Maamul Cusub oo loo magacaabey Xafiiska Ergadda Puntland ee dalka Ingiriiska (Office of Puntland Mission in the UK)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Cabdikaasim Maxamed Xassan (Dhagaweyne)

London,UK (RBC) : Sida ku cad nuqul ay heshay RBC warqad ka soo baxdey 28 August 2012 Xafiiska Madaxa Ergadda Puntaland ee dalka Ingiriiska Prof. Cabdulkadir Jibril ( head of Puntaland mission in the UK ) ayaa lagu magacaabey maamul cusub oo ka hawl geli doona Xafiiska Ergadda Puntaland ay ku leedahay dalka Ingiriiska.

Maamulkan cusub ayaa la dhisay ka dib markii wada tashiyo iyo talooyin badan oo muddo socdey la is weydaarsadey si loo mideeyo fikirka iyo waxqabadka Jaaliyadaha Puntaland ee dalka Ingiriiska , taasoo aad ka dheehan kartid qaab dhismeedka loo dhisay maamulkan ka hawl geli doona Xafiiska Ergadda Puntaland , ayagoo ka kala yimid dhamaan Jaaliyadaha Puntaland ee ka dhisan dalka Ingiriiska. Waxaa sidoo kale kaalin mug leh oo aad u xoog badan ka qayb qaadatey masuuliyiinta Dowladda Puntaland oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Cabdirahmaan Maxamed Maxamud Faroole iyo Golihiisa Wasiiradda oo mar walba oo ay shaqo u yimaadaan ku dhiiri geliya Jaaliyadda Puntland ee dalka Ingiriiska inay Maskaxdooda iyo waxqabadkooda mideeyaan oo ay yihiin kuwa dalkii iyo dadkiiba ay sugayaan !

HALKAAN KA AKHRISO XUBNAHA PUNTLAND (Office of Puntaland Mission in the UK)

Sida uu RBC u sheegay Ku-xigeenka madaxa Xafiiska Ergadda Puntaland ee dalka Ingiriiska ahna Chief of Protocolka Mr, Abdiqasin Mohamed Hassan (dhagaweyne) “ waxaa na horyaala hawl adag, waxaana aanu ku dadaali doonaa in ala´ iyo intii awoodayadu na gaarsiiso oo shaqo ah in aanu qabano, diyaarna waxaanu u nahay inaan si Volunteer ah ku shaqeeyno haddii ay naga fursan weydo “.

Share

Tags:

7 Responses for “Maamul Cusub oo loo magacaabey Xafiiska Ergadda Puntland ee dalka Ingiriiska (Office of Puntland Mission in the UK)”

  1. Sama_Kataliye says:

    War nimankaan aan Puntland sida loo qoro kasayn wax qabad kama sugayo anigu.

  2. Dulmi-diid says:

    Ergada Puntlan!!!… Garoowe iyo Boosaaso Ififaale gooni u goosad ayaa ka soo muuqda. Ha la idin arko.. Another Somaliland in the making….

  3. qandala girl says:

    TO sama_kataliye waalaal niyad jabka jooji oo wax fiican ku bishaaryso waad helaysaa
    laakinse hadaad wadto wax qabad sugumyo sidaad tiri bay noqonysaa ee niyada khair u sheeg

  4. Faduma Ali Nur says:

    Hanbalyo hogaanka cusub , waxan ka sugeena waxqabad iyo dadaal , waxan huba in uu ka soo baxayo xilkaas , ka daaya dadka hujuumka iyo dagaalka, bal horta hubiya wax qabadkiisa iyo waxa uu yahay, marka waxan leehay ha guuleesto hogaanka cusub.

    Thanks
    Fay

  5. dubays says:

    HADDAAN NAHAY === SIDA ===== KABAXNAY PUNTLAND MARKA NAGA QADIYA HADAAD RABTAAN MAAMULKA

  6. F.B.I says:

    KU: DULMI DIID xaare yohow xaaruhu dhalay puntland bosaso iyo gorowe kaliya maaha haday goostaana way ugaartay waa dawlad madax banaan maamulka cusubna hawl ayaan idinka sugaynaa

  7. SUULDHABAALE says:

    Hambalyo ayaan idin leenahay. Waa la idiin han weyn yahay. Hawshiina ugu horaysaa ha noqoto isku keenidda dadka iyo wax u qabadka dalka “PUNTLAND”

    Ogaada cadowgiinu waa badan yahay, waxaadna ku waajihi kartaan isku duubni iyo wada jir!!!
    haddii taas la idinka waayo arrinku waxuu noqonayaa ” waa Baciid gabay oo ban yuurura” habar dugaagna halis ayaad u tihiin. waana la idin hal gyran!!!!!

Leave a Reply