Ku: www.Raxanreeb.com – Ka: Akhriste Cabdi Nuur Faarax oo Jooga Brazil
Ku_______Websitka www.Raxanreeb.com
KA_______Akhriste ka mid ah dhalinta Soomaliyeed
Ujeedo: Habalyo iyo Bogaadin Ku Socota Shabakada ama War sidaha qaaligaa ee warka heli og waa Websitka Raxanreeb
Magacayga Abdi Nuur Faarah oo Jooga Brazil
Assalla Mucalleykum Dhamaan Hawl-wadeenada Shabakad www.RaxanReeb.com
Waxaan idinku salmaya Salanta islamka ee ku ku xusan mudane yaal iyo marwooyin dhamatiin wariyayasha Websitka Salan sharaaf kadib waxaan ka mid ahay dadka sida aadkaa ugu taxaan ama ugu xiran websitka Raxanreeb kuna xisabtama wararka aad baa hisaan iyo dadallka aad muujisaan ee ku dheehan Fir fir coonida iyo xaqiiqada .
Mudane yal iyo marwooyin waxaan warqadaan idiinku soo diray hadii ay idin soo garto inan idiinku amaano ama hadii warbaahiin ku hadasha afka soomaliga loo mahad celin lahaa an idiin mahadceliyo aniga iyo dad badaan oo ila mida waxay aad uga helen qaabka aad warka u soo dhiran dhirisaan ama aad u soo gudbisaan si umada soomaliyeed ay u heli lahayeen xoog Buxada Gaar ahaan aniga oo Jooga Latin america Gaar ahaan Brazil .
Waxaan si buuxda ugu mahad celinaya websitkaan Raxan reeb oo an ka helo xogta dhabtaa ee ka jirta wadankaygii hooyo dhamaatiis 18 Gobol ee soomaliya iyo dhamaan 5 soomaliyeed oo dhan.
Waxaana Go, an saday inan idiin soo diro Habalyo iyo bogaadin ku aadan Qaabka wanaag san ee aad u tabisaan wararka waxaan kalle oo idinka mahad celinaya Gacan sarka aad la ledihiin TV,GA Soomali channel oo an u daawado qaab YOUTUBE AHAANA Aniga oo ka dhex hela wararka malintaas socoda waxana noo fududeyay Websitka Raxanreeb.
Waxaan ka faa,iiday aniga iyo akh-rista yaal badan oo aduunka kala joga akh baar hufaan iyo arimaha ku sab san Cilimiga diiniga khaas ahaan Bishaan barakaysan ee Ramadaan oo an si toosa ugu xirahay arimaha ku saab san Soonka oo an ka dhagaysto Websitka iyo TVGA oo is gaashanaya.
Waxaan ku soo koobaya aad ayaad u mahad san tihiin waxana idin leyahay masuliyada aad haysan allaha idiin sahllo waxaad tihiin Halgama yaal soomaliyeed oo ka haqab tiray umada soomaliyeed warar hufan iyo Xogta dhamtaa ee ka jirta soomaliya
MAHAD SANIDIIN DHAMATIIN RAG IYO DUMARBAA HAWL WADEENADA
SHABAKADA RAXANREEB WAA Abdi Nuur Faarah












Sida Cabdinur sheegay Raxanreeb kelidii kuma ahan ka bogashada war dheelitran hadane sugan…Sidaada oo kale waxan ka mid ahay aqristeyaasha dunida ku kala baahsan ee subaxdii kolka uu waagu baryo aan wax kale ku afbilaaban illa ay marka hore indhaha mariyaan bal xalay maxaa naga dambeeyey ee Raxanreeb soo bandhigtay.
Mahadbadan
wwww maansha,allah raxanreeb anigu waan jeclahay runtii wabkaan waxaan kujeclahay runta kama noqdaan sida kuwa kalena maaha oo qabiilada ama qurunka kaqshaqeeya ama cid qabyaalad kutaageera runta ayey kahadlaan raxanreeb hadii runta lasheego waa wesate kamid ah muwa puntland xitaa qabiil ahaan hadana puntlandta laftirkeeda ayuu runta kashegaa lakiin qaar waxaa jiraa aan gobaladooda ama siyaasiyiintiida coobta sheegi karin anigu hadiiba aansoo tooso ilaa an raxanreeb booqdo xitaa wajiga madhaqdo dhamaan waan uhambalyeynayaa wilala iyo gabdho basha ramadaan fadligeeda waxaa idiin leeyahay daanbiigana dhan alle hadhaafo hadanahy somalida qurbaha anaga waxii war ah raxanreeb ayaanoo qaabilsan xitaa universal madaawado waayo waa been waxey sheegaan viva raxanreeb guul guul
Raxanreeb waa website qiimo badan waxaana ka shaqeeya rag cilmi u leh hawsha ay bulshada u hayaan. Wali ma arag wax aan ku dhaliilo oo aan ka aheyn inuu u shaqeeyo hal shaqaale oo aan ku arkay cunsurinimo. Shaqaalahaasi wuxuu Dashboardka soo hor fariistaa saacadaha ugu dambeeya maalintii waa haduu Bariga Africa Joogo, ama habeenka saacadihiisa dambe haduu Waqooyiga America joogo. Wuxuu tirtiraa afkaaraha dadku qabaan ee Puntland/Garoowe lidka ku ah.
Iyadoo aan wax webka shuruucdiisa jabinaya la sameyn buu masaxaa afkaar kastoo lagaga soo horjeedo Garoowe iyo Boosaaso. Sidaas daraadeed, Waxaan aaminay inuu yahay Cunsuri magaalooyinkaas kasoo jeeda oo ay Intaas xirfadiisu ku soo ekaatay. Waxaana yaqiinsaday in Maamulka sare iyo Shaqaalaha kalaba aysan arrintaan ka warqabin.
Waxaan damcay in aan warqad Ashtako ah u diro Maamulaha Guud ee Wabka, hadana waan ka gaabsaday. Waxaan ku qancay in webkaan halkaas cillad oo kaliya uu leeyahay iyaduna tahay mid jiritaankeedu ku xiranyahay Maamulaha oo ka war hela.
Ugu dambeyntii Sida uu sheegay walaalka warqada soo qoray, Raxanreeb waa web Qaran halka ay inta badan webabka kale yihiin kuwo qabiil waana mida keentay inay noqoto Isha rasmiga ah ee loo soo raadsado warar lagu kalsoonyahay. Waana mida sidoo kale keentay in aan khaladaadka halkaas shaqaale u dulqaato.
Aadbuu ugu mahadsanyahay sida uu walaalkeen Cabdi Nuur xaqiiqada oga hadlay uguna hambalyeeyay Raxanreeb iyo shaqaaleheeda, Anaguna waan la qabnaa sidaas marka laga reebo shaqsigaas Cunsuriga ah.
Wasalaamu Caleykum.
W
ani webkaan waaba ku qafiifay, sidii sigaarkii uu ii qabtaa
anigoo ah cabdul rahman ahmed saiid kana mid ah ardada wax ka barata dalk pakistan , aad iyo aaad ayaan ug raac sa nahay akhrista haas amaantaa qaaliga ah ee u usoo jeediyay website ka raxanreeb.com. daqiiqad daqiiqad ayaan u fii riyaa wararka is daba jooga uga soo muuqda pagekan kuwaa soo ah wararka ka dhacaya somalia gaar ahaan wakhtigan ay siyaasado dalku aya xallad iyo xamaasad ay leedahay. aad iyo aad ayay ugu mahasan yihiin masuul yiinta ka hawl gala pagekan
waxaana xusid mudan in ay warka soo galiyaan xitaa saacadaha habeenka ee danbe,shaqada hagar_ la ida ah ee shacabka u hayaan raxanreeb aaad aaad iyo ayay ugu mahad san yihiin.
Website yadu waxay isgu jiraan qaar sheekada Fadhi ku dirirka soo daabaca, Kuwo website kale ku nool ah oo Copy right ka aan ixtiraamin iyo Kuwo warka raadiya oo ugu yaraan isku daya inay helaan war iyo Xog dhab ah Awoodoodu hadday doonto haba yaraatee markaa runtii RAXABREEB kuwaa danbe ayaan ku dari lahaa waana mahadsanyihin.
Waan salamaya dhaman shaqalaha shabagada raxanreeb laakiin waxan idinleeyahay wararkiinu hanoqden dhaxdhaxaad iskadaya qofjaclaysi ama koox waayo sidad ayaa warbahinta uwanagsan
Abdi Nuur Faarah walal waa runtaa aniguba subaxii haddan so kaco oo aan RAXANREEB.COM fiirin maba aamino waxkale ilaa aan webkan eego aniguna sidaas oo kale waan u Bogaadinayaa Howsha ay hayaan & qaadka wanaagsan ay warka u soo tabiyaan Masha allah Guulaysa walaalayaal howl wadeenada Shabashadab & mulkiilahaba dhamaantiin
Ana waa idunku raacay waana webka aan uugu daalacadhada badnahay thnks mr farax qorahamaqaalka
asc webkan waa jeclahay waxan ku jeclahay runta,,, malina qolo ayuu ka farxiyaa malina qolo ayuu ka xanajiya waa cadalad malinba qolo ha xanaqdo malina qolo ha faraxdo dhax dhaxadkas ahaado waligiin ,,, reer garowe runta kama gabato bye
Ugu horeyn waxan salamayaa dhamaan shaqalaha ka hawl gala warbaahinta calamiga ah ee raxanreeb.com runtii aniga waxan ahay akhristayaasha website ka waana u fiirsaday raxan reeb waa best website oo aad u fir fircoon waxana ka hawl gala shaqala aad khibrad dheer u leh dhan walba oo laxiriira saxafada xaqiiqdii anigana abdinuur farah waan laqabaa fekerkiisa uuka qabo raxan reeb dhaman tiin waxan idin leeyahay Ciid mubaarag meelkasta aad jogtaan
Waxaan filayaa in walaalkeen cabdinuur uusan keli ku ahayn ladhacsanaanta webkan, waxaa laqabta inta kuxidhan oo dhan anigaba (Laaso) aan ugu horreeyee,mahadcelinta iyo salaanta aan Raxanreeb Udiraynaa waa mid ay kumutaysatay hawl-karnimmadda iyo dadaalka dheeriga ah ee ay kujirto. Waxyaabaha aan webkan kutaageero waxaa kamid ah oo aan weliba ugu xiisaha badnahay: 1. Maqaalladda Ubadan kuwo wax laga faa,iidayo oo akhristayaal badan oo kala aqoon iyo waayo-aragnimo badani ay usoo gudbiyaan, raxanreebna ay soo bandhigto. 2. Warbixin ay soo xuuraantay oo ay baadhitaan kusamaysay, warbaahinnadda kale ee soomaaliyeed aysan helin ayey soo bandhigtaa. anigu war maalmeedka waxaan kajeclahay kuwo XOG ahaan usoo bandhigaan. Dadaalka Raxanreeb-sii Wad, hambalyo Kal Iyo Laab ah ayaan idiin Soo Dirayaa. Halkaa Hawsha kasii wada. Markale mahadsanidin.
nin kaas isku feker baan nahay waxaana dhihi karaa fariinta buu iiga dheereeyay raxanreb waxay ii tahay bogga 1aad ee aan furo waxay soo qortona inta badan waan rumaystaa dad badanna waan u sheegay in aan raxanreb ku kalsoonahay runtii qof kama aqaan dadka qora somali waxaan ahaynna ma wadaagno saan aamin sanahay maadaama aanan garan cidda iska leh deganka gaalkacyo in laga leyahya baan tuhun sanahay lakin waxa aan ku raacay baa ah hadal hufan oo loo dhigay hab qurux badan , waxaan idiin ku boorinayaa somalidu way jeceshahay wax baahida saxafadda ay u qabaan ka haqabtira soona saara waxa daaha gadaashiisa ka socda mar labaad bana si gara ah idiinka mahadcelinayaa arinta barlamanka cusub oo aad ku caan baxdeen falanqaynteda halkaas ka wada ilaahna ha idin guuleeyo
sidaa uu sheegay walaalku raxanreeb.com waa la isku raacay inay tahay aabaha warbaahinta somaliyeed.
anigu waxaan aad ula dhacaa wararka hufan ee ay soo qoraan dhexdhexaadnimada armaha murugsan ee somaliya ka taagan
guuuuuuuuuuuuuuuuul guuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuul raxanreeb.com
raxanreeb guul iyo gobonimo. anigii aad waxaan ula dhacaa qaabka quruxda badan oo ay sawirada uga soo qaadaan magaalooyinka soomaaliyeed, siiba waxa ay dadka tusiyaan bilicda, ganacsiga, iyo dhismayaal aysan dadka soomaalidaa is dhaheynin meeshaan waa wadankeenii. waxaa kaloo mudan fikradaha shacabka oo qadarin la siiyo ayada oo ay noqotay meel soomaalidu ku sheekeysato oo ra’yiga la isku weydaarsado. taas waxaa kaaga daran maalin walba oo aad furtid wax kaa cajibiya, wax aad ku faraxdid, iyo wax aad ka naxdidba in aad hal maalin ku aragtid baa laga yaabaa ayada oo warku sidii xabadihii isaga soo daba dhacayo.
mashallah Raxanreeb iyo shaqaalaheeda aad baad ugu mahadsantihiin howsha qaran oo aad qabataan.
asc dhaman qorayasha tifaftiraha iyo dhaman shaqalaha raxanreeb waxan idinku bogadinayaa sida aad inoo soo garsisan wararka dalkii hoyo iyo isanka ad usoo qortan wararkina hambalyo raxanreeb
war waa ramadaane runta sheega iyagaava runta idinka og in aysan aheyn waxa aad sheegeysaan mana u dhawa xaqiiqadu ilaahay hadaan ka cavsano wax aan yareyn oo aan wax ka jiraa aysan jirin oo ay soo qoraan aa jira