HORDHAC: Prof Jawaari oo Illaa Hadda Ku Horeeya Tirinta Codadka Doorashada Afhayeenka Barlamaanka
Muqdisho (RBC) Waxaa haatan socota tirinta codadka xildhibaanada baarlamaanka ee doorashadii wareega koowaad ee afhayeenka baarlamaanka taasoo ka socota hoolka shirarka ee xarunta Gen Kaahiye ee magaalada Muqdisho.
Illaa hadda waxaa la tiriyey in ka badan 67 cod oo ka mid ah 228 mudane oo hoolka fadhida kuwaasoo codkooda dhiibtay. Waxaana kaalinta koowaad ku hogaaminaya Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo heysta 34 cod, halka kaalinta labaad uu ku jiro Dr Cali Khaliif Galeyr oo illaa hadda heysta 16 cod (tirada illaa hadda la tiriyey saacada 2:47 geeska Afrika).
Waxaa la filayaa in wareega koowaad lagu kala baxo oo lagu dhawaaqo gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka oo u muuqda in uu ku guuleysan karo Prof Jawaari. Haddiise wareega koowaad uu waayo 139 cod waxaa lagu qasbanaan doonaa in loo gudbo wareega 2aad ee doorashada oo lagu tartansiin doono afarta nin ee ugu cod bata wareega koowaad, sida guddiga doorashadu sheegeen.
Doorashada labada ku xigeen ee baarlamaanka ayaa loo ballansan yahay inay xildhibaanada maanta u codeeyaan.
Dhanka kale amaanka magaalada Muqdisho iyo goobaha ku dhow goobta ay doorashadu ka dhacayso ayaa aad loo adkeeyay.
La soco Raxanreeb.com












waad ku mahadsantahay sida aad noogu soo gud bisay wararka live ka ah
[...] Continued here: HORDHAC: Prof Jawaari oo Illaa Hadda Ku Horeeya Tirinta Codadka Doorashada Afhayeenka Barlamaanka [...]
walaalo dan ma noogu jirtaa in uu ku guulaysto prof jawaahiri