Madaxweyne Shariif Oo Ka Soo Horjeestay Xubnaha Baarlamaanka Ee La Soo Gudbiyay iyo Shirar Xasaasi ah oo ka socda Madaxtooyada


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka soo horjeestay xubnaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya oo sida Dadban lagu Faafiyey.

Wararka ayaa sheegaya madaxweyne Shariif Sheekh Axmed inuusan ku qanacsanayn qaabka loo soo gudbiyay xubnaha cusub ee ka mid noqonaya baarlamaanka.

Waxaa la sheegayaa madaxweynaha in uu ka soo horjeedo xubno badan oo laga saaray baarlamaanka ka dib markii lagu eedeeyay in ay ka mid ahaayeen dadkii dhibaatooyinka horay oga geestay wadanka.

Waxaa la sheegayaa sidoo kale in kulamo xariir ah ka socdaan madaxtooyada Soomaaliya kuwaasi oo looga hadlayo arimhanaan, iyo sida ay ku sii hirgali karto.

Ergaga Gaarka ah ee arimaha Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay AgostiinMahiiga ayaa la sheegay in uu kulamadaasi ka dhacay madaxtooyada Soomaaliya uu qayb ka ahaa.

Malaaq Cali C/rixmaan Shiine oo ka mid ah odoyaasha dhaqanka Soomaaliya ee haatan soo xulaya baarlamaanka cusub ee badalaya baarlamaanka hada jira ayaa wuxuu sheegay in madaxweynaha uu diidanyahay xubnaha haatan ay soo gudbiyeen odoyaasha dhaqanka.
Muahsrixiinta u taagan xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya ee haatan hogaaminaya dowlada Soomaaliya ayaa waxay ku tartamayaan xubnaha baarlamaanka cusub si ay hadhow u helaan codadka doorashada.

Wararka ayaa sheegaya in xubnahaan ay kulan yeelan doonaan maalinta isniinta isla markaana ay ku dhawaaqi doonaan xiliga rasmiga ah ee la qabanayo doorshada gudoomiyaha baarlamaanka ku xigeenadiisa iyo waliba doorshada madaxweynenimo ee Soomaaliya.

Share

15 Responses for “Madaxweyne Shariif Oo Ka Soo Horjeestay Xubnaha Baarlamaanka Ee La Soo Gudbiyay iyo Shirar Xasaasi ah oo ka socda Madaxtooyada”

  1. [...] See the original post: Madaxweyne Shariif Oo Ka Soo Horjeestay Xubnaha Baarlamaanka Ee La Soo Gudbiyay iyo Shirar Xasaasi a… [...]

  2. SUULDHABAALE says:

    Aala sheekh seefta ayaa qaaday, mana soo noqonayaan, waana tan uu ka xanaaqasan yahay. Waxaad barataa waa baaskaa. Tii carta oo la siiyey 270 xildhibaan ayaa weli madaxiisa ku jirta!!!

  3. khadar says:

    ma xuma ciyaarta socotaa.

  4. Yaabane says:

    Waxaa ayaan darro ah in Sheekh Shariif maanta ku doodo waa in Hogaamiye kooxeedyadii lagu soo daraa Baarlamaanka. Qofku mar haddii uusan isku kalsoonayn waa dhibaato, bal intaas ayuu kursiga ku fadhiyay oo waliba ku doodayaa in uu wax badan qabtay, bal muu ku kalsoonaado 275 xubnood oo Somali ah oo aan Warlords iyo dad aan wax akhrin karin ku jirin?

    Bal maxaa u diiday in uu dadkaas hor yimaado oo uu ka gado siyaasadiisa iyo wax qabadkiisa?

    Halkaas waxaa ka cad in Sheekh Shariif uusan rabin in xaaladda wadanku is badasho oo uu ku faraxsanyahay in Villa Somalia taangi Ungandhays ah ku ilaaliyo 4ta sano ee soo socota, dalka iyo dadkana dhibkiisa ha isagana jiraan.

    waxaa kaloo wal-wal dheeraad ah haddii liiskani run yahay, waxaa ka dhex muuqda Shariif Sakiin oo qirtay in uusan Shahaado dugsi sare haysan, bal sidee ku soo galay??

  5. hanad JAma says:

    Dhibka Soomaaliya haysta ayaa ah in uu qofku jeclaado “kursigaas”, markaas uu kala saari waayo saxda iyo qaladka. Sheekhu soo ma’aha kii ladagaalamayey dagaal oga yaashan uu manta uu raadinaayo?

  6. xog ogaal says:

    Anigu feker ahaan waxaan qabaa haddii shariif raadinayo dad u codeeya isagana waa qalad oo dan shaqsiya tan guud baa ka weyn, haddii uu arko caddaalad daro beelaha qaar lagula dhaqamay, Sida beesha direed, oo Prof Cabdiraxmaan Ibbi lagu eedeeyey Musuqmaasuq, Halka Prof, Gaas, iyo Shariif xasanba oo lagu eedey liiska lagu daray, SIdoo kale beela aan dagaalamin ayaa lagu eedey inay Hogaamiye kooxeed lahaayeen, kuwo hogaamiye kooxeed ahna waa lagu daray, haddii Madaxweyne Shariif doodiisu sidaa ku salaysantahay waa arrin macquul, haddeyse tahay dadkii i dooran lahaa halay keeno, waa hawl u gaar ah, waxaa kuu soo haray, haddiiba 27ka qof ee wax xulaya ay u dhan yihiin beelaha Soomaaliyeed,oo aan maanta la eedeeyn beel heblaayo ayaa u badan,nasiibkiisu ninkuu reebaa hayska tago, Dalku Dowlad ayuu u baahan yahay, Raxanreebna waxaan dhihi lahaa, Shabakad dhexdhexaad ah, oo warar fiican baad ahaydeen, balse Cudurkii shabakadaha ku dhici jiray ayaa beryahayn idinku dhacaya, xeerka warbaahinta dhawra oo wararka dhinaca ka raran ee Puntland iyo beelaha u xaglinaya iska daaya, ileen dhamaanteen waan ognahay inaan Qabiil qaran noqon karin, waan ognahay xumaanta qabyaalada iyo isîr nacaybka, Midabtakoorka , igama aha Aflagaado ee waa iga talo iyo tusmayn Wabilaahi tawfiiq

  7. Jeeska says:

    Sheekh sharif wuxuu cadeeyey inuu laandheere yahay, shafkaa ladhigay bal waa Ninka juuq yiraa ragiisana hadaa lagu soo darayaa gudigii farsamadu waxay ku waalatay liiskaan anaga ma soo saarin. Mahiigana surwaalkuu iskaga xaaray, gaasna macaankii baa ku kacay xagee lagu arkay nin ladhaho goofkaagaan kugu xukumayaa, nimanka hadda sharif sakiin maciin biday. Cayaari waa gelin dambe.

  8. Puntland boy says:

    Shiiqa hala yaabina Isaga laftigiisaa warlord ah Imisa Ilmood Oo Hooyo Soomaliya Dhashay buu Xabada isaga Dhigay Markii Uu Tuutaha Xirtay Qori Aaka ahna Garabka saaratay Ku yirina Waajihaadeeynaa Kanaana ku Dhimaneynaa, Jihaad ? Hadhowna Meeluu kabaxay la waa yay Markii uu Xamar Ku Soonoq dayna Ilmihii yar yaraa ku yiri waa Argagixiso & Wax lamida, Shiiqa markiisii horoba Soomaali Uma Qalmin Waqtigiisiina waa Dhamaaday , Haduu og yahay inuu Kubad baadayo Afduubkuu Maantuu aadi lahaa,Waxaan u baahanahay Dad wax bartay Ogna dhibaa tada Haysatay Wadankeena & Dadkiisa Haysatay Mudada dheer & Parliament Aan ulo & kuraasta isku garaacin parliament iyagii Dhiig iska Daadinaya Midka Soomaali maalaa yacniga u daadanaya ma joojin karaan ? Ilaahoow Nabad Wadankeeyga & Dadkiisa , Viva Puntland & Soomaalia

  9. Lol…..war shiekh shariif waa nadal nadal dhalay oo duqon ah anigu hadaan isaga ahaan lahaa meesha ayaan kacariri lahaa intii maxkamadaha caalamka waween la’isoo taagin……shariifow meesha iskaga baxso lagaa badiye cayaarte……..dadkaani iloowsha dhawaa ma umulbaa ……war xoosh jabril wuxu nojoogaa mishii nuur cade ee wagii cabdulaahi yusuf. Cayaartu barejeey noqoneysaa shiekh shariif wuu tagi qasab iyo sandule.

  10. A.A.Xade says:

    @ Jeeska, waxay arrintu ku fiicantahay in nin waliba wixii uu ku habboonaa loo daayo oo ninkii siyaasad rogrogisteeda iyo hoggaamin hidda u lahaana uu bahasha rogrogo kii ganacsi iyo suuq mugdi ku xeeldheeraana uu iyadii u tafa xeeyto oo Wadankan isku dhex yaacay ur loo bixiyo. Ogsoonoowna waxa laga hadlayo ma ahan Goofkan aad la xiiqsantahaye waa Jamhuuriyaddii Somaliya la dhihi jiray ee la diirtay in dib loo kabkabo, Koofkuna la guuguma haysto ee ku nooloow isaga oo aad mooddo in Nuclear lagu dhuftay.

  11. baarlamaankaan waxaa lasaxay 100kii 70 marka waa uu dhaamaan kuwii hore walow ay furantahay shahaadooyinka in lahubiyo balse hada awoodaa mafurna waase lagaarayaah

  12. qoslaaye says:

    Kkkkk arey banka iska leexi kkkkkkkkkk

  13. wadani says:

    sheekh shariif waa carazy waa ninka shaley tageerey hogamiye koxeedyadii uu 2006 xamar kula dgalamey xamar ma ninkaas aya isku keeni kara 10 milion oo soomali ah waa maya

  14. A. sh. says:

    Qofna laga yeelimayo in dadka qaar lagu sheego qabqable iyo qaswadeyaal, ayadoo qabqable galay danbiyaddii iyo xasuuqii ka dhacay Garsoor iyo meela kaleba, ay soo xulayaan barlamaanka umadda, ayagoo isticmaalaya kuwii loo doortay inay qaladkaa joojiyaan.

    Waxay u egtahay in aysan Somalidu isku danbiilayaalba ahayn, waayo dadkii ay xasuuqa iyo burburka u gaysteen Faroole iyo Gaas, eedaysanyaasha ugu horeeya bay u arkaan, marka laga yeelimayo in ay ragii gacanta ku siiyay danbiyadaas, ay beesha ka soo xushaan ayagoo isticmaalaya isimo carbis ah ama”KURUUD”.Ciidamadii Garsoor xasuuqa ka gaystay GAAS baa soo galbiyay oo keenay Gaalkacyo, asaga iyo FAROOLE oo qarshahaas ku soo dhisay Garowe. Marka nin baa SHARIIF u ark qayrbeele iyo danbiile , sidoo kale nin baa sidoo kale qayrbeele iyo danbiile u arka FAROOLE iyo GAAS.
    Dadka garsoor dagan Salaad Cali Jeele iyo Qanyare inay baarlamaanka soo galaan ayaa uga dhib yar in uu soo gallo GAABANE, waayo SALAAD iyo QANYARE kama aysan galin danbiyaddii uu kagalay GAABANE. La iskuma halayn karo xildhibaano u janjeera FAROOLE iyo GAAS.

  15. wiil somaliyeed says:

    Yaabane waan ku salaamay walaal, runtii waad dadaashay markaad soo gudbinaysay fikirkaaga,laakiin waxaa iska cad in aadan fahmin sheekh shariif weli ee aad u baahan tahay 4 sano kale oo uu madaxweyne kuu noqdo,oo aad aragto wax qabadkiisa dhabta ah sida uu uga dhabeeyay balanqaadkii uu sameeyay markuu xafiiska ka eryay cumar cabdi rashiid ee u haysta in uu raisal wasaare u ahaa puntland,waxaa ka soo wareegatay 2 sano waadna aragtaa wadanku in uu ka baxay kumeelgaarkii dastuurna yeeshay ciidamadii qalabka siday la dhisay amnigii soo noqday iyo kala danbayntii muqdisho oo ahayd bahalgaleen maanta lagu qabanayo doorasho madaxweyne iyo raisal wasaare,waan aamin sanahay in uu isku kalsoon yahay codna ka helayo xilshibaan kastra oo yimaada hadaysan caatifad ku jirin ,waxaan ku xasuusinayaa in aan ahay wiil reer puntland ah, ogow waa qalad in aad xaqirto qof wax qabadkiisa.SHalay SHEEKH SHARIIF BERINA SHEEKH SHARIIF.

Leave a Reply