Madaxweynaha Siilaanyo: Oo Hambalyo Ku Aadan Munaasibada Ciida U Diray Shacabka Somaliland Iyo Caalamka Kale


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Hargeysa (RBC) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Hambalyo iyo bogaadin u dirayaa shacbiga Somaliland meel kasta oo ay joogaan gudo iyo debedba, iyo guud ahaanba Shucuubta Islaamka, munaasibadda Ciida Barakaysan, ee Ciidal Fidriga awgeed

War-saxaafadeed caawa ka soo baxay xafiiska madaxwynaha ayaa lagu yiri : “Madaxweynuhu, isagoo shacbiga la wadaagaya farxadda ciidda waxa uu illaahay ka baryayaa in uu inaga yeelo inta uu ka Aqbalo cibaadadii iyo soonkii aynu soo gudanay bishii barakaysnayd ee ramadaan, innagana uu naarta innagga xorreeyo.

waxaanu shacbiga somalilanad u rajeeyay inay sannadka sanadkiisa ku gaadhaan bash-bash, Barwaaqo, Nabad-gelyo iyo qarannimo lagu reeyo.

Madaxweynuhu waxa uu dhambaalkiisan ugu duceeyay inta dhibaataysan ee caafimaad darro awegeed aan awoodi karaynin inay farxada inala Ciidaan waxaanu ilaahay uga beryay inuu ka dulqaado xanuunka, caafimaad taamana ugu badalo.

Madaxweynuhu isaga oo ka faa’iidaysana munaasibada CIIDA barakaysan, waxa uu shacbiga ugu baaqay inay dhammaan isa-saamaxno, una midoobaan adkaynta nabad-galyada iyo dhismaha QARANKA SOMALILAND…. saamax-naakum.

Sidoo kale maalinta beri ah ayuu madaxweynuhu Khudbad u jeedin doonaa bulshada Somaliland
, Salaada Ciidal Fidriga ka dib.

CIID MUBAARAK … CIID MUBAARAK ….. CIID MUBAARAK
“KULLU CAAM WA-ANTUM BIL KHAYR”

Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

ALLAA MAHAD LEH
A
RBC Radio
Xafiiska Wararka Hargeysa

Share

3 Responses for “Madaxweynaha Siilaanyo: Oo Hambalyo Ku Aadan Munaasibada Ciida U Diray Shacabka Somaliland Iyo Caalamka Kale”

  1. [...] Continued here: Madaxweynaha Siilaanyo Oo Hambalyo Ku Aadan Munaasibada Ciida U Diray Shacabka Somaliland Iyo Caalam… [...]

  2. Sandoon says:

    Mudane Madaxweyne inaga gudoon salaan qaali ah iyo Ciid Mubaraak.

    Waxaa tahay Halyeey ilaa maalintii 1981 aad taloowday oo dhinaac Dhaqdhaqaaqa wadaniga Somaliyeed ee (SNM) ku biirtay qalbiga iyo shucurta shacabka reer Waqooyi waad ku jirta ilaahi cimri dhereer iyo cafimaad haku siiyo.

    Ciid Mubarak dhamman dadka Somaliyeed iyo muslimiinta addunka.

  3. asc/dadka reer waqooyiga ee somalida waxaan usheegayaa soomaaliya waamid midnimadeeduna waamuqadas waxaan idiin sheegayaa wixiilakalatirsanayo waa laxalin karaa ee yaan laa ordin kalago somaliyeed taasi masuuroobayso ee halais cafiyo siilaanyo idinma gooynkaro aqoonsina idiinma keenikaro waa waayeel waqtigiisii dhamaaday waa nin kii kadanbeeyay dhibaatada kudhacday reer waqooyi welina waa uu hadlayaa idina maadnadareemin ee dareen yeesha oo wax fahma wiil sacad

Leave a Reply