Inka Badan 30-Ruux Oo Loo Soo Qabtay Dilkii Maareeyihii Garoonka Muqdisho
Muqdisho (RBC Radio) Taliska Booliska degmada Xamarweyne ee gobalka Banaadir ayaa sheegay in howgalo ay maanta ka sameeyeen degmadaasi ka dib markii xalay lagu dilay gudaha degmadaasi Maareeyihii garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho
Taliyaha Ciidamada booliska Degmada Xamarweyne Maxamed Daahir Cabdulle oo maanta warbaahinta kula hadlay saldhiga Degmada ayaa wuxuu sheegay in howlgalo saacadihii lasoo dhaafay ay ka sameeyeen xaafadaha Degmadaasi inay kusoo qabqabteen lala xariirinayo in ay ka danbeeyeen dilkaasi.
inka badan 30-ruux oo u badan dhalinyaro asyuu sheegay taliyaha in ay ku soo qabteen howlgalada ay maanta sameeyeen kuwaasi oo haatan looga shakisanyahay in ay ka danbeeyaan dilkaasi.
Sidoo kale wuxuu sheegay in haatan la baarayo dhamaanba dadka la soo qabtay isla markaana baaitaanio ka dib la soo gudbin doono wixii soobaxay.
Taliyaha ciidamada Booliska Xamarweyne ayaa sheegay in dadka gacanta ay kusoo dhigeen lagu xiray saldhiga Degmadaasi,wuxuuna cadeeyay in waqtiyada soo socda lasoo taagi doono Maxkamad lagu kala saarayo dhalinyaradaasi dilkii xalay lagu tuhmayo.
Habeenimadii shalay ayay ahayd markii magaalada Muqdisho lagu toogtay maarihii garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho kaasi oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Iimaan Xalane.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho











[...] Visit link: Inka Badan 30-Ruux Oo Loo Soo Qabtay Dilkii Maareeyihii Garoonka Muqdisho [...]
waxna kumasoo kordhinayso dadlaqabqabtey ee muhiimadu waxaytahay in lagataxadiro falalka argagaxisonimo ee kadhaca magalada mugdisho