Jean Ping Oo Soo Dhoweeyay Horumarada Cusub Ee Soomaaliya
Addis Ababa [ Radio RBC] War loogu talagalay saxaafadda ayaa lagu sheeegay Madaxa gudiga midowga afrika Dr. Jean Ping, ayaa soo dhoweeyay horumarada cusub ee Soomaaliya. Gaar ahaan, hawsha soo xulida baarlamaanka ee odayaasha dhaqanka, gudiga farsamada iyo kormeerayaasha caalamiga.
20 sano kadib markii wadanka uu ku hoobtay colaad, gudiga dastuurka qaranka oo ay soo doorteen 135 odayaal dhaqameed bishii August 1, dastuurk cusub ayaa la sameeyay isla markaana 20ka August waxaa la abuuray baarlamaan federaali ah kaasi oo noqday golihii ugu horeeyay ee sharci dajin ah oo laga abuuray Soomaaliya ilaa iyo 1991.
Xaaladaha ammaanka ee gobolada koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa soo hagaagaya waxaana amaantaasi iska leh ciidamada isku dhafan ee Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo xulafadooda iyagoo taageero ka helaya AMISOM iyo ciidamada Ethiopia.
Hawl badan ayaa loo baahanyahay in la qabto. Odayaasha dhaqanka iyo gudiga soo xulida ee farsamada waa inay dhameeyaan shaqada muhiimka ah ee doorashada xubnaha dhiman ee baarlamaanka.
Madaxa gudiga, isagoo hoosta ka xariiqay doorashada la sugayo ee afhayeenka baarlamaanka iyo ku/xigeenadiisa taasi oo la rajeynayo inay dhacaan 26da bisha August 2012, wuxuuna ku booriyay xubnaha baarlamaanka inay raacaan jadwalka isla markaana meel mariyaan talaabooyinka lagu xaqiijinayo doorasho si wadada looga xaaro doorashada madaxweynaha wadanka.
Midowga afrika ayaa walaac ka muujiyay in hanaanka dhameystirka xiliga ku meel gaarka ay carqaladayn rabaan shakhsiyaad rabo in Soomaaliya ay colaad ku raagto. Inagoo ku sii socona gaba gabada roadmapka, isku day kasta oo lagu hor istaagayo hanaanka lama aqbali doono.
Isagoo soo magac qaaday bayaan ay si wadajir ah u jeediyeen midowga afrika, IGAD iyo QM kowda May iyo sagaalka Agoosto kaasi oo digniin kama dambeys ah lagu siiyay kuwa carqaladeyn raba hanaanka, madaxa ayaa sheegay in midowga afrika uu diyaar u yahay inay talaabooyin ka qaadaan kuwa qaswadayaasha.
Madaxa gudiga ayaa fursadan kaga faa’ideysanaya inuu dib-uga xaqiijiyo in midowga afrika ay ka go’antahay inay taageeraan hanaanka nabadda iyo dib-u heshiisiinta ee Soomaaliya.
Sidaa daraadeed, midowga afrika ayaa la shaqeynaya ururka IGAD, QM iyo gacan saarayaasha kale.
Sidaa oo kale, midowga afrika waxay garab taaganyihiin walaalahood Soomaaliyeed iyadoo lagu jiro wajiga ugu dambeeya ee dhameystirka si loo bilaabo bog cusub oo kamid ah taariikhda Soomaaliya isla markaana nabad waarta loo helo.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi










