Madaxweyne SH Shariif & Dib usoo Celinta Hogaamiye Kooxeedyada. W/Q Abukar Awale
MADAXWEYNE SHEEKH SHARIIF OO KU FASHILMAY DIB USOO CELINTA HOGAAMIYE KOOXEEDYADA
Abukar Awale
Abukar_Aw@yahoo.co.uk
Agoosto 31 2012
Iyadoo dhamaan ummada soomaaliyeed meelay joogaanba lagadareemayo hididiilo iyo farxad ku aadan horumarka ay samaysay xukuumada badbaado qaran oo uu hogaaminayo radial wasaare prof Gaas ,oo juhdi iyo calool adayg kubixiyey aduunweynahana ku qanciyey in soomaaliya laga saaro kumeel gaarnimada , taasina uu ku guulaystay raiisal wasaare Gaas, ayaa hadana waxaa dhankakale moodaa inay weli jirto carqalado horleh oo ka hor imaan kara geedi socodka nabada Soomaaliyeed.
Taariikhda caalamka iyo mida soomaaliyaba hadaad dib uraacno waxaa madaxwenayaasha aduunka soo maray marxalado adadag oo Loo baahan yahay in go,aankiisa madaxwenuhu ku adkaysto haday dacar ka qaraartahay ,laakiin waxaad moodaa inuusan madaxweyne sheikh shariif arintaas ku fashilmay si weyn kadib markii uu uolloleeyey in hogaamiye kooxeedyo dadka iyo dalkaba denbi kagalay uu dib ugu sooceliyo inay kamid noqdaan dowlada cusub, go,aan kaas ayaa waxaa sicad uga muuqata (Weakness leadership ) ama hogaamin daciif ah oo aan hogaamiye ku dhiiran Karin go, aanka saxda ah,
Dib usoo celinta hogaamiye kooxeedyada dadka iyo dalkaba danbi kagalay ayuu madaxweynuhu kutilmaamay hadaan dib loosoo celin inay keeni karaan dhibaatooyin waa weyn waa suu hadalka u dhigaye ,arintaas ayaa dadbadani u arkaan hanjabaad cad cad oo markale loo hanjabayo loona caga jugleynayo shacabka Soomaaliyeed, madaxweynuhuna waxaa lagudboonaa inuu go,aankiisii hore ku adkaysto laakiin ayaan daro dib ayuu ugusooceliyey danbiilayaashaas taasoo keeni karta inay dagaal oo gayaashu u noqdaan tusaale xun ama ( Bad role models ) Xidhibaanada aqoonyahanada ah ee hada ladoortay waxaana laga baqayaa inay kudaartaan cudurka daqaal oo gista iyo qabyaalada .dad badan ayaa qaba soo celinta dagaal ooga yaashu inay tahay arimo siyaasadaeed oo laxariira inuu kafilayo inay asaga u codayn doonaan xilka madaxweyna nimada.ee uu utaagan yahay,waxaanse isleeyahay inay shacabka soomnaaliyeed kadhabeeyaan maahmaahdoodii ahayd QORI IYO QAACIIS WAA LAYS LATUURAA , waxaa kaloo laga filayaa xildhibaanada nadiifka ah inay fariin cadna udiraan madaxweynaha maalinta doorashada iyagoo diidaya inaysan udulqaadanayn in shacabka loo han jabo mardanbe. Waqtigana Soomaaliya aanay ubaah neyn madaxweyne jilicsan.
Soomaalida iyo masuuliyiin badani is weydiinayaan sheikh shariif mayahay hogaamiye adag oo meel dheer wax kafiiriya oo leh aqoon cilmi , ( Academic )kana saari kara marxaladaha adage e Soomaaliya soofood saari kara, su,aashaan jawaabteedu sida dad badan oo aqoon yahanaa qabaan waa MAYA ,
Abukar Awale
Community Development
&
Politics Analysis
=============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM














adeer.fikrad khalgan umadda lama soo hor dhigo,c1wali gaas hadaad u taqaan halyeey qaran,dad ayaa u arka halyeey qabiil ama walaalki dile,marka hadaan run isu sheegno,c1wali xil dambe oo inaga dhexeeya qaban maayo.ama kenya dabada haka riixdo ama froole dhabta ha soo saaro,maanta waxaa umadda somaliyeed u baahan tahay hogaamiye caadil ah waana la haayaaye,candhuufta dib u liqa.
Qoraale, waa fikrad fiican. I agree, the x warlords shouldnt be in the parliament.
However, I think we need to be sensitive to the sentiments of some the tribes.
We need a small stability as soon as that happens we should support the victims to bring their cases against these men. I don’t mr. Gaas is no angle either too much partisan politics. Punltland, puntland, puntland… He is no role model with this education… So the sharif is not far from the rest.
raxanreeb salaan kadib aniga waxaa iga talaa on idiin soo jeedinayaa hadaad tihiin reer raxan reebow joojiya fadeexada aad beryahan danbe lasoo baxdeen
runtii waxaad ahaydeen webka ugu qiimaha badan oon kala socano isbedelka wadankeena laakiin waxaad moodaan waayahan danbe shaar qabiil baad soo gashateen hadii aadan ilndhaha istireynin wax qabadka uu madaxweyne shariif ku tilaabsadey iyo sida uu daacada kaga yahay inay soomaalia ay dhibaatada kaga baxdo laakiin mar labaad raxan reebow sharaftiinii meel ha uga dhicina oo idaad umada halka wanaagaa wax uga tusi jirteen waxii xuna aad ubayanin jirteen kusoo laabta waxaan hadalkeygii kusoo gabagabeynayaa raxanreebow waa ladoogiye yaa ladacaroon mahadsanidin<<<< wiil hiiraan´´´
Abukar Walaal Waa sidaad u sheegtay. Shariif Waa hogaamiye daciif ah aqoonna maleh Laakiin C/walina wuu kasii liitaa. Waa labo kala daran. Ka warran hadaan labadoodaba isla tuurno oo aan marino meeshii uu saaxiibkood Sakiin maray? Aniga sidaasaa ila qumman.
abdinasir sayid axmed, su’aal aan kuweydiiye ‘hogaamiye caadil ah’ aad leedahay waa la hayaa manoo sheegi kartaan magaciisa?
Dr and prof, c/ wali gaaaaaaaaaaaaas waa ninikii hogaamin lahaa soomaliya guul guuul horumarakaaga sii wado . wax aqoon kuugu gaara ma jiraaaaaaaaan dr gaaas waxaa isku darsatay da’yaraan iyo cilmi sareeyaaa . qof soomali ah ooo kuu dhigmaa ma jirto adigaa kuugu raacnay cadaalad iyo raxriis iyo siyaasad buuxdaaa.
waa fikir wanagsan dadkaan hogmiye kooxeedyadii nagu daba wadana sikii shariif hassan ayeey mesha ka huleeli donan insha lah
Qoraagu waa siduu wax u sheegay hadii rag la yahay oo wax lagu heshiiyo in aad gadaal iska bedesho waa arin laga wanaagsan yahay waxaaba uu caanku yahay inuu is rog rogo taasna xataa diintu ma qabto intaad wax ogolaan marka hore waxaa fiican inaad ka fekerto shaqada siyaasada ku haboona inaad is rog rog anigu waxaa qabaa inuu school raadsado oo uu dib waxbarashada ugu laabto never markale raga nuucaa ah ay matalayaan qaran meesha ragbaa howlaha wadey kasoo bilow cumer c/rashiid farmaajo abdiweli yaan la xaqirin la,aantood waxba meesha mayaalaan oo umadaa og marka soomaaliya waxey hada rabtaa madaxweyne aqoon leh oo isu keena dadka baarlamaanka dowlada hadaan la helin oo daacad lagu wada shaqeyn waa jug jugee meeshaada joog shariif afguduuf most go
Abukar Cawaale waxaan baryahan ka arkaynay TVga uu ka shaqeeyo asagoo si dadban ugu ololeenaya mid ka mid ah Musharaxiinta, asagoo ku celceliyay waa in la doortaa Madaxwayne la shaqayn kara beesha caalamka!! Hadaba waxaa la yaab ah in uu qoraalkan ku soo bandhigay qofka uu sida dadban ugu ololaynayay… waana C/Wali Gaas.
Abukar oo lagu tirin jiray inuu ka mid yahay dadka aaminsan ilaalinta maslaxadda guud ee Somaliyeed, haddiiba uu meesha la soo istaagay in ninka Somali samata bixin kara, somali midayn kara uu yahay C/Wali… halkaas waxaa ka cad in uu dadkiisa dhinac ka raacay…oo uu sida dad badan lagu arkay…uu qof ku taageeray dan gooni ah.
Wuxuu yiri “Xukuumaddii Badbaado qaran!!.
Ma xukuumaddii aan xataa soo hadal qaadin boobka Kenya ku hayso badda somaliyeed ayaa loggu yeeri karaa badbaado qaran? Ma xukuumaddii raali ka noqotay in Dastuurka lagu soo daro “In dhulka somaliyeed haddii nalagu qabsado laga wada hadli karo” ayaad ku sheegtay badbaado qaran??
Ma Ra’isul wasaarahii shirkii Roma ka dhacay ka sheegay ” In Somalida haysata diinta Christanka ee ku nool somaliya xuquuqdooda la ilaaliyo” ayaad ku tilmaantay Badbaadiye qaran??
Mida ah in la soo celiyo hogaamiyayaashii kooxaha, taasi waa arrin khaldan waayo wax ay soo kordhinayaan ma jirto. Bal maxay ka qabanayaan Baarlamaan dad intooda badan aan waxba akhrin karin/qori karin. Miyaysan ogayn in xubnaha Baarlamaanka shaqo looga baahanyahay?
Haddii kuwaasi soo noqdaan, dhowr bil gudahood adinkaa arki doona ayagoo leh..”MOOSHIN BAAN SOO GUDBINAY KA SOO HOR JEEDA MADAXWAYNAHA!!”
Qoraagan waxaan ku racsanahay inaysan fiicnayn in hogaamiye kooxeedyada lagu daro parlmenka madaxweynahuna ma wanaagsana inuu difaaco… lakin markaan u soo laabto Madaxweyne shariif iyo C/wali gaas waxaa Daacadsan oo Karti badan Madaxweyne Shafiir Mr Gaas waxaa dadka soomaliyeed oo Dhan ay wada arkeen inuu yahay Nin Qabyaaladu Kala weyntahahya Qaranima PuntlNIMADUNA Kala wenytahay soomalinimada, waxaan Qabaa inta dadka soomalidu Qog Qabiil ku caawinayaan inaana runta sheegayn oo aanan kabaxayn dhibaatada nahaysata 21 kii sano oo aan soo dhafnay Wax rajo soomaaliyeed sooceliyey waa madaxweyne Shariif iyo intii lashaqaynaysey oo in badan oo kamid ah ay Khiyaano iyo lugooyo kuwadeen lakin haduu heli lahaaa dad daacad u ah wadankooda Qabiiln ka fiyow maanta meshaan meel kafican ayaan joogi lahayan,,,,,Tusaale yar C/wali iyo shariif C/wali inuu jagada pm haayey waxuu happy kadhigyaQabiilka uu kasoo jeedo waxaa uuna ku shaqaynaayey Talada C/Raxmaan faroole Lakin Madaxweyne shariif waxu ahaa madaxweyne ummada soomaliyeey Xariirwaanaagsan oo Qabyaallad ku dhisan lamuusan samayn Qabaa il uu kasoo jeedo oo waana midka keentahay inay dhaqanka Hawiye Gacanta iskula Tagaan kulan kudhexmaray Madaxtooyada Siday Wargeysyada Soomalida Badankoodu Qoreen., waxaan kula talin lahaa dad wax Qoraa inay san Qof ay Qabiil wadaagan kutaagerin Qoraalkooda ayagoo kabeen sheegayaa Shaqsiyasiida iyo Wax Qabadkiisna ,, allah hanoo danbi dhaafo dhamaanten
Runtu waxeey tahay ninkan maqaalkan qoray ma yahay nin aqoon fiican leh? Waxaan taas u iri markaan aqriyey siduu ugu feegaray ,waxaad moodaa in uu aqoon u laheyn sida wax loo qoro.
Sababtuna waxeey tahay meelaha hakadka afsoomaliga la dhigo siduu u qoray ila eega tusaale ahaan markuu qoray su’aasha ,wuxuu u qoray su,aasha iyo meelo kale oo badan oo qalaadaad badan uu ku jiro. Kani waa abuu seeraale sabuurada geedaha loo saari jiray. Xaal qaado walaal soo baro sida wax loo qoro. Af miishaar feegar bartay iga dheh.
Teeda kale jugta uu qarinayo ee uu maldahayo waa wax feeraha qabyaalad kaga jirto.
Abukar Awale waxaad is qarisaba waad is qarin weyday c/wali waxba ma qaban ee cida wax qabatay waa madaxweyne shariif oo dhisay ciidamada qaranka:C/wali kama keenin Puntland hal askari wiilasha al shabaab la dagaalamay ee naftooda u huray waa wiilala ka soo jeeda konfurta somaliya oo madaxweynaha ayaa keenay cida beesha caalamku taageertayna waa madaxweynaha oo waad aragtaa sida loo soo dhaweeyo waana isaga cida somaliya heerkaan soo gaarsiisay.hadii ruux ka soo jeedo Puntland uu Muqdisho wax ka qaban karana waxaa ka qaban lagaa C/Yuusuf oo watay kumanaan ciidamda Itoobiyaanka waad la socotaa sidii uu ugu fashilmay sidaas dareedninka raga ah waxaa lagu yaqaan unuu gartiisa qaato ee adigoo caadifad qabiil ku sidan qiro in madaxweyne shariif uu yahay halyey somaliyeed oo taariikha xusi doonto.Mida madaxdii xiligii dagaalka qabiilka ha iloobin qabiiladooda ayey difaac u ahaayeen waan wax xaq uu u leeyehey qabiil walbo inuu iska difaaco qabiil kale hogaamiyana uu yeesho,waa laga yaabaa inaad qaab qabiil nimankaas u neceb tahay oo qabiilkaada in ey colaad kala dhaxeysay oo aad maanta qalinka kula dagaalan is oratay laakiin soomaaalida waxey tiraa ama ka maqnoow ama ka muuqo sidaas darteed hadii aadan xiligii dagaalka ku dhiiran weyday in aad qoriga qaadato oo aad qolodaada dagaalka kala qeyb qaadato ood qoriga ninkaad necebtahay isakaaga dhiciso,qoraal waxba uga qaadi meysid:C/wali waa prof.qabiil miyaadan dhageysan warisigiisii Puntland iyo itobiya xiriir wax wada qabsi ayaa ka dhaxeyo laakiin somalida kale itobiya ayaa maamusho iyo C/yuusuf qabiil ayaa loola dagaalayey? Maanta oo isagu doonayo in uu madaxweyne ka noqdo somaliya maxaa diidayo in sidii C/yuusuf iyo ka daran loo fashiliyo? Abukar Awale waxaa kuu dhaantay inaad ka soo muuqatid shaashadaha oo aad qaadka iyo raga cuno ka hadashid,laakiin qabiilka ku gubay oo dibada kuu soo saaray umana xumid somali oo ninba waa qabiilkiis.
Waa qoraal xigmad daro ku idishahay . Anaga gaas waanu naqan wana p.m kii hore e somalia.
Marka hanoo amaanin anaga ninkan dabadhilifkaa ..
Qabyaaladiste xun ayaad tahaye orod farole iyo garowe aad halkaasay ka shaqaysaye anaga hanola imane..
Gaas wax danbe cidi uma dhiiban doonto wuuna taga yaa insha allah… Waxana guulaysandona either Farmajo or Sh.sharif….. Gaasna waxaa laga dhigidoonaa lataliyaha dhanka qabiilada ee faroole
Waxaa marag ma doonto ah in Sh. Shariif uu ku ceebeysan yahay in maanto oo la joogo waqtigii laga gudbi lahaa dagaal-ooge inuu asagu u noqdo qareen dagaal-ooge. Xataa haddii Sh. Shariif dib loogu soo doorto madaxweyne waxay arintani ku noqoneysaa bar madow oo ku taal. Teeda kale waxay aheyd Sh. Shariif inuu eego oo qiimeeyo aragtida guud ee shacabka soomaaliyeed oo ah in maanta shacabka Soomaaliyeed guud ahaan ay naceen dagaal oogayaashii, oo maanta beel walba lasoo shirtagtay qofkooda aqoonta lahaa, marka maxaa qasbaya in maanta Sh. Shariif u ololeeyo dagaal-ooge, taasi waxaa la oran karaan Sh. Shariif wuxuu eegtay dantiisa gaarka ah ee ma uusan eegin danta guud ee shacabweynaha soomaaliyeed.
Abuukar Cawaale, waa markaagiye mus makula kortay adeer kursi daraaddii waxaa TVga aad ka shaqayso Puntland iyo madaxweyne Faroole ugu waalateen saw kursi lagu waashay maahayn oo si kastoo foolxun iyo waxwalboo ku baaba’a oon dan loo galin. haddana Somali inteeda kale baa loo soo dhigtay saw maaha adeer adiga iyo TVga Somali Channel iyo waxa ka shaqeeyaba waxaan idinkula talin lahaa ceeb iyo foolxumaad ku tihiin iyo bar xun oo mahadho ku ah ololaha C/wali Gaas ee waxaan idinkula talin lahaa sumcaddadiisa meel ha uga dhicina ee meel ka fariista waxyahaw si xun wax u doonka ah ee iimaanka la’. Teeda kale C/wali waxaan kula talin lahaa ninna calafkiis cidi ma dhaafin karto calaf haddaad ku leedahay waad heli Laakiin Somali Channel iska reeb oo waa inay ololahaaga ka baxaan haddii kale cid kale iska daaye reer puntland taageeradooda ma wada helaysid.
Herow siduu sheegay Sheekh sharrif Iyo c.weliba hawl fiican ayeey soo qabteen, inkastoo Sharif daacadnimadiisii gadaal ka kharibay markuu tuugtii dhiiga shacab ka Somaliyeed kusoo caanbaxday gadaal kasoo riixay, waxan qabaa inay u fiicnayd inuu booskooda kubedelo aqoonyahano aan denbi gelin (reerkiisana ah) si’aanuu sharafta loo hayo isaga ciidayn.
Macalinka dugsiga goal ayuu iska dhaliyay markuu la soo shir tagay Dagaal oogeyaashii dhagar qabayaasha ahaa. Maxaad ka filanaysaan ninkii indhocade generalka u magacaabay?
Shariif wuxuu ku caan baxay “bad judgement” goaan xumo aan laga fiirsan qofkaas oo kale madax Dal lagama dhigan karo.
@abukar awale,
aad iyo aad bey qiyaastu kaaga xumaatey, sababtoo ah qof ehula sharaf ahna waad cambaareyneysaa Sheekh shariif, qof ehula naar ahna waad amaaaneysaa C weli gaas, xagaad ka waalan tahey, intaadan wax sixin adigu isoo sax
Waxa la yaab leh dad sheeganaya in ay aqoonyahan yihiin, misana aan kala garanayn Xukuumad iyo Dowlad. Rausul wasaaraheenii Abdi/weli ayey maalmahan kaga dhegtay Xukuumaddii Badbaado, iyo xukuumadaydii ayaa wax qabatay. Hadda waxa ii muuqda in cudurkaas uu ku faafay reer tolkii, laakiin sababtu maxay tahay? Ma aqoon xumo ka haysata kala saaridda Xukumad iyo Dowlad baa? Mise caadifadda qabiilka ayaa ka tan badisay, misana ka qarisay waaqiciga jira? Madaxweynaha dalka waxa waa jib ku ah mar walba in uu soo doorto Raisul wasaare uu is leeyahay xukumadda wuu hogaamin karaa, waxna wuu qaban karaa, sabatoo ah madaxweynaha wax qabadkiisa ayay saamaynaysaa haddii uu doorto qof aan waxba weddi karin, sidda marar badan dhacday. Intaa waxa dheer Raisul wasaaraha mustaqbalkiisuba waxa uu ku xiran yahay in uu wax qabto, haddii uu ku fashilmo in uu shaqaddiisa u guto si hufan, waxa uu ku mutaysan doonaa in uu shaqaddiisa waayo iyadoo Mooshin laga geynayo baarlamanka, laakiin madaxweynaha sidaa si ka duwan waxa uu dhamaysanayaa waqtigiisa. Madaxweynaha mar kastaahi waa qofka qaadanaya magaca xun haddii dowladiisu ku fashilanto fulinta balanqaadkeedda, isla sidaas oo kale dhinaca wanaaga iyo horumarka dowladiisu ku talaabsato, EE MA AHAN SIDDA dad badan u qaateen in Raisul wasaaruhu leeyahay amaanta waxqabadka dowlad uusan madaxweyne ka ahayn. Tusaaale imisa Raisul wasaare ayaa baarlamanka iminka dhisan ku jirta wax kasta oo wanaag ama xumaan ah oo ay faleen waxaa qaatay madaxdii hogaaminaysay. Dad ku kala nasabsan xitaa madaxwene Sheikh Shariif oo ku guulaysay markii labaad in uu xasiliyo magaaladda muqdisho kuma faano wixi uu qabtay, markaa rag baa ku faanaya Sanad ayaan wax qabtay iyo Lix bilood baan wax qabtay war arintu siddaa ma ahan ee nidaamka dowliga ah hala barto. Xaqiiqaddu waxa ay tahay ninki ku guulaystay 21 sano ka dib in uu dib u soo celiyo haykalkii dowladnimo, amnigii iyo kala dambayntii, iyo dib u dhiska ciidamadda qalabka sida isagoo marwalba niyadda u dhisaya, dhiirigelinaya, dalacsiinaya, in uu maanta kari karayo in uu soomaaliya gaarsiiyo meel aysan ku hamin weligeed.
“One of the best character is that you have to be MODEST”
ascww, dadkaan qabiil baa diloowday, dantooda magaranayaan, daahir maahan, allayahow soomaali isu soo dhawee, qabiilbaa diloodoo darbiga ka tuuray, dayniile, caasimada.com bal ilaa eega
kkkkk waa yaab kuwa leh shariifbaa wax qabtay bal isku noqo adiga shariif ma aqoonbuu lahaa mise qori buu watay 2006dii ayaa lagu arkay xamar asgoo qori wata laakiin aan dagaalda galin kuna baaqay jihaad waana ruuxii u horeeyey oo soomaali ah jihaad afkiisa laga maqlo
B. I don’t agree the writer it seems that he is not familiar with law ( any person accused to any crimes is innocent until he is proven guilty by a court ) although the writer is in England it seems to me that he simple does not know anything about the law or he is blinded by other reason which I won’t speculate . You can just deny the right of a person because of pure allegation. Although these men were part of civil . We can not correct the mistakes of past by mistakes bearing in mind that the highest court of the land has given the green light . I am from the north ( saylac) I think Somalia needs a united figure in this Critical time I don’t agree that the current president is weak . I think he is a honest , hamble and patient Therefore He is the right man for the Job ,samatar and farmageo are also good condidates. But I think the current prime minister is also competent but he is seen in someway partisan . So the race is wide open let’s hope for the best.
ninka wata abuukar awale waxaan filayaa dadkaas weey kaa aqoon badan yihiin waxa eey somalia ka dagi laadahayna waa adiga oo kale oo saas u hadla qabiil afkii iyo c/wali gaas ayaad meesha la imaatay dabaal wadanka bur buriyay waa adiga oo kale teeda kale waxaan ku weydiiyay c/w/ gaas iyo prof ibbi yaa aqoon badan yaase dalka wax u qabtay gaas shalay ayuu yimid teeda kale dadka lagu leeyahay waa hogaamiye kooxeed waligood waxeey raadin hayeen xal ee yeeysan kaa hoos bixin qas kana jooji hada dowlad wey dhalatay waliba qanyare ayaa madaxweyne noqon markaan
raxanreeb qabiilka iska dayaa
Bal baacaan fiiriya waxa u soo qorey adeer ninkaan asaga ayaaba ah b”(bad rodemodel)” sababtoo ah waxa uu ku hadlooyaa af qabyaaladeed, ninkaan dhowr jeer aan shaashadadaa ka arkay asagoo qaad uun ka sheekeynaaya waxa aabad moodaa in uu qaadkii u cuni maskaxdiisa wax yeelay, somalimo iyo qaran adagna waa rabaa Gaas oo kenya u adeegaayano waa taageersanahay kkkkk somalu weli qabyaalad meysan ka bislaan, ale ha u sahlo.
Anigoo kuhadlaya Magaca Dumarka Soomaaliyeed waanu kutaageer sanahay,kuwan kucaayayana Guryahoodaa lagaaga duceeyaa,oo xaasas kooda iyo Gabdhaha walaalahood ah baa kujecel oo kula jira, iyaguna waa kuwii aad badbaafnaysay oo qaadku dilooday .
Kuwan Qabyaalada kugu sheegaya orda daawada barnaamikii Puntland iyo Maanta, Cawaale Nooloow. WE LOVE YOU,,
kkkk waa saas yaa xanaaqayt markii ay maqlaan cadaalad iyo dowladnimo yaa jeclaystay isbaaro iyo dhiig
daata yaah jeclaystey hugaamiye kooxeed yaah jeclaystay nin gurigi inay bililiqaystaan loool
war waa iga talee naftiina badbaadiya oo dadka dhibta kadaayah mamulna barta
abuukar cawaale nooloow mar labaad fakirkaaga macquulka ah waxaa wada qaatay wargaysyada oo dhan mahadsanid qaylada ka yeeraysa qaar badan oo ku leh reer koofureed baa nahay walee caac waa idinka yeertay
Sheekh Shariifoow:Adaa suuqa uga baxaya cadawgii ummadda soomaaliyeed baabi’iyay haddaad nogu soo celiso ee Alloow yaa kula taliya,oo joog ku yiraahda.
Hanagu soo celinin habaar baanu daba dhignaye
Halyeeyo khayr qaba ayaan heegan ugu jirnaa,
Hantida noo ilaasha oo hawlaheena gala.
war hada wargeysyada hada wax qora waxaa ugu macquulsan raxanreeb markii runta loo hadlo kuwo badan ayaa waxay soo qoraan nin jeclaysi taageerid magac qabiil walaal dadkeena qurbaha ku nool oowadankii ka fog waxaan mar walba tixgalinsiinaa wararka wadankeena inaan dowlad yeelano inaan ka baxno dhibaatada mar waxaan rabnaa dowlad aan qabiil ku dhisnayn kala danbeyn dowlad aad u wanaagsan oo ay hogaamiyaan dad wax bartey oo yaqaan macnaha wadaniyada ilaahoow dowlad fiican oo aad raali ka tahay noo sahal kuu doono madaxweyne haw noqdee umadana qalbigooda isu soo jeedi dhamaantiin u soo duceeya wadankiina naga daaya cabaadka
Salaan guud somali oo dhan salaan iyo see tihiin kadib . Waxaan jeclaystay inaan wax yar ka iraahdo qoraalkaan abukar awale markii aan dhinac ka eego waxaad moodaa qoraalkiisu inuu sax iyo afkaar suuban ku salaysan yahay taasoo ah tan qabqablayaasha . Dagaal ogayaashu ma mudna in maantay umadda soomaaliyeed la hor keeno waliba ayagoo sheeganaya xildhibaano(xildhaan xaal qaado)
Hadii aan u gudbo tan kale oo ku saabsan raisul wasaare gaas iyo xoogaaga amaantaa oo kujira qoraalkaan waxaan moodaa inay tahay ka bad badis (wax uusan mu taysan)
Intaas kadib cabdiwali gaas waa raisulwasaarihii ugu liitay ee soomara somaliya kulay ku tahayna nuur cadde taas waxaan ula jeedaa waa nin jilicsan oo xiligaan adag aan waxba ka qaban karin xaaladda murugsan ee soomaliya .
Aad ayaan uga xumahay himigiisa madax tinimo waxaan rajaynayaa inuu noqdo hilaacii xalay (qaymo aan lahayn).
Maaneedboy
abuukar runtii waxaa laguu yaqiinay nin xalka somaaliya garanaayo meesha laga saxo waxaase u muuqata nin qaranka tumunaayo kol hadaad sh/shariif oo somaali u taqaano halyeeykii qaranka ka sama bixiyey w/loryadii iyo itoobiyo 2006dii aad isaga wixii gaas iyo c/yusuf oo labada amxaaro iyo kenya wadanka ku soo hogaamiyeen maantana dad badan oof sadeen danbigooda korka ka saartay sh/shariif oo shareeco in wadanka lagu xukumo qof walbana xaqeeda halka ka hesho utaagan.
aad ayaan ugu xumahay waxaanse ku sheegaaya soomaali ma aha dad qabiil lagu qaldo dantoodana diinta ayeey ku jirtaa libaax nin gamayna og nin galadayna og no more cerclar[calmaani]
waxaan rabna nin dalka dadka iyo diinta matala somaalina u taagan waxa ay tahay ninka hadaad la timaadid waa wax la gartay laakiin wadankaan illah ayuu u baahan yahay illaahna nin ku xiran ayuu caawiyaa la immow nin shiikh ah oo ku badeli karno sh/shariif adiga haddi nin jacleysi kugu jirto.
sh/shariifna waa nin xalka somaliya raadiyo ma aha nin daciif ah waana nin mar walba sharciga illaaliyo ummadana u sheego fikradiisa oo iska bari yeelo wixii qaldan sida soo gelitaankii kenya intaas ayaana ku cafineynaa.
wabillaahi towfiiq.
Waxaa layiri afnooli waa hadlaa eeyna waa ciyaa.
war yaa islaan kani kii qaadka ku qaraaban jirey sow maaha goormuu siyasada u beyrey ma markii ina adeerkii gaas oo iskujilbka ahaayeen in dib loo doorto doonayaa kkkkkkkkkkkkkkkkkk waayahan qaadkii wuu iloobey asaga iyo sekeriye isticmaar kkk waxey la soo taagan yihiin hurdaaye (gaas) hala doorto yaa islaam ah war xaggee gaas wax ka qabtey inuu naaxo (cayiley )maahee maalintey iigu qosol badneyd waxey ahey gaber baa TVsoo wacdey waxey tiri maa ragga soomaalkiyeed u ceysaa adigaaba qaad cunee kkkkkkkkkkkkkkkkkk wuu iskudardarsamey war ninkan waa muqayil weynaadey ololaha qaadka wuxu doonayey uuna ogaa in soomaalidu uu dhibey qaadku uuna amaan ka heli doono yaab abuukar cawaalow dagaalooge goormee laga bilaaba ????????????ma markii KULMIS=SSDF duurka gashey baa oo ay cadowgii xabashida ay ku soo hogaamiyeen dalkeena gaar ahaan godogob iyo muqdisha mise dagaal ooge 1991 buu bilowdey immisaa beeshada ah baa dowladii barakeysneyd ee kacaanka lacago kala baxsadey waa, ayo qofkii ugu horeeyey ee jabhad noqda oo xabad ku tuura dowladii kacaanka war xishooda abuukar cawaale iyo wixi la halmaala dagaalooge hada u taqaanid raggii 91 soo shaac baxey ee reer koonfureedka ahaa adeer waxa dib loo furayaa taariiqdii kulmiska iyo waxey xasuuqeen ee adeer ganbo waa dad yaab leh adeer dadkii wax bey barteen laga wax waagii aad afmiinshaarnimo wax ku cuni jirteen.
@ shukalaatiina . Inaad Nacas tahay Magacaagaa iiga ii ga markhaatiya , Hadii Abukar uu Soo jeediyey Fikirkan in Mooryaantii isbaarooyinka dhigan jiray oo Hooyooyinka dhici Jiray ,dadkana laayeey oo gacmo kudhiiglayaala, Adeer maxaad kudiin dantahay, Mise adigu Kuwii lagusoo koriyey Xoolaha isbaaradaad ahay …. @ abukar Awale iyo Sakariye Xaalqaata Howl fiican baad dadaka iyo dalkaba u haysaan.
[...] Madaxweyne SH Shariif & Dib usoo Celinta Hogaamiye Kooxeedyada. W/Q Abukar Awale Friday, August 31st, 2012 at 01:37 am / 36 Comments [...]
asc dhamaan dadka fikradahooda kadhiibanaya halkaan
haddaa tahay nin raba inuu sooli weyn isku keeno
fikirkaaga mawxaa kadhigi in dadka qaar din bila noqdaan
anaga oon agnahay soomaali kan ugu dinbiga yar in uu noqdo
taageere ama qabiil ama ururo iyo wixii lamida
tan kale hogaamiya yaasha dalka ka jiray wxn og nahay
in uu lahaa hub hubkaasoo dawlado ey sii jireen
saa darteed wuu qaldamay marka umada adigoon katakoorin ayaa dhib ugu filan tahay
ninkaan maslaxa siyaasada aqoon kuma soogalin ee wuxuu ahaa qabqable dagaal
marka ani fikirkeyga gaaban ayaa ah shariif in uu yahay nin mar labaad bahdilay hogaamiya koxeed yada u heesta in uu udooday shariif waayo aqoon malaha go aankana waxa uu kala dhexeeyaa dad aqoon yahanaa oo soomaalinimada ka muuqato tan maw luucana waa ila sax san yahay shariifka waayo qalad hadduu jiro asagaaba qalad galay sax hadduu jirana asigaa hadda soomaali ugu roon