HRW: Kenya Waa In Ay Si Deg-Deg Ah U Baarto Duqeyn Ka Dhacday Kismaayo
Nairobi (RBC) Hey’adda Xuquuqda Aadanaha Human Rights Watch ayaa war ay maanta soo saartay, waxa ay dowladda Kenya ugu baaqday in si degdeg ah baarto, duqeyn xagga hawada oo ka dhacday magaalada dekadda leh ee Kismaayo, taasoo geesatay khasaaso nafeed
HRW ayaa sheegtay intii ay socdeen dagaal u dhexeeyay Al-Shababa iyo ciidanka Kenya, ayaa markab dagaal oo laga lee yahay Kenya waxa uu duqeeyay Kismaayo bishan August 11-keeda 2012, waxana wax ku noqday ilaa seddax qof.
Waxa ay kala ahaayeen wiil 11-jir iyo gabar 15-sanno jir ah iyo haweeneey uur lahayd, qof ka mid ah ayaa dhintay labada kale waa ay dhaawacmeen, ciidanka milatariga Kenya ayaa xaqiijiyay in ay duqeyntaas masuul ka yihiin.
HRW oo wareesatay dad goobjoogayaal ah ayaa u sheegay in duqeynta ka dhacday Kismaayo in ay ku dhimatay qof dumar ah.
Ciidanka Kenya iyo xulafadooda dagaalada kawada Soomaaliya waa in ay dedaal kasta ku sameeyaan siddii ay ku yareen lahaayeen waxyeelada rayidka inta lagu jiro howlgalada milatariga , sidaas waxa yiri
Human Rights Watch.
Dadkii ku sugnaa goobta ay duqeynta ka dhacday ayaa ku sifeeyay haweeneyda geeriyootay in ay ahayd xaamilo, taasoo hilibkeeda ku baahday dhismaha gidaarka gurigeeda meel walbo.
Labada kale ee dhaawacmay oo ah wiil iyo gabar walaalo ah, ayaa dhaawacooda waxa uu yahay mid halis ah sida lagu sheegay warbixinta HRW.
Kenya ayaa hadda damac weyn ka leh siddii ay ku qabsan lahayd magaalada dekadda leh ee Kismaayo oo ay ku xooggan yihin Al-Shabaab oo culeys ballaaran uu saran yahay.
SI kastaba, warka hey’adda HRW ayaa ku soo aaday, iyadoo maanta oo khamiis ah labo carruur ah ay ku dhaawacmayn markii dayuurad cid leh aan la aqoonin ay duqeysay degmada Baardheere ee gobolka Gedo.
Ma jiro cid sheegatay weerarka diyaareed ee lagu qaadya Baardheere oo ka mid ah meelaha ay wali ka joogaan Al-Shabaab gobalka Gedo.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi











[...] Original post: HRW: Kenya Waa In Ay Si Deg-Deg Ah U Baarto Duqeyn Ka Dhacday Kismaayo [...]
Waxaan layaabanahay Soomaliga Aamin san Kenya Afduub la dagaaleysa kana Saareysaa jubada hoose, Kenya waxay rabtaa ineey shiidaal kaqodoto Biyaha Soomaaliya Marka waxay
Wadaan waa dhul balaarsi Waxaana U saxiixay shaqsiyaad kamida Parlamanka cusub , Anagana Meel walbaan isku haysanaa Wadankiina Bad & Bari Gacantuu Kabaxay , Viva Puntland & Soomaalia
kenya ciidan keeda ha kala soo baxdo somalia,runtii lama rabo,sababtuna waxa weeye,lamid ma aha kuwa dowladaha kale ka yimid xitaa dhanka anshaxa uma dhawa kuwa xabashida.