Haweenayda Uqaabilsan Midowga Yurub Arimaha Dibada iyo Siyaasada Oo Maanta Muqdisho Soogaartay Kulana La Qaadatay Madaxweyne Shariif
Muqdish(RBC Radio) Uqaabilsanaha Arimaha Dibada iyo siyaasada ee Midowga Yurub haweeneyda lagu magacaabo Katariina Ashton, iyo wafdi ay hogaaminaysay ayaa maanta Soogaaray magaalada Muqdisho.
Wafdigaan ayaa waxay kulan la qaateen Madaxweynaha Soomaaliya Raysal wasaarihii iyo gudoomiyihii Baarlamaanka ee waqtigoodu uu dhamaaday.
Kulanka oo ka dhacay garoonka Muqdisho ayaa haweeneyda Katariina Ashton kala hadhashay Madaxweynaha dowladda iyo sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha waqtigiisu dhamaaday iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan, kala hadashay arimo badan oo ay qayb ka tahay xaalada wadanka Door5ashooyinka iyo arimo kale.
Madaxweyne Shariif oo kulanka ka dib warbaahinta la hadlay ayaa wuxuu sheegay inay ka wada hadleen Katariina Ashton arimaha doorashooyinka ka dhacaya dalka Soomaaliya iyo sida ugu wanaagsan ee ay udhici lahaayeen.
Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in sidoo kale ay kala hadleen haweeneyda arimaha dibada iyo siyaasada u qaabilsan Midowga Yurub ka gudbida marxaladaha hada ka taagan Soomaaliya.
Kulankaan ayaa wuxuu ku soo adayaa xili dowlada KMG ah waqtigeeda uu dhamaaday isla markaana lagu jiro marxalad kala guur ah, waxaana dhowaan lagu wadaa in la soo doorto madaxweyne cusub ka dib markii la doorto gudoomiyaha baarlamaanka.
RBR Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

















[...] Visit site: Haweenayda Uqaabilsan Midowga Yurub Arimaha Dibada iyo Siyaasada Oo Maanta Muqdisho Soogaartay Kulan… [...]
war wadaadku armuu gabadha xabadka saaraa waa asaga tagoogta soo qabtaye! Aduunow ku nacay waa shiikh Shariifkii Abdulaahi Yusuf ku gaalayn jiray gaaluu salaamaa!!