HORDHAC: Dawlada Kenya oo Cunaqabateyn Saareysa Shan Masuul oo Ka Tirsan DKMG Soomaaliya
Nairobi (RBC) Shabakadda Raxanreeb ayaa ogaatay in liis ay ku qoran yihiin shan masuul oo ka tirsan dawlada DKMG Soomaaliya iyo baarlamaanka la saari rabo cunaqabateyn dhanka safarka ah kaasoo ay si rasmi ah u diyaarisay dawlada Kenya.
Il wareed aad ugu dhow wasaaradda arimaha dibadda Kenya ayaa u xaqiijiyey Raxanreeb in liiskan la gaarsiiyey magaalada Muqdisho isla markaana tallaabooyinka laga qaadayo arinta shanta masuul lagala hadlay ururkA Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo AMISOM.
Wafdi ka socday dawlada Kenya oo toddobaadkan booqasho ku tagay magaalada Muqdisho uuna horkacayey Ilyaas Barre Shiil oo ah la taliyaha xafiiska raysul wasaaraha Kenya ayaa la sheegayaa in liiska ay tuseen madax ka tirsan midowga Afrika oo Muqdisho ku sugan.
Shabakadda Raxanreeb waxay ogaatay qaar ka mid ah magacyadaasi oo isugu jira masuuliyiin iyo xildhibaano baarlamaanka ku jira, waxaanse aan go’aansanay inaan halkan ku soo bandhigin, Waxaana jawaab ka sugeynaa wasaaradda arimaha dibadda Kenya oo aan hadda xiriir la sameynay si ay rasmi ahaan u xaqiijiso in magacyada ay yihiin kuwa liiska ku jira iyo inay ka badan yihiin.
Arintan waxay dabasocotaa digniino ku socda kooxaha loo yaqaano “qaswadayaasha Soomaaliya” oo ay soo saareen ururo iyo dawlada Kenya ka mid tahay kuwaasi oo ku goodiyey inay beegsan doonaan oo tallaabooyin cad cad ka qaadi doonaan masuuliyiin iyo siyaasiyiin caqabad ku ah nidaamka geedi socodka nabadda ee dalka.
Haddii cunaqabateyntan ay noqoto mid si dhab ah ay u fuliso dawlada Kenya, waxaa masuuliyiinta shanta ah laga xayiri doonaa inay safaro ku tagaan wadanka Kenya ama xitaa ay maraan hawada wadanka Kenya. Sidoo kale waxaa laga joojin doonaa inay wax hanti ah ku yeeshaan ama dhigtaan bangiyada wadanka Kenya.
Go’aano kuwan la xiriira ayay suurtagal tahay in ay qaataan ururada Midowga Afrika iyo IGAD, Sida xogtu tilmaameyso.
FAAHFAAHIN DHEERAAD AH AYAAN DAABICI DOONAA GOORTA AY XOG KALE NASOO GAARTO.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi











[...] Read the article: HORDHAC: Dawlada Kenya oo Cunaqabateyn Saareysa Shan Masuul oo Ka Tirsan DKMG Soomaaliya [...]
Shantan masuul Raxanreeb uma baahnidin in aad magacowdaan waayo aduunka ayaa horey u magacaabay waxayna ku cadaayeen liiskii Monitoring Group iyo musuqmaasaqa laga soo saaray waxayna kala yihiin Farmaajo, labo Shariif iyo Faroole iyo wiilkiisa Cabdiwali Gaas waxaa xitaa suurto gal ah in loo diido iney qurbaha dib ugu soo laabtaan iyo guryahoodii waayo mid kasta reerkiisa qaxooti ceydh ah ayaa dowladahan siiyaan malaayiinta ay xadeena guri xitaa kama gadan karaan oo guryaha qaxootiga ayey reerahoodu u dagan yihiin.
waxan raba
waxa ku habon waxa dadka shacabka dhaqalahoda lexsaday ina adunka iyo akhiraba lagu cadabo
kenya soomaaliyeey waxay cadaysatay mawqifkeeda ku aadan wadanka somaliya iyo wadanigii kahor yimaada daneheeda oo ay welilba ay magacyo ubixisay kuna tilmaantay qaswada yaal, waxaan leenahay qaran nimadeena dowlad nimadeena midnimadeena kaga tagi mayno dowlad afrikaan ah oo weliba kamid ah kuwa ogu liita, somaliyee labaatan sano dhibkii naloo gaystay kuwii usababta ahaa ee ay kamid tahay kenya yaanaan u malaynin inay daneheena wadaan daneheena mawadaane danohooday wataane aan kadig toonaano walaala somaliyeed way mahad san yihiin