Inka badan 10 Musharax oo Maanta kulan ku yeeshay Muqdisho sheegayna in ay Hal Musharax Iska Soo Saarayaan
Muqdisho (RBC Radio) Ilaa iyo 15 musharax oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxay isku raaceen in hal musharax ay iska soo saaraan kaasi oo u tartamaya xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya.
Kulankaan oo ka dhacay xarunta xisbiga Nabada iyo Hormarka ayaa musharxiinta kulankooda markii uu dhamaday waxaa warbaahinta la hadlay Ismaaciil Huru Buubaa oo ka mid ah Musharixiinta.
Wuxuu sheegay in musharixiintaan isku afgarteen in musharax ay iska soo saaraan isla markaana ay awoodooda isugu gaynayaan sidii uu u guuleesan lahaa Musharaxaasi.
Wuxuu tilmaamay in gudi gaar ah oo ka kooban Shan xubnood in loo saaray sidii u soo xuli lahaayeen shaqsiga u tartamaya xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya isla markaana matalaya musharixiintaan.
Ismaaciil Hura Buubaa wuxuu ku dhawaaqay in ugu danbayn gudigaan maalinta sabtiga ah uu soo saari doono shaqsiga matalaya dhamaanba musharixiintaan oo u tartamaya jagada madaxweynaha.
Sidoo kalew uxuu sheegay qofka ay iska soo dhex xulayaan in uu noqon doono ruux wadani ah kaasi oo wax badan ka qaban kara xaalada wadanka Soomaaliya.
Musharixiintaan ayaa kuwooda ugu caansanaa ee la yaqaan ayaa waxaa ka mid ah, Xasan Shaeekh Maxamuud Pro, Axmed Ismaaciil Samatar, Maxamed Guuleed Gacma dheere, Caashow Axmed Cabdalle, C/rixmaan C/shakuur Warsame, iyo kuwo kale.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho











Pro. Samatar hadaa iska soo sharaxdiin Jaanis fiican waa leedihin, waana u badantahay inu gulesto
[...] Read more here: Inka badan 10 Musharax oo Maanta kulan ku yeeshay Muqdisho sheegayna in ay Hal Musharax Iska Soo Saa… [...]
maxey ku nuuugtaa, maxeysa ka nuugtaa . Samatar isagaa lga hayaa in lawado tartamo aa fiican oo dimoqoradiyada ku jirtaa. ma hadow xulufeysi galaa i am sorry for him,,,,,,,,,,,,
Next President: Professor Axmed Ismaaciil Samatar
samatar la dooran maayo meeqey mucaaradayeen ilma samatar madaxweynahaan yeelano wey caayayyeen siyaasiga soo baxa maanta waa ayaga dhankooda mucaarad nimada dacaayada.
Waxaan u rajaynayaa guul. Ha iska soo saareen prof. Samatar ama Buubaa ama Baadiyow. Warsame guy should not be in the list. Wuxuu yahay baa iska yar. Bilaa micne weeye lacagtii uu Soomaali ku iibsaday buu rabaa inuu inta kalana ku daro. UF
waxaan karajaynayanaa inay dortaan prof samater oo ah wadaniga dhabtaa ee somali kasaarikara dhibta ahna kan kaliya ee wax laqybsankara kuwa hantida qaranka kutakrifalaya
haafa aan maalmo kaa qadeynee, doolar baan mushaar haan u qaadanayaanna waan aa haynaa, laakiin koley soomaali ma ahee muuxuu noo wwareerinayaa
kkkkkkkkkkkkk
soomliya oodhan yaa ah waxladhoobdhoobay
waxaan layaabanahay riwaayadii ina ismaaciil samatar ayaa isa soo sharaxday waataad oran jirtay leadershipka soomaliya uf e maanta caasha cabdalle iyo dani makaa gayn wayday ina cabdi shakuur intuba waa wax matarayaal ha u tageen gaas haday xildhibaano yihiina isaga ha ugu shubeen hadii kalena xaafadohoogiii yeysan centiyada kadhamayn
waxaan jeclaan lahaa inay prof samater soo xulaan waayo waa aqoonyahan buuxiyay shuruudihii hogaamiye laga rabay oo dhan fursad wayne waa uu haystaa inuu daba qabto wadankaan gacmeheenii kasii baxaya waa hadii ay lexjeclo naga hayso iyo ummaddeena ileen waan kudaalnay farsamooyinkii horee oo ahaa ni jeclaysi iyo kanaanu wax wadaagnaa fashilkeediine waan aragnay .
Weligey ninka samatar sheeganaya oo Wiilkii aaminsanaa in ina Garaad waraystay oo nin Somali Madax ah ammaanayaa WALLAAHI inaan dhegahaygu qaban. Balse mid kale eeg, weli ma maqan isagoo wax ammaanaya ama toosinaya inuu wax duro mooyaane. Double pessimistic. Waxaan oran karaa haba yaraatee Samantar dhinaca wanaaga nin wax ka arka maaha, waana nin qabaa’ilka Soomaalida qaar aad u neceb oo nacaykiisu aannu weliba qarsoonayn.
Diinlaawahaas, ILLAAH baan ka magan gallay.
madaxweynaha soomaaliya ee soo socda waa sheeq shariif isagaa mudan waayo waa nin fahamsan xaalada soomaaliya waxna ka badalikara sidaa daraadeed isagaa mudan ee aan wada doorano