Kumaa ku xiga Madaxweyne Shariif? W/Q Dr. C/fataax Warsame Maxamed (Bayle)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Kumaa ku xiga Madaxweyne Shariif?!!!
Dr. C/fataax Warsame Maxamed (Bayle).
agole205@hotmail.com
Agoosto 05 2012

Waddankii Soomaaliya wax uu yeeshay dastuur ku meel gaar ah, run ahaantiina waa wax loo baahnaa oo la’aantiis aysan dawladi jiri karin.
Waxaa la soo xuli doonaa xubno baarlamaan oo dhan 275, xubnahaas ayaa waxaa laga sugayaa inay soo doortaan madaxweynaha dalka Soomaaliya oo ah markaan dawlad rasmi ah.

Dr. C/fataax Warsame Maxamed (Bayle)

Madaxwaynaha hadda xilka haya Shiikh Shariif Shiikh Axmed waa madaxwayne dhalinyaro ah ayna ka muuqato astaan diimeed run ahaantiinaa leh dhaqan fiican, kana muuqda goobaha ay Islaamku isugu yimaadaa sida masaajidda iyo goobaha ay dadku isugu yimaadaa salaadaha jameecada ah sida iidaha oo kale, qodbooyinkiisa inta badan waxaad ka dareentaa cabsidda ilaahay iyo asaga oo soo qaata ayado quraan ah iyo axaadiista nabiga (scw), in badan ayuu dadka soomaaliyeed u sheegay inuu dadka iyo dalkaba ku xukumi doono diinta islaamka, in badan ayuu saaxiibadiisii hore u yeeray oo umuujiyay dabac tiro badan walow ay isla garan waayeen, in badan ayuu xeeriyay inuu baajiyo dagaal iyo in la laayo dhalinyarada soomaaliyeed ee dadka iyo dalkuba u baahan yahay laakiin ma noqon, si kasta oo qalad u jiro qofkasta oo aadane ah waa qaldamaa, hadana waxaad ka dareemaysaa inuu yahay madaxweyne muslimiinta ku dhex jira.

Hadalkayga ugama jeedo madaxweyne shiikh shariif inaan wax ka sheego ee waxaan ula jeedaa dadka soomaaliyeed inaan wax dareensiiyo.

Ma ogtahay.

In wadamo badan oo islaam ah ay xukumaan madaxwaynayaal aan islaam ahayan, waa Kirishtaan kaniisadaha gala ama waa cilmaani aan wax diina lahayan.

Wadamo badan oo islaam ah ayaa waxaa xukuma kuwo islaam sheegta laakiin aan waligood lagu arag goob islaam joogo.

Wadamo badan oo islaam ah ayaa waxaa xukuma maxwaynayaal shiico ah oo aygu islamka suniga laaya.

Kumaa ku xiga Madaxwayne Shariif ?!!!

Su’aashaan jawaabteedu waa mid aad u adag waqigaan maanta ah, laakiin waxaan hubaa in ay dadka soomaaliyeed ay yihiin dadkii soomaaliyeed ee dhibta, colaada, xabadda iyo qaxootinimada ka daalay ee aysan noqonayan dadkale oo cusub, sidoo kale baarlamaanku waa baarlamaankii soomaaliyeed ee ma noqon doono barlamaan meel kale laga keenay, sidoo kale dalku waa dalkii soomaaliyeed oo burburka ka daalay ee dal cusub helimayno, Dhariga wixii noogu jiray ayaa noogu jira si kasta oo aan dhardhaarta uga badalno, fiicnaan la haydaa haddii aan dhardhaarada u adkayno oo aan ayaga toos toosino intii aan kuwo cusub oo aan ciyaartaba la qabsan keeni lahayan, haddii tasi dhici waydo.

Waxaan filayaa inuun noqon doono midka ku xigaa madaxweyne Shariif mid ay raali ku noqdaan dhamaan inta aan kor ku soo sheegay ee aadka u daalan.

By. Dr. C/fataax Warsame Maxamed (Bayle).
Agole205@hotmail.com
Tel. 254713521856 Nairobi Kenya.

========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Share

Tags: ,

15 Responses for “Kumaa ku xiga Madaxweyne Shariif? W/Q Dr. C/fataax Warsame Maxamed (Bayle)”

  1. Puntland boy says:

    Dr c/fitaax waa runtaa shariif ku waxaa ladhihi karaa waa Ninkii ugu diin & aqlaaq fiican intii hogaamiye soomar Tay Soomaalia ,Libta aad kaligiis siineyso malahan ee waxaa la dhihi karaa hadiiba Qof la siinayo Road mapka iyo Fulintiisii 1 waa Gaas , 2 waa Xoosh 3 waa Faroole, Waxa looga soo horjeedaa waxaa ugu waa weyn waa Soomalia diyaar ma u tahay in marlabaad parliament ku sheeg meeshaay dadka wanaag & islaax Soomali nimo kujiro Dadka ku maa muli lahaayeen Iyagii kuraasta isla dhacaya 3 jeer booyad biya ah dhiigoodii lagaga dhaqay Aqka baarlamaanka dhexdiisii, Hadiise parliament kii nin walba xaanshi magacyo ku dhigan yihiin u dhiibayo gudigii technical ka ahaa Maanta Xamar lagu kalo gadanayo , Su’aashu waxay tahay madax weeyne noocee ah beey keeni doonaan, Hadiise ragwada hadlayo maahan Inaad caroodit adigoo og inaan laguu istaageyn Soomaalia marxalad cusub

  2. Puntland boy says:

    Shariifka waxuu kadhaqaa jiyay maalin cad urukii uu madaxda u ahaa maxaakimtii & Saaxiibadiis sida Xasan dahir, Soowmaa heyn Ninkii ak47 Garabka surtay yirina waa dagaa lameynaa , Meehsaas uu fadhiyo waxuu kujoogaa Waa dhiigii Dhalinyaro Soomaaliyeed uu marin habaa biyay Hadana uu lee yahay waa argagixiso , Mawaadan ogeyn in raga duurka kujira Shiiq shariif aay ilaa hada xiriir toosa leeyihiin , Ciyaalkaan maalin kasta meydkooda nala tuso Soowmahan Dhalintii wadanka Qofwalba rabo inuu dhiigooda wax kunoqdaan iyagoo wata magac diimeed sida Shiiq Iwm , Mararka qaar Qofka diinta u ehelka ah oo hadana iyada si xun u isticmaala Waxaa dhaama mid aan diinta ku qaraaban oo meelaad ugu hagaagtuu lee yahay, Su’aasha waa maxaa isku diray dhexdooda ilaa konfurta oo dhan gacan toodeey ku jirtee Yaadiiday Diinteena suuban inaan iyada is ku xukuno shariifka waqtigii laga lahaa waa laga gaarey Marka waxba yuusa. Caroonine ee ilaahow Soomaali Badbaadi, Viva Puntland & Soomaalia

  3. Garyaqaan says:

    Waxaa muhiim ah madaxweyne dalka iyo danta u shaqeeya, muhiim ma leh diinta uu qofku haysto oo dal salaad iyo masjid laguma maamuli karo, diin – ama diin la’aan – waa wax qofka u yaal oo u gaar ah. Teer iyo inta la isku wado diin iyo dan guud taako horay looma qaadi doono oo taas waxgarad oo dhan waa ogsoon yihiin.

    Maxay taraysaa haddii madaxweyne laga dhigo nin nolosha ku dhammaysta dukasho oo dantii loo xilsaaray gees maray? Ma dad iyo dal baa tukasho wax loogu qaban karaa?

  4. saabir takar says:

    mansha allah waan la qabaa mudane dr. abdifitaax bayle.. waa sidaas waxaa haboon odeyga in meesha loo sii daayo anigu waliba ma arkin cid kaga haboone…

  5. maroodi says:

    kkkk Dr Abdifatah umada god aad u jeedo ha u horseedin tuugsi ,dawarsi ,,dagaal sokeeye iyo qabyalad wan ka daalnay. mrka wxn leeyahay dhaman dadka xilka ka haya wadanka Raali Ahaada

  6. somaali diid says:

    Waa fikir saliima lkn banu adamka cilada lagama wayo ,sh.sharfna god daloloyin wuu leeyahay, lkn nin aad u cilada badan maha, ,, ,, wadanka as soomaalia
    SAKIIN IYO FAROOLE wax kaliitaa majogane iska jira both of them are traitor

  7. Gaal neceb says:

    Midka leh tukasho wax lguma keenaayo tolow yaa hubiyo dabadu ma u fiyowdahay,qaansoroobaadle
    Waaba yahaye,kan maqaalka qoreyse adoo kale Waa afnooli hadal inta ku taqaanay a ku baratay Mac tiriye

  8. Haad says:

    @ Garyaqaan

    Qaanso-Roobaad! Awoowgaa Alla Gub! Ma neeftaasaad la timid?

    Maalin dhaweyd nin fiican baad isaga key dhigaysay oo i waaninaya, ileen Calan Qaanso-Roobaad ah baa kaa dul babanayay…kkk balo ku degtay! War ma Frank walaalkiis baad tahay? Lagu dafye, Bismillaahi Raxmaani Raxiim!

    Jj

  9. Garyaqaan says:

    Ma garan ujeeddada ka dambaysa qaanso roobaad. Haddii ay ka dhigan tahay dadka aan Muslimka ahayn, dee taasu waa mid aniga ii gaar ah adigana kaa gees ah.

    Aragtidaydu waxay ahayd qofka dalka hoggaaminaya inuu ahaado qof hawsha gudan kara dalkana waxtar u leh, diintiisu waa ka gooni hawsha dalka. Qodobkaas baa naga dhexeeya keliya.

  10. qarandhise says:

    dr. baadiyow ayaa ku guulaysan doona tartanka madaxnimada insha Allahu.

  11. Haad says:

    @ Garyaqaan

    Su’aal, si daacad ah baan kuu waydiinayaa, Ma Muslim baa tahay miss Gaal?

    Hadii aadan Muslim aheyn Diinteebaad haysataa?

  12. cawaale says:

    shariif diin ooma hiilin dadlna ooma hiilin lagu amano waa nin aan balan lahayn walibana jilicsan ooan difaaci karin danta dalka diin iyo siyaasadna kal asaara,

  13. Garyaqaan says:

    Ku; Haad

    Muslim ma ihi diinna muhiim ama run uma arko.

    Mahadsanid.

  14. Haad says:

    Ku Garyaqaan

    Adigoo raalli ah, ma ku Waydiin karaa waxa aad ku saleysay go’aanka aad qaadatay ee ah Diin la’aanta iyo aragtidaada ku aadan in aysan Diintu muhiim aheyn?

    Salaamun Calaa mani tabaca alhudaa!

    Jj

  15. Geelle says:

    waryaa Gaal neceb, maxaa dabo ku dabodhigay? Ma taada ayaan fayoobayn oo tu aad bi’iso baad rabtaa ?

Leave a Reply