Jahwareer Ka Taagan Xulitaanka Baarlamaanka Cusub Iyo Guddiga Xulista oo Amaankooda u Baqaya (Warbixin)
Muqdisho (RBC) Jahwareer weyn ayaa ka taagan xulista xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Somaaliya oo toddobaadkan magaalada Muqdisho laga bilaabay qabashada liisaskooda ay soo gudbinayaan odayaasha dhaqanka.
Xubnaha guddiga xulista xildhibaanada ayaan illaa hadda ku guuleysan inay ilaaliyaan shuruudihii u dhignaa xulista xildhibaanada cusub kadib markii ay ka awood bateen odayaasha beelaha iyo siyaasiyiin saameyn ku leh xildhibaanada cusub kuwaasoo qaarkood ay ku jiraan xubno ka mid ah madaxda dawlada.
Maalintii Axada ee lasoo dhaafay ayay xubnaha guddiga xulista ku dhawaaqeen inay si rasmi ah u bilaabeen qabashada liiska xubnaha baarlamaanka ee ka kala imaanaya beelaha Soomaaliyeed iyagoo sheegay inaysan aqbali doonin cid shuruudaha aan soo buuxin. Wariyaasha Raxanreeb ayaa indhahooda ku arkay siyaasiyiin iyo masuuliyiin saf ugu jira goobta ay guddiga xulista ku qabanayaan liisaska baarlamaanka halkaasoo dood iyo buuq ay ka taagneyd labadii maalmood ee la soo dhaafay.
Sida ay Raxanreeb ka ogaatay xubnaha guddiga xulista waxaa aad u adkaatay in la raaco shuruudhii loo dejiyey mudanayaasha cusub ee baarlamaanka, waxayna taasi kaliftay in xitaa qaar ka mid ah qabqablayaashii hore ee dagaalka ay soo galaan liisaska la soo gudbiyey. Ilo wareedka ayaa Raxanreeb u sheegay in beelaha ay ku goodiyeen inay ka bixi doonaan baarlamaanka haddii lagu xujeeyo in la bedelo magacyada ay soo gudbisteen.
Dhanka kale waxaa weli heerkii ugu sareeyay maraya kala iibsiga boosaska baarlamaanka oo hadda maraya in ka badan $20-kun doolar. Xubnaha cusub ee baarlamaanka ee saacadihii la soo dhaafay aan helnay magacyadooda waxaa ku jira wasiirada xukuumadda hadda xilkeedu dhamaanayo iyo siyaasiyiin qurbe joog ah.
Shahaadooyinka been abuurka
Magaalada Muqdisho waxaa xad dhaaf u shaqeynaya goobaha lagu qoro dukumintiyada codsiyada iyo taariikh nololeedka “CV” halkaasoo aad ku arkeyso dad xildoon ah oo ah qoranaya waraaqo cadeymo ah oo ku saabsan taariikhdooda.
Mid ka mid ah goobihii aan booqanay oo ku taalla Xaafada Taree Biyaano ee degmada Waaberi ayaa wariyaasha Raxanreeb ku arkeen shahaadooyinka dugsiga sare iyo kuwa jaamacadaha oo BEEN ABUUR ah oo ay sameysanayaan qaar ka mid ah dadka xildoonka. Wariyaha Raxanreeb ayaa ogaaday in halkii shahaado ee dugsiga sare lagu iibinayo qiime gaaraya $30 (soddon doolar) halka shahaadada Bachelor-ka ee heerka jaamacadeedna lagu kala iibsanayo $50 illaa $60 doolar.
Mid ka mid ah dadka ka shaqeeya dukaamada lagu daabaco shahaadooyinka oo aan la sheekeysanay ayaa Raxanreeb u sheegay in dadka ay u sameynayaan shahaadooyinka ay yihiin xildhibaanada cusub ee baarlamaanka raba inay ka qeybgalaan, isla markaana ay faa’iido badan beryahan ka helaan sameynta shahaadooyinka.
Amaanka guddiga
Ilo wareedyada waxay kaloo Raxanreeb u sheegeen in xubnaha guddiga xulista baarlamaanka oo ka kooban 29 xubnood oo labo ajnabi yihiin ay u guureen xarunta Xalane ee saldhiga u ah ciidamada AMISOM kadib markii hanjabaado amnigooda khatar ku ah ay soo gaareen. Ma cadda cida hanjabaadan ay kala kulmeen hase yeeshee saraakiisha AMISOM ayaa laga codsaday inay damaanad qaadaan amniga xubnaha guddiga oo rag iyo dumar isugu jira.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho












woooooooooow goorma ayaa nabad heleenanaa hadiiba ay wali rabaan in hogaanka hayaan qaqablayaal?
GUDDIGAAN AYAABA AH BILOWGA CADAALAD DARRADA KA JIRTA HAWLAHA GEEDI SOCODKA MAXAA YEELEY WAA GUDDI AY SOO MAGACAWDEEN MADAXDA TFG IYO SAXIIXEYAASHA ROAD MAPKA.
CADAALAD MARNABA LAGA SUGI MAAYO, IYAGANA TAAS WEY OGSOON YIHIIN, SHACABKANA WAA OGSOON YAHAY, TAASAANA KEENEYSA BAQDINTA AY MUUJINAYAA MAXAA YEELEY HADDII AY KU IMAAN LAHAAYEEN QAAB CADAALADEED MABA JIRI LAHAYN SHAKKI IYO BAQDIN.
WAA LA HUBAA INEY QAADEEN JIRADA AMA CUDURKA LOO YAQAAN PARANOIA AMA WAS WAAS BAQDIN BADAN KU SALEYSAN SABABNA U NOQON KARTA INEYSAN CUDURKAAS WELIGOOD KA BUKSOONIN MAR HADDII AY OGSOON YIHIIN INEY DAKANE KA GALEEN XUQUUQDA BEELAHA SOMALIYED OO LAGU DULMINAAYO QALINKOODA IYO MAGACYADOODA.
awalba been abuur bey ahaayeen gudigu shahaado been abuur ahgudi been abuur ah dowlad been abuur ah saxiirooyalaa lixda ah oo been abuur ah wuxuba waa been abuur waxa la lugeynayaana waa odayaal dhaqameed iyo shacabka odayadaa soo xulaya ansixiyiinta ansixiyiintu ma ahayn kuwa sidii la rabey loo soo xuley odayada waxaa layiri barlamaan soo xula been abuur baa laga dhigey oo qolaba key wadatey baa la soo xushey qabqable lama rabaa layiri waana la soo xushey dowladii iyo barlamaankii ka dhashaana waa been abuur ee inta goori goor tahay soomali haka tashato oo haka hortagaan hana kabanaan baxaa sida reer afgooye barlamaan lacag qaatey waa un kii hore waa kud ka guur oo qanja u guur soomaliyeey ka dhiidhiya.
[...] Shabakada Raxanreeb ayaa ogaatay in ku dhowaad 160 xildhibaan boosaskooda lakala iibsaday oo hadda lacagaha la kala qaatay. Magacyada dadka boosaska loo iibiyeyna waxaa loo gudbiyey guddiga xulista baarlamaanka. Akhri [...]
[...] Tan labaadse waxay tahay, in siyaasiyiinta qaar ee u badan musharixiinta ay cadaadis ku hayaan odayaasha dhaqanka sidaa darteedna waxaa sii kordhay gorgortanka u dhexeeya odayaasha lacagdoonka ah iyo siyaasiyiinta xildoonka oo si firfircoon suuqa wax ugu kala gadanaya. Akhri [...]