Labada Gudoomiye Ee Gudiga Farmada Oo Looga Yeeray Maxkamada Sare
Muqdisho (RBC Radio) Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Soomaaliya Caydiid Ilka Xanaf ayaa amar ku bixiyay in maalinta barito ah ay maxkamada sare yimaadaan labada la gudoomiye ee gudiga farsamada baarlamaanka Soomaaliya.
Caydiid Ilka Xanaf gudoomiyaha maxkamada sare ayaa sheegay in xubnahaan wax laga waydiin doono sababaha ay u soo celiyeen masuuliyiinta qaar oo ay ugu diideen in ay ka mid noqdaan baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.
Arintaan ayaa waxay ka danbaysay sida la sheegay ka dib markii maanta ay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ay kulan kuwada qaateen xubnaha gudiga Farmada iyo gudoomiyaha Maxkamada Sare isla markaana kulankaasi uu ku soo dhamaaday is afgarawaa.
Xubnaha Gudiga Farmada ee Baarlamaanka cusub ayaa sheegay sida wararku ay sheegayaan in aysan hortagi doonin Maxkamada sare Maalinta Barito ah, oo uu amray gudoomiyaha maxkamada Sare.
Sidoo kale caawa saacadu markii ay tahay 12:00 Sacdii dhexe taariiqduna ay tahay 26-Agoosto ayaa waxaa ku eg waqtiga gudiga farsamada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.
Arintaan ayaa waxay ku soo adaysaa xili madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uu sheegay in liisaska la soo celiyay dacwadooda loo wareejin doono maxkamada sare isla markaana ay go’aan ka gaari doonto.
RBC Radio
Muqdisho











[...] More: Labada La Gudoomiye Ee Gudiga Farmada Oo Looga Yeeray Maxkamada Sare [...]
[...] Continued here: Labada Gudoomiye Ee Gudiga Farmada Oo Looga Yeeray Maxkamada Sare [...]
Sharif wuxu raba in xamar loga cararo ninka maxkamada jogana asaga kensaday gudiga inay madax bananyihina asaga saxixay marki horo iskatu jahil yahay o wuxu sixixay usa aqon xamarna uma qalanto magala madax inta rerdamerole jogan
jkkkkkkkkkkkkkk jamaal is daji bro waa la weyn doonaa u kaadi mesha dad cilmi leh ayaa iskuugu yimid , marka shariiif gabalka wuu kaaa dhacay iska seexo somali uma qalantid adiga iyo qawaadkaaga iyo waxii kula mid ah jahil horta madaxweene isku shegan wuuba adhaceee maxaa meshan soo galiyay
horta dadka lahaysto ma inay soo dacwoodanbaa mise shariifbaa qareenkoodaa yaaaaaab badanaaaaaaaaaaaaa maxkamada maxaa dhibay yadoon arji dacwo cidna u keenin
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
walee shariifku inusan khare sow adan wan ogaa ,,
go aan kuu garay oo qalinka ku doogay ayuu raba inu hadan khilaafo dadku awooda siyya bu raba inu ku mamulo .. maxkamad srae haday daca nimo u shaqy nayso daka waxa lagu so celiyaya way cada haya iyo danbiga ay umada ga galeen hadan hal qodob ka sheo dhibata ay daka u gesteen waxa ugu wayn
1– iyagoo u diiday koonfurta iney dowlad yelato iyo kala danbey
2 iyagoo dadka bara kiciyey
3 iyagoo umadii dhac kufsi iyo macaluul u gesteen ku hoga miyay moriyaan muda 20 sano ah iyo qaar kale oo badan
hadab maxkamada sare ha so bandhigto ragas danbiyadoodu hana u qado xukunkooda haday rabt inay shaqo nadsiif ah oo qabyalad a fog qabato balse haday nin marhore xasanadiisi dhacday u shaqy nayso idank na wa la idn la xisab tamayaa dawalad w ay dhala naysa after couple weeks ha sgu wayinina ficilkaan had ad ku kacaysa jawabteeda oo sharciyaysan
hadab gudomiyaha maxkamada sare wxa kula talion laha inu ka wantoobo garabka foosha xun ee u siinaya madax wayne xasanadiisi mar hore dhacday dhacay
maxkamadda sare ma shariif baa ku shaqaysta. waligay waxaan is waydiin jiray goormay shaqayn doontaa. ilayn shariif bay meel u fadhidaa
xamaray yaa xaal marin waa lagu xumayey ar shariif yaa wax u dhiibay eel waxa dhigay welaed ba ay weled cabdala suu wuxu wax u dhiibay nin aan aqoon waxa dowlad tahay ama qaran iska daa baroorta qab qable wakhtigii waa dhamaaday wasarada cadaalada ayaan shaqo ka siinayna macalimiinta dugsiyada dhiga waxay mushahar ka qaatan w d q caydiid ilka xanaf ayaa ku siinaya insha allaah