IGAD Oo Ugu Baaqday Hoggaamiyaasha Soomaalida In Ay Soo Afjaraan Waxyaabaha Harsan
Addis Ababa [Radio RBC] Urur goboleedka IGAD ayaa war-saxaafadeed ay soo saareyn waxa ay ku sheegeyn in lagu guuleestay inta badan howlaha hadda socda ee la doonayo in dalka looga saaro ku-meelgaarka isla markaana uu galo waji kale oo nabadeed.
Waxa ay ugu baaqeyn madaxda Soomaalida in ay dhameestiraan wax yaabaha u yaala oo ay ka mid yihiin soo xulida baarlamaanka iyo la hirgaliyo qorshaha Roadmap-ka,”sida lagu sheegay war saxaafadeedka IGAD.
Waxa ay soo dhaweeyeen xildhibaannada cusub ee dhawaan la dhaariyay, ilaa 215-mudane ayaa la dhaariyay Isniintii dhawayd, 275-ta xildhibaan ee baarlamaanka cusub,isla markaana la soo dhameestiro 185.
War-saxaafadeed ka soo baxay IGAD ayaa lagu sheegay guusha dhameytirka howsha dhiman ay xasaasi u tahay soo afjarida xilliga kala guurka, sidoo kalena ay muhiim u tahay in Soomaaliya ay u gudubto nabad iyo horumar.
Ugu dambeyn waxa lagu sheegay war-saxaafadeedka IGAD in ay rajaynays kulamada baarlamaanka cusub ay furmaan 25 iyo 26-ka bishan isla markaana la qabto doorashada guddoonka baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi










