Jaamacadda Bariga Afrika oo Loo Magacaabay Maamul Cusub!!


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Waxaa maalmihii ugu danbeeyey kusoo Gabagaboobay hoolka shirarka ee New Rays Garoowe,shirkii caadiga ahaa ee golaha Asaasayaasha Jaamacadda Bariga Afrika,waxaana kasoo qeybgalay Xubnaha Asaasayaasha Jaamacadda.

Guddoomiyaha Gollaha Aasaasayaasha Jaamacadda Bariga Afrika Shiikh Cabdiqaadir Nuur Faarax oo Shir Guddoominayey madaxda sarre ee Jaamacadda ayaa si kooban uga hadlay Ujeedada iyo Ajandaha Shirka,waxaana ka dib laguda galay Ajanadayaasha shirka sida:

01. Habaynta Maamulka.

02. Dib u eegista nidaamka asaasiga ah iyo buuxinta boosaska ka banaanaaday Golyaasha Aasaasayaasha iyo Boarka Jaamacadda Bariga Afrika.
Kadib markii si mug leh loo dhagaystay Warbixinihii Golaha Boardka Jaamacada, islamarkaana si qoto dheer loo falanqeeyay xaaladaha Jaamacada iyo heerarka ay marayso horumar iyo caqabadaba waxaa guddiga Asaasayaasha Jaamacadu oo ah Hey’ada ugu sareysa heykalka Maamul ee Jaamacada ay go, aamiyeen in Gudoomiyaha Guddiga Fulinta Jaamacada Bariga Africa loo magacaabo Dr.C/risaaq Hiirad Maxamed,iyadoo Gudoomiye kuxigeena loo magacaabay Sh.Maxamed Macalin Axmed.

Dr.Hiirad waa aqoonyahan,mudo dheer ku dhexjiray xeyndaabka Waxbarashada,isagoo aqoon durugsan u leh waxbarida,waxuuna shahaadada PhD ku haystaa cilmiga Waxbarashada(Education),waxuuna ahaa Proffessor wax ka dhigi jiray Jaamacadii Umada Soomaaliyeed ee Gahayr,kadibna waxuu kasoo shaqeeyay goobo waxbarasho oo ku yaala dalalka Yemen,Denmark iyo UK oo hada uu degan yahay.
Sh.Maxamed Macalin waa hormuudka Kulliyada Shareecada iyo Daraasaadka Islaamka ee Jaamacada,waana aqoonyahan caan ku ah culuumta Shareecada,islamarkaana kamid ahaa xubnaha firfircoon ee Jaamacada mudooyinkii u danbeeyayna kaalin fiican kaga jiray maamulka iyo kobcinta Jaamacada.

Golahu Asaasayasha Jaamacadu waxay rajaynayaan in isbedelkaan lagu sameeyay Maamulka Jaamacadu uu horseedi doono dardar galinta iyo tayaynta howl gudashada Jaamacada Bariga Africa,
Golahu Waxuu amaan iyo bogaadin u soo jeediyay Maamulkii hore ee Jaamacada ee ay hogaaminayeen Proffessor Maxamed Cabdi Aadan iyo Dr.C/Qaadir Siciid Shiine kaalintii horumarineed ee ay Jaamacada kusoo kordhiyeen mudadii ay hogaanka hayeen.

Golahu Waxuu u dardaarmay dhamaan hay’adaha Jaamacada inay diirada Saaraan sidii looga dhabayn lahaa xaqiijinta goolasha iyo himilooyinka tacliineed ee ay umada u hayaan,looguna dadaali lahaa in la buuxiyo heerarka tayo ee caalamiga,loona soo saari lahaa kaadir aqooneed oo umadda kusoo kordhiya aqoon iyo khibrad wax ka tara dhamaan qaybaha nolosha.
Gabagabadii Golaha Asaasayaashu waxay ilaahay uga baryayaa dhamaan dadka cusub ee Masuuliyadaha kala duwan Jaamacada u qaaday in ALLAH u fududeeyo garabna ku siiyo howlahooda .

____________________

Qoraalkan Maamulka Jaamacadda Bariga Afrika ayaa nasoo gaarsiiyey

Share

Tags:

3 Responses for “Jaamacadda Bariga Afrika oo Loo Magacaabay Maamul Cusub!!”

  1. Haradigeed says:

    wn soo dhawaynaya is badalka jamacadda jamacadda lagu hormarinayo si tayada kor loogu qaadao

  2. Cawaale says:

    Waan u hambalyaynayaa guddoomiyaha cusub ee Jaamacadda Bariga Africa Prof. Cabdirizaaq Hiirad Maxamed iyo kuxigeenkiisa Sheekh Maxamed Macalin Axmed, waxaana u rajaynayaa inay horimarin doonaan Jaamacadda.
    Ammaan iyo bogaadin waxaa sidoo kale mudan guddomiyihii hore ee JBA iyo kuxigeenkiisii Prof. Maxamed Cabdi Yare iyo Cabdiqaadir Shiino Cali Kawir kaalintii ay ka gaysteen horumarita Jaamacadda.

  3. caalim says:

    kkkkkkkkkkkkkk ar waxan maxay jihiin jamacad jamacad ordaya isku xishooda dufoobe

Leave a Reply