Labo Dumar ah oo Maanta Shaaciyey Inay u Tartamayaan Jagada Madaxtinimada Soomaaliya (Warbixin)
Caasho Axmed Cabdalle oo horey uga tirsaneyd baarlamaanka KMG Soomaaliya iyo Amaal Cabdi Ibraahim oo ah haweeney ku nool wadanka Finland ayaa maanta shaaca ka qaaday inay tartanka madaxtinimada Soomaaliya ay ka qeybgali doonaan.
Caasho Axmed Cabdalla oo ku sugan magaalada Nairobi ee wadanka Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay mar labaad ka qeybgaleyso tartanka doorashada madaxtinimada ee la filayo in Muqdisho lagu qabto bishan dhamaadkeeda.
“Waxaan ku dadaali doonaa in la dhiso dawlad Soomaaliyeed oo caddaalad ku saleysan” ayey tiri xildhibaanad Caasho oo Nairobi wariyaasha kula hadashay.
Caasho Cabdalla waxay eedeyn kulul u jeedisay dawlada hadda hoggaanka heysa oo ay sheegtay inay ku caanbaxday lunsiga hantida dadweynaha iyo boobka deeqihii adduunka uu siiyey shacabka. Waxay kaloo sheegtay in madaxda dawlada hadda jirta ay had iyo jeer u hanjabaan xildhibaanada baarlamaanka
Caasho Axmed Cabdalla waxay sanadkii 2004 ka qeybgashay tartanka madaxtinimada DKMG ahayd ee lagu dhisay wadanka Kenya inkastoo aysan ku guuleysan laakiin waxay ka mid noqotay mudanayaasha baarlamaanka.
Musharaxada labaad ee dumarka ah waa Amaal Cabdi Ibraahim, oo haweeney 37 jir ah oo mudo dheer deganeyd wadanka Finland inkastoo dastuurka uu sheegayo in musharaxa madaxweynaha uusan ka yaraan Karin 40 sano jir.
Sida ay sheegtay Amaal waxay goosatay inay Muqdisho tagto oo ay ka qeybgasho tartanka madaxweynanimo ee Soomaaliya.
“Haddii aniga la i doorto waxaan xooga saari doonaa inaan u gurmado haweenka iyo carruurta, gaar ahaan dumarka garoobada ah oo ah kuwa ugu badan ee dhibaatada Soomaaliya ay ka soo gaartay” ayey tiri Amaal oo wareysi siisay telefishanka wadanka Finland ee Finish TV.
“Waxaan kaloo caawin doonaa haweenka kaligood nool ee loo yaqaano ‘single mothers’ iyo agoonta” ayey sii raacisay.
Iyadoo tirada musharixiinta raba tartanka doorashada inay ka qeybgalaan oo hadda ku dhow afartameeyo ay sii kordheyso ayaa haddana ay tani noqoneysaa markii ugu horeysay oo dumar intaasi dhan ay sheegaan inay madaxweynanimada Soomaaliya u tartami doonaan.
Waxaana arintan ay imaaneysaa iyadoo weli dood adag ay ka jirto in dumarka ay madaxweyne ka noqon karaan dalka iyo in kale, taasoo si weyn loogu kala aragti duwan yahay.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi











[...] Read the article: Labo Dumar ah oo Maanta Shaaciyey Inay u Tartamayaan Jagada Madaxtinimada Soomaaliya (Warbixin) [...]
Naaaa camal la aanta iskadaayo
kkkk midaan kulahaaa dumarka garoobadaa baaa caawinayaa iyo kuwa single mother ta ah oo dadkii intii kale aaway intaas maa madaxweyne utahay waaba yaabe sheeko bay keentay
adeer wax ma idiin sheegaa ordayoo guryihiina iyo carruurtiina iyo raali galinta ninkiina ka soo shaqeeyo somali madax unoqon maysaane
ma dhurwaa hilbo kuraraa.
malahaa ayadaa garoob ama single mother ah that is why she want support them kkkkkkkkkkkkkkk?