Khayaano Qaran oo Laga Galay Abuukaato C/Raxmaan Xoosh. W/Q Daahir Cabdiile Shire “Jarato”
Khayaano Qaran
Daahir Cabdille Shire “Jarato”
Golgaal@yahoo.com
Agoosto 12 2012
Abboodigii Ku lalay Dawladnimadii So’maaliyeed oo muddo (21) sano ah ragaadinayey, badeyna tiih, macaluul, gaajo iyo burbur aan xad lahayn oo naf iyo maal-ba ku lumeen, (A catastrophe of biblical proportion) sababteedana loo aanaynayo khalad—khalad lagu saxay.
Qarankii dumay, ayaa dhawaan waxaa u istaagey koox-yar oo naftooda-hurayaal ah, una guntaday in ay ka saaraan sursuurta ay gashay dawladnimadii So’maaliyeed. Goosankaas rag iyo dumar leh, waxaa ka mid ahaa, kuna jirey xubnaha ugu cadcad, Abukaato:(Cabdirixmaan Xoosh Jibriil) Qareenka xilkii u adkaa ayaa dhabarka loo saarey, kaas oo ahaa in uu dhidibada u muddo dawlad qeynuun iyo kala danbeyn ku shaqeysa oo shacabka So’maaliyeed ku diirsado.
Xoosh, wuxuu ceynaanka u qabtay, Wasaaradda Dastuurka iyo Dib-u-heshiisiinta, isagoon ka gilgilan kana cudurdaaran ayuu dusha u ritay xilkaas baaxadda weyn leh ee loo igmaday. Xoosh iyo barbaartii ka hoos shaqeyneysey waxay howshoodii u guda galeen si hufnaan iyo howlkarnimo ku jirto, durbana jadwalo ayey dajiyeen oo shaqo walba bilow iyo dhamaad waqti ku jaango’an ayey u dhigeen.
Sidda aynu la socono Wasiir-Xoosh iyo howlwadeenadiisu waxay la kulmeen caqabado badan, oy kala kulmeen gafanayaal badan oo burburka ku naaxay oon doonahayn in laga baxo xaaladda lagu jiro ee (KMG) kuwaas oo isugu jirey, Argigixiso, Dagaal-oogayaal, Burcad-badeed, iyo qaar sheeganayey Jamuuriyaddo madax banaan. (Xoosh & company were on the eyes of the world).
Shaki-kuma-jiro, in Xoosh noqday xiddig ummadda u dhashay, hagar-la’aana ugu adeegaya, waxse, ayaandaro noqotay in Isimada Tanade Daarood (TD) ay ” Waa-baryey sacabbo ku dadaan”, kana reebaan xulkii xildhibaanada Leelkase (LLK) Abukaato: Xoosh, oo isagu soo diyaariyey xubinta ay ku yeesheen Isimada Qabaa’ilku dib-u-dhiska qaranka dumay, soo uma eka in ay ” Gacantii quudisay ay qaniineen”.
Waa halkii Salaan-Carrabey iyo ninkii ka abaaldhacaye.
” Waxba yuusan xoolana i siin, xeerna ii guddine.
Xaashey nin libin kaa xasdiyey, xumihi waa yaabe.”
Waa marag-ma-doonto, in halkii uu maamuus iyo magacdhabid ka mudnaa Abukaatahu, ay ka xadeen guushii uu soo hoyey, cid kale loo aaneyn maayo aan bahdiis ka ahayn, ma anaan garan waxay ku saluugeen iyo waxay wax ku cabireen, balse, ” Qof kasta in gubtaa waa hoos taalaa”. Malaheyga, waxay iila eg-tahay in aan maseyr ka marnayn iyo aragti-guracan Isimada Beesha Waa yaabe see bay u xaqiraan geesi iyaga ka dhashay oo So’maalida iyo beesha caalamkuba indhaha ku hayeen, kuna bogaadiyeen siddii uu howshiisa uga soo baxay. Miyaan Duubabka-Leelkase xil ka saareyn dhismaha qaranka.
Yaa uga haboon Qareenka sharci-yaqaanka ah in loo diro Golaha Sharci-dejinta?
Ninka ugu horeeya oo la shuumaa soo ma ahayn in uu isaga noqdo, mise, xaalku waa heestii caanka ahayd ee (Khadra Daahir Cige), ” Cudurka kaa gala fardaha, haddii laga gubo dameer, dawada lama gaariyee……….”, oo waxaanaan garaneyn ayaa meesha ka higle.
Waase, “Raqba waa ku rageede” kas iyo kama! kay rabto ha ka noqotee waa daahir in ay hareer- mareen tubtii iyo tilmaantii la siiyey, oo ahayd in ay tayo iyo tacliin wax ku soo xulaan.
Muran kama taagna in halyey qeyblibaax ka qaadan lahaa toosinta iyo turxaan-bixinta Qaranka-dumay ay ummadda ka musuqmaasuqeen kuna masuugeyn waxtarkiisa. Waa ammuur (Khiyaano Qaran) loo nisbeyn karo ama loogu abtirin karo.
Hayeeshee waa tii la yiri, ” Deriskaa marna waa lagu daydaa, marna waa lagu diimaaye”, dalaalka, malaalka iyo kuraas kala iibsiga Xamar yaaley, Miyey bahda Abukaatuhu dhexda ka gashay? Oo dhidaradii Xoosh dalka xoreynayey ayaa gacmo dufan leh xagga Isimada (LLK) u soo taagay, oo “Gacmo is-dhaafay,bay galadi ka dhalatay”, xaajaduna waa “Indho ribix arkayaa, rixin ma eegaan”.
Guntii qormada: Haddii tayo iyo tacliin laga geedo goosanayey, waa caddahay in aan guurtidii (D-D) taa tixgalin, taas oo loo macneyn karo xil la gudan waayey. Haddaba, haddaan xaajadu ahayn, ” Qowda maqashii waxna hawqaban”, waa in (Guddiga Xulistu) ay tusaan (Oddayada) waxa indhahoodu arki waayeen. Waa in la saxaa gaboodfalka Qareenka lagula kacay, loona oggalaado in uu ummaddiisa u adeego.
So’maaliya ha noolaato, So’maaliya ha israacdo.
The lawyer’s brethren and blood brothers had cheated his glory.
” The glory of a king is a multitude of people; without people a prince is ruined”
Unknown author.
The princes of Leelkase had lost the respect of the people.
F/G: Ha u qaadan hamsada saaran ereyga (So’maali) in aan ku khaldamay, waa ula kac, oo macnaha dhabta ah uu xambaarsan yahay ayaa saas ah. Waase, laga yaabaa in aad si kale u taqaan.
Daahir Cabdiile Shire “Jarato”
Golgaal@yahoo.com
=============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM












Qashin diinlaawe ah ayaad sidaan isugu xiijinee. Xoosh iyo waxa la mida taariikh madoow ayaa u qoran ama iidheh u sameeyn laheedaa ama iska dhaafi lahadee. Maalin aan dheereena waa laga jaasin doonaa.
daahir maxaad runta ugu sheegtay isimada beesha leelkase?ayaan dadku runta waa ka xanaaqaan
Daahir Cabdiile Shire “Jarato”…….saxiib 100% spot on…………qoraalkaaga aad iyo aad ayaan uga heley…….Cabdirixmaan Xoosh Jibriil qof walba oo soomali ah…wuu garan karaaa shaqadii cuslaad uu ka soobaxey………Markaa shacabka leelkase…….waxaan ku boorinayaa……sidaaan si mahan…..isimada waan in lala xisaabtamaa……..SI deg deg ah…….arimahaan waa inuu ka jawaabo…..
walaale, horta waxaan filaa in ay xamaasad ku qaadey, xoosh waa nin lelkase ah, waxa dadka soo xulayana waa madaxdiisii iyo dadkii matalayey asaga iyo dadka la midka ah, asaguna taas waa uu ku qanacsanyahay saan rajaynayo, laakiin waxaa fiican in qof kasta lagu ixtiraamo shaqadiisa, ugaaska ama suldaanka hadii ay isla garteen markii ay wada tashteen oo tolkood ku noqdeen in ay nin aan xoosh ahayn keenaan meesha, waa in lagu ixtiraamaa loogana danbeeyaa shaqadooda hadii kale ugaas iyo suldaan ma noqonayaan. marna macquul maahan in ay qof kasta qanciyaan oo lama wada qancin karo dadka oo dhan. adiga ahaan waxaan kugu dhaliilaa in aad dhahdo laaluush buu ugaaskaygii qaatey!!! bilaahi calayka ma asagaad wax ugu dhintey hadalkaas mase adigaa is ceebeeyey? caddaynse ma u haysaa taas? waa u malaynaa iyo waa la yiri ma shaqayso.
xaq waxaad u leedahay in aad weydiiso sababta ay xoosh uga tageen madaxda lelkase? adiga maahan ma haboona in aad qareenka tolkiis uga turjunto oo waa nin awooda in uu afkiisa ku ciil baxo waa hadii uu ciil qababa!!.
isa sax walaal. mahadsanid.
Saxiib Aad baan uga xumahay in aan kuu jawaabo, Cayna igama aha ee isku aqoon baan ahayn. Horaa loo yiri ( wixii nin la toosan baa nin la tuur leh) Xoosh jibriil waa Danbiile qaran. Hadii dawlad la helana dacwad Ayaan Ka gudbinaynaa ???????? . Waa ninka umada ku khasbay gaalnimo Iyo diin la’aanta Iyo dastuur kusheeg gaalo ku danaysanayso. Arinkaas waa marag madoonto. Ee warkaaga hakugu jiro, waxaan u hambalyay nayaa ugaaska beesha oo cadawgaas naga qabtay. Adigana akhrista yaasha Ayaan kuu daynayaa. Waxay ku yiraahdaan
waa ka xumahay arintaa laakiin waxkastaa waa calaf.
coosh waa istahilaa wax kasta waxa uu ku dadaalay si taxadar ah oo geesinimo ah waana ku guuleystey waxana uu gelayaa tariikhda soomaaliyed
Ilma adeerayaalow haddee cayaarta iga daaya.
C/raxman Xoosh Jibriil leelkase Kama reebi karo xulka Qarankee.
Nin Ingiriis ah oo laacib weyn ahaa ayaa spanish team (real Madrid ) 30million kala baxaday waa 90aadkii. Steve mac-man.
Ninkii ayaa England xulkii ka reebtay, tababarihii Real Madrid ayaa Maqlay England oo cabaadaysa wuxuu ku yiri. Hadday England 22nin oo Steve ka wanaagsan haystaan koob kasta oo caalamka ayay Qaadi lahaayeen.
Mac sokor dheh! Waa is-taahilaa kaabo qaabiilada Xerta in ay soo magac qaadi waayaan Xoosh. Isagaba, waxaa u adeegsaday inuu is-hortaago shaqadii guddigii Madaxbannaan ee dastuurka qabyo qoraalkii 8dii sanno laga shaqeynaayay Faroole, Gaas iyo Amxaarada. Taas ayaa lagu tilmaami karaa Xoosh inuu qiyaamo qaran sameeyay.
Waxaa loo soo dhiibay dastuur bah dil ku ah qaranimada, midnimada, diinta iyo qiyamka Soomaaliyeed.
Xoosh waqtigiisa ha sugo yuusan degdagin
Daahir waan kaaga mahad celinayaa soo bandhigidda godobta ay galeen Isimmada LLKSE iyo talada aad soo gudbisay.
Ka tagista Xoosh waxay marag u tahay runtiina hoosta ka xariiqaysaa in Isimmada LLKSE ay ka mid yihiin kuwa uu Daahir tooshka ku ifiyey, “..—-…”
Waxaan aad uga xumahay in Isimmada LLSKE ay isku afgarteen in ay taariikhda maanta qormeysa ay baalkeeda madow iyagu gacantooda isaga qoreen. Taa lid-keeda, Xooshna waxa ay ummadda Soomaaliyeed ku qortay baalka dahabkaa ee taariikhda maanta qormaysa.
Qoraalka Daahir waxa uu xambaarsan yahay, waa sida ay iigu muuqatee, in Isimmadii LLKSE ay maanta karaamadii ka duushay, iyaguna ha is eersadeen.
ninba qof halyay ku sheeg xoosh miyaad maantay tiri waa halyay kula yaabi maayo wiil uu ader u yahay aa tahay kolay hadaabad ka hadahay arinkaa maxaad u xusi wayday qofkii ka reebay liiska xildhibaanimada mise maba ogid in farool u diiday markuu dastuurkii somalia oo dhan u af duuba inta shilimaad ka qaatay inuu hadana xubnaha leelkase inuu ka mid noqdo ka reebay
LABADII BAADIL KU HESHIIYA XAQAY KU DAGAALAAN
Sxb waa sax oo hadalkiiba adigaa dhameeyey(Indho ribix arkaaya Rixin ma eegaan)
Xoosh Jibriil waa Xidig Soomaaliyeed ee haday ka reebeen Xildhibaanimada waxaan urajaynaynaa Meel kasii saraysa iyo inuu isu sharaxo Madaxtinimada Dalka ilayn Cidi kama Mudnee
Saxiib Dahiir run sheeg waa ceeb sheeg, xaqiiqduna waxa ay tahay raga hawshas ka shaqeyay in aysan ehel u aheyn in reer ay isimo u noqdaan balse waxa la sugayaa liiska marka la gudbiyo waxa ka danbeyaa.
av xoosh xildhibaan wax ka wayn buu sugayaa sida GARYAQAANKA QARANKA, GUDOOMIYAHA MAXKAMADA SARE GUDD MAXKAMADA DASTUURIGA GUDOOMIYHA AQALKA SARE EE ODAYAASHA SAFIIRKA SOMALIA U FADHIYA UN xildhibaan muxuu sheegayaa
calooshooda u shaqastayaal lama kala doorto nina shacabkan leelka dan uma hayo waa dameer iuo labadiisa dhegoood kii lakeenaba umad kalaa ku shaqaysanaysa horaan casharadaan sharaxaadooda u aragnay walaa xoosh walaa kuwa hada la geeyey calooshooda u shaqaystayaal iga dheh jarato sxb qorallkaaga ilo kale uga faaiidayso
dahir walal waxad kahadasha arin aan laga aamuse karin tasoo lagu tilmaami karo guul daro u soo hoyatay beesha uu kadhashay xoosh khayaanada qaran marka ugu horaysa asaga laga galay kadibna umada soomaaliyed sabobtoo ah malahelo doono nin ku farisankara kursiguu ku farisan lahaa waxan filaya inaan mesha ninkaas lagu reebay aysan cadaalad oolin ee ay kasocoay garabdhiibis iyo musuq baahsan taasna waxaan qabaa dadka arintaa loo xilsaaray haday gu dan wayeen ama ku qadameen in ala xisaabtamo
waa wax laga noxo in xoosh laga tagay halyey gii dastuurka somali
jarato, abdile shire.run sheeg baan kugu ogaa,mantana dhanbaalkaaga , waan aragnay , in hoosh jabriil . laga tago aqoon yahankii leelkase , aabihii dastuuuka, asasihii, nidamaka , iyo kal danbayta , iyo ,keenista asalkaba kuwa , xoosh , ka tagay waa wax lala yaabo. laga noxo.cidii ka danbaysay , ama ku lug yeeltay , ama wax ka ogayd.oo leelkas . ah . inan laga hari doonin dhaman umada somaliyeed , inta wax garadka ah beesha leelkase idinka hari doonin , hoosh arintuusi waleee muda waa lays waydiin ,waa danbi laga galay , aqoonta . waa danbi laga galay nabada, waa danbi laga galay somalinimada
Xoosh waxaa martay seeftii uu dad badan marsiiyey, anigu shakhsiyan Xoosh waan la kulmay wuxuu ii muujiyey in uu isku deyayo in uu qof kasta qanciyo, inkastoo uu xil gaar ah koox hoggaamiye yaal sheegta culayska u saaray in uu arrinkooda fuliyo, haddana sida aan ka warqabo kuwii uu mararka badan u hiiliyey ayaa asagana ku istaagay. Ummadda Soomaaliyeed waa ogsoon tahay xoosh in uu howl badan qabtay, runtuna waxay tahay in aan dadka intiisa badan jeclayn siddii uu u maamulay Dastuurka Qaranka loo dejiyey oo uu qodobo waqti dheer laga soo doodayey oo la badalay uu sidoodii hore ku soo celiyey asagoo raacaya kooxda saxiixayaasha rag ka mid ah aragtidooda. Mar aan weydiiyey waxa ku riixaya arrimahaas wuxuu iigu jawaabay “aniguba ma aaminsani sidaan wax u socdaan, laakiin waxaa rabaa in howshu soo deg degto oo naga dhammaato”. waxaanan ugu jawaabay “wax aad barri ka shalaayi doonto si fudud ha isku dhaafin”.
marka walaalkay dr xoosh ha iska dulqaato, wuxuu yareystay abaalkeedu helay
run buu ka hadlay jarato
jarato odayo meeye xaad iyo ahmed diiriye ayaa casharo cusuv u qoray dilaal iyo malaal la yiraahdo
Hadal kaan waa Hadal nin aqoonleh uu qorey xaqiiqda dhabtaana uu uga hadlay laakiin Saaxiib kay JARATO wuxuu lahadlayaa Madax indhaha kuyaala ay wax arkaan laakiin ay San dhagihiisu waxba maqlin sikasta ha ahaatee waa mahadsan tahay JARATO
wuxuu yiri islaantu dadkii oo dhan soo dhaaftaye maaniga iyo skeekhay usocotaa wiilashaan yaryar ee somali baradkaa ma waxaa laga celcelinayaa ugaaska beesha tankale ina xoosh jibriil leelkase mana yaqaaan umana shaqeeyee cayda isimada ka daaya oo xishooda
YAA UGA HABOON QAREEN SHARCI YAQAAN AH IN LOO DOORTO LOONA XULO GOLAHA SHARCI DEJINTA…..( Kheyrul kalaam maa aqal wa adal )
Murtida ina adeerkey ina Cabdulle Shire,waxaan raacinayaa in xilliga dambe ee la soo xulanayo
xildhibaanka Leelkase,qofkii Reerkaan u dhashow ee dan iyo muraadba ka hayoow inuu xildhibaan
isu soo taago ama xilal kaleetaba,si aan muran iyo shakiba u gelin ha isaga soo ansixiyo naftiisa dadka ay ka go’do talada Leelkase,go’aankeedena gacanta ku haya*.
Avv.Xoosh ha noolaado,waxanan hubaa inaad Knowledge,Moral and Consciousba dheertahay kuwa Hinaaska iyo Anaaniyadda kaaga hor istaagey Xaqaagi,iyadoo loo kaashanayo shisheeye iney shu’uuntii inoo gaarka aheyd soo fara-geliyaan kuna amar taagleeyaan Spiritual Leaderskii Tanade…
Xaq-u-dirir
Abdulkadir Afmeged
Xoosh Jabril waxu ka soo horjeeda Khaatuma State. Umaa Istahiila inuu Xildhbaan ama dib xil lagu magaacabo.
Waana ninka midnimada shacabkeen ka soo horjeeda nagu kaliftay inaa Somaliland la heeshino.
Dalka mudo 20 sano ka badan ayuu ka maqna deegankiisa iyo Odayashiisa waxba kama yaaqan Xaafada Garsoor ayuu wax ka qaban waye.
Aad iyo Aad ayaa ugu farahay inaa la soo xulyeen qof naceb uu qabo shacabka SOOL – SANAAG iyo CEYN.
Wabilahi Towfiq
Dhamaantiin: Mudane iyo Marwaba waa salaamantihiin.
Kagadaal.
@ Takar: Qoraalka ku noqo waxaad ka hadashay maan qorine.
@Asha muse: Guddiga qabyo-qoraalka howshoodu waa dhamaatay, ee Wasiirku eed kuma lahayn.
@ JO-JO: waa ku salaamay gacaliye.
Akhayaarta kale oo dhan aad ayaan u soo dhaweynayaa ammaanta iyo dhiirigelinta aad soo qorteen.
waa mahadsantihiin.
Ina Xoosh waa nin iska miskiin ah oo ciyaalka xaafadda ah. Meeshanna mooryaan har cad ku diiraneysa ayaa timid. Aniga maba qabo in Shakhsi iska daacad ah uu meesha yimaado sababta oo ah waxaa ka tiri badan inta aan daacadda aheyn Marka wuu ku dhex dhumayaa….
daahir waxaan kuugu hanbalyaynayaah garasha iyo qeexida kartidu kamuuqato xoosh waxaan ku tilmaamikaraah siyaasigii u horeeyay ee buuxiya indha caalamka qeexayna kartishaqo qaran nimo soomaaloodhan ku naalooto ah dastuurkiidalka.
salaan kadib ikhyaartu waa inay ogaadaan wili in ay harsantay golihii sare ee sanet ka marka xoosh halkaa buu gali karaa mida kale ninka qoraalka sameeyey xamaasad baa kujirta iyo wiliba nin jeclaysi wiliba xoosh waxba lama wado sxb halaga warsugu soo dhamaystirka barlamaanka
Hosh is not the Looser,but those who manage the Dirty Politics,using foreign assistance and
The Crown Prince has lost the Credibility of his own People after he failed his first assignment.!!!!!!
Jarato well said
Jarato. waad asiibtay! su’aalo badan oo aan qabnay ayaad iftiimisay.
Waxaanse filayaa in arintu eersatay rag aan talin jirin oo maanta meesha ka taliyay!
Waase laga digtoonaan doonaa mutaqaka ISA.
Asc dhamaan tankale waa mahadsan yahay dahir jarato aniga macalinkaygii buu ahaa dugsiii umadda,waxaan kahelay sida so’maalia u soo qortay hadana ugu micnaysay macalin so’mali in aad tahay.tan kale qoraal aad uxiiso badan baad qortay xiligeedna ah waan waajib in dadkaga wax ay media ka maqlaan mooye ay helaan xog run ah oo ehelkooda ka timid.anigu waxan qabaa wax badan baa khaldan awal somali waxay ku mashquulsanayd wax layiri 4.5,hadana roadmap ayaa la aday,dastuur aan wax shaci islaan kuqornayna waa laysku mashquliyey,madiidani dastuur lakiin wax iga an facan kawaye aan ahay30% dumarka la siyey,saa darteed awalba waa noola dastuur la aan.
Any way muhiimada waa beeshan leelkase waxa loo qoondeeyey oo awalba iska yaraa iyo qaysigooda ,qofwalba oo danaynaya waxa uu leeyahay maxa kaa loo geeyey kana looga tagay,suldaamadii iyo ugaasyadii talada noo hayey way nagu dawakheen, marka waxa fiican in aan noqono kuwo dadkooda ku laksoon.
Leelkase dad wax bartay oo badan bay iminka leeyihiin, maansha allaah sida nalagu yaqaana dad karaamo iyo sharaf leh,marka hana ceebaynina intaysan shantii xildhibaan keenin bay ishaystan yaanala dhihin wa bilaahi tawfiiq.
NINKAAN AAD BUUNINEYSAAN WAXBA MA HA SABABTA OO AH WUXUU MEEL KAGA DHACAY DIINTA ISLAAMKA OO MUSLINIMADIISA SAX MA AHA..
1) DASTUURKA WAXAA KU QORAN OO AAN CIDNA INKIRI KARIN KARIN…NIN KASTA WUXUU XIR U YAHAY DIINTA UU DOONO
2) IN QOFKA CIDDA UU DOONO GUURSAN KARO… WAA HADAL BAAXADIISA LEH …OO DIINLAAWAYAASHA KA FAA’IIDEYSAN KARAAN
3) WAXAA KALE OO KA MID AH IN AAN LA QEEXIN XUDUUDAHA SOOMAALIYA AY LEEDAHAY OO AH HADDA MID ISKA FURUN OO JAANTAA ROGAN AH..
MARKA NINKII TAAGEENA NINKAAN WAA NIN QABYAALAD KU RAACAY IYO NIN DIIN LA’AAN KU RAACAY….WUXUU AHAA KHEYR LAAWE AMEERIKA KU SOO SAGSAAGAY OO GAALO SOOMAALIYA KU SOO DHEX TUURTAY.. JABALJAAN..
Waxaa cinwaanku yahay khiyaano qaran ee ii galay
Anigu leelkase ma ahi laakiin waxaan aaminsan ahay waxa ku dhacay mr xoosh waa khalad weyn oo ay beeshu ka qoomameyn doonto .xoosh waa nin qaran somaali baana u baahan, so it is Leelkase’s loss in my opinion.
RaxanReeb Baaritaan maku sameyn kartaan sidii ay ku dhacday iyo cidii ka dambaysay in aabihii dastuurka somaliya meel cidlo ah Looga tago? Can you do little bit of investigative Journalism?
Asxaabeey ninba waa fakarkiise, anigu waxaan u arkaa in ay bilaabatay kufitaankii raggii qaranka khiyaameeyay………Xoosh waa bilowgii kufidda kuwii Jamhuuriyadda khaa’imay. Waxaan sidoo kale jeclaan lahaa in aan aragno Roadmap signatories (Saxiixeyasha Roadmap ka) oo iyaguna karkaarka weydaarta. Dibin-daabyadii ugu weyneyd waxay oo dalka iyo dadka lagula kacay waxay ahayd Daltuurka (amase sida ay ugu yeeraan – Dastuur). Ilaahay baan idinku dhaarshaye haddii waxa lagu sheegayo dastuur uu yahay mid ummadda anfaca, maxaa loogu diiday in Soomaali ay ka niqaashaan oo kadibna ku saleeyaan baahidooda? The price of every traitor is punishment and the Lelkase Elders have done the right thing.
Salaan guud dhamaantiin.
Mid gaar ah.
@ Bahdoon: Gacalye warkaa keen.
@ Afmaged: Salaan sare
@Ahmed Jire Qalinle: Jeneraale Waa ku salaamay.
@Hodan: Abaayo waa ku salaamay.
Dhamaan Akhyaarta waa mahadsantihiin.
Hoosh waa sharci yaqaan hadana u dadaalay si soomaaliya sharci u yeelato waana nin ku haboon inuu ka sii shaqeeyo sharciga soomaliya ku sii dhaqmi lahayd Marka wax iskula hadha kuwiina caytamaya waayo isagaaba idin dhaama oo wax muuqada dalka u qabtay!
Maxay ka yaqaaniin isimada leelkase xoosh jibril?waxay taxi ku baacsan jireen america iyo canada……xoosh waa nin aqoon iyo karti meel dhigtay waxaana markhaati uga ah ummadda somaliyed shaqadii wanaagsanayd ee uu u qabtay qaranka somalia taariikhdana baal dahab ah ayuu ka galay
Calidaahir markii la’arko aw-warsamow maandhaw
Wax qaybintii cali ismaaciil oo laga cabanjirey matanaa
Looga ciftay
Daahir Cabdiile Shire “Jarato”
walaahi runta ayaad ka hadashay waxaan u bogay mid aanan xasuusnayn baad i xasuusisay oo ah
sidee isimadu ninkii keenay uga tageen ?????????????????????????
waa su’aal aanan jawaabtaas muddo dheer ku heli karin adiguna ku mahadsanid qoraa sare
balse waxaan ka yaabanahay dufan gacmaha qofka intee buu ku oolli karaa ????????????
sida sharafta ku jirto waxey aheyd in mr,xoosh in xildhibaanimada leelkase mid laga siiyo.wayo wuu u qalmaa marhadii dawladda uu wasiirka dastuurka ka ahaa hadana inuu ka mid noqdo wey aheyd,marka ilma adeerayalaw waxan idinkula talin lahaa 5tiina mid kamidah ha utanaasulo wasiir xoosh.teeda kale walaalayal waxa tihiin umad somaalidu inteeda kale ay sharafto sidaa darteed,idinkuna dhexdiina qofkastaa kankale hasharfo,si somaalida kale idiinku dayato.waxan filaya inaad sidayeeshaan.mahadsanidiin.
Thanks Takar, aragti fiican ayaa dhiibtay iyo
Jawaab, Avv. Xoosh haddii uu yahay ninkii aan
Aqaanay waa nin karti badan oo dulqaad badan
Oo aan degdegin kolayba aniga waxaan qabaa
Haddii laga saaray waa lala tashaday inta
Odayaashu go’aanka gaarin haddii ayaan
Dhicin taas tolkiisa waxa ay arki waayeen
waxa aduunka intiisa kale arko.
a/c 1 ninka maqaalka soo qoray ader rayigaaga hadashay
2 dadka xoosh amaanaya oo kuhaya in laga tago ma ahayn,waxaan usheegaya xoosh waa shaqsi kamid ah beesha, waxaana baarlamanka umatalaya hadba madaxda beeshu ciday udoorato. tan kale xoosh waa aqoonyahan wuuna uqalmaa lakin boqolaal kamudan baa joogta loogana kalsoonyahay marka yaysan waxba jifidu idin jiidan,
3 dadka isimada leelkase wax ka shegaya waxaan leeyahay Ader “madaxa meel kasaraysoo lataabtaa ma jirto” reerka ayagaa matala ayagaana matali doona Xoosh iyo adinka toona wax la idinka weydiinmayo.
Leelkase anigu ma ahi lakiin kama dheeri aragti ahaan waxaan oranlahaa c/raxman xoosh saas ayaa sharaf u ah waxuu helayaa wasiirka garsoorka iyo arimaha fedelarka odayadana yaan lagu tacadiyin lana canjarafayn jarato waxaan leeyahay dhaqanka xaal sii ilhaanada dhaqanko waa arinta keenta kala taga beelaha leelkase waa beel runtii midaysan umana baahna tuhun iyo shaki ogow hadaad xoosh qaraabo ama sxbo tihiin umaadan hiiline waad halaysay waa xinif iyo xaaladeed beeleed ayaad warbaahinta ku qortay warkaaga ka fiirso
waxaan inkiraad gelikarin shaqada culus ee uu soojibaaxay xoosh oo walee catarabaqash iyo dhiba waa somooday oo waxaa hubaala haduumaanta ufariisto in uu buug dheer oo taariikhda somalida meel culus kagala inuu qorikaro amaba lagaqorikaro waxaase iska caadiya hadii ugaasyada ama salaadiintu aylatashadeen ama ay isku afgarteen amba aan looyeerin waxay dooranayaan oo ay sidaacada udhacday xaasha ee ugaasyada iyo salaadiinta yaan loogefin hadiise wax qaldameen inlaysasaxo waa fiicantahay ilaahay baanqaldamin waxaa layahay binuaadam adooma ah ilaah ee reerku hoos ha ufaqaan oo kolay dadka ilaahbaa wax gaadhsiinkara ee sihufan haloowada hadlo oo ugaasyada iyo salaadiinta hala hadlo qofkii informaysin haya dheeraadna reerka waa inay iska arkaan kolay xamar waxa kasocda waa magshuuf hal arin uunbaa ugu daran oo masiibo noqonkara waa iyadoo meela kale iyo beela kale ama NIN MAAMULSHEEGTA OO SIYAASIYA UU UGAASYADA CABUDHIYO OO CAGADAMDAM IYO DUUDAA DUU DAA WAX KAGA DHAMAYSTO SIDA MAANTA LOOWADA JEEDO EE XAMAR KASOCOTA HADAY TAAS DHACDO OO UGAASYADA WAX AAN FEKERKOODA AHAYN OO MEELAKALE LAGA HAGAYO BAA UUN GUULDARA AH BEESHA KUDHACDA WAAYO SHAQSIGAAS MAMETELI KARO BEESHA EE TAAS MALAHUBAA HADIITAAS LAHUBO WAA NO DHIBAATO wabilaahitawfiiq NIN KHAATUMAYSAN
ascl waxaan filayaa in beesha leelkase ay guteen howshoodii sii ba ugaasyada waxaana loo magaabay abookaate c/raxmaan xoosh inuu yahay wasiirka Qorshaynta qaranka maamul goboleedka puntland oo ay ku kala badasheen jagada c/qaadir gaabane….
asc dhamaantiin wa igu qalad inan ka hadlo arin aan iquseen ooreer gaar u ah lakiin anoo ka xaal bixinaya hadalkayga wa wax laga xumaado inuu xoosh waayo barlamanka wa yaabay markan maqlay xoosh waayey oo ragkale galay barlamanka wa iga su.aale yaa ka mudan oo xaq uleh hawshii uu soo qabtay xoosh oo somali u ogtahay in ninkale lagu siiyo wa adeer ama jifo wa waxa nadumiyey ee tolow isku noqdoo xoosh waa xidig soobaxay ee niyada haka jebinina fiiri somali ragba jaahilhiliin wada waba idinkoo lowyer sharci yaqankiinii tuuraya oo niyadjab kuridaya oo ragiisii kareebaya hada diidaan wa idin dhacayna anagoo tolkiinah idinka yeelimayno xoosh inaad dhulka ku jiidaan waayo waa xidig somali usoo baxay ee nin hada dilaysan xabad caadi ugu dhufta kkk inta iska masaxa canaan tolnimo uqaada viva xoosh iyo teamkiisa qabiil wakaase eeega haduu faaiido leeyahay war maanta wa maxa taqaan ee yaa tahay maaha tolow arinka ha lagu noqdo ee isimada ha lalahadlo alaw xoosh kuwo anaga na horjooga yaa noogu bedela caloosha iska iri wa bilaahay towfiiq tolow raali ahaada wan yara xanaqaye , daahir cabdille walaal gaarhan wanku slamay wana iqiiro geliyey qoralkaaga iyo fikirkaga ee good luky bro and mansha alaaha fikirka fiican wa bilaahi towfooq asc
A.c
Anigga waxaan qabaa maadaama Xoosh halyeey Soomaaliyeed yahay tolkiisii Leelkaasana jecel yahay yahay in odayga aan la xumayn ee qaabkii uu ololaha siyaasadda ee jifadda dhexdeeda uu ka xumaaday, marka hadda booska wasiirka garsoorka ha raadsado. Ugaaskana hala sharfo.
walaahay wasiirka waa laga dulqaaday somali kale mahee waa beeshiisii tanade aad baan uga xumahay laakin kuwa ay kudarsadeen barlaamaanka hada waa rag culus laakiin shaqadaa uuqabtay in lagu abaal mariyo baan filaynay walise rajaa muuqata inuu dowlada soo socota kadhex muuqdo waa hadii …………………………. uu kusoo baxo xilka madaxweynaha Qoraaga waa mahadsan yahay .
Waxaa Avocato Xoosh ku tilmaami kara Halyey Somaliyeed ee ku guleestey in uu ka dulqaado xeeryadii sarneed ummadda Somaliyeed . Taaso uu ku gulestey in uu Dasteerka Ummadda Somaliyeed meelmariyey. Guuleyso ayaan leyahay Noolow
Waa A>Abdi Dheere Holland
Waan aaminsanahay xoosh in uu ku soo noqonayo golaha wasiirada cusub, saas ayuuna ku qanacsan yahay…. daahirna waa degdegey, laakiin madaxdeenu wax kasta oo ay noosoo go’aanshaan waan ku taageereynaa, waana ku amaanaynaa shaqa ay tolka u hayaan dhammaan. danniga iyo been abuurkana waa shaqo shaydaan.
waxaad ogaataan dhammaan in la adeeco madaxda waa shay waajib ah, ninkii aan taas ku baraagrugsanaynow hada ogow. In badan oo idinka mid ah waxaa laga yaabaa in aad iiga dhow dihiin dhalasho ahaan madaxda, laakiin waxaan rabaa in aan idin xasuusiyo in ay idinka mudnayn madaxdu in aad public chat ku dhaliishaan, haddii uu qalad ka dhacay, dariiq iyo ka wanaagsan tan oo loogu sheegi karo ayaa jirta. waan hubaa in ay diyaar u yihiiin in ay nin kasta qanciyaan.
@ Daahir, walaale waxaad soo qortey haday wacan yihiin iyo hadii ay qalad kaa dhacay yihiimba waa la wada arkey!!!. laakiin waa mid kuu khaas ah daahir ahaan haday saas kula qurxoonaatay.
thanks
cabdoow hadalkaagi meel mar, isimadii is garte Avocatihii la dooray waa u guu beeshiyo dalkaba adna waa reysmo
ku: QARAN JECEL
Noo sheeg meesha aad ku aragtay qodobadaas ee sheegtay sheeg faqrada dastuurka iyo bogga. hadddii kale waxyaabaha khuraafaadka ah ee mmaqaaxoyadaha meesha ha imaan.
Xoosh haduu shariif sakiin kaboohiyey waan taageer sanahay
Salaan iyo mahadcelin: U gaar gabdhaha fikirkooda soo direy.
La’aantiin abaar weeye, bulshada So’maaliyeed idinka ayey ka
dhiman weydey, ee raggaa idin gabay.
1) Asha muse: Inkastoo aad tiimka kale aad goolasha u dhalineysey.
Haddana, waa ka heley ” Mac sonkor dheh!”. Thank you baby.
2) Hodan: Xasuus ( Dusigii Ummadda) ayaan gadaal ugu laabtay.
Duqbaa lay moodaa ee warkaas igala aal baan ku iri KKK hay kashifin.
Qormo dambe ayaan ku qeexi doonaa (So’maali) saan u qabo.Thank you baby.
3) Fadumo: Waxaad tiri, ” Waa nin ku haboon in uu ka sii shaqeeyo sharciga
So’maaliya” . Aaway-hee dadkii kula garan lahaa. Thank you baby.
4) Ina Catoosh:Waxaad tiri, ” Allow yaa kuwo na horjooga noogu bedela yaan
uurka iska iraahdaa”. You hit the nail on head. Thank you baby.
asc haa waa arin laga wada yaabey seey ku dhahi kartaa isimada leelkase maxaa ka qalday mise shariif la soo gamey baa kuus u dhiiibey oo yiri ka reeba yaabka yaabkiis waaye
Xoosh waa halyeey
Qoraaga iyo Kuwa websitekan wax qora, dadka sharafta lehna ku aflagaadeeya waad is ceebeyseen oo kaliya ee CID AMA shaqsi aad wax yeeleyn kartaan Baa iska yar.
Sal fudeyd baa idinka wada muuqda iyo war xun ha la ii bilaabo.
Abdirahman Xoosh Waa uu ka mid yahay xubnaha cusub ee Barlamanka.
Intaas ku seexda, hurdana iskaga keena.
waa sax 200% waxa aad ka hadashay daahir. hadii Garyaqaan xoosh waxqabad kiisa iyo kartida uu ku soo dhameystiray qabyo goraalka dastuurka soomaaliyeed oo umada somaaliyeed wax ku ool u ah. tariikhduna xusi doonto maanta loo garanwaayey inuu shaqada ka dhiman sii wado.. ma garan karo cid uga miisaan weyn oo beesha leelkase kursiga geynyaan… waxaan isimada beesha (leelkase0 ku leeyahay Garyagaan xoosh soomali baa u baaha. ee idinka oo soomaali u daneynaya noo soo celiya fadlan.
Xoosh meeshiisii waa galay waliba tacliin buu ku galay iyadoo ugaaska wiilkiisana xisaabi u Bilaabatay…….waah waah….waa markale iyo ciyaartii garoonka galdogob lagga dhisi lahaayoo kale.