Kenya Oo Xukuntay Burcad-Badeed Soomaali Ah
Nairobi [Radio RBC] Maxkamad ku taala dalka Kenya ayaa xukunno ku riday kooxo Soomaali ah, oo lagu eedeeyay in ay yihiin burcadeed.
Kooxda la xumay oo ka koobnaa ilaa toddobo Soomaali ah, ayaa lagu xukumay mid kiiba labaatan sanno oo xarig ah..
Kooxdan ayaa waxa soo qabtay,iyagoo ku jira biyaha gacanka cadmeed ciidamada badda dalka Denmark sannadkii 2009-kii, waxan ay markaas rabeen in ay afduubtaan doon kalluumeysi oo laga leeyahay Sri Lanka.
Wixii markaas kaddibna waxa lagu wareejiyay dowlada Kenya oo tan iyo muddadaas lagu hayay dalkeeda.
Xukunka ku dhacay kooxda Soomaalida, waxa maxkamadda ka akhrisay, magacyada Joyce Gandani oo xukunka riday.
Toddobada Soomaalida ee la xukamay, ayaa magacyadooda waxa ay kala yihiin:
1- Bashiir Maxamed Cilmi,
2- Barre Cali Faarax,
3- Cabdfaaruuq Xuseen Cali.
4- Cabdirsaaq Cabdullaahi Cali
5- Cabdi Maxamed,
6- Cali Xuseen Xasan,
7- Cabdikariin Nuur Shire,
Ma ahan markii ugu horeysay ee dalka Kenya lagu maxkamadeeyo Soomaali ku eedeesan burcad-badeed.
Sida uu maxkamadda ka sheegay qareenka u doodaya raggan Jared Magolo , waxa uu ahaa xukunkooda mid adag , isla markaana aan loo dhaqmin kooxaha burcad badeedda ee ku xiran dalkaas.
Kenya waxa ay ka mid tahay dalalka lagu xiro isla markaana lagu maxkamadeeyo burcad-badeeda Soomaalida ee ay soo qabtaan ciidamada caalamiga ee gobalka ku sugan.
RBC Radio
——————————
Xafiiska Wararka Nairobi











[...] Continued here: Kenya Oo Xukuntay Burcad-Badeed Soomaali Ah [...]