Maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose Oo Sheegay Inay Wax ka Qabanayaan Askarta Shacabka Ku Booba Dharka Ciidamada


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Xili jid gooyooyin badan ay yaalaan inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye kuwaasi oo lacago looga qaado gaadiidka isticmaala wadadaasi ayaa hadana maamulka gobalka Shabeelaha oose wuxuu sheegay in uu arintaasi wax ka qabanayo.
Guddoomiyaha gobalka Shabeelaha Hoose ee dowladda Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa sheegay in ay jiraan dad wata dareeska dowlada kuwaasi oo dhac u geesta dadka shacab ah.

Wuxuu sheegay in laga hortagi doono shaqyiyaadkaasi dareeska ciidamanka dowlada ku dhibaataynaya dadka shacabka ah eek u nool deegaanada gobalka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale wuxuu sheegay gudoomiyaha gobalka Shabeelaha Hoose in ay jiraan ciidamo si gaar ah u taba baran oo haatan la dhigay wadooyinka kala duwan ee degmada Afgooye, kuwaasi oo uu sheegay in ay ka hortagayaan shaqsiyaadkaasi.

Mudooyinkaanba waxaa jira dad ka cabanayay dhibaatooyin ay u geestaan askar ku labisan dareeska ciidanka dowlada Soomaaliya, kuwaasi oo ku sugan deegaanada dowlada ay ka joogto gobalkaasi.

Ma ahan markii ugu horaysay oo ay saraakiisha dowlada iyo maamulka gobalka Shabeelaha Hoose ay sheegaan in ay ka hortagayaan ciidamada dowlada ee dhibaateeya dadka Shacabka ah.

RBC  Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

2 Responses for “Maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose Oo Sheegay Inay Wax ka Qabanayaan Askarta Shacabka Ku Booba Dharka Ciidamada”

  1. [...] View the original here: Maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose Oo Sheegay Inay Wax ka Qabanayaan Shaqsiyaadka Dadka Shacabka Ah k… [...]

  2. [...] Original post: Maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose Oo Sheegay Inay Wax ka Qabanayaan Askarta Shacabka Ku Booba Dharka… [...]

Leave a Reply