Kulan Wafdi Beesha Caalamka Ka Socda Iyo Masuuliyiinta DKMG ah Ku Yeesheen Garoonka Diyaaradaha Muqdisho (Faahfaahin)
Muqdisho (RBC) Waxaa goordhow soo dhamaaday kulan garoonka diyaaradaha Muqdisho ku dhexmaray masuuliyiinta DKMG Soomaaliya iyo wafdi ka socday beesha caalamka oo saaka soo gaaray magaalada Muqdisho.
Kulankan oo ka dhacay qeybta shirarka ee garoonka ayaa waxaa ka qeybgalay madaxweynaha KMG ee dawlada waqtigeedu dhamaaday Shariif Sheekh Axmed, Raysul wasare C/weli Gaas, Shariif Xasan iyo qaar ka mid ah wasiirada xukuumadda waqtigeedu dhamaaday. Dhanka beesha caalamka waxaa kulanka ka qeybgalay wakiilka Qaramada Midoobay Augustine Mahiga , Wakiilka Midowga Afrika, IGAD, Midowga Yurub, Talyaaniga, Norway, Turkiga, Ingiriiska Mareykanka, Jabuuti iyo Ethiopia.
Kulanka wuxuu ahaa mid albaavada loo xirtay, waxaana gabagabadii kulanka saxaafadda la hadlay Wakiilka Qaramada Midoobay Mahiga oo sheegay in laga wada hadlay sidii si haboon loogu qaban lahaa doorashada madaxtinimada. Dhanka kale Mahiga wuxuu sheegay in 250 xubnood oo xildhibaanada cusub ee baarlamaanka la hayo ayna dhiman yihiin 25 xildhibaan oo kalioya.
Wuxuu intaa ku daray in maalinta berito la qaban doobno kulankii ugu horeeyay ee baarlamaanka cusub ee Soomaaliya kaasoo ka dhacaya Muqdisho, isla markaana wuxuu hoosta ka xariiqay in kulanka berrito uu isugu jiri doono xaadirinta baarlamaanka iyo doorashada gudoonka cusub ee baarlamaanka.
War saxaafadeed gabagabadii loo qeybiyey wariyaasha oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray Raxanreeb ayaa sheegaya in beesha caalamka ay aad ula socoto xaalada dalka, gaar ahaan dhameynta waqtiga kalaguurka iuyadoo doorashada madaxtinimadana ay u joogaan wakiilo ka socda wadamada iyo ururada kala duwan.
War saxaafadeedka ayaa aad u amaanay dadaalka ay sheegeen inuu yahay mid daal la’aanta ah iyo karti dheeraad ah oo ay guddiga xulista ee baarlamaanka ay muujiyeen iyadoo la sheegay in odayaasha dhaqanka ay qaateen kaalin wax ku ool ah.
Dhanka kale ilo wareedyo ku dhow kulanka oo si hoose ugu waramay Raxanreeb ayaa sheegay in wafdiga beesha caalamka ay ka digeen in doorashada madaxtinimada lagu shubto waxaana si gaar ah a loogu wargeliyey saddexda nin ee hadda hoggaanka dawlada ugu sareysa oo iyaguna musharixiinta ka mid ah inay aqbalaan haddii looga guuleysto tartanka doorashada.
Intii kulankan maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha Muqdisho uu socday waxaa si aad ah loo adkeeyay amaanka guud ahaan garoonka iyo degmooyinka ku teedsan oo saaka la dhigay ciidamo ka mid ah kuwa AMISOM.
RBC Radio











[...] Read the original post: Kulan Wafdi Beesha Caalamka Ka Socda Iyo Masuuliyiinta DKMG ah Ku Yeesheen Garoonka Diyaaradaha Muqd… [...]
asc/ilaahay waxaan ka baryay naa in uu nagu soocelinin sadexda nin ee hada usareeyo dawlada waqtigeedu siiliicayo ilaahay hainoo sahlo mid qayr badan oo dhibta naga saaro ilaahayoow ciidaan ciideeda qayr nagu gaar sii soomaaliyeey dantiina gar ta qabiil wax inama tarayee
Nimankii lagu sheegay danbiilayaasha ee la celiyey balse Sh Sharif sheegay in aan denbiga loo reebin ee la diyaasadeeyey ma la soo celiyey mise sidii bay ku tageen? Bal su’aashaa u guur gala Raxanreebeey. Eid Mubarak ayaan idinka ilaawey Kullu Caam wa Antum Bil Khayr.
25 dhiman ma kuwa la qabeystaa maxaa loogu dari waayey kuwan kale walee soomaliya degi meyso maaha xamar oo keliya ee dagaal daba dheer baa dhici doona hadaan la joojin wax isdaba marinta.
Berrito Dalkeenu wax Madaxweyne la yiraahdo maleh marka loo fiiriyo waxyaabihii warqadaha lagu xarxariiqi jiray. Waxaa la filayay in Dawlad ku sheegtan Allaha na dhaafiyee, uu waqtigeedu ku egyahay Agoosto 20, 2012. Sida hada muuqata oo wararkani tilmaamayaan, Barri waxa la qabanayaahi waa arrimaha Baarlamaanka oo kaliya. Sidoo kale majirto wax mudo kordhin ah oo laga dhawaajiyay.
Hadaba su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah, Yaa dalka Madaxweyne u ah ama lagu ogyahay hogaankiisa mudada kala wareega intay doontaba ha le’ekaatee?
Ma Mahiiga ayaa ah Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya? Ma IGAD baa ah? Yaa dalka masuul ka ah kahor inta wax lasoo dooranayo Ileen ciduna kama hadline?
Hadaba halkaas waxaa ka muuqata in aysan Soomaali waxba faraha ugu jirin ee dalkaan la haysto. Waxa kaliya oo aan fili karnaa waa war kale oo mudo kordhin ah oo dib kasoo bixi doona. Hadii aysan shirkoodii maanta arrintaas ku soo qaadin Wacade wax weyn baa khaldan. Bal aan eegno Afguduud iyo Fuurrax meesha ay nagu furaan. Xitaa iyagoo Madaxnimo sheeganaya ayaysan juuq dhihin, waxay sugayaan oo kaliya Bal sida ay Ajnabigu yeelaan.
WALINA WAA MUSHARIXIIN OO INAY DALKA SII HOGAAMIYAANBAY RABAAN! Amakaag!
K.k.k.k. sxb SUUL CAWRO muddadaas kala guurka ah somalida oo dhan waa madaxweynayaal ee adiguba ku faataxayso.
Allow noo sahal. Waa marxalad adag
S/dhamaantiin ciid mubaarak dhamaan muslimiin kulu caam wa antum bilkheyr hadaan u soo leexano dowlada koley dadku iskusi wax u ma arkaan dowlada hada jirtaa wax xun iyo wax wanaagsan wey leedahay marka wadanku waa dhibaateysan yahay dadkuna sidoo kale oo qabiil ayaa la harey waa inaan dhamaanteen u duceynaainuu ilaahey soomaaliya dhibaatada ka qaato oo uu nasiiyo dowlad caadil ah nabad ramada alle iyo dembi dhaaf aamiin aamiin