Kooxda ICG Oo War Ka Soo Saartay Arrimaha Soomaaliya


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nairobi [Radio RBC] Kooxda Xasaradaha Caalamka (ICG) ayaa war ka soo saartay arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan xiliga kala guurka.
War ay ICG ka soo saartay Nairobi ayaa lagu sheegay, in saxiixayaasha Roud-Map-ka ay wadaan qas hannaanka looga baxaayo KMG oo shaley ku ekaa 20-August.

ICG ayaa sidoo kale eedeen u soo jeedisay Guddiga Farsamada ee soo xulaya baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Waxa ay hey’adda ICG labadan ku eedeesay in aysan ku koobnaan howlahooda kormeer ee xitaa ay gallaan gal u yeesheen sida lagu sheegay warbixinta ay soo saareyn.

Kooxda ICG ayaa walaac ka muujisay waxa hadda socda, waxana ay iftiimesay haddii sidan ay wax u sii socdaan in ay halis gali garaan dedaaladii la bixiyay.

Waxa ay baaq u direen hoggaanka iyo hey’addaha cusub ee soo socda, in ay ka salka u dhigaan aasaas ku qotoma wadajir iyo midnimo.

Ugu dambeyn waxa ay ICG baaq u dirtay beesha caalamka, QM, saxiixayaasha Roud-Map-ka iyo Guddiga Farsamada.

QM waxa ay ugu baaqeyn in ay joojiyaan degdega ku aadan taasoo suuragal noqoneynin in wax kasta ay siddoodii noqdaan.
ICG Beesha caalamka waxa ay u soo jeedisay inay xaqiijiyaan in saxiixayaasha iyo guddiga farsamada in siddii la rabay ay u soo xulayaan xubnaha baarlamaanka cusub.

Waxa kaloo ICG ugu baaqday madaxda dowladda, saxiixayaasha roadmap-ka, iyo odayaasha dhaqanka in hannaanka marxaladda kala guurka ah lagu soo dhameeyo hannaan wanaagsan.

Si kastaba warbixinta ICG ayaa ku soo aaday iyadoo uu dhamaaday xiliga KMG ah ee Soomaaliya, iyo Soomaaliya oo yeelatay dowlad rasmi ah oo aan ahayn KMG ah.
RBC Radio
———————————
Xafiiska wararka Nairobi

Share

Tags:

Leave a Reply