IFO Oo Lagu Dilay Haweeney Ka Tirsaneed Guddiga Nabad-galyadda


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

IFO (RBC) Wararka ka immaanaya xerada qoxootiga IFO ee gobalka waqooyi bari dalka Kenya ayaa sheegaya, in kooxaha hubeysan ay ku dileen hallkaas haweeney ka tirsaneed guddiga nabad-galyadda.

Sida ay sheegeyn dad ku sugan xeradda haweeneyda la dilay ayaa lagu magacaabaa Qureesho Xuseen Raage waxana ay ka tirsaneed guddiga nabadgalyadda xeradda.

Waxa dilkeeda geestay kooxo ku hubeysan bastoolado kuwaasoo markii dilka ay geesteyn goobta ka baxsaday.
Waxa markii dilka uu dhacay la sheegay in xeradda uu jahwareer la soo darsay, waxana goobta soo gaaray ciidamo boolis ah, kuwaasoo baaritaan sameeyay, laakin wax faah-faahin ah lama soo sheegin.

Illaa iyo hadda lama sheegi sababta ka dambeysa dilka haweeneydaas, inkastoo qaar ka mid ah dadka ku jira xerooyinka ay sheegayaan in xaaladaas ay muujinayaan xaaladda ammaanka ee xerada in ay faraha ka baxday.

Xeradda IFO oo ka mid ah seddax xero oo kui yaala gobalka waqooyi bari dalka Kenya, ayaa waxa ku jira qoxootiga ugu badan dunidda.

Xaaladda ammaan ee xeradda waxa ay sii darsatay markii ciidamo Kenya ka socda ay galeen Soomaaliya.
Ma ahan markii ugu horeysay ee dil uu ka dhaco xeryaha qoxootiga dalka Kenya tan iyo bishii October sannadkii hore markaas oo ciidanka Kenya ay galeen Soomaaliya.

RBC Radio
Xafiiiska Wararka Nairobi

Share

1 Response for “IFO Oo Lagu Dilay Haweeney Ka Tirsaneed Guddiga Nabad-galyadda”

  1. [...] Originally posted here: IFO Oo Lagu Dilay Haweeney Ka Tirsaneed Guddiga Nabad-galyadda [...]

Leave a Reply