Madaxweynaha Galmudug Oo Booqasho Ku Maraya Qeybo Ka Mid Ah Mudug


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Hobyo [Radio RBC] Madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug General Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo xubno ka tirsan maamulkiisa ayaa booqasho ku maraya qeybo ka mid ah gobalka Mudug.

Wafdiga uu hooggaaminaayo Cabdi qeybdiid ayaa maanta oo Khamiis ah waxa ay gaareyn deegaanka Budhbudh oo ka tirsan gobolka Mudug sida ay soo sheegayaan wariyaasha la socda wafdiga.

Cabdi Qeybdiid ayaa dad soo dhaweeyay isaga iyo wafdigiisa waxa uu kala hadlay meel fagaaro ah, waxana uu sheegay in maamulkiisa ay xoogga saari doonaan arrimo ay ka mid yihiin horrumarinta arrimaha bulshadda, waxbarashada, adeegyada caafimaadka iyo in lagu ballaariyo maamulka Galmudug gobalka oo dhan.

Wuxuu ugu baaqay dadkii ku sugnaa  goobta  in ay la shaqeeyaan maamulkiisa, isagoo ka dhawaajiyay in ujeedka socdaalkiisa ay la xiriirto in uu isku xiro gobalka oo dhan, halkaasna lagu baahiyo maamulka cusub.

Cabdi Qeybdiid ayaa sidoo kale sheegay in deegannada ay booqanayaan ay la kulmi doonaan odayaasha iyo dhaqanka ku dhaqan  deegaannada uu ka arrimiyo maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa sheegay in isaga iyo wafdigiisa ay ku wajahan yihiin degmada Hobyo iyo deegaanka Af-Barwaaqo oo ka mid ah meelaha ay ku xooggan yihiin burcad-badeeda Soomaalida.

Warar saaka soo baxay ayaa muujinayay in wafdiga Cabdi Qeybdiid ay ku wajahan yihiin degamadda Hobyo halkaasoo xarun u ah burcad-badeeda.

Waa markii ugu horreeyay ee madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug Cabdi Qeybdiid uu booqdo deegaannno ka tirsan Galmudug.

Cabdi Qeybdiid ayaa horraantii bishan loo oo doortay madaxweynaha maamulka Galmudug, in kastoo madaxweynihii ka horreeyay Maxamed Axmed Caalin uu diidan yahay maamulka cusub ee xilka kala wareegay, waxana uu ku tilmaamay tallaabo sharci.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

 

Share

Tags:

6 Responses for “Madaxweynaha Galmudug Oo Booqasho Ku Maraya Qeybo Ka Mid Ah Mudug”

  1. GARBAASHE says:

    QAYBDIID WAA NINKA KALIYA EE LA XAAJOON KARA FAROOLE-FAHMO-LAAWE WAXNA MA MAQLO LAAKIIN FAROOLE WAXBUU ARKAA MARKA HA OGAADO IN CAALIN MISKIIN MEESHA KA BAXAY OO UU BEDELAY NIN KU GARBAASHAYO ….

    QAYBDIIDNA WAXAA LEENAHAY ADIGA OO DHIBAATEY SHACAB GARBAASH NINKKA LA YIRAAHDO FAROOLE IYO MAAMULKIISA INDHAHA LA’ OO ARAG MALAHA EE KA SIIB MURAAYADO UU MELES U SAARAY AYAA UGU JIREE….

  2. Cabbire Fegradaha says:

    Now. waaba mindidaad afaysataa haku disho waa tan maanta faroole haysata. ADAA wax ka dhigay xaafaddda Baraxley, ee bal adigu xal u hel. Beenlow baan ahay haddaaney barxaddii Garoowe lagu sheegi jirey laguugu iman. Wax layiri ninkii mas korsadey isaga meleg

  3. Jaahil dhiigyacaba Mudane prof c/rixmaan shiekh maxamad maxamuud [Faroole} wax kama qaadikaro asagiyo cawaan caali wa u same ee yaan baraxlaydaad maganta kutihiin la,idan kafuran ee jooji falagaadada talo dhiigyacab qaydid caalin baa idiin dhamaha ee soo ceshadabecause caalin xooga buuyaqanay cawankana cagaciisa maqori karo uusan idin nacsin dadkii idin gargaarijiray awalbaad ahaydeen gacan kugabad aan waxba lajoogin

  4. bandarqasimi says:

    kkkkkkkkkkk faroole noloshiishu dadka qaar bay xanuun ku tahay ……. wax khaldan oo faroole lagu haysto ma arko ani dadka qaar baa isaga craysan… yaaaaab!!!!!

  5. sabrie says:

    Hogaanka cussub ee Galmudug, waa lama huraan in uu la xaajioodo Hogaanka Puntland,
    dhan kasta:dhaqaale, nabadgalyo, fiyoobi ilaalin, biyo nadiif ah
    Labada dhinac, sida adduunka oo dhan, wadahadal diideyaal waa ay ka jiraan.
    Waxa aan hubaa in Gen. Cabi Qeybdiid uu horseed u’ noqon doono, wanaaga labada maamul. Sidaa oo kale, Dr. Faroole oo Puntland, hor ummarinteeda loo doortay in uu meel mariyo
    Sabrie

  6. jkj says:

    FAROOLE WAA FIDNA WADE ISKU DIRA SOOMAALIDA LAAKIIN WAXBA KA MA KEENAYO OO BAA’BI DOONAA INSHA ALLAH

Leave a Reply