Kenya: Waxa Aan Dib U Furanaynaa Safaaraddii Aan Ku Lahayn Muqdisho
Nairobi [Radio RBC] Dowladda Kenya ayaa shaacisay in ay dib u furan doonto safaaraddii ay ku lahayd Muqdisho.
Kaddib markii uu maanta booqasho ku yimid Muqisho xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, Thuita Mwangi, ayaa waxa uu sheegay in dhawaan safaaradii Muqdisho ay ku lahaayeen ay dib u furi doonana.
Mr. Mwangi iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa manta yimid Muqdisho, waxana ay kulan la qaateyn madaxda Soomaalida gaar ahaan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali.
“ Muqdisho waxa aan u nimid siddii aan u furan lahayn safaaradii aan ku lahayn, marka howshaas ayaan wadnaa” ayuu yiri Mr. Mwangi.
Wuxuu shegya safaaradda in laga soo rari doonaa Nairobi lana keeni doono Muqdisho si ay uga dhex muuqdaan dadaallada hadda socda ee dib u dhiska dalka Soomaaliya.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha debadda Kenya ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay heleen dhismihii ay ka degi lahaayeen magaalada Muqdisho.
Kenya waxa ay ka mid tahay dalalka qeybta ka ah howgalka AMISOM ee Soomaaliya, waxana ciidankeeda ay hadda dagaallo ka wadaan koonfurta Soomaaliya.
Kenya ayaa waxa ay wacad ku martay in ay ka hor bisha August markaas oo ku eg xilliga KMG ah.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho











war xayi ah
[...] Continued here: Kenya: Waxa Aan Dib U Furanaynaa Safaaraddii Aan Ku Lahayn Muqdisho [...]