqo maraykan kaagii , dadkii aad waashayna runta u sheeg oo raali geli , kolay xisaabtu xaga rabbi way badantahaye..Ilaahay ha kuu sahlo.
hada calaacal la bilabayaa sxb wad ooyeysaa ma kor ba mise hoos
Mar haddii Hassan abshir 4 cod helay,Galaydhna 77 cod hedlay waxay ifinaysa sida ay labada nin iyo labada beelood Xamar ugu kala sharaf badanyihiin.
Ninkaan qoraaladiisa iyo faalloyinkiisa waan la yaabi jirey balse tan uu maanta u soo qoray mid la dafiri karo ma ahan, Cali khaliif waa uu khamaaray hadii aad khamaartit ama waa guuleysan ama waad guuldaraysan balse magacii iyo sumcadii dadka dega gobalada ssc ayuu ninkaan ku kaajey. Kol hore ayuu sayadkii AUN dhahay “dhulhante ma waalanyahay mise waa miyir qabaa? Wuu waalantahay iga dheh”. Khaatumana hore ayaa loo sheegay in uu yahay mashruuc ay cali khaliif iyo siilanyo suubiyeen
ninkani waxba qoraalkiisa iyo aqligiisa waa isku mid oo waa nin geel raac ahan jirey oo qoraal bartey haku daalin waa jaahil kan waxba maba oga
Waa wax lagu qoslo runtii Dhulbahnate iyo Daarood maxay kala yihiin , maxaa se Isaaq ka khuseeya miyay kala jecelyiin, Laas Caanood intay Garoowe u jirto iyo intay Burco u jirto ninkan hala baro.
SNM ood ku sheegtay Maamul qabiil?? oo maxaad u raacin wayday kii adeerkaa Afweyne ee qabyaalada iyo cudurka ku dhisnaa ee Mareexaan , Ogaadeen iyo Dhulbahnate xoolaa umada soomaali ku dhuuqayeen??
Somaaliland hadii la ictiraafi iyo hadaan la ictiraafinba laga tanaazuli maayo qadiyada somaliland , caqliga koonfur yaalaana waa caqligaaga oo Harti baa Isaaq leeg baa caqligaaga ku jira. Anaka waxba nagama xumaan ee waalida Dhulbahnate oo cuqdad Xamar ugu cararay ayuun baa la yidhi hoo bariiska.
Shaki Isaaq kagama jiro in baarlamaan, madaxaweyne, prime ministe, caasimad iyo wax kaste ba Koonfuri qaadanayso, Isaaqna la yidhi waa Dir iyo wax noocaas ah oo Mareexaan oo gabigiisuba jiliv Sacad Muuse ah leeg 14 ha qaato habar awal oo dhana 5 kursi..
Qof xaaraan lagu canqaariyay xalaashuu ilaawaa
Mr Dooxajoog thanx for the articel,
lkn aan mid maankeyga ku jirta soo gudbiyee cali khaliif galaydh horta labo maseleba wuu aaminsanaa inu ku helayo kursiga barlamaanka waa marka hore,e wuxuu rabay Cali inu khalkhal geliyo siyaasada somalida ee 4.5 taas oo dad badan u aaaminsanaa inuu taagero kaga helayo, maadaama uu qaabkaasi yahay mid somali badan kaso horjeedo, Ta labaadna waxa uu aaminsanaa in rer koonfureed tixgelin doonaan reer waqooyi oo xilka wax naga siiya leh, isaga laftiisa ayaaana baarlamaanka somaaliya hortooda ka sheegey inuu kasoo jeedo dhulka loo yaqaan Somaliland, hadaba reer Villa somaliya labadaa arimood midna may tixgelin oo sad bursi iyo xaqdaro meel ay ka dhamaaneyso uma maleynayo sanadadan soo socdo, Hadaba waxaan eegna dooorashada madaxwaynuhu sida ay u dhacdo, hadii reer koonfureed madaxwayne qaataan reer waqooyi mala siin doonaa raisalwasaaare, bal aan eegno,
oo Daarood marna waa reer Waqooyi marna waa Daarood miyaa?? loool , oo hadii MJ ama Mareexaan helo madaxaweynaa malaa waxad leediin jagada kalana hala siiyo “dhulbahnate” oo filinka ku matalaya reer “waqooyi”
Woow Waan ku celceliyay akhriskeeda Faallo aad u xiiso badan..Qoraa sare Idiris waad ku mahadsan tahay faaladaan xiisaha badan, Hadaan aragtidayda ku darsado annigu waxaan ka soo jeedaa Somaliland tan dhacdayna waxay noqonaysaa sida aad u sheegtay ee ah in dadka koonfurtu ay xusul duub ugu jiraan wali inaysan garawsan in cadaaladi haba yaraatee ka dhex muuqato Somalia , tan kale Mr Idiris sxb Somaliland dadkeedu inay dal gaara ku dhawaaqdaan dee tan oo kale ayaa keentay aniga oo kuu arka nin dhexdhexaadnimo iyo garasho wanaagsani ka muuqato walaal miyaysan gar ahayn in aan iskaya wax u raadsano oo aan dalnimadayadi aad sheegtay adigu balse inta xanuunsani aysan garanayn aad dib u baadi goobno .
Reer Somalia waxk u qaata qormadaan xaqiiqda ka turjumaysa oo uu curiyay Qoraaga aan qoraaladiisa xiiseeyo ee aadka uga faalooda xaalada Soomaaliya si aan qablaayad lahayn .
Siyaasada Falanqeeye wayn weeye ninkaanu runti waan ka helay faaladiisa maanta inkastoo uu shabaabka taageero qormooyin hore oo aan akhriyay sidaan ku arkay balse tan maanta waa mid xaqiiqooyin jira ka waramaysa ,
“, Shacabku Dareenkaan qabyalaadda ku dhiban Siyaasiguna ku dheefsay waa kiisa 4-tiisa sanno ay beesha Calaamka isbartaane .”
Been kumaadan sheegin sxb waa wax run ah in aan ku dhibanahay qabyalaada ninkaas nagu aar kacsanaaya ee siyaasiga sheegtana uu dheef ku qabo Mr idiris waxaan ku waydiin sidee uga bixi karaa sxb shabaabki aad adigu taageeri jirtay laga adkaaye kkkkkk bal meel kale nooga iftiimi qoraaladaada dambe
Somaliland waxaa ku dhoobeystay Oo xero qabiil ka dhigay hal wabiil oo ah SNM dadkii kaloo dhan waxay rabaan Soomaaliweyn
Galmudug@ Adeer adoo faqash ah waxbo shaadh rag kale ha ku gaban meeshaa hadii eydan waxba iska dhicin karin iskaga baxa hadii kaleedo magacyada la idiin yiqiino isticmaala sida faqash iwm. Somali ilaah ha mideeyo oo nabad iyo caano a uugu bedelo dhibtii soo martey.
Dhalinyarada Soomaaliyeed oo meesha fekerkooda ka dhiibtaa, ha ogaadaan dhowr arrimood oo kala ah: 1) inaan somaliland ku soo noqonayn soomaaliweyn, waayo weyba ku xajiimoodaan maqalkeeda 2) inaan koonfuri cidna jagou ogolayn ayaguna isu ogolayn, waayo arrinkoodu wuxuu ku soo ururay “caruur hooyadood ma guursadaan lagamana guursan karo” 3) inaan dhulbahante reer waqooyina ahayn, reer koonfureedna ahayn, taas waxaan u dhaafi in ayaga ha la weydiiyo cidday yihiin 4) in Puntland keliya aaminsantahay nidaamka federaalism ka loo yaqaan, oo aanay jirin cidkale oo la aaminsan. 5) iyo ugu danbeyn: INAANAY JIRRIN CID SOOMAALI LA YIRAAHDO, BALSE AY JIRAAN QABIILLO SOOMAALIYEED OO AAN QARAN ISKU NOQON.
Qoraaga waxaa ka maqan taariikhda degaanada waqooyi waqoyi waxa dega qabiilooyin koonfurtana dega markay noqotay 4.5 qabiooyinka waqooyi iyo koonfur waa ka sinaayeen qay bsashada ta kale waqooyi iyo koonfur markay modoobeen ma jirin heshiis xukun qaybsi ah oo dhex maray labada dhinac markaa ma garanayo waqooyiga ay qoraaga kaga dhegtay maanta waaqica jiraa waa in waqooyi wada socdaana jirin koonfur wada socotaa jirin oo xalka keliyee lagu soo noqday Yahay nidaamkii qabiooyinka ee soomaliya ahayd isticmaarka ma hor ma jirto distooradii soomaaliya iyo qaanuunada UN AU me qeexaysa dawlada soomaaliya waa inay awooda ku qaybsato waqooyi iyo koonfur ahaan.
Hadaanta cali khaliif ku soo noqdo cali waa ka soo hor jeedaa wax waqooyi la yidhaahdo oo gooni isu taaga ilaa hadan lama oga in waqooyigii soomaaliya uu isu soo xulufaystay on ay noqdaan awood xamar wax ka qaybsata sidaa ma dhicin1960 ilaa maanta mana qabo in cali khalif ku waayey kurskga gudoomiyaha calashaan waa reer waqooyi .aniga taxlikaygu waa in cali uu dantuu ma lahaa isa soo sharixida uu gaadhay kkk
Qoraaga waxaan xusuusinayaa in s/land ta maanta joogta ay ka dhalatay jabhadii snm ee la dhisay 1981oo ahayd hal qabiil oo waqooyi dega ilaa maamtanaa
waa sidaa takale ilaa nidaam xisbiyo ahi yimaadaan mooyee soomaaliya qabiiluun bay wax ku qaybsan
kkkkkk Galayr weerarkiisa afka ah ee Puntland iyo u dhimrintiisa Somaliland -intaan ayaa maqaalka iga gashay Mr Idiris sxb walaahi been hadaan la sheegayn qoraa sare ayaad tahay waliba siyaasada Soomaaliya aad ugu dhun daloola ,hadaan aragtidayda ku darsado Galayr waa dagaalamay lakiin waa laga adkaaday , arinta ah reer koonfureed waa mid jirta waxayna ku wanaagsan tahay bal in mar laba kursi reer waqooyiga la siiyo si ay wax isu badalaan
ASW, Horta waxa fiican in ilaahay SWT, laga baqdo mar kastana la xusuusto in wax kasta oo aad
qortaan ama ku hadashan xisaab ilaahy swt ka dambayso. Intaas ka bacdi.
Dhibta Somalidu isu geysatay way fara badan tahay, gobalada qaar ayay dhibatadu ku badnayd sida
G/Waqooyi, Mudug etc. (Dawladii Kacaanka). Madaxdii wakhtigaa la shaqaynaysay Siyad Barre cid walba way lahaayeen, wax u gaara Marexan ama Daaroodna may ahayn. Dawladii Siyad Barre markay dhacday
qof kasta oo Somali ah runtana shegaya wuu ognahay wixii ka dhacay Xamar iyo koonfurta Somaliya.(dad badan ayaa aano qabiil loo dilay una badnaa Daarood).
Hadaba, sidee loo xisaabtamaa?.dadkii dawladii Siyaad Barre dishay oo qabiil kasta lahaa, yaa loo
racanayaa ma Marexaan mise Daarood?. Runta waxa weye qabiil masauul kama ahayn ee dawlad baa dalka ka jirtay dowlada hada laga dhisayo Somaliya ayaana lagala xisaabtamo doonaa.
Somaliland waxaa wada degan qabiilo fara badan sida Isaaq, dhulbahante,Warsangeli, Gadabuursi, Ciise, Madhibaan etc. Xaq miyey Isaaq keliya u leeyihiin in ay dalka ka go’aan? sharci ay Somaliya
kagaga go’aan ma haystaan, ama sharci Somali ama mid caalami ah?. Jawaabtu waa maya.
Sharciyda aduunka ka jira ee lagu dhaqo UN ta ama hayada caalamiga ah Non Alliance in wadan la kala gooyo waxaa ka horaysa in sharciga la eego kadibna la go’aamiyo.
Qodabada ugu muhiimsan ee wadan lagu kala gooyo waxaa ka mid ah:
A) In dadka degan Gobalka/Gobalada raba inay go’aan ay Jinsiyad ahaan ka duwan yihiin wadanka
intiisa kale, islamarkana lagu hayo cunsuriyad/dagaal dhinaca Jinsiyada ah laguna tirtirayo jiritaankooda. (xalna loo waayay sidii loo badbaadin lahaa).
B)In Diin ahaan ay ka duwan yihiin tan wadanka lagu dhaqo, loona diiday inay ku dhaqmaan diintoodii
islamarkaana lagu hayo dagaal joogta ha o lagu cirib-tirayo diintooda.
C)In luqad ahaan (Not a dialect) ay ka duwanyihiin wadanka intiisa kale, islamarkaana lagu hayo cunaqabatayn xaga luqada ah, loona diiday in caruurtoda la baro, iskuulada laga dhigo, ama ay ka mid noqoto luqadaha ofishalka ah ee wadanka ka jira.
Qodobadaasi hadii ay markaa jiraan ama hal qodob ha noqdo ama laba ha noqoto ama sedexdaba,
waxaa laga qadayaa afti dadka degan Gobolka/Goboladaas iyadoo la eegayo qawaaniinta u degan wadanka ay rabaan inay ka go’aan. Waxa ugu muhiimsan ee la eego dhinaca aftida waxaa ka mid ah
sharciyan dadka degan goboladaas miyaa aftidada laga qadayaa keliya; mise wadanka oo dhan. Taasi
waxay ku xidhan tahay qawaninta wadanka u degan ee lagu dhaqo, sida; Federal system, Republic,
constitutional monarchy, etc.
Qodobo kale ayaa jira oo aan runtii Somaliya khuseyn karin qofkii raba inuu akhriyana wuu ka heli karaa libereriyasha.
Waxan kusoo jarayaa qoralkayga, aduun-weynuhu wuu la yaabay arinta Somaliya, qodob ama xeer la cuskado oo lagu kala goyaana ma jirto, waxa keliya ee la aqbali karo waa in qolo walba ay iyadu maamulato dhulkeeda iyadoo ka mid ah Somaliweyn. Markaa waxba yaan laysku daalin arinta Galayr iyo Somaliland, dawlad Soomaliyeed oo aan ku meel gaadh ahayn marka la dhiso dowlad gobeled walba way ku khasbantahay inay miiska soo fadhiisato.
Waxa keliya oo aan u sheegi lahaa walaaladay Somaliland gaar ahaan Isaaq, in aad lumiseen fursad qaaliya oo taariikh ahaana idiin geli lahayd meel fiican, waa hadii markii Siyaad Barre dhacay oo ay dagaalka isku bilaabeen USC dhexdoodu Caydiid & Cali Mahdi aad Somaliweyn gogol u fidin lahaydeen, dagalka qaboojin lahaydeen, odhana lahaydeen inta dagaalku kajiro Xamar iyo Koonfur
dowaladii Somaliyeed halkan ha sii deganaato oo caasimadu Hargeysa ha sii ahaato.
WaBillahi Tawfiiq
Masraxa siyaasada ee maanta xamar ka shaqaynYaa waa mid ku dhisan $$$$$ imisaad bixinaysaa aan kuu codeeyee
” balse aan ahayn nin hara aanna ka filan karo Prof Jawaari sanad ka dib intay Shariif Xasan Baarlamaanka cusub iska baranayaan in uu booska ka taqantaqeeya ” Shariif sakiin waa nin wax walbi ka suurtoobaan waan ku qoslay intaan qoraagu caadi ma ahan intay baarlamaanka iska baranayaan kuma lahoo kkkkkkkkkkkkk
Nin ani yiri dad iska sooc
Dhulbahamte waa soomaali soomaaliya aaminsan xorna u ah inuu aaminsanaado taas wixiinintaa ka hooseeyana u arka siyaasad iyo wajiyadeed soomaaliya waa qaran maaha makhaayad uu marba nin ka cadhoodo haduu shaah ka waayo waqooyi iyo koonfurna waxay midoobeen iyagoon laba dawladood ahayn ee hal dawlad ah sharciga aduunkana waxay ka yihiin hal dawlad 21sano oo soomaaliya burbur ahayd baana bedeli kari waayey xaqiiqadaas
Horta waad salaaman tihiin dhammaantiin ba Dr galeydh waa siyaasi culus oo Hal adeeg u dhashay nin na u joojin maayo mana uu guuldareysan ee meesha siyaasadda Laga soo galo ayuu yaqaan wuu a ka soo galey muhiimadiisuna ma aha guddoomiye baarlamaan noqo ee dan buu lahaa dantiina hel wuu a ku guda jiraa halkaa na ku soo Koobi maayo illaa hadda gurigiisa sida loogu qulqulayo illaah baa og ,shariif sakiin sababta kenya ugu yeedhay adiguba shaxda fahan ,tankale khaatumo guul bay gaadhey bal ardeydii dugsiyadda manhajka wax barasho sida ay ugu guuleysatay ,ciidan habeysan siyaasadda dibedda, qarashkii UN ta oo ayka soo goysey waqooyiga iyo faroole maamulkiisa hardanka illaa UN ta dagaal ka siyaasadeed Iyo arrimo aanan soo Koobi karin Adduunyada oo aan tusay in aan dalku kala go ‘I karin kashifaadii kalshaale ee ugu weyneyd,wixii aad xidhiidh lasamaysateen xabashida oo kale oo aan tusnay
anigu ma qabo galeyr in uu guul daraystay ee wuxuu gaadhey guushii ugu sareysey oo uu qof biliaadmi ahi gaadho, runtii waa geesi bal eeg isaga oo aan qabiil ku tiirsanayn buu wuxuu noqday raisal wasaare
meesha faroole had iyo goor uu qabiil dabada la galo galeyr isagu wuxuu dabada la galaa somalinimo
tii ugu danbaysay ee uu helay cododkii tirabadnaa iyada oo habardugaag iyo ay noqotay galeyr keligii iyo wuxuu aaminsanaa oo ahayd somalinimo,bal car waa kaase abdi weli raganimadiisa ha isu soo sharaxo madaxweyne isgaan dabada la gelin qabiil,laaluush iyo puntland meesha galeyr intuu jeebka gacmaha soo gashado uu isa soo taagayo masraxa cidduu doonabna dacaayadeeyo isgoo dhoola cadaynaya sheeganayo waxa uu qabo malaga helayaa kuwan hada loolanka ku jira, waxaan kaloo la yaabay cadaalad daradii barlamaanka ka dhacdey oo intii jawaan meesha lasoo fadhiisiyey loogu wada shubay isagoo dana gaara laga leeyahay, bal eeg maalintii ay dhamaatay doorashadu maalintii ku xigtay galeyr gurigiisa ayaa la hortubnaa oolaraaligelinayey inkastuu reerku yidhi xiniinyaa inoo dhaxeeya reerhabeloow, laakiin siyaasiinta kale badankooda wuu garoowsaday raali gelintoodii!! hadaba sumcadii galeyr oo cirka isku shareertay iyo siilaanyoo laga hayo hadaan isaaq igu kacayn galeyr waan u hanbalyeeyn lahaa
cayaari waa gelin danbe!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
After fifty years of independence, Somali Republic, born out of former British and Italian Somaliland that came together as one entity, is today in a status of permanent failed state of somalia and republic of somaliland
Halka u baahan in la toosiyaana waa halkaa. Runtii Soomaalilaand waxay gobannimadeeda qaadatay 26kii Juun ee 1960kii. Iyada oo afar maalmood ahayd dawlad madaxbannaan ugu yaraan 35 dawladoodna aqoon-sadeen bay walaalahoodii ku hoos noolaa gumeysigii Talyaaniga oo qaatay gobannimadooda 1dii Juulaay 1960kii isku biireen. Waxana dhalatay dawladdii iyo dalkii laysku odhanjirey Jamhuuriyadda Soomaalida not(Somalia).
Sida halka inooga cad Midowgii labada Jamhuuriyadoood ee bilaa shuruuda ahaa somaliland way ka noqotay.
[...] siyaasadeedkaygi hore aan ku tilmaamay midi ahayd Guul darada Galayr iyo Saamaynta Somaliland Madaxwayne qof Muqdisho ama Shabeelooyinka ka soo jeeda ayaan isleeyahay sabababo la xiriira waxaan …dabcan saadaashu waa mid muuqatay , midaan maanta ee ah Mustaqblaka Puntland iyo samaynta ay ku [...]
[...] siyaasadeedkaygi hore aan ku tilmaamay midi ahayd Guul darada Galayr iyo Saamaynta Somaliland Madaxwayne qof Muqdisho ama Shabeelooyinka ka soo jeeda ayaan isleeyahay sabababo la xiriira waxaan …dabcan saadaashu waa mid muuqatay , midaan maanta ee ah Mustaqblaka Puntland iyo samaynta ay ku [...]
[...] siyaasadeedkaygi hore aan ku tilmaamay midi ahayd Guul darada Galayr iyo Saamaynta Somaliland Madaxwayne qof Muqdisho ama Shabeelooyinka ka soo jeeda ayaan isleeyahay sabababo la xiriira waxaan …dabcan saadaashu waa mid muuqatay , midaan maanta ee ah Mustaqblaka Puntland iyo samaynta ay ku [...]
Xaqiiqadu waxa ay tahay Somaliland la-aanteeda wax shaqeynaysa ma jirto. Kolkaas ama runta ha la isu sheego oo si fiican ha loo noqdo laba wadan oo walaalo ah, ama colaada labada wadan ha la sii wado hana la arko dhanka ay guuldarradu ku dhici doonto.
[...] siyaasadeedkaygi hore aan ku tilmaamay midi ahayd Guul darada Galayr iyo Saamaynta Somaliland Madaxwayne qof Muqdisho ama Shabeelooyinka ka soo jeeda ayaan isleeyahay sabababo la xiriira waxaan …dabcan saadaashu waa mid muuqatay , midaan maanta ee ah Mustaqblaka Puntland iyo samaynta ay ku [...]
War heedhaha Somaliland iyo puntland hadii aad wax keeni karteen koonfur maba idin baahna waan idinka maaranaa naga jooga qabyaaladiina, mida xigta Galaydh waa muwaadin wad arki doonta marka ay timaado nin walba ha codeeyo ayuu ku soo bixi doona waan ogolnahay in khaatumo na hogaamiso ee calafkiisa ku haray meesha waayo markad koonfur afka kusoo laacaysid 4.5 wax lagu qeebsaday maxay u dooran waayane?! waxay ogyihiin in reer koofur waliba hawiyo aysan cuqdad qabin soomaali isku wadi karaan. wayo shalay mariixaankii aan is dagalnay is dilnay maanta muqdisha looga gacan haatinaa taas waxay tusaale u tahay in koonfur aysan cuqdad isku qaadin laakiinsa waa idinka somaliland la magac baxay wali 1988 dhagahiina ka olali angana tii 2008 waan ilownay meel maan isla mari karnaa waa may. naga jooga dhul faqri ayaad awalba ku dhalateen. koonfur waa barwaaqo waana is ogolnahay waa qowmiyada badan. adinkase waxaa tihii isaaq uun ama majeerteen kaliga. angana soomaali wayn yaa idin fadhiyo waa maya oohinta iska daaya
Mr Idris,
Very valuable points, waa falanqayn aad umiisaaman oo kusalaysan taariikh. laakiin sidaad sheegtayba somalida maanta waxaa kuyar wadani nimada ( waa 7% ama less wadani nimadoodu)
Hogol, Somali nimo ayaa laga hadlayaa ee hadaad faqash rabto good luck with your search.
Sniper, Sxb Falanqaynta Idiris kuma salaysna shaqayn iyo shaqayn la’aan Khatumo state ama Somaliland ama puntland, ee wuxuu kahadlay xaqiraada siyaasadee ee somalia kajirta ee reer Koonfureed ay ku xaqireen reer Waqooyi oodhan (Lascanood, Hargaysa, Borama) and so on. Wuxuuna Idiris u arkaa in reer waqooyi isku duubni mooyee aynan sikale Konfur sicadaali ah aynan waxkula qaybsan karin.
Thanks for the good points Idris
Sniper,
Hadday adiga kula tahay Puntland iyo Somaliland ciddii aan ku xidhnayn inaanay waxba noqonayn waxay ila tahay waa aragtidaada, nin walbana kaskiisuu kor tagaa; waa maahmaah Soomaaliyeed. Waxay ila tahay Puntland iyo Somaliland waxaa lagu aasaasay dareen qabiil, soomaaliduna way is taqaanoo qabiil mid kale u dawladayn karaa ma jiro, wax u diidaya beesha Khaatumo inay danaheeda ka shaqayso iyo wax ku khasbaya labadaas maamul ee aad sheegtay midna ma jirto. Tan dagaalka ee aad ka hadashay, bal fiiri Somaliland reerka ku abtirsadaa Soomaali oo isku dhan ayuu xabbad kala hor yimid waxa uu maanta haystana xabbad buu ku helay; reerka puntland hor boodaana isagaaba uga sii horeeyey qalalaase wax ku doonka. Wax ka maqnaa markaa ma jirin oo aan kursi doon ahayn. Bal dhinaca kale eeg. Beesha Khaatumo dhulkeedii ayaa qaarna beesha Somaliland haysataa intii kalena ay weerar kusoo tahay. Sida kale maaha oo beesha Khaatumo dhul beesha Somaliland degto duulaan kuma ah. Miyaan la odhan karin markaas waxaad la dhacsan tahay labadaas maamul ee aad sheegtay adiga oo ka eegaya danta guud ee ka dhaxaysa taas oo ah inay Khaatumo labadoodaba caqabad ku tahay damacooda iyo inay labaduba Soomaaliweyn iska weel duwayaan isna cajabiyeen. Hadaba aaan xaqiiqda ku xusuusiyee Beesha Somaliland iyo tan Puntland midna beesha Khaatumo kuma khasbi karto rabitaankeeda fariintaasina gacan iyo afba waa gaadhay meelihii ay khusaysay ee sidaas ula soco, hana is indha tirin. Tan aad leedahay Galayr wuxuu garan waayey midnimo kkkk!!! oo adeer midnimadii Soomaali oo dhan ka dhaxaysay ayaad adigoo qoys ah ka santaagaysaaye maxaad Galayr iyo Khaatumadiisa ugu khasbi inuu midnimo idin dhexmarta tixgelin siiyo. Bal adba boowe.
[...] siyaasadeedkaygi hore aan ku tilmaamay midi ahayd Guul darada Galayr iyo Saamaynta Somaliland Madaxwayne qof Muqdisho ama Shabeelooyinka ka soo jeeda ayaan isleeyahay sabababo la xiriira waxaan …dabcan saadaashu waa mid muuqatay , midaan maanta ee ah Mustaqblaka Puntland iyo samaynta ay ku [...]