Madaxweynaha Maamulka Galmudug Oo Maanta Magacaabay Qaar Ka Mid Ah Golihiisa Wasiiradda
Gaalkacyo [Radio RBC] Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo dhawaan loo magacaabay Madaxwaynaha maamulka Galmudug ayaa maanya magacabay qaar ka mid ah golaha wasiiradiisa.
Shir jaraa’id oo u ku qabtay Gaalkacyo ayuu kaga dhawaaqay ilaa shan wasiir oo ay ku jiraan xubno horey uga tirsanaa maamulkii Maxamed Axmed Caalin.
Cabdi Qeybdiid ayaa hambalyo ku aadan ciidda soon qaad u diray ummadda Islaamka gaar ahaan kuwa Soomaalida.
Waxa kaloo uu sheegay madaxweynaha Galmudug in dhawaan la soo dhameestiri doono golaha wasiirada kale ee dhiman.
Shanta wasiir ee la magacaabay waxa ay kala yihiin.
(1) Cali Nuur Xaaji Wasiirka Iskaashiga Iyo Xirirrka Calamiga
(2) Dr Cabdi Wali Sh Cali Maxamuud Wasiirka Maaliyada Iyo Lacagta
(3) C/qaadir cali jaamac(Qalabxoor) Wasiirka Kaluumaysiga Dakadaha iyo Khayraadka Bada
(4) Axmad Maxamad Baasto Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo ISgaarsiinta
(5) Dr C/laahi jaamac Cilmi ( Jeemis) Wasiirka Wasarada Caafimaadka.
Maxamed Axmed Caalin oo ahaa madaxweynihii hore Galmudug, ayaa arrimahan waxa uu ku tilmaamay kuwo sharci daro ah, oo uu ka soo horjeedo.
Cabdi Cawaale Qeybdiid ayaa dhawaan ka soo laabtay magaalada Muqdisho, waxana uu halkaas kulamo kula soo qaatay madaxda dowladda KMG ah.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Galkacyo











[...] View post: Madaxweynaha Maamulka Galmudug Oo Maanta Magacaabay Qaar Ka Mid Ah Golihiisa Wasiiradda [...]
allow guuley shacabka galmudug iyo madaxweyne qaybdiid waa geesi u is taagay shacabkiisa inuu hormariyo
war may idinkaga dhagtay meshaan ma dhaafaysaane waa maxay dee.