Madaxweynaha Somaliland oo si tiiraanyo leh uga hadlay geerida ku timi Ra’iisal wasaarihii Itoobiya


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Hargeysa(RBC):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay inuu aad uga tiiraanyeysan yahay geerida ku timi Ra’iisal wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi oo xalay ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla dalka Belgium oo uu muddo bil ka badan xanuun caloosha kaga soo booday u jiifay.

Madaxweynaha Somaliland, waxa uu tacsi u diray dawladda iyo shacabka Ethiopia, waxaanu sheegay inuu Meles ahaa masuul siyaasaddiisu saamayn ballaadhan ku lahayd dalalka geeska Afrika iyo guud ahaanba caalamka. Madaxweyne Axmed-Siilaanyo waxa uu sidaa ku sheegay mar uu maanta booqday Xafiiska xidhiidhka ganacsiga iyo siyaasadda ee ay Itoobiya ku leedahay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland, halkaas oo uu tacsiyadayn ugu booqday Wakiilka dawladda Itoobiya u fadhiya Xafiiskoodaas Hargeysa.

Waxa uu Madaxweyne Axmed-Siilaanyo oo ka hadlaya geerida Ra’iisal wasaarihii Itoobiya, sheegay inuu Meles ahaa nin ka dhex muuqday siyaasadda Afrika iyo caalamka-ba, waxaanu yiri; “Waxaan dalka Itoobiya iyo waddammada geeska Afrika caam ahaan uga tacsiyadeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Ra’iisal wasaare Males Zanawi oo ahaa nin aad iyo aad u ah madax sare oo geeska Afrika iyo Afrikaba door weyn ku leh xagga Nabad-gelyadda. Itoobiyana waxay ahayd xarunta Midowga Afrika oo dhan.”

“Wuxuu ahaa Hoggaamiye aad u qiimo badan oo aad iyo aad u ilaaliya nabad-gelyadda Mandaqada geeska Afrika. Geeridaasi waa mid naxdin leh, waxaannu uga tacsiyaydeynaynaa dadweynaha geeska Afrika iyo Afrika caam ahaanba.” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Geesta kale, Madaxweynaha Somaliland, Axmed-Siilaanyo waxa uu sheegay in Itoobiya iyo Somaliland uu ka dhexeeyo xidhiidh fiican oo siyaasadeed, ganacsi, isu-socod, iskaashi dhinaca amniga ah iyo mid diblamaasiyadeed-ba. Waxaanu sheegay inay Somaliland aaska Meles uga qaybgeli doonto si weyn oo muuqata.

Madaxweyne Siilaanyo oo ka damaqday geerida ku timid Ra’iisal wasaarihii dalka Ehiopia waxa uu u lugeeyey oo uu tacsi u tegay Xafiiska dalkaasi ku leeyahay Hargeysa isaga oo ay ku wehelinayaan socodkaas, Marwadiisa koowaad, Xubno ka tirsan golihiisa Wasiirrada iyo xubno uu hoggaaminaayey Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye.

Waxaanu sheegay Madaxweynuhu in ay Somaliland miisaan Culus kaga qayb-gelayso tacsida Ra’iisal wasaaraha. Axmed-Siilaanyo waxa uu shacbiga Ethiopia Illaahay uga beryey inuu beddelkiisa siiyo Ra’iisal wasaarahaasi ka baxay.

 

RBC Radio

Xafiiska wararka ee Hargeysa.

Share

8 Responses for “Madaxweynaha Somaliland oo si tiiraanyo leh uga hadlay geerida ku timi Ra’iisal wasaarihii Itoobiya”

  1. wanaaje says:

    Marka Hore Asc, inta Ka dib qoladiinan Raxanreeb, ma fiicna inaad dadka Intelligence kooda iyo karaamadooda meel uga dhacdaan, Md siilaanyo wu Tacisyadayn karaa Bakhtiga u bakhtiyay Naarta ku daadage Melaz lkn hadalada macaanaynta ah ee buunbuunisan ka daaya Plz. dad muslin ah baynu nahay ee wxad qoraysan u fiirsada Plz. Meles na ilaahay naarta ha ku fogeeyo Aamin Aamin Aamin

  2. shakuur says:

    somali oo dhan wey ku faraxdey xataa siilaanyo laftiisa ee waa qowda maqashii alla yaa qalbigiisa daalacda.

  3. Baaruud says:

    Siilaanyo oo Si Tiiraanyo Leh uga hadlay geerida Zenawi hahahahahahahahahahahahahahaha

  4. Cilmi says:

    Siilaanyo walaale ha tiiraanyoon walaale. samir iyo iimaan alaha kaa siiyo. asaydaadii iska xiro

  5. said dheere says:

    siilaanyo wuxuu waayay ninkii dadkiisa ku dirayay marka hada dadkaaga dhinac ka raac sxb waxaan ku siinaynaa labo bari oo aad u boydo gaalkaas xun wixii ka danbeeya 8 /25 12 soomaalia waa midoobaysaa siilaanyo iyo faroole waxaa ku dhacay jac iyo baaruud waxay waayeen aabahood laakiin faroole miyuu suuxsan yahay wali warkiisa lama hayee ?

  6. Runsheeg says:

    @ cidkasta oo midnimo taageerta waxay kala garan layiin, rabitaanka shacabka somaliland iyo kan madaxdooda…. cida doonaysa inay dowlad gaara noqdaan waa dadka ilaahay meesha ku reebay mana ka ilbaxdaan inaad ka xukuma ku tidhaahdaan isagaa sidaa raba bal u fiirso waxaad dhaleecayn jirteen maxamed xaaji ibrahim cigaal, ina rayaale iyo maanta oo siilaanyo ah… marna ma fikirayo caqligiinu… oo aan isu jawaabee ma caqliga gubay gurigiisii ayaa taas garan waa maya kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  7. M.H.Buraleh says:

    SNM inay Allaah aaminto runta u soo noqoto beenta,nifaaqa iyo colaadda joojiso waxaan ahayn guul ku gaadhi mayso.

  8. Galool says:

    SNM waxay ahayd Jabhad ku kacday daaquudkii Siyaad bare ee dhiiga bin aadamka xalaashaday, manay joojin dagaalka ilaa ay ka gaadhaysay himiladeeda, maanta waxay isu bedeshay dad shicib ah intay hubkii iska dhigeen waana Hooyada Somaliland, M H Buraleh, waxaan xasuustaa wixii aad ku qori jirtay wardheernews.oo u ekaa nin cuqdadi dishay, oo hadana itaal waayay, ninku hadduu wax diido wuu dagaalamaa intuu wixii ka helaayo, adigu bal is eeg, maanta halkaad ku sugan tahay Somaliland iyo puntland midna abaal ugu maad dhigan qalinkaaga, maanta labadii ayaa kuu taliya, meeday wixii aad aaminsanayd???!!

Leave a Reply