Liiska Mudanayaasha Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya oo La Shaacin Doono Saacadaha Soo Socda


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Sida xubno ka mid ah guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka ay saaka u sheegeen Shabakada Raxanreeb waxaa la filayaa in saacadaha soo socda la shaaciyo liiska xubnaha baarlamaanka cusub.

Xubnaha u waramay Raxanreeb waxay xaqiijiyeen in tiro illaa 30 xubnood ahaa oo ka dhinaa tirada guud ee baarlamaanka ee ah 275 la soo dhameystiray lana filayo in guddiga xulista iyo xubnaha beesha caalamka ee Muqdisho jooga si wadajir ah ay u shaaciyaan liiska.

Lama og in liiska lagu baahin doono warbaahinta hase yeeshee Raxanreeb waxay ku dadaali doontaa in liiska ay hesho una soo bandhigto akhristayaasha, hadduu Alle Idmo.

Doorashada

Sida hadda qorshuhu yahay waxaa lagu wadaa in doorashada afhayeenka baarlamaanka cusub ay ka soo hormarto mida madaxweynaha, sida Raxanreeb ay dhowaan u sheegeen guddiga iyo saraakiil madaxtooyada ku sugan oo arimaha la socda, taasoo meesha ka saartay khilaafkii ka taagnaa in doorashada madaxweynaha la horeysiiyo sida uu rabay Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Doorashada afhayeenka baarlamaanka ayaa qorshuhu yahay inay dhacdo ugu dambeyn 20-ka Agoosto, halka tan madaxweynaha ugu yaraan labo maalmood ay ka dambeyn doonto mudadaasi.

Xubin ka mid ah guddiga xulista oo Raxanreeb ay weydiisay in taariikhda 20-ka Agoosto oo waqtiga kalaguurka ku eg yahay in dib looga dhaco ay noqon karto caqabad kale, wuxuu sheegay inaysan wax dhibaato lahayn in mudo maalmo ah hawsha lagu daro maadaama sababo dhanka farsamada ay arimuhu illaa hadda u jiitamayaan.

Si kastaba waxaa la rajeynayaa in loolanka musharixiinta u dhexeeya iyo ololayaasha doorashooyinka ay sii xoogeystaan beryaha soo socda, iyadoo magaalada Muqdisho ay martigalisay dad aad u fara badan oo ajnabi iyo Soomaali isugu jira doorashadan darted.

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

1 Response for “Liiska Mudanayaasha Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya oo La Shaacin Doono Saacadaha Soo Socda”

Leave a Reply