Madaxweyne Shariif oo La Wareegay Hawshii Arimaha Dibadda ee Xukuumadda Iyo Degmooyin Cusub oo La Magacaabayo (Warbixin)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Iyadoo uu sii kordhayo khilaafka u dhexeeya madaxweyne Shariif iyo xulufadiisa Aala Sheekh iyo xulufada Raysul Wasaare C/weli Gaas oo labaduba musharixiin madaxweyne ah ayaa dhanka kale ilo wareed ku sugan Villa Soomaaliya wuxuu Raxanreeb u sheegay in madaxweynuhu uu qorsheynsyo inuu degmooyin cusub iyo gobolo hor leh ku soo kordhiyo dalka, arintaasoo raysul wasaaruhuna diidan yahay.

Il wareedkan oo had iyo  jeer u xogwarama Raxanreeb ayaa noo xaqiijiyey in hadda wadatashi uu ka socdo Villa Soomaaliya lana filayo in Sheekh Shariif degmo u magacaabo “xaafada Gubta” oo ka tirsan Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in odayaal ka soo jeeda xaafada Gubta oo uu madaxweynuhu taageero uga rabo ololihiisa siyaasadeed ay u geeyeen codsi ah inuu deegaanka Gubtaoo ku yaalla Dayniile loo magacaabo degmo buuxda oo ku soo kororta degmooyinka ka tirsan caasimada Muqdisho.   Waxaana haddii Gubta loo magacaabo degmo ay ka dhigeysaa tirada degmooyinka Muqdisho “17 degmo” halka markii hore ay ka ahaayeen “16 degmo”.

Sidoo kaleil wareedka ayaa Raxanreeb u sheegay in degmada Ceelbuur oo ka tirsan gobolka Galgaduud uu madaxweynuhu u aqoonsan rabo gobol ka madax bannaan gobolka Galgaduud, sidaasi darteedna degmada Ceelbuur waxaa haddii magacaabistan cusub ay dhacdo, ay noqon doontaa xarunta gobol cusub oo ku soo kordha gobolada Soomaaliya.

Dhamaan magacaabistan soo socota iyo kuwii horey uu madaxweynuhu u sameeyay waxaa si kulul uga soo horjeestay golaha xukuumadda KMG ah oo war saxaafadeed ay soo saareen [AKHRI WAR SAXAAFADEEDKA] ku cadeeyay inay sharci darro tahay dhamaan degmooyinka iyo gobolada uu magacaabay madaxweynaha.

Golaha xukuumadda waxay kaloo diideen derejooyin militari oo Sheekh Shariif uu siiyey in ka badan 150 sarkaal oo cusub kuwaasoo qaarkood la siiyey derejada GENERAL, sida lagu cadeeyay wareegto uu shalay soo saaray raysul wasaare C/weli Gaas. [Akhri wareegtada C/weli Gaas].

Sheekh Shariif ayaa ku doodaya in diidmada golaha xukuumadda iyo raysul wasaaruhuba aysan micno ku fadhin, maadaama raysul wasaaraha laftiisu uu yahay musharax u taagan jagada madaxweynaha sidaasi darteedna xukuumadda “ay saameyn beeshay” [not effective], sida uu madaxweynuhu ku sheegay shir jaraa’id oo uu Villa Soomaaliya ku qabtay shalay markii uu ka soo laabtay dalka Sacuudiga. [Akhri shirka jaraa'id].

Siyaaasadda Arimaha Dibadda

Dhanka kale, Xafiiska madaxweyne Shariif ayaa si rasmi ah ula wareegay siyaasadda arimaha dibadda ee dawlada kadib markii uu sii xoogeystay khilaafka u dhexeeya madaxweynaha iyo taageerayaashiisa oo dhinac ah iyo C/weli Gaas iyo xukuumadda oo dhinac ah.

Magaalada Makka Al Mukarama ee wadanka Boqortooyada Sacuudiga waxaa hadda ka socda shir ay leeyihiin wadamada Islaamka oo uu qabanqaabiyey ururka shirweynaha Islaamka “O.I.C”, waxaana shirkaasi dawlada Soomaaliya uga qeybgalaya wasiirka arimaha gudaha C/samad Macalin Maxamuud [oo ka mid ah Aala Sheekh] halkii shirkaasi ay rasmi ahaan u meteli lahaayeen wasiirka arimaha dibadda ama raysul wasaare ku xigeenadda dawlada.  Waxaana shirkan furitaankiisa ka qeybgalay madaxweynaha oo isla maalintii labaad [shalay] dalka dib ugu soo laabtay.

Su’aal weyn ayaa ka dhalatay in madaxweyne Shariif shir caalami ah u wakiisho wasiirka arimaha gudaha oo hawshiisu ugu weyn tahay sugida amniga dalka gaar ahaan caasimada oo xilligan la filayo in doorashooyin ay ka dhacaan halka wasiirkii arimaha dibadda iyo raysul wasaare ku xigeenada ay iska fadhiyaan hoteelada Muqdisho.  Waxaana dadka siyaasadda ka hadla ay qabaan in tani ay muujineyso sida ay u macno beeshay golihii fulinta ee dawlada khilaafka dartiis.

Ma ahan wax cusub, dhaqan ahaan in madaxda dawladihii KMG ah ee Soomaaliya marka ay sidan oo kale u kala shakiyaan in mid waliba uu shirarka iyo meelaha muhimka u dirsado shakhsi uu ku kalsoon yahay sidatan hadda dhacday oo kale!!.

 

RBC Radio

Share

Tags:

35 Responses for “Madaxweyne Shariif oo La Wareegay Hawshii Arimaha Dibadda ee Xukuumadda Iyo Degmooyin Cusub oo La Magacaabayo (Warbixin)”

  1. Cadaado says:

    Bravo, president Sheik Shariif, even better, send this idiot clanish prime minister back to his cab driving job in the U.S, or back to his cousins in Pintiland and Farole and pirate gangs. They should be kicked out all of them from Mogadisho, and be replaced by someone like former prime minister Farmaajo, or someone other than — desease or anyone from Pintiland should not hold office in Mogadisho, because, they also have their own federal state and they don’t allow anyone from Mogadisho and the south to hold offices in their region. Same goes about the revenues from Mogadisho, it should not be spend on these people from regions that don’t also contribute anything to the central government, whether income, or soldiers. Fire them all, Mr. President, period. Markaasaan arkaynaa, qofkii eey caano ka daataann iyo qofkii kale.

  2. Xaqsoor says:

    Haduu Rabo inuu Gobollo Hor Leh Kusoo Kordhiyo Somaliya isagoo Ku raadinaya Taageero Siyaasadeed…….Wuu edeb daranyahay waana in la iska dhiciyo. Maaha Kaligii Taliye, Sharciga ka sareeeya,,,,,,,

  3. hasan says:

    kkkkkkkkkkkkkkk iska hadle u hadli sida caruurtii war meesha siyaasad ayaa la isku hayaa ama puntland cay ama ha caayin waxan ku sheegaynaa hadii aanu nahay reer puntland inaan shariifka iyo wixii la socdaba aan ka cayrindoono muqdisho waxa hada ku kalifay inuu GOBOLO AAN JIRIN MAGACABO WAXA LAGAGA DHEEREYEY SIYASADII
    VIVA PROF GAAS IYO XUKUMADIISA
    VIVA PUNTLAND IYO DR ABDI RAHMAN FAROLE

  4. xarago says:

    qofku haduusan wax aqoon u laheen siyasada
    iyo dowladnimadadhibkaas ee leedahay
    kolay somaliya wa waxaas waxay udegi ladahay
    bal aan aragno inu saas xil iyo masuliyad
    danbe ku helayo awalba qalad aa mareykan
    u keenay alshabab meel ha ka galo

  5. Mr.muwaadin says:

    War dhulka yar ee ay degaan ha loo gooyo. Sida waqooyi ay sameeyeen Kama liidannee aan samayno. Jubboiyinka, Punland iyo Kililkana ciidan ha loo dhigo adduunka iyo islaamkaba ka ilaaliya.
    Wallaahi mana xishoodaan, somalinimo kuma jirto, deegaanka walaalihiin waad uga badantihiiin mayaqaannaan. Dawladnimo dooni mayaan. Shalay adinkaa qalad galay mayaqaannaan. Dawladdaan aad madaxda ka tahay Sh.shariif necayb baad ku heshay.
    Maantana gurigaagii ayay Xaarka iyo dhiiqada kaala gurayaan oo kula hagaajinayaan ayagoo xaafaddodii soo hagaajiyey.
    Aabbaha Dibbaha Guduudan ka baas mareeye. Kkkkk
    Doqonsanaa axadku. Lol

  6. Gabeyre says:

    Waxaan aad ula yaabanahay sharciga koonfurta qabta ee aan bariga soomaaliya qaban taasi waa arrin la yaab leh cabdi weli iyo xukuumadiisu miyey awood u leeyihiin wax ka bedelada degmooyinka laga dhigay , ee puntland maxaa keenay inuu ku mintido degmooyinka cusub ee gobolada dhexe iyo koonfurta saw isir nacayb maaha iyo xiqdi teeda kale heshiisyada puntland dhaqaalaheeda golayaasheeda. Baarlamaan wasiiro ma farageliyo gaas maxaa ka galay kuwa ummadda kale gaas way ka dhamaatay taageerada beeshiisa ayaanu isku koobey side buu ku heli karaa kalsonida shacabweynaha koonfureed? Wallee waa yaab reer puntland oo doonaya inay keligood nooladan soomaalida kale aan waxba u kordhin axdiga ku meel gaarka ah, waxaa shaqo ugu danbaysay Kampala accord dalku malahayn baarlamaan iyo garsoor hadda a golihii fulinta meesha waa ka baxay waxaa amarkiisu fulayaa ninka soo noqda kan kalena sheekadiisu waa cirka u tuur shariif hadduu goboladiisa dhisto waa ku saxan yahay , haddey reer koonfur iyo bartamuhu doortaan cabdi welina haka dhigo siduu jecel yahay.

  7. Aw Malaaq says:

    Tuulooyinka uu Faroole gobollo iyo degmoopyin u yaqaan iyo Soomaaliland oo iyana tuulooyin gobollo iyo degmooyin ka dhigatey ma ka hadashid.

    Ma kuwaasuu ka liitaa, waaba madaxweynihii Jamhuuriyadda oo idile maxaad ugu diideysan inuu shaqadiisa qabsado.

    Cabdiweli gaas xukuumaddiisa wey dhacdey, oo waa musharrax madaxweyne oo keliya.

    Laba canlaynta iyo laba garab ku daaqa, wax walba Puntland ayaa hogaamisa, cid kaloo caqli lihi ma jidho, cad weyn noo soo goo ,waa wasaayadii Faroole oo isagu jahwareer siyaasadeed ku ridaya macallinkan miskiinka oo aan siyaasad waxba ka aqoon oo ay labada shariif meesha keeneen

    Koonfur Sh. Shariif xukuma , isagayna taladeedu ka go’daa intey doorashada ka dhacayso.
    Degmooyin fara badan baa miiska u saaran madaxweynaha sida Biyooley, Ceel garas, Moorrigaabey iwm

    Soomaaliya 8 Gobol oo keliyay ahayd dawladdii milleteriga ka hor, maanta bal adigu soo tora koobo igu soo warceli

  8. sayid says:

    asc horta marka hore way cadahaya waxa shariif umagacaabayo gobolo iyo degmoyin gobolada qeybtood oo aan xitaa labo uqeybsamin, sida hiran oo kale, marka ujeedadiisana inaytahay halagu doorto weeyaan, muxuu hada ugu soo beegayaaah. war qabyaalada iska daaya shariif in uusan wadai aheyn waa la,ogyahay oo uu kursi ku ordayo,

  9. Mustafa Ceerigabo says:

    The prime minister should support his President that elected him 1 year ago. Nabsi ayaa ku dhiic doona Prime minister Dr Abdiwali.

    President Sheikh Sharif Ahmed is popular in south Somalia and have done a lot for Mogadishu in 3 year period. Who are Dr Abdiwali to try to condemn and take over President post, he choose you to head the government in justice and comparative way through the President in his palace Villa Somalia.

    Most Somalis are very disappoint with you Dr ABDIWALI MOHAMMED ALI YOUR POLITICS.

    Result will be most likely because of you and Faroole — wont have prime minister are high ministry post in the new elected government in Mogadishu in Sep 2012.

    Dr Abdiwali Mohammed Ali and Faroole shame on you for creating hatred between === and the people in South Somalia.

    For every political burden that will happen to the leaders of Puntland after 2012 this two officially will take that responsibility.

    Spread dialog and understanding instead of condemning all the time President Sheikh Sharif Ahmed.

  10. jariiban says:

    to idiot Cadaado.
    bro you have to now the ELITE people of somalia are Puntland . you talking about to dismiss puntland features from mugdisho . it can be its ok . the Capital will in galcanyo. so then who will the boss. shiekh sharif is nothing ignorant person . why he is doing all this because his political back outs from Garowe I and II . and also puntland belongs to the Elite people not for every Somali that is clear. south somalia belongs all Somalis. take you time watch ur move. after this. i am the boss and the next president is Dr.Gaas no more ala sheikh idiots

  11. mokhtar says:

    waxaa ugu muhiimsan in la sameeyo cidkala saarta madaxda dawladda markay is qabtaan oo cidda kala saaraysaa waa inay tahay cid ka wada awood wayn dhamaantood.
    waayo haddii kale maalin walba kuma jiri karno hebel baa sharciga ku taagan iyo hebel baa jebinaaya

  12. Cabbire Fegradaha says:

    Cadaado,

    Waad khariban tahay. 20 sano ayaad Xamar hor taagan tahay oo qabiil ku hortaagan tahay, haddii la yiraahdo hallaga tashado Xamar-na waxay kuula muuqataa in ISIR nacayb la wado. Haddii dalka lagula wadaagana waxaad ku hadleysaa, xagee laguu raacaa. Dhegahaaga iyo afkaagu taariikhda ma maqlaan, mana akhriyaan. Haddii saaka reer Puntland kaa tashadaan, afkaad qaylo ku shuban oo belaa dhacday ayaad hadal ka bilaabin. Haddaan kuu imaadana kula heshiin kari maayo. Bal is qiimeeyoo xaggee wax u waddaa? anaa kuu sheegayo, ee waxaad rabtaa inaan kula shaqeeyo oo aan kuu puppet, lakiin nin sidaas noqda waa ka weynahay, weliba zdiga ayaan kaa sii weynahay, magac ahaan, aqoon ahaan, taariikh ahaan iyo dhalasho ahaanba saxiib. Marka warka beddel. sxb.

  13. A.A.Xade says:

    Waa yaabe wadar iyo waaxid yaa waalan? Wuxuu la diriray ina C/rashiid, Farmaajo haddana waa C/weli. Marka ma niraahdaa sadexdaa ninba waay qaldanaayeen, Dameero dhaamiyahan bishimaha casna wuu saxanyahay?

    Waxaa nasiibdaro kale ah, kuwii sixi lahaa ee wanaagga kula talin lahaana waa wada sida kuwa halkan wax ku qoray ee marka qaran laga hadlo lasoo ordayo deegaano aay beelo deggan yihiin ee leh igaba meeshoodu cidina lama maamusho sida kan Cadaado la baxay ee aay isaga dhex yaacday qarannimadii iyo meelaha aay beelaha deggeyihiin, sida Bari Hiiraan ama Galgaduudba. Caqliyoow ku meeyey?

    Kolleey annagu Jubbaland ayaan dhisaneeynaaye waxaa la rabaa meeshii la marin lahaa, badeecada dhacday ee East Afrika loo wado mar haddii la diiday in aay shaqeeyso qarannimadii oo isbaaro lala hortaaganyahay. Dad aanan talin jirin haddii aay taliyaan waxan oo kale ayaa dhaco. Baardheere says.

  14. KarKaar says:

    Cadaado midka wata wuu riyoonayaa wAr siyaasada Somalia puntland baa laga hagaa reer konfur nabadu iyagay dani ugu jirtaa taas ogow somali haday kala tagtana already puntland waa state marka talo iyo wada tashi aan la iWeydiin socon meyso

  15. ALI JEBIYE says:

    war dalkii aan usoodhamaaday ee ilaah igubeeray maxaa kasocda war sidan waamaxay war labdanin iyo masaskan iskuwada maran yaa ugarnaqa war ma cadow shisheeye baan usoojeedaa mise doqomo sokeeye oo wada damaaciya midba midka kale buu dibin daabyo ladamacsan yahay ilaahoow kuwan iyo alshaydaan shabaab oo caruutii iyo dhalintii cadoga naga dhicin lahayd bilaas kulaayey oo ilaahmasiibo kurid siiyey jaanis cadow oo dhan uu usooguuro somaliya carfoon gudaheeda iyo kuwan doqomada ah ee ogayn ? burburintooda iyo fawdada ay kuhayaan filasomaliya in lagudeynayo oo sidaas ay kukala faa iidayaan yaa u sheega marhore baa loodegay shax laba afleeya oo waxay fududaynayaan in ay xabaal dheer u qodaan dhamaan dalkii cudoonaa ee la oranjiray ilaah ha xafidee soomaal waxaana hubaala oo ninkaan wad dilin arki doonaa somaliya oo gashay gumaysi qasaba oo gumaysi dhaba oo midwalba oo inagamida taaban doona? ilaah baana kamagan galay sharka masiibooyinkan iswada huwan QOFKII DANIMO IYO MUWAADINIMO IYO MUSLINIMOBA KUWAYNTAHAY OO KAFOG WAXA HALKAAS DHIGAY DALKEENII MACAANAA WAA GARANAYAA MEESHA AAN WAX KA ARKAY OO WUU ILAFAHMAYAA KII RABA NIN JECLAYSI IYO QAYB JECLAYSINA WAA YEELKII ILAAH HANOOWADA SAHLO AMIIN

  16. cawaale says:

    kkkkkkkkkkk waxaa khalad ah marka horaba in ay xaafiiska sii joogaan waayo 2baduba waa musharaxiin,mandate waa dhamaaday,tan kale 2badaan nin midkoodna ma matalo shacabka soomaaliyeed waayo midkoodna lama dooraan waxay isku haytaan waa dano dhexdoodaa,

  17. khadija says:

    waa saxsan ayahay sharciyan ee ee yaan meel cidla ah laga eedeyn raisal wasaaraha asagaa sheegtey inuu yahay musharax markaas madaxweynaha inta uu ka dhacayo asagaa ahaanaya madaxweyne madax kale majirayaan barlamaankiina waa tuu horey u burburey meesh waxaa ka ariminaya waa sheekh shariif iyo agaasimayaasha guud ee shaqada sii wadaya macdamaa kala guur lagu jiro si aysan unoqon wax isku daata sidii berigii Maxamed siyaad tegey oo labaatan sanoadood saas lahaa tii iyadoo laga tusaale qaadanayo ayaa gaasimayaasha guud hoshii wasiirada loo gacan geliyey waa badbaadinn ilaa hada hadaan la isyeelyeeleyn.

  18. Xog-ogaal says:

    First and foremost, it is obvious that P. sharif has taken the wrong path of politics, whereby he is not capable of apprehending the articles of the newly passed constitution comprehensively. Yet, he was among those who endorsed it to be the foundations of the federal government. Hence, he is not aware that its execution and implentation are better than its endorsement. Secondly, it is disguisting for P. sharif to operate as the interior minster who does not follow the rules and regulations of the government strictly, it is amazzing for him to attend abroad confrences instead of foriegn minister. Thirdly, who ever backs P. Sharif for his current activities does not abide the “Rule of Law” it is the cabinet who has made the right determination by opposing those baseless decisions made by him. Finally, If P. Sharif does not change his mind today or tommorow, there is no future for him and four days later he will loose every thing except his wife or he can return to Al-shabaab and we shall catcht him later. To Cadaado Folish.

  19. libaax says:

    Nuur cadde ayaa yaqaan Pintland, kabahoodeey ka cararaan markeey maqlaan ninkaas.

  20. Ali Soomali says:

    magacaabista degmooyin siyaasadeysan waxba ma soo kordhineyso, degmooyin dhisidooda dhaqaale ayey u baahan yihiin, degmooyinkii hore ayaa bur-bursan oo u baahan dhaqaale lagu dhiso, haddii usan ujeedo siyaasadeed ka lahayn muxuu degmooyinkii hore dib ugu dhisi waayey, xamar oo caasimadii ah ma jiro iskuuladii caadiga oo ay dowladdu maamuli oo caruurta masaakiinta ah bilaash wax ugu baran jireen, waa maxay marka demooyinka uu magacaabayo haddusan dan gaar ah ka laheyn?

  21. Abdulhakim says:

    Sc.. waa yaab jahliga dhibkaas leeyahay waa from Kabiir dugsi to Vila Somaliya lool mardhow waxaa ka cabsanaa Gurigii Jawhar ku lahaa inuu yiraahddo waa gobol jawhar ka madax banaan kkkkkkkkk
    Ceeb ilaahow astur :)

  22. muna says:

    @Gabeyre xaa dhacay mahaan ma Hadhwanaag news aa u muday kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  23. caraseedo says:

    Shiikh Shariif:ma xuma in uu magacaabo,degmooyin iyo gobolo oo maaha wax lala yaabo,laakiin markii uu dhacaayay,baalamaankii oo dhan maxaa ku kalifay?? muxuu qabanaayay intii hore ee uu meesha madaxda ka ahaa??waayaabe maxaa hadda ku dhaliyay kala tuurkaan???.
    TO:LIBAAX:afkaad ku hadashay waan garanayaaye,KKKKKKKKK,laakiin ninkii tiisaba daryeelaa tu kale ku dara,marka adigu is xisaab ummad kale ha sharixine.!!!!!!!!!!.

  24. somalijecel says:

    Waxaa halkaa idinkaga somali in aanay waligeed shehiin doonin just triblism.Dawaladnimo wadaniyad diin dadnimo inta somali ma lahan mana xishodaan somali.Mid waa wax fiican reer koonfur waxaa kaliya ku fiican siyaasi reer Puntland ah oo sidoodoo kale wixii ay sameeyaan ku diida nin xishooda sida Omar abdirshaid iyo Armaajo reer muqdisho waxaa ay u arkayaan nin jilicsan ee uma arkayaan nin is celinaya ama xishooda.aan aragno somali halka ay ku dambayn doonto waxaa haray oo kaliya in aan la soo kala orodno aan Kenya ku biirno mayee itoobiya aan ku biirno illahay ayaan ka magan galaynaa taa

  25. Murqaweyne says:

    To: Cadaado

    Yes, indeed! I agreed the statement that Gaas should be sent back to his previous job “Cab Driving” but, what about so called President Sheekh ShariiK? He has to go back also, to his former Donkey-Driving Business Industry. Both these men are incapable of leading this subtly great country. So does ShariiK Sakiin who is too dumb to understand the current politics.

    It takes more knowledge, more skills, and more work to revive this doomed nation. Non of these tribal-minded, corrupted individuals have these characteristics. So, let them go and do what they are capable of. Namely, Taxis and Donkey Carts.

    I know some honest, learned, Mission-minded men who can lead Somalia and will resurrect our Gobanimo. Farmaajo is one of them. So do Badiyow and Samantar. Any of these three men can be trusted with this country and its people.

    I wish one of them (Farmaajo, Baadiyow, and Samantar) win the coming elections in this orderly manner. Let Farmaajo win first, and if it’s not successful ( God forbid ) let Baadiyow win and then Samatar.

    By the way, I am not against Driving Cabs and Donkeys. They are good Halal jobs but, I was just trying to make the point that these are the only jobs they (Gaas and Shariif) can perform since they don’t know anything about administration.

    Ws wr wb.

  26. Aabe idhaha says:

    kk kk kkk somali meesha ay mareyso hda waa meeshi 21 sano kahor ay ka soo bilaabatay kkkkkkkkk
    waa loo baahan yahay in ay sidaas noqoto. ”””’ iyo ””” isku heysta wale shariif Hassan ayaa kabaha u qaadeysaan kkkkkkkk. idinkoo kle wan aqaana kaba caseeye ayaa tihin shariif Hassan ayana u caseen doontaa kabaha kkkkkk. ;;;;;; iyo ”””’ wxy sheegan jireen in ay yihinn reer magaal kkkk lkse manta waa la idinka hystaa mxaa yalay Shariif Hassan wx uu so bartay ma jirto lkse maskax ayuu ciyaaray. waxa uu idin ku mashquliyy Dagmooyinmagacabistoda kkkkk.madxweynaha wxaa noqonaya Shariif Hassan.Raisal wasaaraha wxaa laga dhgayaa ”” ayaga ayaa xaq u leh oo wx badan ayaa dadka iska hoos mariseen kkkkkk cagaha dhulka dhiga waa idin talineynaaye lolololz

  27. Mohamed says:

    waxaa la yiri Shaahay kariso haduu moofo noqon waayo been in ay sheegayso ayaa sidaa lagu ogaadaa mar hadii aad dhahdeen C/samad Macalin Maxamuud wasiirka arrimha gudaha waa Aala Sheekh warka kalana amuu idinka beenoobaa

  28. supporter says:

    Sheik sharifta he thinks he owns somalia , idiot huun u got 3 days ship ur ass to that reer badiya ppl u belong to. abdiwali his the man viva mr gaas.

  29. mahad says:

    waxaan u magacabayo waa waxba kama jiraan cid aqoonsan iyo cid aqoonsan doonta midna ma leh wuxuuna u magacaabaya waa qabyaalad iyo isagoo dad waji kaga raadinayaa waana mid ku fashilmay siyaasadii somalia
    waqtigii shariiif sakiinta iyo kan madaxwaynaha isku sheegaya wuu dhamaaday mardhawna maxkamad baa sugaysa wadankana insha alah hogaan fiican baan u rajaynaynaa iyo in uusan ilaahay tuugaan oo kale uusan ku soo celin

  30. jabarti says:

    waxaan moodaynay in ay kaligiis talisnimo hartay markii Mohamed Siyad Barre latuuray lakiin hada waxaa muuqata in Shariif lasoo baxay waxii somali isku laysay oo dhiiga u qubtay. sharif ma aha nin sharci iyo mamul dawaladeed garanay waxaa uu kuburiyey wareegtadii Raysal wasaraha in uu Gaas musharax yahay lakiin waxaa uu iloobay in uu isaguba yahay musharax. takale maxaytahay madax wayne degmo magacaaba oo aan xuuumad lahor keenin

  31. Cadaado@hotmail.com says:

    @Murqoweyne, saaxiib, even if I agree with your die-hard support of the three men above who you think has what it takes to lift Somalie from the dumpster (that sick clanish people from pintiland threw in),
    the question one has to ask themselves is “what has Farmaajo, Baadiyow and Samatar done for Somalia in the last 10 or 20 years?. I know former prime minister Farmaajo did his best in the little time he had, but was not much. Baadiyow, I believe was in the education business in Somalia, but has not done nothing tangible. As for professor Samatar, he done nothing, zero for anyone in Somalia. Period.
    As for president Sharif, we have to look the record, and his record tells us he is capable leader, and has the patience and charisma, that many of the sick clanish people from pintiland and more generally Somalis lack.
    So, to you all parasitic pintilanders, your time is up. Go back to whereever the hell you crawled from, because, people in the South will fight, and die to maintain their piece and security, basic rights that everyone should have.

  32. cade yare says:

    dalku ma waxuu noqda boorso lagu dawarsado oo waji lagu raadsado Shiikh shariif anigu waxba ka sheegi mahayo oo waa non aan aqoon lahayn oo base ka kadhunsan marka waxaan leeyaha dadka somaliyed qof kaas iska ilaalsha mardanbe yuusan riding sire

  33. Run sheeg says:

    dadka qalfooftaa ee caqliga Doonida laga saaray Pland DKMG oon jirin bay jirtay muqdisho waraabuhu ka ciyay hanan dowladnimo ka jirtay see bay uga amar qaadataa dowladan hooga iyo haklaaga oo wax kale iska daye labada 24/7 an maqalno 2dii nin ee ugu sareeyaa isku heysta waxay xukumaan haba hadhee. experience inay udoonta Pland wey ku khasbanyihiin howlaheedana ma faragalin ka raan wayo dagmada Pland laga ansixiyaa waa dagmo qaab sharciya martay Golaha xukuumada dhan madaxweyne ilaa barlamaan ay ansixiyeen ee maha wax nin habeen bar hurda ka salalay uu ku dhawaaqo. Any qofku waa inuu comment ka dhiibta waxa mowduucu quseeyo maha inaad gidaar adan waxba ka helayn inaad ku dhawacanto maaheee ad madaxa ku qaado.

  34. JAMA says:

    the primeminister is walking in fine line and most international intellectuals see it but The president is ignorant who does not know what he is doing but pre-fare to spoil the election or to posphone.

    First., WHEN ELECTION START TO A GOVERNMENT IT AFFECTS ALL GOVERNMENT, AND NO INDIVIDUAL CAN NOMINATE ANYTHING UNTIL ELECTION IS GOING.
    2. PRESIDENT SAID “WE ACCEPT WHATEVER THE INTERIOR MINISTER INFORM US” WHAT HE DOES NOT UNDERSTAND IS THE INTREIOR MINISTER IS ONE OF THE MINISTERS OF THE PRIME MINISTER, SO COULD HE NOMINATE …….SHARIIF HAS LONG WAY TO GO, AND HOPE HE DOES NOT COME BACK

  35. Cadaado, Let me tell you this, first of all stop insulting and bad mouthing to the Prime minster, secondly the prime minster isn’t a cap driver, but he is a profesor and well educated man.. Unlikely you uneducated nomadic from cadaado, thirdly, Yes, P/minster Gaas is from Puntland, so what?, and becouse of that you are showing all this much hate and hipocrisy… You people will never succeed and becouse of that, Puntland is a place of Peace,Love and welcoming, it’s the land of freedom and hospitality, you know that alots of your people live there, work there, seek refuge and get education from there. finaly, Mogadishu isn’t your place it’s the Capital of Somalia and that means it’s the city for all Somalis. May be cadaado is your town, i wont dispute that, and lastly, you know that you can’t govern your selves and your regions, Puntland isn’t a independent country but part of somalia as a federal state so why don’t you shut up and get your house in order then talk and critize others… Yes people from puntland will hold office in mogadishu and alse where for ever!!!, that means we are doing all of your nomadics a big favor So stop being too naive and nonsence!!!!

Leave a Reply