Ku Dhowaad 30-Xubnood oo Taageerayaasha Sheekh Shariif oo Loo Ogolaaday Inay Baarlamaanka Galaan (Wararkii ugu Dambeeyay)
Muqdisho (RBC) Kadib dood iyo isjiid jiid maalmo qaadatay oo u dhexeysay guddiga xulista baarlamaanka, Sheekh Shariif iyo xafiiska UNPOS ayaa ugu dambeyntii waxaa xalay la fasaxay 27 xubnood oo ka mid ahaa taageerayaasha kooxda Aala Sheekh oo horey loogu diiday inay ka mid noqdaan baarlamaanka cusub, sababo lagu sheegay inay shuruudaha buuxin waayeen.
Fasixida xubnahan 27 ah waxaa si rasmi ah u xaqiijiyey gudoonka guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka cusub, oo sheegay in arinta loo bedelay qaan qabiil sidaasi darteedna ay adkaatay in cid laga horjoogsado soo gelista baarlamaanka cusub.
Xubnaha magacyadooda la fasaxay xalay waxaa ku jira Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo horey u ahaan jiray wasiirkii arimaha gudaha DKMG (xilligii Cumar C/rashiid) sanadkii 2007 illaa 2009 ahaa gudoomiyihii dagaalyahanada Maxkamadaha Islaamiga ee Muqdisho.
Sidoo kale waxaa shakhsiyaadka la fasaxay ku jira Xasan Macalin oo horey u ahaa wasiiru dawlihii madaxtooyada Villa Soomaaliya iyo C/kariin Xasan Jaamac oo isaguna ahaa wasiirkii warfaafinta.
Warar si hoose u soo baxay ayaa sheegaya in weli aan la fasixin C/raxmaan Ibbi oo wasiir kalluumeysi soo noqday haddana ka mid ah dadka loo heysto inay hanjabaad u direen guddiga farsamada iyo C/casiis Sheekh Yuusuf oo isaguna ahaa wasiirka caafimaadka mudo labo jeer.
Dadaal weyn oo beryahan uu sameeyay Sheekh Shariif ayaa dhaliyey in xubnahan loo ogolaado inay baarlamaanka galaan, waxaanamaqnaashahooda loo arkay dharbaaxo weyn oo ku timaada ololaha madaxtinimada Sheekh Shariif waayo iyaga la’aantood way adkaan lahayd in cod fiican uu Sheekh Shariif ka helo baarlamaanka ay ku tirada bateen taageerayaasha C/weli Gaas iyo Shariif Xasan.
Celinta xubnahan oo markii hore loo daliishaday dagaal oogayaalnimo iyo u ogolaanshahooda oo haddana loo maray hab qabiil waxay qeyb ka tahay dagaalka u dhexeeya musharixiinta saddexda ah ee kala ah Shariif Xasan, Shariif Axmed iyo C/weli Gaas. Waxaana loolanka ka ku xiga uu noqon karaa midka baarlamaanka dhexdiisa ah maadaama ay hadda arinta ka soo gudubtay banaanka baarlamaanka.
RBC Radio












Masha Allah , waa guul umada soomaaliyed usoo hoyatay, mo’aamaradi Faroole iyo sakiin iyo Ethiopia waa fashilmatey.. Nin Ethiopia wadato umada soomaalid doonimeyso… Guul Sharif Ahmed ,guul farmaajo ,guul soomaalida dhabta ah.
Mooryaanti 22 sano wadanka iyo dadka xasuuqday haday guul noqotay inay parlamaan lagu soo daro malaha micnaha wadaniyada kugu yar iyo aqoonta aad leedahay sool-man,,
Ex madaxweynahii xamar shariif axmed waxaa kula talin lahaa inuu nabada qaato qabqable dagaal loo baahneen waqtigaan haduu diido shacabka somaliyeed meel ayey ugu soo wada jeesan!
Hal warlord ah kumajero ,waa culumadi soomaalid ii Ethiopia iyo sakiin liiska kasaarin,waa guul in wadaada culumada ah raga la soo caleyey ,c/qaadir Cali cuma waa caalim weyn walekiina warlord ma bowing… C/kariim xassan jaamac hanbalyo inaad korsigaagi hanato… Guul soomaaliya.
Masha allah guul sheekh shariif waayo waa hogaamiye daacad inshallah
Ok waan soo dhawayna aritan waxan leeyahay guulbay gudhamatay waay gaas iyo sakiin waxay doonan bay keensaden xitaa kuwo aan magacoda qorikarin oo iyaga taagersan markas shiriif markas udaa saaxibadis
HADII MELES ADEERKA AHAAY MELES WUU DHINTAY ADEER SHARIIF XAQ BUU U LEEYAHAY AZXAABTIISA INUU KEENSADO MIDDA ADEERKA FAROOLE SHALAY WAXUU YIRI MELES SOMALI BUU KA DHINTAY ADEER INAGAMA DHIMAN HADUU FAROOLE AABE U AHAA ANAGA AABE INOOMA AHAN WAANA KUFAAR MELES ILAAH BAA NAGA QABTAY SHARTIISA FIKRAD QALDAN OO WAQTI HORE AHA AYAA KA DHAADHAACSAN OO AH SOMALI BAA DADKAAGA LEEYSAY ADEER SOMALI HADUU NOLYAHAY XITAA QOFKA TAARIIKHDA IN MUDO AYUU KU SII JIRI KARAA KA DIBNA WUU LUMAA MILESNA HADUU SII NOOLAN LAHAA SOMALI WAQTIGII CAQLIGA AYAA U SOO NODAY OO AYAHEEDA MI;ES IYO WIXII DABA DHILIF U AH WEEY KA WEYNAATAY
SHEEKH SHARIIF OO NAF KA RAADINAYA DAGAAL OOGAYAASHII IYO MAAFIYADII BADA GADATEY SIDA IBII OO KALE ILAAHAY CAMALKA MUFSIDIINTA MA HA GAAJIYO ama tuug keen ama yalaxow keen waxa aad helay sid ma leh insha alah ee orad meel fariiso waad fashilmataye
Walahay mooryaantii 20 sano dadka waalaysay waxaa 1000 jeer ka xun FAROOLE wejigiis ha gubtee. Inta FAROOLE iyo GAAS na qabsan lahayeen moryanta Ayaa dhaanta
Diidmada markeedi horaba waxey aheed mid dano siyaasadeed laga lahaa oo kooxda Mahiiga oo ka kooban Shariif Xasan,C/Wali,Faroole iyo Mahiigaha laftiisa wateen gudiga farsamadana iyagaa hoos ka maamayo ilaa hada laakiin markii Madaxweyne Shariif iyo Taliyaga ciidamada AMISOM ka soo horjeesteen go’aanka siyaasadeysnaad ee gudi ku sheega farsamada beesha caalamkuna soo dhax gashay oo ogolatay in aanan koox.qabiil urur,iyo shaqsi midnia lagu takoori karin Mahiiga iyo kooxdiisa talaa farahooda ka baxday ee hada gilgilasho kale miyaa u laaban?koleey waxbey ku maqan yihiin laakiin kuma guuleysan doonaan sababtoo ah Madaxweyne Shariif weli beesha caalamku waxba kama qabto inuu madaxweyne sii ahaado sidaas darteed 4 nin ee kala ah Mahiiga Shariif Sakiin C/Wali (hurdaye)iyo faroole dhinaca kale waxaa ka soo jeeda Shiikh Shariif oo ah siyaasi caasimada somaliya ka soo jeeda xilgaan aadka u adag oo loo baahan yahay in daganaan ka sii jirto caasimada somaliya lana og yahay in somali kale oo gobol kale ka soo jeeda taageero shacbiyadeeda aanan ku laheen caasimada in eysan isku mid u aheen dadka caasimada kunool iyo Amisom yio Beesha caalamka oo qudheedu aragto baahida shiikh shariif in uu soo laabto ey tahay mid lama huraan ka dhigeysa dagaanta caasimada sidaana ula jirto sidaas datreed xaalka C/wali iyo Shariif sakiin waa mid fashil ah:D
waa wax yaab leh hadii dad aan hubeysneyn layiraahdo gudiga farsamada ayaad u hanjabtay dadki mooryaanta ahaa ama hantida umada dhunsadayna safka hore laga dhigo ama aan aqoon laheeyn shariif sakiin iyo cabdi wali gaas ayaa safka hore ku jiro prof ibbi iyo DR c/ casiis ayaana laga reebay taasi waa waxa dhibaatada looga bixi laa yahay waana habaarka somaliya heysta
allaha somaliya ha ka dhigo guul hana ka qabto inta xun oo xuqdadu ka buuxda sida ninka so qortay sool man inta somlaida duliyintas ku jiran haqdaba laga wayi mayo faroolena wa nin lafdhabar u ah in ay somaliya garto maraxalatas wanagsan visa somalia iyo wixii jecel midnimada somaliya duliga cuqdadlowga ahna allaha naga qabto
Gaalo iyo Yuhuud ha na maamulaan Laakiin MAYA Gaas iyo Sakiin.
Waa labo caadaqaate, Jaahiliin ah, leefraaca jecel, khaaimiina ah. Waa labo qolof oo aan qadiyad iyo qiimo midna laheyn ee sidii qaxaabooyinkii u dhaqma. Waa labo Gun ah oo aan gobanimo soo agmarin. Waa labo aad u Iimaan la’ Islaamnimadana ka dheer.
Waa labo ehelu naar oo aan Ilaahay Aqoon, lamana Aamini karo.
Shariifku in uu ceebeeyo ayaan rajaynaynaa Kooxda Xaishidu wadato ee Faroole Hor boodayo
Nacas ayaa tahay hadaad taageerto jaahilka madow ee shariifka labaxay iskadhaaf dabadhilifnimada oo soo cesho goboladada ay ///// kaa haystaan aaway Sool, Sanaag iyo caynabo owel ayaa layidhi ciirtada dhamaa caydada yaqaan.
hahahahahhaahahha kah kah kah kakakakakakakakakakaka
waan kugu raacsanahay waa guul umada u soo hoyatay bro
allah maxaan arkay ciyaal maga sool ama ssc wada oo nimaan u furi doonin awrka urara waxaasna waa cuqdad aad ka qabtaan reer puntland oo aad katirsan tihiin ciil qabow cadaabtii gal
waa loo bahanyahay in uu ninkasta xaqiisa helo mesha ninkasta ninkii ucodaynlahaa waa ogyahay ee afara qabilka iskadaya shariif shiikh axmed wax dhama lamahayo iyo culimada uu wato guul shariif shiikh
madax waynaha waxaa iska leh H sanadkaan ra,isul wasaaarha waxaa leh D/M godomiyaha barllanmanka waa D maxaa ladodaysaan lkn waxaan layabanahay somali qabyalada dishay
Cadawga kowaad ee reer khaatumo maanta leeyihiin waa pintland oo la safatay
somalidiidka Somaliland. Faroole amaba aan dhaho Furoole fidno ku maagtay
ayaan ku leeyahay wuxuu la yimid soomaaliyaan ka go’aa. Hadeer go anaga
Khaatumi ah Somaaliyaan ka mid nahay somalilandna ma nihin puntland ma nihin.
Daraawiishtii dalkaan u soo halgantay anoo ah maxaa dabadhilifka amxaarada ee pintland
wax iigu Dari Karo. Guul Khaatumo guul Somalia guul sheekh Shariif.
Omar Mohamed, anigo Hadaan daba dhilif ahay nin Muslim ah oo soomaali ah oo isku wadan ka soo jeedno ayaan dhaba dhilif u ahay ,waa Masha Allah..lakiin adigo iyo adeerka farole xabashi gaal ah uu aan xaarka iska dhaqin oo dad soomaali iyo Muslim ah maalen walba laynaya baad dabadhilf utahay..marka waa cajeeb inaad igo aflagaadiso maxaad soomaali/Muslim u taageresa uu faroole iyo xabashida u tageeri wayday , sxb hadaad adiga iyo faroole xabashi taheen ,anigo soomaali baan ahay,qaladna idiku raaci maayo.
ASC, dhamaantiin. Waa arin wanaagsan in nimankaan lagu soo daro xildhibaanada maadaama reerkooda soo doorteen, cidna ma ahan in fikirkeeda darteed loo bartilmaameedsado. Arrinkaana waxa uu banaanka soo dhigay dadka soomaliyeed oo reer kamid ah reeraha somaliyeed uu rabo in uu ku tunto basic right, waxyaabahaas ayaana dadka kala fogeeyay, keenana in xabad la isku qaato. Sidee beey ku dhaceeysaa in Faroole iyo Gaas oo reer pintiland ah in eey soo magacaabaan xildhibaanada beelaha SSC, ama Mogadisho, amaba Bay & Bakool, amaba Shabeelada Hoose iyo Jubda Hoose, sababtoo ah dadkaan waaye dadka liiska laga reebay, amaba dad eey ayaga rabaan in eey ku soo daraan. Taasi dhici meeyso, waxaana rabaa in Somali u midowda in eey aayahadeeda ka tashato, kuna dadaasho in eey horumarka uu Shiiq Shariif keenay darteed, lagu abaal mariyo Afar Sano oo kale oo uu xukunka sii haayo. Thanks
Daraawiishtii dalka usoo halgantay maxaa helay oo ay halkoodii gobal hada u dhacsan la’yihiin Khadiija state afkii bay kaga hartay.
Cadaado’ huno khatumo iyo Pland adigu u kala dabqaadi maysid waa dad wada dhashay oo is kaftan yaqaana, meesha Ak47 laysuma haysto dhac iyo bililiqo iyo bobna kama jiro dar Ale ku dag wax an ku qusayna ha galin si aadan ula kulmin waxadan rali ka ahayn.
@ Sool-man @ khaatumo man marka hore soo nadiifiya magac yadaad wadataan waatan Khaatumo laga kala cararye oo wiilashii meesha lagu xereeyey oo beenta loo sheegay waatey kala yaaceen markii wax mushahar ah la siin waayey,odayadii meesha keenayna ee xamar kursi quudheed u fadhiyaan Taleexna hada waxa ku sii socda Mahad canbaashe,intii horana waatay Puntland u carareen hadana kuwa kale baa sii socda Khaatumo wax layiraahdo waa isku dhamaatay awlba odeyo magac raadinaya ayaa dhoodhoobay hadana ====== siyaasad u daba fadhiyaan, hadba meel baad u carartaane maantana ma siyaasad baad u daba fadhidaan Shariif iyo xulafadiisa. 4 ever Puntland and our presidents,
===== waa la yaqanaa meeshey galaan hungiri baa qaada marka la yaab leh oo miyan la ogeyn cali khaliif ninkii somalia oo jirta oo dowlad ah lacagta dhaceey oo dibaa u carareey walahi somali isma oga @Suul Cawro hoyadaa maxeey taheey markaa nin somali ah oo muslim ah aad gaal ku sheegteey ma Calli khaliif oo daba dhilif ah iyo abdikariim oo shiekh shariif kuriga u joogaa oo uu ah naagtiisa sadexaad baa rag iyo dadnimo leh oo wax ku tari karah xawayaan doqona oo cuqdad qabaa taheey ilaa iyo intaan caqli yeesheey meel daran baa kadhacaa oo dhuuni u raacdaa.maantana hawiye raac oo halagu waso habar yaheey dhiladaaa orod caruurtaada idoorka iyo ethiopianka ka cesho meel rag ku xisaabtamayo booskaagama bananeee.
Looool war baal reer faroole waxa caay iyo cabaad ka baxaysa fiireya..Cali khalifna seyaasad buu ceyaarya barlmaanko iyo iso sharaxay,,, so no more dhabayaco president for Somalia..umadi soomaaliyed waa adinacday ,zenaawina waa adinka bakhtiyay reer farolow… so cry me river..loooolkkkkkk
@Runsheeg, huuno, been baad sheegeeysaa, ee hadii aad run sheegaysid oo aad aaminsantahay in Khaatumo State iyo Pintiland dadka dagan eey wada dhasheen muu qaswade Faroole iyo calool buur Gaas laga arko oo eey qadariyaan walaaltinimada aad sheegeysiin reer pintiland munaafaqiin. Khaatumo dadka dagan iyo reerka Daarood oo dhan walaahi waa dad xalaal ah oo aan anaga reer koonfur la noolaan karno, laakiin waxa isbaarada Somali u dhigtay waa pintiland iyo Faroole. Laakiin mar dhow siyaasadooodii guracneeyd waa lasoo afjaraa insha’allah, mana la dulmi doono, kaliya waxaa laga ilaalin in eey Somali lug gooyaan oo waa in “containment policy” lagu sameeyo. Period.
Sool man@ Adeer horta iidoor iska sii dhici o gabdhaha ay askartoota hadh iyo habern idinka fara xumanayaan wax ka qabra intaa puntland oo eydaan xataa nuskeed gaadhi karin wax ka sheegeyshiin, magaca sool sanaag iyo cayn ayaa wadatiin hadana hal gobol kacanta ma ku haysiin in aa idinkoo kale hadashiinba ma idiin banaano.
Cadaado@ besha ay —— , Faroole iyo Gaas ba ka dhasheen wa beel ilaahay balaariyay oo hadana aqoon iyo karti ku loolamaya haba lagu kala adkaadee so that ayagoo wada dhashay on is necbeyn bey tartamayaan oo siyaasada ku loolamayaan . Maaha qowmiyada dhan ee laga waayay waxan Indha cade. cumar finesh iyo Qanyare an ahayn. yaabaye wiil dhaama uma dhasha miyaa? ku xanuunsana uma caafimado miyaa? ku waalnaa uma soo miyarsado miyaaa? 23yrs nimankasan maqlaynay ka horna saaxada siyaasadaba wey ka maqnaayeen.
[...] Ololaha ugu weyn ee dhanka doorashada wuxuu Shariif ka wadaa baarlamaanka ay ku yar yihiin taageeraayiisha weli, inkastoo dagaal culus uu ka galay in xubnaha saaxiibadiis [Aala Sheekh] iyo qaar qabqablayaasha ka mid ah uu dib ugu soo celiyo baarlamaanka. [...]
[...] Ololaha ugu weyn ee dhanka doorashada wuxuu Shariif ka wadaa baarlamaanka ay ku yar yihiin taageeraayiisha weli, inkastoo dagaal culus uu ka galay in xubnaha saaxiibadiis [Aala Sheekh] iyo qaar qabqablayaasha ka mid ah uu dib ugu soo celiyo baarlamaanka. [...]