Jawaab: “Xagla toosiye wuxuu dhigay cashar ku saabsan nabadda”


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Jawaab: “Xagla toosiye wuxuu dhigay cashar ku saabsan nabadda”
Darwiish Askar
khaatumo2012@yahoo.com
Agoosto 19 2012

Qoraal uu qoray Liban Axmed looguna magac daray “Xaglatoosiye wuxuu dhigay cashar ku saabsan nabadaynta” ayaa ah qoraal aan ku fadhiyin xaqiiqda ka jirta degaanka Khaatumo.

Xaglatoosiye Khaatumo ka hor wuxuu ahaa gudoomiyihii ururka Sool, Sanaag & Cayn (SSC). Ururkaas oo matalayay dadka ku dhaqan deegaankaas. Shirkii Taleex ka dib, dadkii degaankaasi waxay samaysteen maamulka Khaatumo. Saleebaan wuu ka qayb galay shirkii Taleex wuxuuna cadeeyay in shirkaa ka bacdi, dadka SSC go’aanka ay gaaraan uu waafaqsanyahay, hoggaanka ururkiisuna ku egyahay inta shirkaa ka horaysa go’aanka ka soo baxana waafaqsan yahay.

Dadka SSC waxay ku shireen Taleex, Khaatumo ayaa dhalatay, Xaglatoosiyena nasiib uma helin in la doorto. Sida Soomaalida caadada u ah, wuxuu noqday siyaasi laga cod badiyay oo aan aqbalin go’aankii dadka wuxuuna bilaabay mucaaradnimo ku wajahan Khaatumo.

La kulanka uu Siilaanyo la kulmay iyo talaabooyinka uu qaaday oo dhan waxay lidi ku yihiin midnimadda iyo jiritaanka maamulka Khaatumo. Xaglatoosiye wuxuu ahaa gudoomiyaha ururka SSC saan u sheegay, maanta markuu hadlayo kama hadlo SSC ee wuxuu ka hadlaa Buuhoodle. Hadalkaasi waa hadalka iyo fikirka maamulka Siilaanyo oo raba in arimaha Khaatumo loo kala jebiyo qoys qoys & degaan degaan. Degaan walbana loo diro qof ula hadla degaan ahaan si loo wiiqo fikirka guud ee Khaatumo iyo fikirkii hore ee SSC ee Xaglatoosiye hogaaminayay. Xaglatoosiye shirkii Khaatumo ka bacdi lagama maqal magaca SSC. Qudbadiisu waxay ku salaysantahay Buuhoodle. Xaglatoosiye SSC buu hogaamin jiraye maxaa nabadiisa maanta ku koobay Buuhoodle? Ma fikir isaga hadda ku soo kordhay baa mise waa fikir dad kale u danaynaya? Xaglatoosiye ciidanka uu nabadda ku raray muxuu u gaadhsiin waayay dhamaan degaankii uu hogaamin jiray? Sababta Xaglatoosiye iyo Liibaan Buuhoodle ugu celcelinayaan ee u kala saarayaan hadafka dadka reer SSC ma noo sheegi karaan?

Liibaan wuxuu yiri taladdii Buuhoodle waxay ku soo noqotay reer Buuhoodle. Goorta taladii Buuhoodle ka baxday gacanta reer Buuhoodle noomuu sheegin. Reer Buuhoodle Garaadadoodii, Isimadoodii, Boqoradoodii iyo dhamaan caaqiladoodii way joogeen shirkii Khaatumo. Waana taageereen 100% Khaatumo. Maantana Khaatumo oo reer Buuhoodle hogaaminayaan ayaa Buuhoodle joogta. Micnaha uu Libaan ka wado reer Buuhoodle taladii ku soo noqtay isagaa laga rabaa inuu naga jaahil bixiyo.

Libaan waxaan weydiin lahaa, goorta waxa walaalkaa ahaan jiray ay noqotay inay ku siiso tix gelin dheeraad ah? Moxamuud Xaaji Cummar waa oday reer Buuhoodle ah laakiin oday dhaqameed maaha. Caaqil maaha, magac ka sareeyana kuma magacaabna. Cid aflagaadaysay oo wax u dhintayna ma jirto. Reer Buuhoodle Garaadadoodii, suldaankoodii iyo Boqorkoodii oo reer Buuhoodle raali ka yihiin wakiilna u ah ayaa magacaabaya xildhibaanadooda.

Xaglatoosiye nabad ku meel gaar ah oo dano gaar ah laga leeyahay ayuu qayb deegaanka SSC ah u keenay ee sida Liibaan u sheegay shaqo wayn ma qaban. Gardaradda maamulka Siilaanyo ayuu u noqday jid fur. Maamulka Siilaanyo Buuhoodle kaliya dembi kama gelin dhulka Khaatumo. Dhamaan degaanka SSC- malaha waa sida Xaglatoosiye jecelaan lahaaye, ayaa dembiyadu ka dhaceen. Xaglatoosiye hadafkiisii ahaa SSC wuxuu ku badalay Buuhoodle. Wuxuu la saaxiib noqday qof kasta oo shalay markuu SSC ahaa colka la ahaa. Xaglatoosiye bal maanta hareerihiisa ha eego oo ha iswaydiiyo qof kasta oo maanta la socdaa shalay markuu Xaglatoosiye danta SSC u taagnaa siday u arkayeen? Ma is waydiin karaa taageerayaashiisa maanta oo shalay ka soo horjeeday ma isagaa mowqifkiisii bedelay mise taageerayaashiisa maanta? Ha is waydiiyo waxa mideeyay maamulada hareeraha iyo taageerayaashiisa iyo siday isaga shalay u arkayeen.

Nabaddu waxay asal u tahay nolosha. Nabaduse waddo iyo marin loo maro ayay leedahay. Liibaan nabad aan qaan gaarin ayuu Xaglatoosiye ku amaanayaa. Xaglatoosiye waxaa si wacan uga faalooday hadafkiisa Cusmaan Xasan. Xaglatoosiye iyo Siilaanyo midkoodna nabad doon maaha. Dantooda ayaa maanta midaysay. Dantaas oo ha mid ka soo horjeeda danta shacabka SSC ama Khaatumo.

Darwiish Askar
San Francisco, CA

Share

23 Responses for “Jawaab: “Xagla toosiye wuxuu dhigay cashar ku saabsan nabadda””

  1. [...] Follow this link: Jawaab: “Xagla toosiye wuxuu dhigay cashar ku saabsan nabadda” [...]

  2. ssc says:

    Waar ninkani run badanaa!!! Xaglotoosiye faroole iyo silaanyo ayaa qarash u daadiyey.iyo cali khalif galaydh nacaybkiis ayaa qarka tuuray Sida webka layidhaahdo Taleex.net

  3. Assallamucallaykum waxaan salmaya dhaman akhrista yaasha gar ahaana qoraga
    ormadaan Darawiish Liiban wuxuu qoray waa arintii uu saxaafada ka arkay waxaan filaya
    Liiban inuusan si Hufaan u eegin Siyasada Xaglatoosiye oo ah Inuu kala qaybiyo
    shacabka Khaatumo waayo Xagla toosiye malahan siyasaad qodo dheer ama bug wayn
    waxaana mar khaati ku ah

    2 malmood gudohood buu wuxuu la shiray Faroole oo ay ku tartameen madaxnimada Puntland
    iyo Siilanyo oo ah ninka Buuhoodle iyo Lasa coono bara kiciyay kana dhiigay meel dagaal

    waxaan ku soo koobaya Xagla toosiye mahan siyaasi dhaba ee waa nin dhalin yara
    oo ku dhex wareray siyasada gobolka wuxuuna garan la,yahay shaqsiga uu wax la wadaagayo
    iyo shaqsiga Hagar daamada ku haya Fiir muu tageero khaatumo kana qab qaato siyasada

    soomaliya gar ahaana puntland ama khaatumo sidaas buu sharaf ku leyahaye
    waxaanse ka baqaya inuu siilanyo ka dhiigto af hayeen lagu weeraro SHacabka Khaatumo
    ————-Sidii Xaabsade oo kalle

  4. Darwiish says:

    Here is Xaglatoosiye iyo taageeradiisii shirka Khaatumo.

    http://www.youtube.com/watch?v=wvjnvZoIJ3k

    Osman Hassan’s brilliant article about Xaglatoosiye.

    http://wardheernews.com/Articles_12/July/Osman_Hassan/26_Xagle_toosiyes_mission_to_destroy_Khatumo_state.html

  5. Omar Wacays says:

    Great article and answer to the Enemies of Reer- Khaatumo.

  6. ali jebiye says:

    ALAAHU AKBAR ALAUU AKBAR ALUUHU AKBAR waxaan umadasoomaaliyeed eemuslinka ah leeyahay MARKAHORE CIID MUBAARAG KULUCAAM WANTUBIKHAYR waxaan kaloo iyana leeyahay mujaahid darwiish askar ee QORAY NUQULKA KOR KUXUSAN EE KUSAABSAN DR XAGLO TOOSIYE IYO DEEGAANKA KHAATUMOSTD horta dr xaglo toosiye ma wuxuu u madax ahaa reer buuhoodle mise wuxuu madax u ahaa dhamaan deegaamada S S C ee uu kusooduulay maamulka beesha dhexe ee =====IYO TAAGEERAHOODA DULMIILEYAASHA AH tankale waxaa wax laga xishooda ah oo ceebwayn nagu ah hadaanunahay reer khaatumostd in NIN METELIJIRAY MAGACAYAGA IYO DEEGAANKAYAGA OO goobjoog ka ahaa wixii nalagufalay ee duulimaadkii arki waaga ahaa waxaan xusuustaa dr xaglotoosiye QUDBADIHIISII UDANBEEYEY EE TV YADA IYO MAREEGAHA INTARNADYADA UU SIINAYEY DR XAGLO TOOSIYE eraygii qaaliga ahaa ee MUJAAHID ADEER ilaah ha unaxariistee abaan duulihii daraawiishta ahaana abwaankii waynaa EE ISMAACIIL MIRE EE ODHANAYEY MARKII NIN CALOOSHII USHAQAYSTAHA AHAA EE U SHAQAYNAYEY INGIRIISKII GUMAYSI DOONKA AHAA WAA NINKA LA ORANJIRAY CARAB DHEERE UU INGIRIIS UGU YEEDHAY ABWAAN ISMAACIILMIRE EE UU KUYIRI KAGABAY MAANTA OO AAN DARAAWIISH KA ADKAANAY OO WAXAAD TIRISAA GABAY AMAAN AH OO AAD NOOTIRISO ANIGA IYO IN GIRIISBA MUJAAHID ISMAACIILMIRE ALE HA UNAXARIISTEE WUXUU UGU JAWAABAY HADLKII UGU DANBEEYE EE UU KATIRIYEY QUDBADII UGU DANBAYSEY EE AAN DAAWADAY DR XAGLO TOOSIYE OO AHAA WARMAANDHOOW AFKAAN SAYIDII KU IDHI SEER KU ODHANMAAYO HADALKAAS OO LOOTURJUMAY GUMAYSIGII SAANCADAALAHA AHAA EE GUMASIGA KUYIMI WAQOOYIGASOMALIYA MURTIDAA OO AH GO AANKII MUJAAHID ALE HA URAXMADO OO ILAAH JANADII FARDOOSO HAKUNEGEEYO HANA SIIYO adeer ismaaciilmire oo ahaa abwaan iyo abaanduule diimeedkii gumaysi diidkii daraawiish markaa xaglotoosiye xaal iyo xurmayn baan uga baahanahay hadaanunahay dhashii daraawiish ee u taagnaa xaqsoorka muslinka iyo midnimada somaliyed waana inuu noocadeeyaa waxa uu kawado kala qaybinta dhalinyarada daraawiisheed iyo midnimada khaatumostd haday jiraan xaqdaro iyo dulmi uukatirsanayo madaxda khaatumostd iyo kuwii hore ee s s c daawo umanoqonayso kalaqaybintayada iyo mid nagamida in lootuso in aan khaatumostd iskudhiig iyo dheef ahayn waxaana taageerayaa dhambaalka uu sooqoray DARWIISH ASKAR WABILAAHI TAWFIIQ VIVA MIDNIMADA KHAATUMOSTD

  7. Ciid mubaarak dhamaan umada islaamka gaar ahaan reer khaatumo iyo somalidaba

    Aad ayuu u mahadsan yahay darwiish askar oo ifiyey shakhsi ayaad ka burushka xaarka leh kula wareegaya bulshada reer khaatumo
    Aniga ma fahmin ninka liibaan la dhaho dhinac uu ka socda????????? Yuu yahay horta??????????

    Adeer waxaan ku leeyahay liibaan ku laabo qoraalkagii hore waxyaabo badan oo khalad ah iyo fakar jilicsan ayaa ka buuxa

    Digniin

    Waa danbi culus iska horkeenkeenka iyo kala qoqobka bulshada ku abtirsata gobolada sool. Sanaag iyo cayn. Jawaabteeda ayaad helaysaa hadadan faraha kala bixin.

  8. Murad says:

    Qoraagu waa ku mahadsan yahay qoraalkiisa si fiican buuna u dhigay in kasta oo aanu qoraalkii liibaan jawaaba mudnayn oo wax macna ahba ku fadhiyin waayo wuxuu ahaa nin iska hadlay oo waxaanu xogogaal u ahayn ka hadlay markaan anigu qoraalkiisii arkayna dadka waxaan waydiiyay akhristayaasha meesha uu ninkanu ka yimid waayo wuxuu ka hadlaayay dhul iyo dad aanu aqoon u lahayn taas oo macna tirtay qoraalkiisa waxana ka muuqatay in ay daba ka riixaysay caadifad uu u haayo qoladan snm.

  9. qoslaye says:

    ONacnac da iska daaya markaad dulmedeen saleeban ayaa hadana syaasi iyo garaado ku sheegaysan ali galayd oo tuug ah iyo axmed karaash oo pl soo eriday. Inma xabaal amaan dhaqankena sidaas ku dhisan eex. Aan geedna logu sogaban ayaa saleban laga galay daaya tuugta daqada hakala baxee ninba waa mare mus makula koray

  10. Kilwe says:

    ninkii ma qaalkii hore soo qoray ee magaca Liibaan watay iska inan caadifadaysan oo qoraalkiisu xaqiiq ku fadhiyin ayuu ahaa , Runtu se waatan halkan ku qoran..

  11. mohamed yassin says:

    hor ta maxaa meesha yaala oo laga doodayaa? hada ma buuhoodle bay ku soo ururtay alaa kariim!

  12. mohamed yassin says:

    you guys are just talking about budhoodle, where is the rest of the land for example, the capital of sool? to be honest with you, you have gone.

  13. asad says:

    ishad ka riday darwiish wa ku mahadsantahay qoraalkaga xaqiiqda ku dhisan waa inu qofku marku hadlayo so daliishada wixii dhacay oo uso bandhigi kara sources mahaan inaan so qoro fikir cadifad ku dhisan oo khaas ku ah sida libaan o marar badan so qora nacayb foogatay iyo been abuur oo u ka qoro deeganada khaatumo state wuu ku akhiro seegaya sababto ah khaatumo waxba ka qaadi maayo khaatumo ninki diida wa khaatumo seeg waayo khaatumo waxa dhisay shacabka deeganka ssc wayna isku raacen ma amiinsani qof iyo labo inay badalayaan qadiyadda khaatumo khaatumo guulayso

  14. Liibaan Axmad says:

    @Khaatumo State,

    Waan ogahay inuusan magacaagu ahayn Khaatumo State, sidaa darteed magac kale adeegso haddii aad hanjabaysid waayo inta aan ogahay mas’uuliyiinta Khaatumo may hanjabaan. Wixii intaas ka soo hadha, waa fikrad ama run, runta ayaa fikradda ka weyn.

  15. M.H.Buraleh says:

    Waraabuhu waa xalaal bay maanta Somali ku mashquushay,ma hawl kale baan tolow u oollin. Reer Khaatumo waxaan leeyahay taariikhda fog iyo tan dhow labada cibro ayaa laga qaataa,maanta ayaa hawl loo quma si aad berrito nabad,nolol iyo haybad u hesho. Maxaa la yidhi waxay ku dhamaataa waxaan idhi,waxaa la yiri, wuxuu yiri, waxaa lalahaa,dadka aan hawl qabad rabin bay micno u samaysaa. Sidaas darteed waxaa door roon in ruux kastaa marka waagu beryo is weydiiyo maxaan u qabtaa dadkayga,dalkayga iyo diintayda oo u nqono kara waxtar muuqda.

  16. ssc girl says:

    ninkii hadlayabaa hayska hadlo , xaglatoosiye hawsha uu qabtay waa mid ilahaay iyo umadiisaa inta nabad iyo nolosha jeceliba aad ugu diirsadeen , waanu so dhawaynaynaa hadaan reer buuhoodle nahay ! nabad baa nas lanuugo leh !! waan soo dhawaynaynaa , khatumona iyadaa hawlahii loo igmaday samayn kari wayday oo fadhiid noqotay taleex dhaafi la oo waliba dadka rer badiyaha ah xolahoda ka dhaca ! marka waxan lenahay ninkii arkayaa hawsha uu nabadon xigaal toosiye , u qabtay dadka iyo dunyada waxaan leyahay ilahay ha ku gargaro amiin amiin
    viva xaglotoosiye ,
    viva ssc
    viva somaliland

  17. runsheeg says:

    Asc wr wb.Xagletoosiye waxqabadkiisa ninragna waa ogyahey doqona loosheegimaayo reer ssc qaybna hadagaalanto qaybna yeesan dagaalamin taasi mid sooroobeesa ma ahan<<<< 4garaad ee khatuma umataleeso. kuli waa reer sool G10 marka lagareebo abdikariim oo ah reer buuhoodle inta kale G9 waa reer sool golaha dhaqanka khatumo 1 nin oo reer buuhoodle kumajiro,,, marka dee waa ee tashadeen reer buuhoodle,,,,

  18. ali says:

    Uf khaatumoseegyadu nabadna ma rabaan colaadna wax kama tari karaan, xataa hadafkii ugu weynaa ee loo dhisay khaatumoseeg ee ahaa in Sh. Shariif baan waxla qabanaynaa waataa lagu hungoobay.
    Khaatumoseeg dhan walba fashil baa u dameeyey.

  19. ahmedpunt---------- says:

    xaglatoosiye waxa maanta uu qabtay waxaa ladhihi karaa waa halyeey usoobaxay darwiish ama ssc laakin dib waxuu kalasoobixi karo magaranayo laakin maanta waxuu qaatay billad sharaf iyo geesinimo ,dhulbahantana waa inay ogaadaan oo abaalkiisa aan ladayicin ,asagana waxaa loogabaahanyahay inuusan guushuu gaaray oo magac taariikhigaa uusan dayicin dadka SSC waa inuu mideeyaa siilaanyo iyo snm uusan uduliyeen oo uusan kursi kadooran waa in xaglatoosiye siyaasaddiisu kushaqaysaa kamidnoqoshada jamuuriyadda fadaraaliga ee soomaaliya… ciidcwanaagsan ciidwanaagsan

  20. ahmedpunt---------- says:

    xaglatoosiye waxa maanta uu qabtay waxaa ladhihi karaa waa halyeey usoobaxay darwiish ama ssc laakin dib waxuu kalasoobixi karo magaranayo laakin maanta waxuu qaatay billad sharaf iyo geesinimo ,dhulbahantana waa inay ogaadaan oo abaalkiisa aan ladayicin ,asagana waxaa loogabaahanyahay inuusan guushuu gaaray oo magac taariikhigaa uusan dayicin dadka SSC waa inuu mideeyaa siilaanyo iyo snm uusan uduliyeen oo uusan kursi kadooran waa in xaglatoosiye siyaasaddiisu kushaqaysaa kamidnoqoshada jamuuriyadda fadaraaliga ee soomaaliya .tankale waa in wada shaqayn uu layeeshaa iyo iskaashi walaalnimo puntland taas aad iyo aad muhiim u ah… ciidcwanaagsan ciidwanaagsan

  21. Barwaaqo says:

    Khaatumoseeg

    Ama qayliya ama waasha hadaad doontaan walee waad fashilanteen. Xaglotoosiye in uu taageero aad u xoog badan haysto waxaad ka dheehan kartaan sidii loogu soo dhaweeyey Buuhoodle ee uu dhamaan dadkii isu soo baxay kaga yeedhsiiyey ‘nabad baanu qaadanay’. Qolyihiinan PC-ga qurbaha la yururoow nabadda aslaaxday qarqaladda ka daaya.

  22. qabqabsey says:

    waxa wax lala yaabo ah ninka qoraalkii hore ka jawaab is yidhi ee kaga soo horjeestay diidmo iyo ka xumaan nabadgalyo .ninka nabadgalyada jecel ee wax walba u quba nabadgalyada ayuun baa colaadana guulaysta.markaa waxa aan odhanlahaa ninkan adeer waxba ka garan maysid waxa aad ka hadlayside ha is wareerin waxaad colaad ku qaadi wayday buu xaglatoosiye nabadgalyo io afgarad uu ku dhameeyay.

  23. Aar Gantaallan says:

    @Qabqabsay

    Jawaan mudan ayaad bixisay Askar. Aad baad ugu mahadsantahay. Qolyahan aad moodo inay nabadda qalad ka fahmeen waxaan leeyahay nabadu “Short cut” ma leh. Akhriya sida SNM u aragto ninkan iyo marxabayntiisii aan dhuunta dhaafsanayn. Sheeko caruureed mudo cayiman baa la akhriye karaa.

Leave a Reply