Maamulka Maagaalada Baydhabo Oo Sheegay In Anaan La gaarin Xiligii Ciidamada Itoobiya ay Bixi Lahaayeen
Muqdisho (RBC Radio) Gudoomiye ku xigeenka magaalada Baydhabo ee dowlada Soomaaliya Maxamed Macalin Ibraahim ayaa waxuu ka hadlay xaalada magaalada Baydhabo, iyo waliba dagaalada ciidamada dowlada ay kula jiraan AL-Shabaab.
Maxamed Macalin ayaa wuxuu sheegay in amaanka magaalada Baydhabo haatan uu yahay mid wanaagsan laakiin, wali uu socdo dagaalka ay kala soo horjeedaan Al-Shabaab.
Marka la waydiiyay mar hadii ciidamada AMISOM halkaasi la geeyay in laga maarmo ciidamada Itoobiyaha ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Itoobiya aysan dhamaan wali howshii ay u yimaadeen.
Wuxuu sheegay wali in uu socdo dagaalka Kooxda Al-Shabaab isla markaana loo baahanyahay ciidamadaan wali, wuxuuna tilmaamay markii ay baahidaasi meesha ka baxdo in ay laabadan karaan ciidamadaan.
Hadalka gudoomiyaha ayaa wuxuu ku soo adayaa xili magaaladaasi la geeyay ciidamo AMISOM ah kuwaasi oo lagu badalayo ciidamada Itoobiya, waxaana la sheegay in ay qaarkoodna la sii wareegeen fariisimo cusub.
Horay ayaa taliska Midowga Afrika wuxuu u sii sheegay in ciidamada AMISOM la gayn doono dhamaanba gobalada Soomaaliya si ay ula dagaalamaanka kooxda Al-Shabaab isla markaana ay maanka u sugaan.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho











[...] See original article: Maamulka Maagaalada Baydhabo Oo Sheegay In Anaan La gaarin Xiligii Ciidamada Itoobiya ay Bixi Lahaay… [...]