Hawlgal lagu caafimaadiyey Xoolo 4 Milyan oo Neef ka badan oo Somaliland lagu soo gebo-gabeeyey


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Hargeysa(RBC):- Somaliland ayaa maanta lagu soo gebo-gabeeyey hawlgal lagu caafimaadinayey in ka badan Afar Milyan oo Neef oo Adhi ah, isla markaana laga bilaabay hawlo cusub oo caafimaadka xoolaha la xidhiidha.

Sidaa waxa shaaca ka qaaday Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr Cabdi Aw Daahir Cali, oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaraddaas ee magaalada Hargeysa, waxaanu Wasiirku ka war-bixiyey tallaabooyinka ay wasaaraddu ka qaaday dhamaystirka Talaalka cudurka Susanka ee Xoolaha gaar ahaan adhiga.

Waxa uu Wasiirka Xannaanada Xooluhu sheegay in ugu yaraan Afar Milyan oo neef oo Adhi ah laga tallaalay cudurka Susanka loo yaqaan oo Adhiga ku dhaca. Waxaanu intaa ku sii laray in ujeedada loo qabtay kulankan maanta oo uu goobjoog ka ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland tahay si loo xuso gebagebada mashruuc xoolaha afarta milyan ka badan lagu tallaalay, kaasoo ay iska kaashadeen Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland iyo Hay’adda FAO.

Wasiirku wuxu sheegay in tallaalkan maanta la soo xidhay yahay kii ugu ballaadhnaa ee Xoolaha Geeska Afrika, gaar ahaan Somaliland lagu caafimaadiyo tan iyo intii Somaliland lagu dhawaaqay 1991-kii oo ay sheegtay inay gooni uga istaagtay Soomaaliya. Dr. Cabdi Aw Daahir waxa uu intaa ku daray in muddo kooban oo lixdan maalmood ah (laba bilood), lagu dhammeeyey hawshaas. Sidoo kalena lagu daweeyey illaa Nus malyuun neef oo Adhi ah.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr Cabdi Aw Daahir Cali, waxa kale oo uu sheegay in bisha barakaysan ee ramadaanta ka dib la bilaabi doono mashruuc kale oo talaal oo ilaa hal malyuun oo neef oo adhi ah lagaga talaalayo Cudurka Susanka, waxana uu u mahadceliyey Wakiilka hay’ada FAO ee Somaliland Maxamed jaamac oo uu ku tilmaamay inuu door weyn ku lahaa qorshayaashii lagu hirgeliyey barnaamijyadaas daryeelka xoolaha nool ee Somaliland.

RBC Radio

Xafiiska wararka ee Hargeysa.

Share

Leave a Reply