Maamulka Gobalka Shabeelaha Dhexe Oo Faahfaahin Ka Bixiyay Howlgalo Laga Sameeyay Tuulooyin ku Dhow Balcad
Muqdisho (RBC Radio) Maamulka Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in ay howlaglo ay ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Balcad ee gobalka Shabeelaha Dhexe.
Daa’uud Xaaji Ciro oo ah Afhayeenka maamulka gobalka Shabeelaha dhexe oo warbaahinta u waramay ayaa wuxuu sheegay in ciidamada dowlada ay howlgalo balaaran ay ka sameeyeen deegaanada hoostaga degmada Balcad.
Wuxuu sheegay in howlgaladaasi lagu sameeyay deegaano ay ku sugnaayeen kooxda Al-Shabaab, isla markaana ciidanka dowlada ay dileen labo ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab.
Sidoo kale wuxuu sheegay in ilaa iyo Shan Qori oo ah qoryaha fudud ay ka qaateen dagaalyanahadana ka tirsan kooxda AL-Shabaab, deegaanadii ay ku suganaayeena ay ka saareen.
Degmada Balcad ee gobalka Shabeelaha dhexe ayaa dhowaan waxaa la wareegay ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM kuwaasi oo ka saaray maleeshiyada Al-Shabaab oo mudo dheer halkaasi ka ariminaysay.
Inkastoo ciidamada iyo kuwa AMISOM ay haatan gacanta ku haayaan degmadaasi ayaa hadana xiliyada qaar waxaa ka dhaca weeraro iyo waliba dilal qorshaysan oo ay kooxdaan ka danbayso.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho











[...] View post: Maamulka Gobalka Shabeelaha Dhexe Oo Faahfaahin Ka Bixiyay Howlgalo Laga Sameeyay Tuulooyin ku Dhow … [...]