Madaxda Soomaaliyeed yaan keligood La Ceebeysan. W/Q Dr. Saciid Ciise Maxamud


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Madaxda Soomaaliyeed yaan keligood La Ceebeysan
Dr. Saciid Ciise Maxamud
Saciidciise258@aol.com
Gudoomiyaha Xisbiga Dadka
Musharax Madaxweyne Soomaaliya
Agoosto 01 2012

Masuuliyiinta qaranka Soomaaliyeed waxey huwan yihiin calanka iyo sharafta Soomaaliyeed. Madaxweynaha Soomaaliya waa qalad in eedeyntiisa loo soo mariyo warbaahinta. Ma jirto madaxweyne hogaaminaya dal ka tirsan Qaramada Midoobey oo shaqaale ka tirsan urur caalamiya ay si qaawan adduunka xatooyo xoolo dadweyne oo rubuc malyuun dad ah ay u dhinteen gaajo ay sababtay abaar ku soo eedeyn kara.

Dr. Saciid Ciise Maxamud Gudoomiyaha Xisbiga Dadka Musharax Madaxweyne Soomaaliya

Caalamka waxaa u yaala qawaaniin guud oo caalamiya, dalna dal kale ma faragelin karo arrimihiisa gaaraka. Masuuliyinta ugu sareysa wadan kasta waxaa jira hab dhaqan loo maro haddii eed loo soo jeedinayo, dhaqankaas oo waafaqsan diplomaasiyad daboolan. Aflagaadada loo geysanayo madaxda wadamada adduunka waa dembi caalamiya iyo meel ka dhac loo geystey calanka iyo xurmada wadamada ay metelaan.

In musuqmaasuq baahsan uu ka jiro wadanka Soomaaliya ma ahan arrin qarsoodiya laakiin waxaa qaldan in madaxdii dowlada Soomaliyeed iyaga oo haya xilka wadankooda lagu ceebeeyo caalamka oo dhan. Haddii ay jirto eedeymo sal leh waxey ku habooneed in madaxdaas si qarsoodiya loogu soo gudbiyo eedeymaha lagu maleynayo ama in laga codsado ineysan dib isku soo sharaxin inta tuhumadaas la cadeynayo. Waxey intaas kaga wanaagsanaan lahayd in la sugo inta Soomaaliya ay yeelaneyso dowlad rasmiya oo wakhtigii la heli lahaa uusan dheereyn.

Aflagaadada loo geystey madaxda Soomaaliyeed waa arrin ku cusub diblomaasiyada adduunka, waana arrin dhaawac weyn ku ah madaxbanaanida ummadda Soomaaliyeed. Madaxweyne jamhuuriyadeed oo maxkamad caalamiya aysan ku eedeyn dembi in la ceebeeyo waa sharcidarro caalamiya ee loo geysanayo shacabka Soomaaliyeed, taasna waa mid xumeynkarta xiriirka qaramada midoobey iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay ceebeynta madaxda Soomaaliyeed waa in la meelmariyo in gudiyo iyo shirkado shiskeeya ay maamulaan dhaqaalaha dowlada Soomaaliyeed, taas oo aan ahayn mid la aqbali karo, waayo haddii aadan dhaqaalaha xor ka ahayn ma tihid wadan xor ah. Waxaan gacan ku siineynaa madaxda Soomaalida in si aqoon leh ay isaga dabraan shisheeyaha doonaya cagajugleyn iney kula wareegaan milkiyada ismaamulka dowladnimada Soomaaliyeed. Ma jirto dal yeelaya in la maamulo dhaqaalahooda iyo awooda madaxbanaanidooda.

Waxey shirkado shisheeya marar badan ay caadeysteen in magaca iyo sharafka Soomaaliyeed ay ku aruursadaan dhaqaale fara badan oo inta badan hantidaas lagu dhunsado dibeda. Marnaba ma dhicin in dabagal lagu sameeyo hayadahaas caalamiga oo madaxdooda lagu soo eedeeeyo hantida ay sida xu u maamulaan. Marka haddii xatooyada shisheeyaha waxba laga qaban waayey, taasi waxey keentay in madaxda Soomaaliyeed la tuso shacabkooda oo weliba farta lagu fiiqo xoolo inta badan dibeda lagu soo dhaco.

Waxaan u soo jeedineyna kooxda baareysa dembiyada waa iney ilaaliyaan magaca iyo sharafta Soomaaliyeed mar haddii ay yihiin koox aan sharci iyo awood midna u laheyn iney wadanka Soomaaliya gudihiisa aqoonsi dowladnimo ay wax ku dabagalaan. Madaxda la eedeeyey waa kuwii baari lahaa dembiyada dowlada lagu soo oogey, marka ujeedada eedeyntan soo macnaheedu ma ahan in la isku deyayo in Soomaaliya aysan dib u helin gobanimadeedi iyo dowladnimadeedi oo dhameystiran. Waa xaq in lala xisaabtamo madaxda dowlada, waxaana mudnaan u leh oo keliya waa shacabka oo kaashanaya hanti ilaaliyeyaasha iyo xeer ilaaliyeyaahooda, wixii intaas ka baxsan waa faragelin qaawan oo lagu hayo arrimaha guddaha Soomaaliyeed.

Waxaan u soo jeedinaya Qaramada Midoobey oo hor ka ceysa bulshada caalamka in eedeyntu ay noqoto mid loo siman yahay oo wada quseysa gudaha iyo dibedaba ama iney ku ekaadaan oo keliya gacansiinta iyo howl fududeynta ay dowlada Soomaaliyeed igu baahan tahay si looga guuro nidaamka ku meelgaarka. Waxaan ka soo horjeedna eedeyntaas oo aan waafaqsaneyn hab dhaqanka xeerarka caalamiga.

Waxaan aamin sanahay in Soomaaliya ay ka dhacday dembiyo fara badan oo leh boob hanti guud iyo mid gaara, waxaan kaloo rumeys nahay inuu sidoo kale ka dhacay xasuuq ku saleysan gaajo iyo colaad. Marka Soomaaliya maanta ma joogto xiligii ay furi lahayd maxkamad cadaalada oo dhageysata dembiyadaas, bulshada caalamkana kama muuqato iney awood u leedahay dembiyadaas baahsan iney maanta furto dhaqaalexumo haysata awgeed. Marka Haddii aan nahay Soomaali danteenu waxey ku jirta maanta in geediga aan ku dooneyno dowlanimada buuxda ineysan naga mariin habaabin qaswadayaasha shisheeyaha oo marba nagu furaya mashaariic ay dantoodu ku jirto.

Dr. Saciid Ciise Maxamud

Gudoomiyaha Xisbiga Dadka

Musharax Madaxweyne Soomaaliya

========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Share

Tags:

15 Responses for “Madaxda Soomaaliyeed yaan keligood La Ceebeysan. W/Q Dr. Saciid Ciise Maxamud”

  1. [...] Continue Reading: Madaxda Soomaaliyeed yaan keligood La Ceebeysan. W/Q Dr. Saciid Ciise Maxamud [...]

  2. Sama_Kataliye says:

    War yaakhey adduunkii waxaa qaribay nin Dr. sheeganayaa hase ahaatee aan wax uga hoosaynin magacaas qawaan. calan mahaysano, qaranimo mahaysano, sharci iyo kala danbayna mahayno, dowlad soomaaliyeed iyo hay’adaheediina mahaysano, madaxweyne sharciyaysana mahaysano. Marka Dr. waxaa ka lunsan in meesha uu ka taliyo madaxweynena kayahay Augustine Mahiga nimcoow ama jecloow waa xaqiiqo marag madoonta ah.

    Bal saciidow dowlad iyo calan meesha kama jirtee bal dib iskugu noqo…..doodaydu mahan in aan qowlaysatada UN_ta aan u doodayo.

  3. Cismaan says:

    Siyaasi Somali oo aan eedeyn iyo xabsi istaahilin ma jiro.. Wax Lagu amaano hadey Jiraan, Dalkay ka muuqan lahayd…………….Siyaasi aan qaladkiisa la sheegin oon lala xisaabtamin oo sidii boqorkii loo sacbiyo kaliya waa halis….They must be criticized and be held responsible until they change their corrupt ways which I doubt will ever happen……………………….Nagala tag sheekada ah siyaasiyiinta yaan la dhalleecayn. !!!

  4. Baalle says:

    inay musuqmaasuq yihiin qarsoodi ha loogu sheego??? hahahahahahahahahahahahahahahaha

  5. real maakhiri says:

    Qoraagu waxaa u ka mid yahay sida muuqata waxa soomaalidu u taqaan ”ANNA WEYKAN.” Inta aadan difaacin waa in aad is weydiisaa, edaymaha loo soojeediyey wax makajiraan? Qoraalkaaga waxaa ka mid ah: ”in si qarsoodi ah loogu sheego bay ahayd.” Which means they (monitoring group) shouldnt have told it to Somali people. markale ayaad qortay: ” madaxda lasoo xatooyada lagu edeyey waa kuwii baari lahaa arintan.” Which is also contradictory and conterversial statement, sababta oo ah sidee shikhsiyaad iyagii la edeyey suurtagal u tahay in ay waxbaraan, maxayse tahay sababta dadka somaliyeed looga qarinayaa in madaxdoodu tahay TUUGO? Qoraaga sxb articlekaagu waa nonsense. Waxa tahay waxa loo yaqaan ”anna weykan”

  6. Haad says:

    A/C

    Ku: Dr Siciid Ciise

    Waxaan u fahmay dulucda hadalkaaga, (Ha la daboolo gabood falka ay geysanayaan madaxda Soomaaliyeed ee uu ugu horreeyo Madaxweynuhu). Sidee wax u hagaagayaan hadii aanan si muuqata farta loogu fiiqin shaqsiyaadka dalka iyo dadkaba dhibaateynaya?

    Waxaad sheegtay in madaxda dalkeena kaliya wax laga qoray oo hantida dibadaha ajnabigu ku boobayaan ee magaca Soomaali lagu soo qaado aan waxba laga dhihin.

    Hawsha ah in qawlaysatada shisheeye dalkeena laga horeeyo waa waxa ay madaxda soomaaliyeed meesha u joogaan oo ay xilalka u hayaan. Shaqada loo egmaday waa inay danaha dalka iyo dadka ilaaliyaan. Hadii ay madaxdaadu hawshoodii gabeen ma ahan in cid aan shuqul ku laheyn lagu eedeeyo.

    Sidoo kale waxaad tiri, eedeynta madaxda loo soo jeediyay ma waafaqsana Xeerarka Caalamiga ah.

    Ma jiro Xeer la isku raacsanyahay oo dunida oga yaalla qaabka iyo sida shaqsiga madaxda ah musuqmaasuq loogu soo eedeyn karo. Cid kasta ayaa qofka madaxda ah musuqmaasuq ku eedeyn karta. Wariyayaasha Caalamka, Xisbiyada, iyo Shaqsiyaadka kaleba xitaa way eedeyn karaan qofka madaxda ah waliba si facshar ah. Laakiin shuruucda Caalamiga ah ee dagsani waa Cadeymo intee le’eg ama heerkee gaarsiisan baa shaqsiga la eedeeyay maxkamad lagusoo saari karaa.

    Sidaas daraadeed, eedeymaha ay Kooxda Ilaaladu (Monitoring Group) madaxda soomaaliya usoo jeediyeen waa ansax wayna ku mahadsanyihiin. Sidoo kale, eedeymaha kale ee muuqda oo ay galayaan madaxda dalku ayaa ka weyn kana fara badan musuqmaasuqa lagu soo eedeeyay. Wayna haboonyahay in wax-isdabamariskooda had iyo goor bannaanka loo soo saaro si berri ka maalin la isaga ilaaliyo oo aan loogu khaldamin.

    W.t

  7. daljirka says:

    kkkkkkkk .
    Asc, dr waxan waydin lahaa manta inaga ma sharci caalamiyaa ina qabta ? Haduu ina qabto maxaa NATO dhoobay badeena ? Maxaa markii larabana loo soogalaa markii larabana looga baxaa ?
    Tan kale madax qaran maleenahay ? Hadaynu leenahay maxay mahii oo ergey xun ah ugu daba faylaaan ? Maxaa marba meel looga ga yeeraa sidii shaqaale hay adeed ? ??
    TAN KALE musharaxna waad tahay corruption kiina hala qariyo ayad tiri ! Waa war cajiib , nimankan madaxdaa oo hada jooga iyo hadii kuwa lamidihi yimaadaan , wax sumcada kumalaha umada dhexdeeeda aduunkuna maanta waa isu furan yahay cidina wax maqarin karto anana ninka dadka gaajada udhimanaya xadaya qariya wax aan aqbali karo maaha. Magaca ay wataan mayaqaaniin inay wadan dhan calankiisii huwan yihin ma oga , sheekadoo doo dhan waa Madax ayaan ahay lkn shaqaalaha WFP ayaa ka sumcad badan markaad eegto sida aduunku ula dhaqmo ,

  8. Cadaad Hurumbe says:

    Somali meeshay taallo waxa ugu sabab ah Siyaasiinta jirta oo gaarsiiyey in niman aan waxba ka ahayn ummadey u dhasheen ku amar taagleeyaan Somali. Waxa maanta dalka xukuma Mahiga. Mahigoo maxaad tahey? Shaqaale UNta ah. Billaahi Caleykum, ma qof shaqaala ah ayaa taqriirkii Dalka iyo Ummadda Somaliyeed gacanta loo geliyey. Inty ummaddanu dadnimo yeeleynayso ceeb iyo sharaf darro waa la derfis, wabana lagama qaban karo. Allow maruun ma is garwaaqsan doonta oo ma ku kici doonaan talaabti ku habbooneyd. .

  9. Eng. Maxamed Jaamac says:

    Asc Diktoore waxaad tiri Waa xaq in lala xisaabtamo madaxda dowlada, waxaana mudnaan u leh oo keliya waa shacabka oo kaashanaya hanti ilaaliyeyaasha iyo xeer ilaaliyeyaahooda. waa su’aale Dowladu ma awoodda shacabkeeday wadanka ku joogtaa mise awood shisheey, shalay laba shariif iyo baarlamaankooda sow dibada lagama keenin? marka Diktoore maanta Soomaali awood ay kula xisaabtanto maba lahan waxa laxisaabtamaya waa ciddii meesha keensatay marka soomaali Allaha usoo celiyo sharaftoodii iyo Qaranimadoodii.

  10. wadani says:

    asc marka hore salan kadib walaahay aad baan ugu raacsanahay walalkay dr alaha khayr siiyo maanta maxaa loogu soo beegay arintaan ayadoon ognahay wax ka daran inay dhici jireen soomaaliya hadoo la ogaaday inay hami iyo saansaan soo muuqato ayaa soomaalidii larabaa in laga dhabqiyo waayo cadowgaagu kulama rabo wanaag yaase UN la xisaabtama asaga yaa AMERICA dadka muslimiintaa ay laynayso la xisaabtama waxaa fiican soomalidu inay fakarkooda kor u qaadaan oo ay fiiriyaan waryaa war ka qaadanaysaa oo ka dhagaysanaysaa ma gaaladaas is bahaysatay walalayaal soomaaliya lalama doonayo xoriyad iyo ismaamul iskeeda ee gumaysibaa inagu soo foole illaah haduusan farad noo furin

  11. war waxas oo kale baa ka hadlaya soomaliya war kan kenya yaa ugadaay safaaradeeda war waxaas halaga qabto wadanka qashinkaa asaga iyo nuur cade =========== talyaaniga uyurub baanu u8 sheegaynaa hawshay qabtaan

  12. waayeel says:

    Yaabka yaabkiss ! Aan wax xadee tuug ha idhina. waa dhurwaa aamin ugu yeer…

  13. Dhaanteeye says:

    Dadka halkaan wax ku qora maxay u garaad yar yihiin? Qoraagu wuxuu sheegay inta gees maraan bay ama asaga wareeraraan ama maaddada uu ka hadlay meel kale la aadaan ama maaddo kale oo aan loo joogin ka hadlaan. Ogaan bay eegmada u gees maraan ama uma dhur leh waxay ku hadlayaan. Ma dad sidaan u badan baa Soomaaliya maanka ka jirran mise wax kale oo aan ogayn baa jira? Mise mereegahaan wuxuu u caadi yahay dad aan aqoon sare lahayn oo aan awoodin garashada gorfaynta? Runtii waan la yaabay farriimaha halkaan lagu qoro.

  14. waxaa fiican in aan laablakaca iska deyno ee aan warka siffican u fahanno

  15. waxaa fiican in aan laablakaca iska deyno ee aan warka siffican u fahanno,ma ahan waxa sacciid yiri majirto cid musuqmaasuq wadanka ku hayssa laa kiin waa in madaxdeena lola dhaqmaa sida madaxda kale ee caalamka marka ay dembiyada galaan

Leave a Reply