Madaxweyne Kuxigeenka Puntland oo ka Qeybgalay Xaflada lagu Afurinayo Dadka Barakacayaasha iyo Qoxootiga ku nool Garoowe (Sawirro)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Garoowe (RBC Radio) Habeen Nimadii xalay ayaa waxaa Xaflad Afurin ah lagu qabtay Hoteelka Rugsan ee Magaalada Garoowe dadka Qoxootiga iyo Dadka Barakacayaasha iyo Dadka Deeganka ee ku nool Magaalada Garoowe Caasimada Puntland waxaan Xafladan ka Soo qeybgalay Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Cabdi Samad Cali Shire iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Dowladah hoose Hormarinta reer Miiga C/laahi Jaamac(Ilko Jiir) iyo Qar kale oo ka tirsan golaha wasiirada iyo Duqa Degmada Garoowe Masuuliyin ka socota Hay’ada UNHCR iyo Martisharaf kale.

Xafladan Afurinta ayaa waxaa Mal Galinaysay Hay’ada Qoxootiga UNHCR waxaan u Fududeenaysa Wasaarada Arimaha Gudaha Dowladaha hoose Hormarinta reer Miiga waxaan Xafladadn looga Gon lahaa is dhax galka ama is barashada Masuuliyinta Xukuumada Bulshada Deeganka iyo Dadka Barakacayaasha iyo Qoxootiga Waxaan Dadka loo qabtay Afurinta ay kor u Dhaafayaan 100 qof waxaan ay Wasaaradu qabataa Sanadkasta Xiligaan Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Kulankan ayaa waxaa ka hadlay Masuuliyin kaladuwan waxaan ay intooda badan ay ku dheeraadeen muhiimada isdhax galka Bulshada iyo kawada Shaqeenta Amaanka madaama Amaanku uu Fure u yahay Noloshada Bulsho kasta Duqa Degmada Garoowe Cabdi Casiis Nuur Cilmi koor oo kulankaan ka hadlay ayaa Tilmaamay in ka degmo ahaan uu xireer waxangsan oo jogto ah uu kala dhexeeyo Dadka Qoxootiga iyo Barakacayaasha ee ku nool Caasimada Puntland ee Garoowe.

Wasiirka Arimaha Gudaha Dowladaha Hoose hormarinta reer Miiga C/laahi Jaamac(Ilko Jiir) ayaa lagu soo dhaweeyay Cod Baahiyaha si uu uga hadlo kalmadiisa ku aadan Xafladan waxaan uu wasiirku ka hadlay Arimo Badan oo quseeya Amaanka iyadoo aan Dadka lo kala qaadeen Barakac Qoxooti iyo Deegan in ay wada Saamenayso hadii ay ka shaqeeyaan Amni Xumada waxaan uu ku Booriyaya in lawada Xoojiyo Amaanka si lo wada noolaado.

Ugu dambeen ayaa waxaa Xafladan soo gunaanaday Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdi Samad Cali Shire oo ka hadlay Xafladan lagu Afurinayo Dad Gaaraya 100 Qof waxaan uu sheegey Madaxweynuhu in uu ku faraxsanyahay in maanta oo lagu jiro 10 danbe ee Bisha barakeysan ree Ramadaan uu ka Soo qeyb galo Xaflad Noocan oo kale waxaan uu ka hadlay Cabdi Samad in xukuumadu ay sii xoojin doonto kulamada noocan oo kale waxaan uu ubalan qaaday in wax laga qaban doono arimaha ay inta badan ka cabadaan dadka qoxootiga Barakacayaasha iyo dadka Danyarta ah.



Mahad Abdi Ali

nakal143@gmail.com

Xafiiska RBC Garoowe

Share

Tags:

6 Responses for “Madaxweyne Kuxigeenka Puntland oo ka Qeybgalay Xaflada lagu Afurinayo Dadka Barakacayaasha iyo Qoxootiga ku nool Garoowe (Sawirro)”

  1. [...] Continued here: Madaxweyne Kuxigeenka Puntland oo ka Qeybgalay Xaflada lagu Afurinayo Dadka Barakacayaasha iyo Qoxoo… [...]

  2. fawziya says:

    masha allaah ilahay ajar iyo xasanad haydinka siiyo amiin

  3. Kilwe says:

    Dal iyo dadkiisa dayace, reero kale ku dul nooloow na Ali Shire weligaa Siminaarada iyo goobaha dumarku Cilaanka ku marsadaan xadhiga uga jar.

  4. hakuna matata says:

    ILAAHAY KHAYR HASIIYO REER GAROOWE, LAKIIN INA CALI SHIRE WAXAAD WAYDIISAAN MA KUWII LAASCAANOOD KA SOO QAXAA MISE MEEL KALAY KA YIMAADEEN?

  5. basbaas says:

    mansha illaahay ajar & xasanaad ha idinka siiyo dadka kale waxay u tahay ku dayasho fiican dhamaan waxaan dhaliil u jeedi nayaa hayada khayriga ah ee ka hawl gala degaanadaas inay sidaa wasaarada iyo hayada unhcr ay u soo ban dhigaan waxay?dad ku afuriyeen asc

  6. duure says:

    asc dadkani barakacaal uma ekee ma dilkii nadala cashadan loosameeyey walee layskaga mahaadho

Leave a Reply