Madaxweyne Shariif: Haddii Mar Labaad La Idoorto Dib U Dhiska Dalka Ayaan Xoogga Saarayaa


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho [Radio RBC] Madaxwaynaha dowlada KMG ah ee Soomaaliya, ayaa maanta oo khamiis ah sheegay, haddii uu mar labaad ku guuleesto doorashada madaxtinimada dalka, uu xoogga saari doono dib u dhiska dalka.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa hadalkan maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta madaxtooyada Villa Somalia.

“ Waqtiga dowladda ay hadda jirtay waxa aan xoogga isugu geynay ammaanka gaar ahaan dib u dhiska ciidamada iyo heykalka dowladnimo, mar labaad haddii aan xafiiska ku soo laabto waxa xooga saari doonaa dib u dhiska dalka” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa u sheegay in uu wariyaasha uga jawaabayo su’aalaha ay doonayaan, maadama Muqdisho dhawaan ay ka dhici doonto doorasho.

Waxa la weydiiyay Shariif Sheekh Axmed in soo noqnoqday khilaafka ka aloosan madaxda sare ee dowladda KMG ah

Waxana uu arrintaas ku tilmaamay in ay muujineyso biseyl la’aanta Soomaalida,isla markaana waxa uu markale difaacay go’aamadii uu qaatay intii uu xilka soo hayay, gaar ahaan degmooyinkii uu dhawaan magacaabay.

“ Waxa aan rajo fiican aan qabaa in aan markale guulaysto doorashada soo socoto, wax wailbana ay si wanaagsan ku dhamaadaan.” ayuu yiri madaxweynaha dowladda KMG ah.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka madaxweynaha ayaa u muuqda mid daba socda go’aamo ka soo baxay Xukuumada uu hoggaamiyo Ra’iisal wasaaraha oo horey sharci daro ugu tilmaamtay go’aamo uu madaxweynaha dhawaan qaatay.

Ra’iisal wasaaraha iyo madaxweynaha labadooda waxa ay ka mid yihiin musharixiinta uu damaca kaga jiro in ay noqdaan madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, marka ay dhacaan doorashada baarlamaanka kaddib.

Labadan mas’uul waxa si weyn looga dareemay khilaafka ka dhextaagan warbaahinta, kaddib markii ay soo kala saareen wareegtooyin kala duwan.

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

3 Responses for “Madaxweyne Shariif: Haddii Mar Labaad La Idoorto Dib U Dhiska Dalka Ayaan Xoogga Saarayaa”

  1. [...] Original post: Madaxweyne Shariif: Haddi Mar Labaad La Idoorto Dib U Dhiska Dalka Ayaan Xoogga Saarayaa [...]

  2. Qaatumo Boy says:

    SCW/Waxaana madaxweyne shariif Shekh Axmed Muqdishu oo ah Caasimadda Ummadda Somaaliyeed iyo xaruuntii gobolka Banadir uu gaarsiiyey in waxgardkeedii (aqoonyahanno, Barfasoorro, culimo, haween iyo caruurba) ay maanta ku dhexdooran doonaan kuwii iyada xukumi lahaa muddo 43 sano waa guul muuqata oo aan qarsoomeyn

  3. Amakaag says:

    Ninyahow iska fariiso labaad labaad layne , kursi isku dhajintaas waa waxa somali halkaa dhigaye

Leave a Reply